Sacuudiga oo soo fara-gelinaya siyaasadda Soomaaliya iyo xogta qorshe socda

0
Friday January 09, 2026 - 13:48:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo soo fara-gelinaya siyaasadda Soomaaliya iyo xogta qorshe socda

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa toddobaadkan galay marxalad cusub, kaddib markii uu si dhakhso ah u kobcay, taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee gobolka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Axmed Cali ayaa haatan ku sugan magaalada Riyaad, halka Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, isna la filayo inuu halkaas gaaro saacadaha soo socda.

Labadan mas’uul ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo uu hoggaamin doono Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo booqasho rasmi ah ku tegi doona Boqortooyada Sucuudiga.

 

 

Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Riyaad, dib-u-eegista iyo dhaqan-gelinta heshiisyadii hore, iyo muujinta mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada istaraatiijiyadda hoggaamineed ee Sacuudiga ee la xiriirta Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ajandaha kulammada ay ka mid tahay in Boqortooyada Sacuudigu markii ugu horreysay si muuqata u fidiso kaalmo siyaasadeed oo ay siiso Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale miiska saaran in Riyaad ay door ka qaadato isu keenidda dhinacyada siyaasadda Soomaalida, si buuxda u taageerto Dowladda Federaalka, fasaxdo mashaariic horumarineed, isla markaana ay Soomaaliya siiso taageero diblumaasiyadeed iyo mid amni.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si cad u taageera hoggaaminta Sacuudiga ee ku wajahan xasillinta Yemen.

Toddobaadkan gudihiisa, Sucuudigu wuxuu wax ka beddelay jihada siyaasadeed ee Yemen, isagoo dalkaas ka saaray ciidamadii Imaaraadka, soo afjaray kala-qaybsanaantii, isla markaana gogol nabadeed u fidiyay dhinacyada ku dagaallamaya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado juqraafi-siyaasadeed oo la mid ah kuwa Yemen, waxaana la filayaa inay ka faa’iidaysato taageerada Sucuudiga oo door weyn ka qaatay badbaadinta Yemen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip