
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-09-25
Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday in dib loo dhigo Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga codsaday hoggaanka Baarlamaanka in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka oo markii hore lagu waday inuu furmo shalay oo Sabti ah, sida uu horey u shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in furitaanka kalfadhigaas la qorsheeyay in dib loo dhigay ilaa 29-ka Sebtembar, taasoo ku began bartamaha todobadka soo socda.
Sida ku cad Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka ah ayaa leh masuuliyadda furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ku saabsan waxqabadka dowlada intii lagu jiray fasaxa Barlamanka.
Dib-u-dhaca kalfadhiga wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Tani waxay muujinaysaa in dowladda hadda jirta ay wajaheyso caqabado siyaasadeed oo soo food saaray, iyadoo kalfadhiga soo socda uu noqon doono mid xasaasi ah oo laga filayo dooddo adag iyo miisaamid siyaasadeed oo heer sare ah.
Go’aanka lagu dib dhigay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ayaa u muuqda mid la xiriira duruufaha siyaasadeed ee haatan taagan, iyo baahida loo qabo wadatashi dheeri ah oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Baarlamaanka.
Wasiir Cali Balcad oo la kulmay Senator Ted Cruz oo u ololeeya aqoonsiga Somaliland
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad), ayaa la kulmay Senatorka Maraykanka Ted Cruz oo kamid ah dadka u ololeeya aqoonsiga maamulka Somaliland.
Wasiir Balcad ayaa uga mahadceliyay Cruz kulanka, isagoo adkeeyay kaalinta Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Geeska Afrika.
Wuxuu sheegay in taageerada joogtada ah ee Mareykanka ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab isla markaana lagu sugo marin-biyoodka ganacsiga ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
"Aan xoojino iskaashigeenna si Soomaaliya u noqoto mid xasilloon oo barwaaqo ah,” ayuu yiri wasiirka Balcad. Wuxuuna ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in arrinta aqoonsiga Somaliland laga hadlay kulanka.
Cruz dhawaan ayaa ku booriyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay doorashooyinkeeda nabadeed iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland.
Wuxuu ku dooday in Somaliland ay noqon karto xulafo amni oo Mareykanka ah haddii ay martigeliso saldhig ciidan oo Maraykan ah meel u dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab.
Cruz wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Shiinaha inuu taageerayo Muqdisho si uu u wiiqo himilooyinka Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay mamnuucistii Soomaaliya ee ku saabsan socdaalayaasha wata baasaboorrada Taiwan.
Mareykanka wuxuu taageeraa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo la jaanqaadaya Midowga Afrika, mana aqoonsana Somaliland si rasmi ah inkasta oo uu kula shaqeeyo arrimaha amniga gobolka.
Kulanku wuxuu muujinayaa in Cruz uu u furanyahay wadahadal lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, xilli uu weli ku guda jiro ololihiisa Washington uu ku taageerayo madaxbannaanida Somaliland.
Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa Axadda, 21-ka September 2025, la ciyaari doonta kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan, kulan ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, saacadda 4:00 galabnimo.
Ka hor safarka, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur "Ameeriko”, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda, Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay si sharaf leh ugu matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya, isagoo xusay in guusha ay gaaraan ay astaan u noqon doonto sumcadda iyo magaca qaranka.
"Kooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga go’an inaan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Ameeriko, oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Danjiraha ayaa xusuusiyay waayo-aragnimadiisii hore ee Nairobi, xilli xulka qaranka Soomaaliya uu halkaas ciyaaro ku lahaa, isagoo tilmaamay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay u buux dhaafiyeen garoomada, Wuxuu xusay in xataa wargeysyada Kenya ay markaas qoreen in taageerayaashu garoonka ka dhigeen "sida Muqdisho oo kale.”
Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ku Dartay Liiska Wadamada laga Mamnuucay Fiisaha Gelitaanka sanadka 2026
Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa shaacisay liis cusub oo ah wadamada laga mamnuucay in muwaadiniintooda la siiyo fiisooyinka gelitaanka Imaaraadka laga bilaabo sanadka 2026, Go’aankan ayaa lagu faahfaahiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraadka, waxaana lagu sheegay in liiska lagu daray Soomaaliya.
Sidoo kale, wadamada kale ee go’aankan saameeyay waxaa ka mid ah, Afghanistan, Libya, Yemen, Lebanon, Bangladesh, Cameroon, Sudan, iyo Uganda, Inkasta oo dowladda Imaaraadka aysan si rasmi ah u caddeyn sababaha ka dambeeya go’aankan, hadana warbixinno soo baxaya ayaa tilmaamaya in go’aanka uu la xiriiro walaac dhanka ammaanka ah iyo xaaladaha degganaansho-darro ee ka taagan qaar ka mid ah wadamada la mamnuucay.
Go’aanka lagu daray Soomaaliya ayaa si gaar ah u taagan, maadaama uu jiro xiriir ballaaran oo laba geesood ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaas oo ku saleysan iskaashi dhinacyada ganacsiga, ammaanka, iyo siyaasadda.
Lama oga illaa hadda sida uu go’aankan cusub u saameyn doono xiriirkaas, balse khubaro siyaasadeed ayaa sheegay in uu noqon karo caqabad ku timaada is-dhexgalka labada dal, gaar ahaan dhinacyada socdaalka, ganacsiga, iyo maalgashiga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Muqdisho ay mowqif cad ka soo saarto maalmaha soo socda, maadaama xayiraaddan fiiso ay yeelan karto saameyn ballaaran oo ku saabsan socdaalka dadka Soomaaliyeed ee ugu socdaala shaqo, caafimaad, ama ganacsi.
Saraakiil Booliis oo tababar muhiim ah loo xiray
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Dalacaad loo sameeyey usoo xiray Tababar aqoon kororsi oo la xiriira Shuruucda iyo Nidaamka maamulka.
Xarunta Akadeemiyadda Ciidanka Booliiska ayaa laga dhaqangeliyey isbadal lagu sameeyey dhinaca Waxbarista Ciidanka oo hadda ay Saraakiishani bar bilow u noqdeen, in Saraakiisha dalacda lagu siiyo Tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo si looga dhabeeyo wax ka badalka lagu sameeyo Hab dhaqanka iyo Aqoonta Ciidanka Boliiska.
Soomaaliya oo ku eedeysay Golaha Ammaanka inuu ku guul darreystay ilaalinta xuquuqda dadka Gaza
Soomaaliya ayaa ku eedeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ku guul darreystay dhaqangalka qaraar loogu talagalay ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee dadka Gaza.
Sida uu sheegay wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya QM, Abuukar Cusmaan Baalle, xaaladda Gaza ayaa ah mid sii xumaanaysa iyadoo dagaalka Israa’iil uu si xawli ah u fidayo, taasoo sababay gaajo, masiibo bini’aadantinimo, iyo dhibaato joogto ah oo saameysa rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Wakiilka Soomaaliya ee UN-ka ayaa tilmaamay in uu dhaqan gali waayay qaraar ku baaqayey joojinta dagaalka, sii deynta dhamaan maxabiista, fududeynta gaarsiinta gargaar bini’aadantinimo, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
"Soomaaliya waxay mar kale muujisay taageerada ay u hayso dadka Falastiin iyo xaqooda sharciyeed ee is-maamul, iyado ku baqday dhamadka qabsashada dhulka Falastiin, joojinta dagaalka joogtada ah, sii deynta dhammaan dadka si aan sharci ahayn loo xidhay, iyo dib u bilaabista hab siyaasadeed oo la isku halleyn karo oo ay wataan beesha caalamka,” ayu yiri Abuukar Baalle.
Wakiilka Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada Qatar, Masar, iyo Maraykanka ee nabad ilaalinta, isagoo rajeynaya in shir ku saabsan xalka laba-dawladda ah oo ka dhacaya Golaha Guud ee QM usbuuca soo socda uu horseedo nabad waarta iyo caddaalad dhabta ah.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay raadinta nabad waarta oo waafaqsan qiyamka dastuurka Qaramada Midoobay, si loo soo afjaro qabsashada muddo dheer socotay ee dhulka Falastiin.
Israel oo jiif iyo joog u diidan Falastiiniyiinta weli ku sugan Magaalada Gaza
Militariga Israel ayaa sii wada cadaadiska ay Falastiiniyiinta reer Gaza ku saarayaan in ay isaga baxaan Magaalada Gaza ee Marinka Gaza.
Falastiiniyiinta degan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa dhowrkii cisho ee u dambeysay si xoog leh uga qaxayay guryahooda, ka gadaal markii Israel ay Talaadadii ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka dhulka ee lagu qabsanayo magaaladaasi, isla-markaana ay ciidamadeedu kordhiyeen duqaymaha lagu burburinayo magaaladan.
Taliska Militariga Israel ayaa shalay dadka ku harsan magaalada ku booriyay inay taggaan dhinaca koonfureed ee Marinka Gaza.
Ka hor duulaankan in ka badan hal milyan oo qof ayaa ku noollaa magaaladaasi, kuwaas oo illaa iyo hadda boqolaal kun oo ka mid ah lagu khasbay in ay ka cararaan. Qoysaska ayaana la sheegaya in iyagoo argagaxsan ay isku dayayaan in ay ka baxsadaan duqaymaha indha la’aanta ah ee Israel.
Hay’ada Qaramada Midobey U Qabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Israel ku eedeysay in ay waddo duqaymo ay magaaladan kaga sifeynayso shacabka Falastiin, marka aad eegto in ay si ula kac ahi ugu diidan tahay jiif iyo joogba.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in qiyaastii 450,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada waqooyi ee Gaza, tan iyo markii Israel ay bartamihii bishii August bilowday duqaynta cirka ee loogu gogol xaarayay hawlgalka dhulka.
Madaxa Hay’adda Caafimadka Aduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa mar kale waxa uu Israel ku eedeeyay in ay dadka isugu wada gayneyso dhul aad u ciriiri ah, isla-markaana aan ku habbooneyn in lagu noolaado.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabaya in ay burburinayaan Magaalada Gaza, isagoona shacabka diidan in la barakaciyo ugu yeeray in ay raacaan awaamiirta militariga, waana xilli dadkaasi ay ka dhaadhacsan tahay in aysan ku badbaadi doonin dhulka xadidan ee loo tilmaamayo in ay aadaan.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in duqaymaha aan taxadarka lahayn ee Israel ay si ba’an ugu burburineyso guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in tobanaan qof oo rayid ah ay Sabtidan ku dhinteen duqaymaha xoogga badan ee ay Israel ku hayso magaaladaasi.
Telefishinka Al Jazeera ayaa dhakhaatiirka Gaza ka soo xigtay in ugu yaraan 91 qof shalay oo keliya lagu dilay Marinka Gaza, oo ay ku jiraan 76 qof oo lagu dilay Magaalada Gaza.
Israel ayaa ku fogaatay xadgudubyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, taas oo ah sababta ka horkeentay dunida, isla-markaana ay lumiso taageeradii bulshada reer galbeedka.
Maraykanka oo Puntland ku bogaadiyay la dagaallanka ISIS iyo sugidda ammaanka xeebaheeda
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Riley, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Afrika, Major General Claude Tudor, iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander, ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, si ay uga mahad celiyaan dadaallada Puntland ee la dagaallanka ISIS iyo sugidda amaanka xeebaheeda.
Saraakiisha Maraykanka ayaa ku bogaadiyay Puntland doorka hormuudka ah ee ay ka qaadato dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyagoo xusay in khataraha argagixisadu aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse sidoo kale ay khuseeyaan gobolka iyo Maraykanka.
Dhinaca kale, Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Saraakiisha Hawlgalka Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika ay kulan doceed la qaateen Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka howlgala buuraleyda Calmiskaad.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya, maalmo kaddib markii uu Maraykanku duqayn ku dilay caaqil lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cumar Cabdi, kaasoo lagu eedeeyay inuu ahaa dulaal hubka u kala gudbin jiray kooxaha argigixisada, inkastoo uusan Maraykanka caddayn buuxda bixin.
Lama oga in Puntland iyo saraakiisha Maraykanku kawada hadleen duqaynta ka dhacday gobolka Sanaag, taasoo caro ka dhalisay gobolkaas, iyagoo dadku kasoo horjeesteen duqaynta lagu dilay caaqilka.
Wararkii ugu dambeeyay duulaanka Israel ay ku hayso Magaalada Gaza
Ciidamada Israel ayaa waxay xujo ka haysataa, sidii ay ku gaari lahaayeen bartamaha Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii dhowr jeer lagu jebiyay dagaalo ka dhacay jiidda waqooyi ee magaaladaasi.
Tan iyo markii Israel ay Talaadadii ku dhawaaqday in uu bilowday wejiga xiga ee hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu qabsanayo xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza ayaa waxay ciidamadu sameeyeen dhowr isku dayo ay doonayaan inay si qoto dheer isugu soo fidiyaan gudaha magaalada, waxayse iska horimaadku ku qabsadeen xaafadaha dhaca waqooyiga iyo galbeedka ee ku dhow xadka Magaalada Gaza ay la leedahay deegaanada koonfurta Israel.
Taliska Militariga Israel ayaa taangiyo fara-badan soo geliyay xaafadda cirifka waqooyi ku taala ee Sheikh Radwan, balse ma jirto wax kaloo dhaqdhaqaaq dhulka ah oo ciidamadoodu ku lug leeyihiin oo ka jira magaaladaasi.
Toban illaa labaatan guuto oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel ayaa la aaminsan yahay in ay hadda ku sugan yihiin xaafadda Sheikh Radwan, lamana oga goorta soo socota ay dhaqaaqa kale samayn doonaan.
Diyaaraadaha dagaalka Israel ayaa weli sii wada duqaymaha baahsan ay ku garaacayaan magaaladaasi, si meesha looga saaro caqabadda ciidamada lugta ka haysata in ay isku ballaariyaan xudunta magaalada.
Warbaahinta Israel ayaa wax la yaab leh ku sheegtay, sida kooxaha iska caabinta ay uga xeeladeysanayaan duqaymaha is daba jooga ah ee lagu harqinayo magaaladan.
Saraakiisha Militariga Israel ayaa laga soo xigtay in mar kasta, oo ay xaqiiqsadaan in khatarta meesha laga saaray, isla-markaana ciidamada la soo dhaqaajiyo ay kooxaha Falastiiniyiinta ka soo baxayaan meelo aan la aqoon, taasna ay dib u dhac weyn ku keeneyso in ciidamadu horumar ka sameeyaan dagaalka dhulka.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiishu ay dersayaan, sida ay xoogaga iska caabinta uga baxsanayaan duqaymaha loo isticmaalayo gantaalada culus ee wax burburinta loo adeegsado.
Israel ayaa kol hore lagu eedeeyay in ay dagaalkeeda Gaza u adeegsaneyso gantaalada ay mamnuuca tahay in loo adeegsado dhulka cufan ee aadka loo degan yahay ee ciriiriga ah.
Iyadoo Israel marar badan lagu cambaareeyay in ay dembiyo dagaal oo argagax leh ka gaysatay Marinka Gaza, haddana 23 bilood oo dagaalkan uu socdo ayaan illaa iyo hadda xaqiijin guusha ay u baahan tahay.
Gabadha uu dhalay madaxweynaha Cameroon oo u ololeyneysa in aaabeheed aan mar kale la soo dooran
Brenda Biya oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha dalka Cameroon, Paul Biya, ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqday inaysan u codayn aabaheed doorashada dhaceysa bisha soo socota ee Oktoobar 2025.
Hadalka waxey ka sheegtay muuqaal TikTok Live ah ay ku jirtay Brenda oo caan ku ah "King Nasty. waxay ku eedeysay aabaheed in mudada 43-da sano uu wadanka maamulayay uu galiyay saboolnimo, shaqo la’aan iyo horumar la’aan ka jirta Cameroon.
Arrintan waxey noqonaysaa markii ugu horraysay taariikhda siyaasadda Afrika in ilmaha madaxweyne xil haya uu si cad uga hor yimaado xukunka waalidkiis, isla markaana uu shacabka ku dhiirrigeliyo inaanay u codeyn waalidkaasi.
Paul Biya oo 92 jir ah ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer aalamka ee xilka haya. Paul Biya waxaa kaloo dul hoganaya eedeymo ay kamid yihiin kaligii-talisnimo, musuqmaasuq iyo doorashooyin muran badan dhaliyay oo uu xukunka ku sii dheereystay.
Xiisad ka jirto Degmada Dayniile, iyadoo ay labada ciidan isku horfadhiyaan
Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay ay xaalad aad u kacsan ka jirto Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ka dib xiisad ka dhalatay hawlgal burburin ah oo Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo in halkaasi laga sameeyo, si looga raro dadka degan.
Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda uu ka jiro aagga Aargada Dayniile, isla-markaana ay tanina sii hurineyso xiisadda ka taagan degmadaasi.
Maleeshiyada deegaanka ah oo taageerayo ka helaya tobanaan ka mid ah Ciidamada Militariga ayaa qoryo la saaran dhismayaasha ku yaala goobta, iyagoona gebi ahaanba ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda ee hoggaaminaya hawlgalka burburinta.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in maleeshiyadu ay is horfadhiyaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Polizia Militare oo loo diray inay fuliyaan hawlgalkaasi.
Booliska Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Polizia Militare oo u tababaran la dagaalanka argagixisada iyo ka jawaabidda rabshadaha & dembiyada abaabulan ayaa aalaaba loo adeegsadaa inay fuliyaan hawlgalada wax burburinta ee laga wado Magaalada Muqdisho.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xaalad adag ay ka jirto Waddada Dayniile, oo ay saaran tahay meesha ay xiisaddu ka taagan tahay.
Goor sii horreysay oo shalay ah tacshiirad ka dhacday Aargada Dayniile ayay ciidamadu ku dileen mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacabayay Maxamed Cabdullaahi Xasan. Marxuumka oo nin dhallinyaro ahaa ayaa ka mid ahaa dadka diidan, sida ay ku andacoonayaan in si aan sharci ahayn looga saaro guryahooda.
Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in ay ka cabanayaan, isla-markaana ay ka soo horjeedaan dhul boob ay sheegeen inay riixeyso Dowladda Federaalka.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inaysan dhageysaneyn cabashada dadka deegaanka.
Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxda Qaranka uga digay inay iska indha tiraan dareenka kacsan ee shacabka.
"Waxaan uga digayaa madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah inaysan iska indha tirin dareenka bulshada ee cirka isku sii shareeraya, anigoo dareenkayga si gaar ah ula wadaagaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray.
Marka aad fiiriso xaaladda dhabta ah ee ka jirta goobta, Madaxda Dowladda Federaalka ayaan huri karin in si uun loo maareeyo cabashada ay dadku qabaan, haddii ay noqoto in loo maro siyaasiyiinta deegaanka ku metela Dowladda Federaalka amaba waxgaradka deegaanka.
Arrinta muranada dhulka iyo is qabqabsiga dhulka danta guud ee la doonayo in laga raro dadka rayidka ah ayaa muddooyinkanba ku soo badanayay Caasimadda Muqdisho.
Guddida A. Dibadda G. Wakiilada Maraykanka oo meel mariyay sharci ogolaanaya in Somaliland toos loola macaamilo
Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa ansixiyey xeer ballaadhan oo labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuurigu si wadajir ah uga shaqeeyeen, kaas oo dib loogu habaynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka isla markaana ogolaanaya in Maraykanku uu Somaliland toos ula macaamilo.
Sharcigan cusub waxa uu si gaar ah u xoojinayaa xidhiidhka Maraykanku la yeelanayo Somaliland. Xeerkan oo loo yaqaan Department of State Policy Provisions Act (H.R. 5300) ayaa ka mid ah sagaal sharci oo waaweyn oo dib u habayn lagu samaynayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Ujeeddadiisu waa in la casriyeeyo hawlaha diblomaasiyadeed, kor loo qaado wacyiga bulshada caalamka, isla markaana la abuuro hannaan cusub oo lagu hubiyo in siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku natiijo muuqata keento.
Sharcigan ayaa faraya in Maraykanku uu kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya marka ay noqoto isku socodka iyo safarada, in la dhiirigaliyo in dadka Maraykanku ay Somaliland u socdaalaan oo ay maalgashaadaan iyo in Maraykanku uu xafiis matalaadeed ka furto magaalada Hargaysa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah. "Waxaan soo dhoweynayaa ansixinta H.R. 5300 ee Guddida Arrimaha Dibadda Golaha Wakiillada, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Brian Mast. Sharcigan wuxuu albaabka u furaya in Maraykanku uu xafiis ka furto Hargeysa, xidhiidhka ganacsigu kobco, iyo in la garwaaqsado xasilloonida Somaliland, isagoo sidoo kale kor u qaadaya jidka aqoonsiga rasmiga ah.”
Sharcigan ayaa hadda u gudbay Golaha Wakiillada oo dhan si looga doodo looguna codeeyo. Haddii la meel mariyo, waxa uu markaasna u gudbi doonaa Aqalka Senate-ka toddobaadyada soo socda.
Somaliland ayaa dadaal ku bixisay sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd baarlamaannada Reer Galbeedka, iyada oo ku guulaysatay in ay taageerayaal ku yeelato labada aqal ee Maraykanka, golayaasha Ingiriiska iyo waddamo kale oo Finland kamid tahay, kuwaas oo si joogta uga hadla aqoonsiga Somaliland.
Hadaba, xeerkani haddii uu sida ku dhaafo golayaasha Maraykanka, waxa uu wax badan u dhimi doona awooda siyaasadii "Soomaaliya hal ah" ee uu Maraykanku muddo baddan kula dhaqmi jiray Soomaaliya, waxa uuna dib u qaabayn doona siyaasada Maraykanka ee Geeska Afrika.
Dhanka kale, waxa Golaha Wakiilada Maraykanka horyaala xeer kale oo la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland, kaasi oo si rasmi ah loogu daabacay mareegta golaha, islamarkaana la rajaynayo in dhawaan si rasmi ah looga doodo.
Dadka reer Huurshe oo gubay masaajid lala xiriiriyay fekerka Al Shabaab
Shacabka ku dhaqan deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud ayaa shalay gubay mid ka mid ah masaajidda deegaankaasi, ka dib markii uu buuq ka dhashay in uu ka horimarinayo caqiiddada dadka deegaanka.
Dadka deegaanka oo shalay isugu soo baxay afaafka hore ee Masjidul Diraar ayaa bilaabay in ay burburiyaan, ka hor inta aan dab la qabadsiinin.
Dadka reer Huurshe oo culimada deegaanka ay jiheynayaan ayaa go’aan ku gaaray in gebi ahaanba meesha laga saaro masaajidkaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in masaajidkan lala xiriiriyay rag taageersan fekerka khalafsan ee Shabaabnimada amaba ka ag-dhow, taas oo ka carreysiisay bulshada deegaanka oo u badan dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Waljameeca.
Xerta Huurshe ayaa qayb ka ahayd Maamulkii Ahlu Sunna Waljameeca ee dhowr iyo tobanka sano ka arriminayay Gobolada Dhexe ee deegaanada Galmudug.
Xertan ayaa ka qayb qaadatay dagaaladii Xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.
Deegaanka Huurshe waa goobtii bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 lagu soo dhaweeyay Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna Waljameeca, ka dib sanad iyo bar oo ay ka maqnaayeen Gobolada Dhexe.
Deegaankan ayaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan u noqday daaqad ay mar kale ka soo galaan siyaasadda dalka, ka hor inta aysan saldhig ka sameysan deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Dhuusamareeb.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-09-25
,........