halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 20-09-25

0
Saturday September 20, 2025 - 09:58:54 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 20-09-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo cadeeyay kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud, ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay guul taariikhi ah, islamarkaana xoojineysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo waraysi uu siiyey kanaalka "Al-Arabiya” ku sheegay in "Soomaaliya hore ugu fariisatay Golaha Ammaanka sanadkii 1972, waxaana tani tahay markii labaad ee la doorto xubinta aan joogtada ahayn,” isagoo tilmaamay in dalki "ka qayb qaato doodo badan oo Golaha ah, isaga oo matalaya Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in "Soomaaliya ay si cad ugu taagan tahay arrimaha Falastiin,” isagoo xusay in dalka "mas’uul ka yahay difaaca arrimaha dunida Islaamka iyo wakiil ka noqoshada dalalka nugul ee la kulma caqabado amni oo la mid ah kuwa aanu la kulannay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in "Soomaaliya ay tahay dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse ka tirsan dalalka dhexdhexaadka ah, mana taageerto koox ka dhan ah mid kale,” isagoo carabka ku adkeeyey in joogitaankeeda Golaha Ammaanka uu yahay "si loo adeeggo danaha dadka aanu matalno.”

Madaxweyne Xasan Sheikh: 10 Milyan oo qof ayaa haysta baasaboorka Soomaaliya, waala saxayaa siday ku heleen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliya ay haystaan in ka badan 10 milyan oo qof, kuwaas oo aan la ogayn qaabkii ay u heleen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda ay saxeyso habka baasaboorrada lagu bixiyo. Wuxuu amar ku bixiyay in kaarka aqoonsiga qaranka (NIRA ID) lagu xiro dhammaan adeegyada dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, halkii laga isticmaali lahaa baasaboorka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa digniin adag u diray hay’ad kasta oo diida fulinta nidaamka aqoonsiga qaranka, isagoo sheegay in qof kasta oo ka horyimaada hirgelintiisa loo aqoonsan doono "dambiile qaran.”

"Hay’ad dowladeed ama ganacsi, qofkii fududeeya in aanu dhaqan-galin kaarka aqoonsiga qaranka, ha ogaado waa dambiile qaran. Argagixisada ayuu waddo u fududeeyay, tuugada ayuu waddo u fududeeyay, ajaanib sharcidarro ku jooga dalka ayuu u sahlay joogitaankooda,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in mustaqbalka qof aan wadan kaarka aqoonsiga uu waayi doono xuquuqdiisa muwaadinnimo, isla markaana adeeg kasta oo dadweyne lagu heli doono aqoonsiga qaranka.

Tan iyo markii adeeggan la hirgeliyay, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay qiyaastii nus milyan qof, hase yeeshee madaxweynuhu wuxuu xusay in la rabo in ugu yaraan 20 milyan oo Soomaali ah ay qaataan.

Dhanka kale, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli diidan hirgelinta aqoonsiga NIRA.

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo kulan la qaatay dhigiisa Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dallka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo difaaca, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay xoreeyeen dhul badan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan ee ay Soomaaliya ku socoto, isaga oo ku tilmaamay "tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Muungaab oo ka dhawaajiyay mashaariic cusub oo laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo uu hoggaaminaayey ayaa ka qeybgalay kulan wacyigelin ah oo lagu qabtay Degmada Kaxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo la hadlay maamulka Degmadaasi, odayaal iyo waxgarad kale oo ka tirsan ururada bulshada ayaa ka warbixiyay waxqabadka maamulka gobolka iyo dadaalada uu ka wado casimada e dhinaca sameynta mashariic hormarined oo lagu wanajiyo kaabaya-asha lagama maarmanka u ah bulshada.

Guddoomiye Muungaab ayaa si gaar ah u ballanqaaday in Degmada Kaxda ay heli doonto maalgalin ku aadan wax ka qabashada kaabayaasha ay kamid yihiin hagaajinta waddooyinka iyo dismaha xarumo daryeel.

Guddoomiyaha Degmada Kax-Sheekh C/Risaaq Maxamed Shekha oo isna ka hadlay kulankaasi wacyigalinta ah ayaa ka mahadceliyay waxqabadka gobolka, gaar ahaan qorshaha horumarineed ee ay doonayaan in ay ka sameeyaan qaar kamid ah degmoyinka ku yalla casimada dalka oo ay ku jirto Kax-Sheekh.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay Gobolka Minnesota

Wasiir Ku-xigenka Wasarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa safar shaqo ku gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Wafdiga waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliyed e ku nool dalkaas Marekanka.

Wasiir Al Cadaala ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Miami ee gobolka Florida, halkaas oo uu wafdigiisu kaga qaybgalayo Shirwenaha Sanadlaha ah ee dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiiska, waana shir caalami ah oo ay isugu yimaadan madax iyo khubaro ka kala socda dalal badan.

Wasiirku waxa uu Jaaliyadda Somaliyed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo karaamada ay u muujiyeen, Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu la qaadan dono kulamo Jaliyada isago uga warbixin doona xaalada guud ee dalka, hormarka Dowlada Somalia ka gartay arimo badan o ay ka mid yihin amniga, dhaqalaha, siyaasadda iyo bulshada iyo sido kale kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta looga baahan yahay taageerada dalka hooyo.

Soomaaliya oo door muhiim ah ka qaadatay doorashadda hoggaanka ururka Boosatadda aduunka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip