
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes daily newspaper 24-09-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka astaynta dowladnimada Falastiin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelina yaan Ergada Soomaaliya ee Qarama da Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caala -mi oo looga hadlayay ictiraafka dowla -dnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuq -uuqdooda taariikhiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogt ada ah ee ah garab-istaagga shacab ka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horree yay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xas illoonida iyo nabadda gobolka, xaqii jinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin.
Marwada Madaxwayanaha dalka oo kulan la yeelatay Marwada Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
Marwada Madaxwayanaha Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya Mar -wo Qamar Cali Cumar ayaa kulan mirodhal ah Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula yeelatay Mar -wada Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Marwo Filiz Aktas.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la iskula soo qaaday qodobbo ahmi yad leh oo ay ka mid yihiin, xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta arrimaha haweenka, dhallaanka, dhal linyarada iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo kobcinta xirfadaha iyo karaanka haweenka Soomaa liyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada Soomaaliya iyo Qatar
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Lab -aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jib -riil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulanka u diyaar-gar -owga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhi nacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dow ladood, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
• Iskaashiga Difaaca
• Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
• Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka
• Warbaahinta
• Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yi hiin dadaallada Xukuumadda DanQa ran ee lagu xoojinayo iskaashiga caa lamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amniga Guda ha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Be eraha iyo Amniga Cuntada, kuwa -as oo lagu xallinayo dhinacyada ka har san ka hor saxiixa rasmiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xa -san Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Madaxa Arrimaha Siyaasa dda ee Wasaaradda Arrimaha Dibad da Maraykanka, Marwo Allison Hoo -ker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Muda ne Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.
Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogtey nta iskaashiga amni iyo la-dagaal lanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabad da iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasim -aha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care International, Mr Apol -lo Gabzira.
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga maha dceliyey Hey’adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacya da caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta iyo bani’aa dannimo iyo wada shaqaynta joogtad a ah.
Dhinaca kale, Apollo Gabzira, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan ma shaariicda ay Hey’adda Care Internat -ional ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabka Soo maaliyeed, iyada oo lagu salaynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.
Guddoomiyaha maxkamadda sare oo guddoomiyey kulan ku saabsan xaaladda xabsiyada dalka
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa shalay guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu soo bandhi gay warbixinta xaaladda xabsiyada dalka.
Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan madaxda hay’adaha cad aaladda iyo garsoorka, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Cadaaladda, Xe er-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Tali ye ku-xigeenka Booliska, Maxkama dda Ciidamada Qalabka Sida, Maxka madda Gobolka Banaadir, iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Guddiga Kormeerka iyo Qiimeynta Xaaladaha Xabsiyada ayaa soo ban dhigay warbixin ku saabsan caqabad aha jira iyo xalalka lagama maarmaa nka u ah hagaajinta xaaladda xabsiy ada.
Gebagebadii kulanka, madaxda hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda ayaa soo jeediyay talooyin iyo tallaa booyin degdeg ah, iyadoo lagu ball amay in si dhaqso leh wax looga qab to arrimaha xabsiyada dalka. Kulank u wuxuu kusoo dhamaaday iyadoo la isku raacay in la hirgeliyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo xaaladda xabsiyada, si loo xaqiijiyo cadaalad waarta loona ilaaliyo xuqu uqda maxaabiista.
Wasiirka arrimaha dibadda oo New York kula kulmay dhigiisa dalka Baxrayn
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa shalay oo Talaado ah kula kulmay magaa lada New York dhiggiisa dalka Baxr ayn mudane Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quru umaha ka dhexeysa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexee ya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkee yay muhiimadda ay leedahay dardar gelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloo nida gobolka.
Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu ham balyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qa ramada Midoobay ee muddo xileed ka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.
Shir u dhexeeya wasaaradda duulista hawada iyo Bankiga adduunka oo Nairobi lagu soo gabangabeeyey
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaa lada Nairobi ku soo xiray shir-hawl eed ballaaran oo muddo toddobaad ah socday, kaasi oo ay yeesheen kooxo farsamo oo ka kala socday Wa -saaradda Gaadiidka iyo Duulista Ha -wada Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.
Shirkan oo furmay 15-kii bishan ayaa si qoto dheer looga dooday sidii loo horumarin lahaa, loona adkayn lahaa garoomada diyaaradaha dalka iyo kaabayaasha kale ee aasaasiga u ah maamulka duulista rayidka Soomaal iyeed.
Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qorshayaal muhiim ah oo wax badan ka beddeli doona adeegyada duulista dalka, waxaana ka mid ah:
•In la hirgeliyo qalab casri ah oo suu rtagelinaya in garoomada dalka ay shaqeeyaan habeen iyo maalin.
•In wax laga qabto garoomada yaryar, si ay diyaaradaha waaweyn uga degi karaan.
•In la xoojiyo dhammaan kaabayaa sha la xiriira duulista rayidka, si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa rajaynaysa in dadaall adan socda ay gacan ka geysan doo naan horumar muuqda oo laga gaaro waaxda duulista hawada, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalka.
Dhanka kale, Bankiga Adduunka ayaa caddeeyay inuu ka go’an yahay sii wadidda taageerada uu siiyo Soo maaliya, gaar ahaan dhinacyada hor umarinta kaabayaasha, duulista iyo gaadiidka.
Soomaaliya iyo Seerbiya oo kala saxiixday heshiis iskaashi diblomaasiyadeed
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Is -kaashiga Caalamiga, Mudane Cabdi salaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mare ykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Muda ne Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.
Labada wasiir waxa ay kala saxii xdeen heshiis is-afgarad oo ka dhe xeeya Machadka Daraasaadka Diblo maasiyadda ee Wasaaradda Arrima ha Dibadda iyo Iskaashiga Caalam iga ah ee Soomaaliya iyo Akadee miyadda Diblomaasiyadda ee Wasaa radda Arrimaha Dibadda Jamhuuri yadda Serbia.
Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qota ma tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.
Soomaaliya iyo Serbia ayaa waxaa ka shexeeya heshiis difaac, iyadoo ay xukuumadda Belgrade ciidamada Soomaaliya siiso tababarro.
Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa ku lan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibad da ee dowladda Aljeeriya Marwo Salma Bakhta Mansuuri.
Kulankan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta xiriirka istiraati ijiyadeed, iskaashiga dhaqaale, amni iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Sida oo kale, labada dhinac waxay kawada hadleen sida ay uga go’an tahay iskaashi wax-ku-ool ah, iyo sida Dowladda Aljeeriya ay si buuxda uga qeyb qaadan karto dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaalanka ururrada argagixisada.
Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in dhawaan loo tababari doono dib lomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladda oo dalka kusoo celisay muwaadiniin laga soo daayay xabsiyada Libya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin ah, kuwaas oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.
Diyaaradda sidday muwaadiniinta la soo celiyay ayaa Muqdisho keentay 151 qof oo dhallinyaro u badan, wa xaana si weyn garoonka Aadan Cad de ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS, mas’uuliyiin ka socota Xafiiska Ergeyga Gaarka ah Madax weynaha JFS ugu qaabbilsan soo celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta, Hay’adda Qaxootiga iyo Baracayaasha Qaranka Soomaali yeed, Ergayga Gaarka ah Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM oo dowlad da ka gacan siisay soo celinta muwa adiniintaan.
22 ka mid ah dadka shalay lagu soo celiyey dalka ayaa laga dejiyey mag aalada Hargeysa, iyadoo 151 kalena laga soo dejiyey Muqdisho.
Dhallinyaradaan oo warbaahinta la hadashay ayaa muujisay, sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo dowladda uga mahadceliyey in ay ka soo saartay xabsiyadii Libya ee dhiba atooyinka nololeed ay ku heysteen.
Wasiir Roobow oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey wefdi ka socda Dowladda Turkiga, oo uu horkacayo Safiirka Turkiga ee u joo ga Soomaaliya, Alper Aktas, iyo Uqe ybsanaha arrimaha Diinta Turkey, Cumar Faaruq Arslan.
Ujeedada booqashada wefdigan ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa la xiriirta iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya Soom aaliya iyo Turkiga, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda adeegyada maamul ee wasaaradda.
Wasiirka mudane Mukhtaar Roobow, ayaa ka mahadceliyey booqashada masuuliyiinta ka socotay Turkiga iyo sida ay garab taagan yihiin safiirka Turkiga, Alper Aktas ayaa dhankiisa sheegay in wadashaqeynta uu la leeyahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay xoojin doonto, isla markaana ka caawin doonto dha nka tababarada iyo kor u qaadista aqoonta iyo khibrada shaqaalaha.
Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Turkiga, Alper Aktas, ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
Shirka guddiga sare ee hagista mashaariicda horumarinta wadooyinka oo Dhuusamareeb ka furmay
Wasiirka hawlaha guud, dib-u-dhis ka iyo guriyeynta Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya mudane Dr. Cilmi Maxamed Nuur iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka guddiga sare ee hagista mashruuca horumarinta Waddooyin ka Soomaaliya (Project Steering Committee – PSC).
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xu bnaha guddiga hagista ee Road Infra structure Programme Somalia (RIPS OM) oo ka kooban Wasiirrada hawla ha Guud ee dowladda FS iyo Wasiira dda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo sidoo kale khubarada iyo shaqaalaha mashruuca.
Shirka oo si joogto ah loo qabto afar tii biloodba mar ayaa lagu falanqeyna yaa Waxqabadka iyo guulaha la gaa ray intii u dhaxeysay shirkan iyo kii hore Caqabadaha taagan iyo xal u helkooda , Qorshayaasha cusub ee mashruucu ku tallaabsan doono bil aha soo socda. Wuxuuna shir muhii mad gaar ah u leh horumarinta kaab ayaasha waddooyinka dalka, iyadoo lagu dardar-gelinayo hirgelinta mash aariicda waaweyn ee isku xira bulsha da, dhaqaalaha iyo maamulada dalka.
Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland oo qarax miino lagu dilay.
Alle ha u naxariistee Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ay dhigeen kooxda Daacish, kaas oo lala beegsaday gaadiid uu la socday, islamarkaana marayay deegaanka Dhasaan ee buuraleyda Calmiskaad.
Qaraxa ayaa sidoo kale sababay dhi mashada Maxamed Hiiteeye oo ka tirsanaa ciidankiisa, halka saraakiil iyo askar kalena ku dhaawacmeen.
Gen. Qalyare, oo bishii July dalka dibaddiisa uga soo laabtay safar caafimaad, waxa uu safka hore kaga jiray dagaalka adag ay ciidamada Puntland ay kula jiraan maleeshiyaad ka kooxda Daacish eek u dhuumaala ysanaya buuraleyda gobolka Bari.
Madaxda Puntland, siyaasiyiin, iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Soo maaliya Soomaaliya ayaa tacsi tiiraa nyo leh u diray qoyskiisa,ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaali -yeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa ku tilmaa may marxuumka "shahiid ku dhintay isagoo difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa, sarkaal geesi ah oo qiime weyn ku la haa halganka lagula jiro argagixisa da.”
Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa xusay in Gen. Qalyare uu ahaa halyey naf-hur iyo waddaniyad ku dhisan, oo door muuqda ka qaatay dagaalladii lagaga saaray cadawga dhulka shacabka Waqooyi Bari.
Masuuliyiin hore iyo siyaasiyiin kala duwan, oo ay ku jiraan Xasan Shire Abgaal, ayaa ku sifeeyay geerida Gen. Qalyare mid Puntland iyo Soo maaliya oo dhan ka saartay geesi qaran oo aan la ilaawi doonin.
Gen. Qalyare wuxuu qeyb weyn ku la haa dhismaha ciidanka Puntland iyo difaaca shacabka, isagoo sidoo kale hore uga soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Awdal.
Faransiiska oo si rasmi ah u aqoonsaday Falastiin.
Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoo -nsaday dowlad ay leeyihiin Falastiin, isagoo noqday dalkii ugu dambeeyay ee dhowr dal oo tallaabadan qaaday.
Isagoo ka hadlayay xarunta Qarama da Midoobay ee New York, Madaxwe yne Emmanuel Macron ayaa yiri "wa -qtigii nabadda ayaa la gaaray” wuxu -una yiri "wax qiil ah looma hayo dagaalka Qasaka socda”.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa mar tigelinaya shir hal maalin ah oo ka dhacaya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaas oo diir adda lagu saarayo qorshe xalka laba da waddan. Waddamada G7 Germ -any, Italy, iyo US ma aysan soo xaa dirin kulanka.
Belgium, Luxembourg, Malta, Ando rra iyo San Marino ayaa sidoo kale lagu wadaa inay aqoonsadaan dow lad ay leeyihiin Falastiin, ka dib mar kii UK, Canada, Australia iyo Portu -gal ay Axadii ku dhawaaqeen aqoon -si.
Cadaadis caalami ah ayaa ku soo kordhaya Israa’iil oo ku saabsan dhibaatada bini’aadantinimo ee Qasa iyo deegaameynta dadka israa’iiliyiin ta ah ee Daanta Galbeed.
Israa’iil ayaa sheegtay in aqoonsiga Xamaas uu ku abaal-marin doono weerarkii kooxda hubeysan ee Falast iiniyiinta ay 7-dii Oktoobar 2023 ku qaadeen koonfurta Israa’iil halkaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof la gu dilay laguna qafaashay 251 qof.
In ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil dishay tan iyo mark aas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Qasa. Ciidamada Israa’iil ayaa hadda qaadaya weerar dhanka dhulka ah oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Qasa oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof, wa xaana bishii hore la xaqiijiyay maca luul halkaasi ka taagan.
Xigasho:-BBC
Dembele oo ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d'Or 2025
Habeen taariikhi ah oo ka dhacday magaalada Paris, ayaa ciyaaryahan ka reer France ee Ousmane Dembe -le ku guuleystay abaalmarinta ugu qii maha badan kubadda cagta caalam ka ee Ballon d'Or 2025, taasoo uu markii ugu horreysay noloshiisa ku hantiyey.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay Aqalka Châtelet ee caanka ah, wax aana Dembele uu abaalmarinta gud doonsiiyay halyeygii xulka Brazil Ron -aldinho, isagoo la guddoonsiiyay ka dib xilli ciyaareed cajiib ah uu la qa atay kooxdiisa Paris Saint-Germain, taasoo uu kula guuleystay afar koob.
Dembele ayaa si weyn uga mahadcel iyay kooxda PSG iyo tababarihiisa Luis Enrique, oo uu ku tilmaamay "sida aabbihiisi oo kale”.
Wuxuu sheegay in uu wali la yaaban yahay sida uu ku gaaray heerkan, isagoo yiri "Mahadsanidiin, waxay ii ahayd Xilli ciyaareed layaab.”
Dembele wuxuu noqday laacibkii lixaad ee Faransiis ah ee ku guul eysta Ballon d'Or, waxaana uu dalkii sa u keenay abaalmarinta sagaalaad, iyadoo Michel Platini uu saddex jeer ku guuleystay intii u dhaxeeysay (1983–1985), halka ciyaartoyda kale ay kala yihiin Raymond Kopa oo ku guuleeystay sanadkii (1958), Jean-Pierre Papin (1991), Zinedine Zidane (1998) iyo Karim Benzema oo ku guuleeystay sanadkii (2022).
Dhanka kale, xiddiga da'da yar ee Barcelona iyo Spain, Lamine Yamal, inkastoo uusan ku guuleysan Ballon d'Or, haddana wuxuu mar kale hantiyey abaalmarinta Kopa Trophy, oo la siiyo ciyaartoyga ugu fiican adduunka ee da'diisu ka hooseyso 21 sano, Tani waxay ahayd markii labaad oo xiriir ah uu Yamal ku guuleysto abaalmarintan.
WARAYSI GAAR AH OO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA UU SIIYEY BBC: ARRIMAHA DOORASHADA - "MA DOONAYO MUDDO KORORSI"
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBCda kaga hadlay arrimo badan ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.
Qormadan ayaan ku soo qaadaneeynaa qeyb ka mid ah wareysi ga madaxweynaha oo uu marka hore kaga hadlay arrimaha doora shooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay rabaan dumuqiuraadiyad in ay ka hirgaliyaan dalka iyo in dadku ay xor u ahaadaan afkaar tooda iyo mawaaqiftooda siyaasiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sanadkii 2023 in ay iskugu yeereen shirkii ugu horeeyay oo ay iskugu keeneen siyaasiyiin ho re iyo kuwa hadda jooga, "waxa aanan shirkaasi uga hadlnay in dalka iyo jihada aan rabno aan u dhaqaajino, anaga oo samee -ynay la tashiyo ballaaran, madaxdana la tashanay".
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen culi mada iyo bulshada rayidka ah iyagoo mujtamaca oo dhan u shee gay, "jihada uu waddanku u socdo".
Maalintaas waxa aan u sheegnay waxa ka mid ahayd "Dastuurka in dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah in la gaarsiinayo" iyadoo doorashadii dadbaneyd laga bax ayo ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud .
Madaxweynaha ayaa sheegay in farsamo ahaan howshaas la qa bto ay waqti soo jiitantay, duruufo farsamo aawgeed "Hadda eyey qabsoontay".
Madaxweynaha oo ka hadlayey qaabka Dastuurka dib eegis loo gu sameeynayo waxa uu shegay, in Dastuurka qudhiisa uu qora yo qaabka dib eegis loogu sameeynayo " anagu waxa aan aamin sanahy in aan si adag u raacnay sida dastuurka dib eegis loogu sameeynayo" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shee -kh oo intaas ku daray in ay sameeyeen guddigii madaxa banaan aa, qawaaniintii ay ku shaqeeynayeen "dadkii ayaa loo soo xulay, kuwaas oo baarlamaanka la hor geeyay, qof qofna ay ugu code eyaeen oo kalsoonidii la siiyay, kadibna waxa ay bilaabeen shaqo".
Yaa xaq u leh in ay ka wadahadlaan arrimaha siyaasadda dalka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dastuurka ay ku qoran tahay " Arrimaha siyaasadda waxa ka wada hadlaya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhe xe" isagoo intaas ku daray in wixii ay ku soo heshiiyeen ay Baarla -maanka keenayaan.
Madaxweynuhu waxa u sheegay in tallaabooyinkaasi kor ku xu san Dastuurka uu ogolaanayo, isagoo sheegay in afkaartii ay kus -oo heshiiyeen wax badan laga beddelay.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qoddabadii ay Baarlamaanku ansaxiyeen ay "walaalaha qaarkood sheegeen in ra'yi ka duwan ay qabaan dabadeedna ay ogolaadeen in ay dib ula fariistaan".
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladda dhexe iyo dow lad goboleedyada wixii ay ku soo heshiiyeen qaar badan oo ka mid ah uu Baarlamaanku beddelay, Baarlamaankuna uu xaq u lee yahay in uu bedello, iyaguna aanay taasi kala dooddin oo aanay dhihin maxaa u bedesheen.
"Dastuurku Kitaab Quraan ah ma aha" ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas kudaray in hadda ay dib u fureen wadahadal, waxa aan u bandhignay qodobadii aan sameeynay, iyo mowqifka dowladda, waxaanan ku niri maxaa qabtiin?
Dood badan ka dib waxa u sheegay in qoddobada qaar ay soo bandhigeen in wax laga beddello, qoddobadiina ay aqbaleen, "wix -ii kalena aan ka wada hadalno ayaan niri".
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in iyaga dhexdooda - mucaa radkii ay is qabsadeen, intii aqabshay ay dhaheen dowladdu tana asul ayeey sameeysay, intaas aan Dastuurka ku darno inta kale na aan ka wadahadalno.
Madaxweynaha waxa uu ku eedeeyay Siyaasiyiinta qaar ee Mad asha in ay diideen in guddi farsamo oo labada dhinac ah la samee yo, si looga dooddo wixii laga heshiin karo, "wixii laga heshiin waa yana fadhigaan weyn ha loo celiyo anagaa haddana ka shiree ynee".
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Saaxiibadiisa siyaasadeed oo uu dabcan ula jeeday Siyaasiyiinat mucaardka ah ee madasha Samatibixinta qaarkood in ay diideen "waxa ay ugu danbeyntii soo istaageen sidiisa ha loo dhaafo dastuurkii 2012".
Madaxweynuhu wax uu sheegay in ay taas macnaheedu tahay yaan dib-u-eegis Dastuur la sameeynin " aniga iyo rag badan oo mucaardka oo hadda banaanka jooga Baarlamaanka ayaan soo hor istaagnay oo aan dhahnay haddii la i doorto Dastuurkaan dh ameystirayaa" Xasan Sheekh ayaa sidaasi ku doodday wareysiga BBCda uu siiyay isagoo intaasi kudaray in sidoo kale ay xilligaasi Baarlamaanka ka hor sheegeen "haddii la i doorto dalka doorasho qof iyo cod ah ayaan gaarsiinayaa"
Dadka kasoo hor jeeda wax ka bedelka Dsatuurka sida mucaar adka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in wax ka beddelka Dastuurka aan loo marin habkii saxda ahaa. Laakin Madaxweynaha ayaa qaba in ay iyagu aaminsan yihiin in100% loo maray habkii saxda ahaa.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la yiraahdo habkii saxda ahaa looma marin in ay tahay Kalmad aan caddeyn isagoo intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in lagala dooddo oo la yiraa qoddo bkan sax ma aha, kana sax ma aha, ra'yigaan ayaan ka qabnaa "saan ma haboona ee aan saan ayaa haboon"ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaasi ku daray in diidmo kaliya aanay anfaceyn. "waxa aan rabnaa in ra'yigeena ra'yi la soo dhinac dhigo".
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay seddex qoddob ay ra'yi ahaan soo bandhigeen sedexdii qoddobna ay aqbaleen oo ay ku dareen welina uu furan yahay albaabka wadahadalka.
Mar wax laga weeydiiyay waxyaabaha kale ee siyaasiyiinta mu caaradku kaga soo horjeedaan isaga in ay tahay guddiga door ashada iyo waqtiga doorashada iyagoo ku doodaya in waqtiga dhiman dartii aanay suurta gal ahayn in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto ayaa wuxuu kaga jawaabay taas in guddi doorasho sida loo sameeynayo ay ku taal Dastuurka dalka, iyaguna ay weli ku doodayaan in ay raaceen sharcigii doorashada " Ma qabno in qof shaqsi ah oo siyaasi ah in uu awood diidmo (Veto power) leeyahay isagoo weliba shaqsi ah oo aan hay'ad ahayn".
Mar uu ka hadlayey waqtiga dooarshada waxa uu sheegay in guddi madaxbanaan uu jiro kaas oo awood u leh in ay dejiyaan waqtiga, haddii waqtigu yaraadana, iyagaa awood u hel in ay sheegaan in waqtigu ku yar yahay ee ay yiraahdaan 'ha naloo kordhiyo', "iyaga awood u leh Dowladdu awood uma laha in ay jadwalka doorashada sameeyaan".
Maadxweynaha ayaa sheegay in aanu dooneynin muddo korosi, ee uu ogol yahay waxa uu sharcigu ogol yahay.
Mar la weeydiiyay in qorshihiisa ay ay ka soo horjeedaan maa mulada Jubaland iyo Puntland iyo bal in uu wax xiriir ah la samee yay waxa uu kaga jawaabay Xasan Sheekh in mar walba "aan Soomaali nahay oo xiriirku aanu 100% kala go'in wuu daahi karaa heerkii la rabayna ma gaarsiisnaan karo, laakin xiriir mar walba waa jiraa dalkaan waa hal dal" ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in dowladdani ay tahay hal dowlad, dhexdeeda wixii ka jira oo kala duwanaasha ahna ay tahay in kala duwanaashahaas la aqbalo waxaanan rajeynayaa in mar dhaw ay natiijo iman doonto" ayuu yiri.XIGASHO:BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes daily newspaper 24-09-25
.