Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga dhexe iyo Afrika

0
Thursday October 23, 2025 - 16:00:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga dhexe iyo Afrika

    Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dubai. Shirkan waxaa isugu yimid madaxda Dekedaha, maal-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dubai. Shirkan waxaa isugu yimid madaxda Dekedaha, maal-gashadayaal iyo khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha badda. Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay AD Ports Group, Tanger Med Engineering, iyo hay'ado kale oo goboleed, waxaana lagu falanqeeyay dardargelinta mashruuca dekedda cusub ee Muqdisho, horumarinta gaadiidka xeebaha, iyo kobcinta maalgashiga adeegyada logistics-ka. Iskaashiyadan cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga iyo dhismaha Dakeda magaalada Muqdisho oo noqonaysa xarun istiraatiiji ah, iyadoo lagu bogaadiyay kaalinta dekedda Muqdisho ee qiimeynta CPPI ee Bangiga Adduunka, taas oo muujisay horumarka ay Dekeddu ku tallaabsatay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip