
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA 17 SEPTEMPER 2025
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal -iya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jaw aabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda DanQaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa soo bandhi gay guulaha waaweyn ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ee dhinacya da amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeeg yada bulshada, xiriirka caalamiga ah, doorashooyinka, xiriirka dowlad-gobo -leedyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo dadweynaha ugu jawaabayay si toos ah ayaa shee gay in muddada u hartay ay xaqiijin doonaan guulo ballaaran oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.
Raysal wasaare Xamse oo ka jawaabay cabasho Shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen adeegyada Garoonka Aadan Cadde
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bar -re ayaa shalay kormeer ku tagay qeybaha kala duwan ee garoonka di -yaaradaha Aadan Cadde ee magaala -da Muqdisho.
Raysal wasaare Xamse ayaa shee gay in kormeerkiisa uu la xariiro ka jawaabista dareen ka yimid shacabka Soomaaliyeed oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muq -disho.
"Waxaan ku imid anigu dareen shacab oo ka soo calaacalay meeshan inaan soo fiiriyo waxay shacabku sheegay een iyo wax ka sii liito ayaana ka muuq -da meshan Maareeyaha iyo Wasiirka sabab ay kusii joogaan meeshan ga ran maayo hadiiba dadku sidan ku sha qeynayaan" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Xamse Cabdi Barre ayaa faray Was -aaradda Duulista Hawada iyo maamu lka garoonka iney isbadal dhab ah la yimaadaan oo sida dadka Soomaal iyeed yaqaanaan wax loogu sameeyo.
"Ma ahan halkan Istanbuul waa in dhaqanka dad Soomaaliyeed leeyihiin loo sameeyo Musqulaha garoonka, ma ahan in dadku ku dhibtoodaan waa in waxay yaqaanaan loo sameeyo oo la badala dhamaan musqulaha garoon ka" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Raysal wasaaraha ayaa xusay in todo baad kadib uu soo kormeeri doono wa xa iska badalaya adeegyada garoonka Aadan Cadde oo ay kasoo cawdeen dadka Soomaaliyeed.
Talaabadaan uu shalay qaaday Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo shacabka Soomaali yeed ee ku safra garoonka diyaarada ha ee Muqdisho ay cabasho ka muuj iyeen Nadaafadda iyo caqabadaha ka jira garoonka Aadan Cadde.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Frances -ca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhe xeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada horumarinta arrimaha siyaasadda, shuruucda, dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Guddoomiyaha, oo si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha, ayaa ka warbi xiyay howlaha shaqo ee horyaalla Aqal ka Sare iyo shuruucda muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad-wanaag ga, iyadoo si gaar ah loogu tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah.
Danjire Di Mauro, oo uga mahadce lisay Guddoomiyaha soo dhaweyntiisa diirran, ayaa bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya.
Waxay sidoo kale xaqiijisay in Midow -ga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaa lka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageer ada siyaasadeed iyo farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dow -lad-dhiska.
Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shalay kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ku tagay xarunta dhexe ee hey’adda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa waxaa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Amni ga iyo Maamulka hay’adda kuwaasi oo sharaxay adeegyada socdaalka, bixin ta baasaboorrada, adeegga E-Visa ee dhowaan la soo kordhiyey iyo horumar inta nidaamyada casriga ah ee lagu maamulo xogta muwaadiniinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiy ay maamulka iyo shaqaalaha dadaalka joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in hay’addani leedahay ahmiyad gaar ah, maadaama ay tahay iridda laga soo galo loogana baxo dalkeenna, isla markaana ka tarjumaysa sumcadda iyo haybadda Qaranka.
"Shaqo weyn iyo masuuliyad culus ayaad dalka u haysaan, dhaqaalaha, amniga, fududeynta socdaalka iyo ilaa linta xuduudaha, dhammaantood waa howlaha aad masuulka ka tihiin. Wa xaana la idinkaga fadhiyaa inaad bul shada ugu adeegtaan si hufan oo daah furan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
"Xasan Sheekh wuxuu xilka ka degayaa isagoo ka mid noqday Maalqabeenada ugu hantida badan Soomaaliya”CCW
Xildhibaan Abdirahman Cabdishakur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu shalay daabacay ku sheegay in hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhisan tahay dan shakhsi iyo iibinta hantida Qaran ka, isla markaana uu ka xooleystay hantida dadweynaha, isagoo ka mid noqday maalqabeenada ugu waaweyn Soomaaliya.
Xildhibaan Warsame wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku mashquulay dano shakhsi, taasoo ka fogayd ujeedadii loo doortay iyo ballanqaadyadiisii.
"Sanadkii ugu horeeyay xilkiisa labaad, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan qaaday in la dagaalami doono Al-Shabaab, musuqmaasuqa laga ciribtiri doono, iyo in awoodda dowladda la xoojin doono.
Laakiin ballanqaadyadan lama fulin, waxaana muuqday in maamulka uu ku mashquulay dano shakhsi, iibinta hantida Qaranka iyo ku takrifalka awoodda”, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.
"Waa wax lala yaabo in Hogaamiyihii ballanqaaday inuu la dagaalami doono Musuqmaasuqa uu hadda u xilka ka tegayo isagoo ka mida Maalqabee nada ugu hantida badan Soomaaliya” ayuu ku dooday Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku eedeeyay Madaxwey ne Xasan Sheekh inuu xilalka ku bixiyo eex, qabiil, inay isaga daacad loo noq do, isla markaana soo xusodadka ugu aqoonta iyo kartida liita.
"Masuuliyiinta aan kartida lahayn ayaa la magacaabaa si ay go’aan kasta ugu soo laabtaan Madaxweynaha, taasoo keentay in dhammaan awoodda dowla dda ay ku ururto hal xafiis, halka sha qooyinka muhiimka ah ay noqdeen kuwo ku tiirsan rabitaanka shakhsi” ayuu qoraalkiisa ku yiri.
Xildhibaan CC Warsame ayaa fashilka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowl adiisa ku soo koobay:
Balanqaadyadii fashilmay ee Madax wene Xasan Sheekh sida Dagaalka Al-Shabaab ee istaagay, musuq-maasu qa oo kasii daray; fulin la’aanta shaqo abuurka iyo kalsoonidii oo burburtay.
Wuxuu sheegay in dadka Soomaal iyeed mudan yihiin dowlad karti leh, islamarkaana ku dhisan mas’uuliyiin khibrad xirfad leh oo shaqadooda ka adag, una shaqeeya muwaadiniinta.
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mu dane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduu qa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka, kaas oo lagu taageeri doono wacyigelin, jawaab degdeg ah iyo soo kabasho.
Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay kulan istiraatiiji ah oo lagu soo bandhigay qor she fulineedka horumarinta awoodda iyo abaabulka khayraadka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda isk aashiga hay’adaha iyo ujeeddada ugu weyn ee adeeg hufan oo loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed.
Sanduuqa cusub ayaa loogu talaga lay in lagu xoojiyo awoodda dalka ee la xiriirta ka jawaabidda musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, lana hub iyo in khayraadka iyo adeegyada muhii mka ah si hufan loogu adeegsado, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaa diyo waxyeello kasta oo ka dhalan karta musiibooyinka mustaqbalka.
Ciidanka XDS oo miino baaris ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaannada Lambar Konton iyo Muuri
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa inta u dhaxeysa deegaanada Lambar Konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha hoose ka soo saaray miino ay Khawaarijtu u diyaariyeen inay ku xasuuqaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas.
Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoo ga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa xaqiijiyay in iyada oo aan wax dhibaato ah ay gaarin ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartaas ay Khawaarijta dhiig-miiratada ah ugu talagaleen inay ku gumaadaan shacabkeenna, kadib howlgal miino-baaris ah oo ay fuliyeen.
Waddada ay miinadaas ku fashiliyeen geesiyaasha qarankeenna ee Xoogga Dalka ayaa waxaa inta badan isticmaala gaadiidka isaga kala goosha gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho.
Haweeney $1.2 Milyan u Ururisay Al-Shabaab oo Lagu Xukumay 15 Sano oo Xabsi ah
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku riday dembiile Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, oo hore Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus, taas oo la xiriirta ka mid ahaanshaha Ururka Agagixisada Al-Shabaab, maalgelinta falal argagixiso iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.
Baaritaanada iyo Caddeymaha uu Xafiisku horgeeyay Maxkamadda ayaa muu-jiyey in Nadiifo ay akoonkeeda marsiisay lacag gaaraysa $1,237,010 (Hal Milyan, Labo Boqol Soddon iyo Todoba Kun iyo Toban Doolar), Lacag taas oo loo adeegsaday Maalgalin Argagaxiso, Lacag Dhaqid iyo Fulinta howlaha Argagaxisada.
lyadoo la raacayo caddeymahaas, Maxkamaddu waxay ku xukuntay, 15 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo dhan $20,000, In la baabi'iyo akoonk eeda laguna wareejiyo Dowladda wixii hanti ah ee akoonkeeda ku jira.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qara nka ayaa caddeeyay in ay ka go'an tahay la-dagaallanka maalgelinta arga gixisada iyo dhaqidda lacagta sharci darrada ah.
Waxaa mar kale lagu wargelinay dha mmaan cid kasta oo ku hawlan fala lkan khatarta ah, in sharciga hortiisa la keeni doono si cadaaladda loo waa fajiyo.
Hay’adda NIRA oo ku baaqday in la qaato Kaarka aqoonsiga
Madaxda Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA) ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaran ka.
Baaqa ayaa yimid iyadoo shalay duni da laga xusayo Maalinta Aqoonsiga Adduunka, taas oo fursad u ah kor u qaadista wacyiga ku saabsan muhiima dda kaarka aqoonsiga.
NIRA waxay shacabka Soomaaliyeed ku boorrisay inay is-diiwaangeliyaan, isla markaana ka faa’iideystaan is-diiwaangelinta lacag la’aanta ah ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo socon doonta muddo kooban.
Hay’addu waxay xustay in kaarka aqoonsiga qaranku yahay mid muhiim u ah helitaanka adeegyada dowladda, iyo horumarinta nidaamka maamulka dalka.
Sidoo kale, NIRA waxay ku adkaysay bulshada in is-diiwaangelintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadin kasta, isla markaana lagu fududeynayo helitaanka adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay danjiraha Shiinaha
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shalay kulan miro dhal ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa lagu lafa guray mash aariicda dowladda Shiinaha la waddo SoDMA sida, horumarka laga sameeyay dayactirka bakhaarka dhexe ee SoDMA, si kor loogu qaado diyaar garowga & iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, Horumarka laga sameeyay qorshaha dhismaha Xarunta Hawlgallada Degdegga ah ee magaalada Laascaanood, oo noqon doonta xarun muhiim u ah isku-duwidda maareynta musiibooyinka
Sidoo kale labada dhinac ayaa kawada hadlay Adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo door muuqda ka qaadanaya dhisidda adkaysiga iyo xoojinta awoodaha dowladda.
Israa'iil waxay xasuuq ka geysatay Qasa: Qaramada Midoobay
. Baarayaal ka tirsan Qaramada Midoo -bay ayaa sheegay in Israa'iil ay geysa tay xasuuq ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Gaza. Navi Pillay, oo hoggaamineysay guddiga baarita anka, ayaa shir jaraa’id ku qabatay magaalada Geneva, waxa ay sheegtay in hoggaamiyeyaasha Israa'iil ay mud do ku dhow laba sano wadeen olole xasuuq ah.
Waxay sheegtay in si cad loo fahmi karo in ujeeddadu tahay baabi’inta Falastiiniyiinta Qasa. Ms. Pillay waxay uga digtay dowladaha shisheeye in ku guuldareysiga joojinta xasuuqa uu la mid yahay ka qeybqaadasho.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa si buuxda u diidday warbixinta, iyadoo ku tilshalayy mid ku saleysan "beeno ay faafiyeen Xamaas".
Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar
Shir madaxeed degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dowladaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu qabtay 15-kii Sebtembar 2025 magaalada Doha ee caasimadda Qatar, kaas oo diiradda lagu saaray weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.
War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa si xooggan loogu cambaa reeyay falka Israa’iil, iyadoo lagu til maamay xadgudub cad oo ka dhan ah nabadda iyo amniga caalamka. Hogga amiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa muujiyay mowqif mideysan oo taageero buuxda u ah dowladda iyo shacabka Qatar, iyagoo ballanqaaday in la difaaco madax-bannaanida iyo amniga dalalka xubnaha ka ah.
Shir-madaxeedka ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in bulshada caalamka iyo Qaramada Midoobay ay tallaabo cad ka qaadaan xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil, kuwaas oo lagu sheegay inay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka iyo nidaamka cadaaladda caalamiga ah.
Madaxda Carabta iyo Islaamka ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee Qatar, iyagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada difaaca iyo ilaalinta karaamada dalalka Carabta iyo Muslimiinta, gaar ahaan taageerada qaddiyadda Falastiin.
Shirku wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay doorka ay dalalka sida Aljeeriya, Soomaaliya iyo Pakistan ka qaadanayaan difaaca qadiyadda Falastiin iyo ka hortagga gardarrada Israa|l ee Qaaa iyo gobolka.
Waxaa la xoojiyay taageerada Jordan ee ilaalinta goobaha barakaysan ee Qudus iyo sidoo kale kaalinta Morocco ee guddiga Qudus.
Maxkamad ku taalla Kenya oo soo saartay warran qabasho ah oo ka dhana muwaadin u dhashay Ingriiska oo eedeyn loo haysto
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa soo saartay warran qabasho oo ka dhan ah muwaadin British ah oo loo tuhunsan yahay inuu dilay gabar 21 jir ahayd in ka badan toban sano ka hor.
Agnes Wanjiru ayaa lagu dilay hoteel ku yaalla magaalada Nanyuki, iyadoo maydkeeda laga helay meel bulaacad ah.
Waxaa la rumeysan yahay in Wanjiru ay habeenkaas ay waqti la qaadaynaysay ciidamo British ah oo halkaas ku sugnaa.
Garsoore Alexander Muteti ayaa sheegay in dacwad-oogayaashu ay soo bandhigeen caddeymo ku filan oo sabab u noqon kara in la horkeeno eedeysanaha si maxkamad loogu saaro gudaha Kenya.
Qareenka qoyska Agnes Wanjiru, Kamau Mbiu, ayaa u sheegay BBC-da in go’aankan uu fure u yahay bilaabashada geeddi-socodka lagu doonayo in eedeysanaha looga soo dhiibo UK si loo horgeeyo maxkamadda Kenya.
Dowladda Jarmalka oo Shaacisay in ay Aqbashay Habraaca Dal-ku-galka Somaliland
Dowladda Federaalka ee Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in muwaadinii nteedu marka ay u safraan Somaliland ay raacaan nidaamka fiisaha ee ay Somaliland isticmaasho oo dal-ku-galka lagu qaato madaarradeeda.
Qoraal ay baahisay Hay'adda Socdaa lka ee Jarmalka, ayaa lagu sheegay in marka ay noqoto arrimaha socdaalka dadka Soomaaliya u safraya looga baahanyahay dal ku galka danabaysan ee ay dowlada Soomaaliya soo rogtay, lakiin Somaliland dal-ku-gal gaar ah ay leedahay, isla markaana lagu amrayo muwaadiniinta Jarmalku in ay raacaan nidaamka Somaliland marka ay Somaliland u safrayaan.
"Somaliland oo ah waddan halgan ugu jira madaxbannaanidiisa, dal ku galka waxa lagu qaadanaya marka qofku uu yimaado madaarrada Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Hargaysa, qofka raba in uu 30 cisho joogo waxa laga raba in codsi uu u dirsado, si uu u caddeeyo u jeedada safarkiisa, codsi la'aan waxa laga yaaba in dal ku galka la siin waayo, lacagta fiisaha waxa qaadanaysa Somaliland oo dollar ayaa lagu bixinaya" ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay dowladda Jarmalka.
Somaliland ayaa bixisa fiisooyin lagu qaato marka la yimaaddo madaarradeeda, kuwaas oo qofka u saamaxaya inuu joogo muddo 30 maalmood ah iyo kolba intii uu soo qorto ee uu rabo. Si kastaba ha ahaatee, inta badan waxa qofka ajinabiga ah looga baahan yahay martiqaad rasmi ah oo caddaynaya ujeeddada socdaalkiisa.
Somaliland ayaa dhawaan si adag uga soo horjeedsatay nidaamka fiisaha danabaysan ee ay soo rogtay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyada oo sheegtay in amarka Soomaaliya aanu khusaynin Somaliland, isla markaana qof kasta oo sita fiisaha Soomaaliya aanu kasoo dagi karin madaarradee da.Jarmalka ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyay ee si cad u aqbala nidaamka fiisaha Somaliland.
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Isniintii ka jawaabayay su'aallo ay dadwaynuhu waydiinayeen, ayaa sheegay in Puntland oo hore u diiday fiisaha danabysan ee Soomaaliya ay ku qasbantahay in ay aqbasho, lakiin Somaliland uu kiiskeeduyahay mid gaar ah.
"Somaliland kiiskeedu waa gaar oo anaga ayaa ka wadahadli doono lakiin Puntland xaqiiqda ayay iman doonta" ayuu yidhi Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Waxa uu sheegay in nidaamka fiisaha danabaysan looga gol leeyahay in dowlada Soomaaliya ay xoojiso maamulka xiduudaha dalka oo dhan, isla markaana ay ka war hayso dadka so galaya iyo dadka ka baxaya.
Xigasho: Hiiraan online
Rag xukun lagu riday kadib markii lagu helay in ay sixir ku dili rabeen madaxweyne Afrikaan ah
Maxkamad ku taalla dalka Zambia ayaa laba nin ku xukuntay min laba sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambi ah isku day dil iyaga oo isticmaalaya sixir, kaas oo ay ku doonayeen in ay ku dilaan Madaxweyne Hakainde Hichilema.
Zambian Leonard Phiri iyo Mozambi -qan Jasten Mabulesse Candunde ayaa lagu helay dambi ah in ay ku xadgudb een sharciga ka dib markii la xiray bishii December iyaga oo gacanta kula jiray waxyaabo ay doonayeen in ay ku sixraan madaxweynaha dalkaas.
"Waxaan qabaa in eedeysanayaasha aysan ahayn oo kaliya cadowga madaxa dowladda laakiin ay sidoo kale ahaayeen cadowga dhammaan Zambiyanka," ayuu yiri garsoore Fine Mayambu oo xukanka riday.
Dacwaddan ayaa si dhow loola socday gudaha dalka Zambia, maadaama ay aheyd markii ugu horreysay oo qof maxkamad lasoo taago isaga oo lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu sixir ku dilo madaxweyne..
Dalka Malawi oo doorasho looga dareeray
Dadka reer Malawi ayaa u dareeray doorashooyinka madaxweynenimada iyo tan baarlamaanka, kaddib shan sano oo qalalaase ah oo ay xaaladda dhaqaale kasii dartay waddanka ku yaalla koonfurta Afrika.
Madaxweynaha xilka haya, Lazarus Chakwera, ayaa doonaya inuu mar labaad xafiiska kusoo laabto, iyadoo nin la tartamaya ee ugu weyn uu yahay Peter Mutharika, oo ah siyaasi da’ ah oo horay xukunka u soo qabtay.
Magaalooyinka gudaha, ololaha doorashada waxaa qariyay shidaal yari baahsan, taasoo sababtay safaf dhaadheer oo lagu jiro kaalimaha shidaalka. Sicir-bararka iyo nolosha oo qaali noqotay ayaa sidoo kale ka mid ah arrimaha ay dadweynuhu aadka uga walaacsan yihiin.
Doorasho labaad ayaa la qaban doonaa haddii musharaxna uusan helin in ka badan 50% codadka la dhiibtay doorashada Talaadada.
Dhalinyaro lagu amary in ay bixiyaan boqollaal kun oo doollar kadib markii digsi maraq ah ay ku kaadiyeen
Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu amray in ay bixiyaan 309,000; oo dool -lar kadib markii ay ka kaadiyeen digsi maraq ah maqaaxi ku taal Shiinaha.
Falkani wuxuu ka dhacay bishii Febraa -yo magaalada Shanghai oo ay ku taallo shirkadda cunto karinta ee weyn ee Haidilao, waxaana dhaleeceyn baahsan ay ka dhalatay tallaabadaan kadib markii labada wiil oo 17-jirro ah ay muuqaalkan baraha bulshada ku faafiyeen.
Ma jirin wax caddayn ah oo muujinaya in qof uu cabbay maraqii wasakheys naa, balse maqaaxida Haidilao ayaa bixisay magdhow kumannaan qof oo halkaas ku casheeyay maalmo kadib dhacdada.
Bishii Maarso, Haidilao waxay sheeg tay in khasaaraha kasoo gaaray arrint aas uu gaaray in ka badan 23 milyan taasoo ay la mid tahay lacagtii ay si magdhow ah ugu bixisay macaamii sheeda.
Afar dal oo Soomaaliya ku jirto oo ay ka sii dhamaanayaan raashinka la siiyo carruurta nafaqo darradu hayso
Ugu yaraan afar waddan oo Afrikaan ah ayaa waxaa ka dhammaan doona cunno naf-badbaadin ah oo gaar ah oo loogu talagalay carruurta ay hayso na faqo-xumada ba'an saddexda bilood ee soo socda sababo la xiriira yaraanta ka dhalatay dhimista gargaarka, sida ay dhawaan sheegtay hay'adda Save the Children.
Sahayda ayaa aad hoos ugu sii dhacaysay Nayjeeriya, Kenya, Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed tasoo ah buskutka tamarta sare leh, lowska nafaqaysan ee ridqan ee loo yaqaano Plumpy'Nut iyo cunnada kale ee loo yaqaan (RUTF) oo ah cunno diyaarsan oo isla markiiba la cuni karo, kooxda gargaarka fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sidaas sheegtay.
"Xilligan ay gaajada adduunka ka jirta cirka isku shareerayso, dhaqaaliha badbaadin kara nolosha carruurta waa la gooyay sababtoo ah gargaarkii dhawaan la jaray," Yvonne Arunga, oo ah agaasimaha goboleedka hay'addaas samafalka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa sidaa tiri.
Save the Children kuma aysan magac dhabin deeq-bixiyeyaal gaar ah ama dhimista maalgelinta bayaankeeda. Xilligan uu madaxweyne Donald Trump xafiiska hayo, Maraykanku wuxuu yareeyay gargaarka bini'aadanimo sanadkan, quwadaha kale ee reer galbeedkana waxay sidoo kale jareen maalgelinta taas oo qayb ka ah dhimista muddada dheer.
Trump ayaa sheegay in dhimista gargaarka bini'aadantinimo loo baahan yahay si loo hubiyo in deeqaha ay la jaan qaadaan ajandihiisa "America First" iyo in dalalka kale ay qaadaan culeyska badan.
Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee afartan dal ee Afrikaanka ah ayaa u jeestay daawaynta uu waxtarkeedu yar yahay ee carruurta ay hayso nafaqo-xumada, sida ay sheegtay Save the Children.
Kenya oo lagu qiyaasay 2.8 milyan oo qof inay haysato hubaal la'aan xagga cuntada ah oo aad u ba'an intii lagu jiray xilli roobaadka Maarso-Maajo ee sanadkan, ayaa kaydkeeda la filayaa inuu dhammaan doono bisha Oktoobar, ayay raacisay.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saadka RUTF ee dalalka Nayjeeriya, Soomaaliya iyo South Sudan uu ku dhammaan doono saddex bilood guda hood.
Saraakiisha dowladda ee afarta dal si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo su'aalo lagu weydiiyey.
Caalamka marka la eego guud ahaan, waxaa la filayaa la filayaa in la yareeyo cunnooyinka nafaqada leh ee ay isticmaalaan 15.6 milyan oo qof oo ku kala nool 18 waddan, oo ay ku jiraan 2.3 milyan oo carruur ay hayso nafaqo-xumo ba'an, ayay tiri Save the Children.
Jaridda dhaqaalaha ee maamulka Trump ayaa ka tagay 60,000 ilaa 66,000 metrik ton oo cunto ah, oo ay ku jiraan 1,100 tan oo ah buskud la xoojiyay, oo ku xayiran bakhaarro muddo bilooyion ah horraantii sanadkan sida ay tabisay wakaaladda Reuters bishii May.
Save the children wyaa sheegatay in Nayjeeriya ay aad ugu baahan tahay 629,000 sanduuq oo ah cunnada la siiyo carruurta aadka u liita.
Dhinaca Soomaaliya waxay hay'addu sheegtay in kala bar carruurta da'doodu ka hoosayso 5ta sano, ama 1.8 malyan ay macaluul khatar ugu jiraan.
Xukuumadda Maraykanka ayaa goor dambe waxay ogolaatay in 600 oo tan oo Buskut ah ay ku wareejiso barnaamijka qaramada midoobay u qaabilsan cunnaada adduunka ee WFP, laakinse waxay sheegeen inay tahay in la burburiyo ku dhawaad 500 oo tan oo ay sheegeen inay dheceen bishii Luulyo.
Goor sii horreysay ayaa waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku dhawaaqday inay bixin doonto raashinka loo yaqaanno RUTF ee diyaarka ah si loo siiyo in ka badan 800,000 oo ah carruur ay haysato nafaqo darro aad u ba'an, kuwaasoo ku kala nool 13 dal oo ay ku jiraan Naayjeeriya, Suudaan, Kenya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee Koongo.
Israa'iil oo bilowday weerarrada ay ku qabsanayso Qasa
Milatariga Israa’iil ayaa bilaabay weerar dhulka ah Isniintii si ay u qabsadaan Magaalada Qasa, sida ay warisay Axios oo soo xigatay saraakiil Israa’iili ah.
Milatariga Israa’iil wax jawaab ah kama bixin codsi loo diray oo ku saabsan in ay faallo ka bixiyaan arrintan la soo wariyay, taasoo ku soo beegantay toddobaadyo weerarro culus ah oo Israa’iil ku haysay magaalada.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bishii hore amar ku siiyay ciidamada inay qabsadaan Magaalada Qasa, taas oo uu ku tilmaamay xarun weyn oo ay ka taliyaan kooxda Xamaas ee weerarka lama filaanka ah ku qaaday Israa’iil bishii Oktoobar 2023-kii.
Tan iyo markaas, ciidamada Israa’iil waxay go’doomiyeen Marinka Qasa, taasoo sababtay masiibo bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin burbur baahsan, barakac ballaaran, iyo biyo iyo cunto yari daran.
Ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday duleedka Magaalada Qasa, iyagoo ku sii siqaya bartamaha magaalada, halkaas oo in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah ay bishii hore u qaxeen si ay uga nabad galaan dagaalka.
"Qasa waa gubaneysaa,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz farriin uu ku qoray bartiisa X.
"IDF (ciidamada Israa’iil) waxay si adag u garaacayaan kaabeyaasha argagixisada, askarta IDF-na si geesinimo leh ayay ula dagaallamayaan si loo abuuro xaalado lagu sii daayo la haystayaasha lana ciribtiro Xamaas.” Ayuu hadalkiisa ku daray.
Ninka ku eedeysan dilkii Charlie Kirk oo FBI-du caddeymo hor-leh ka keentay
Caddeymo laga helay maro lagu duu bay qoriga looga shakisan yahay in lagu dilay Charlie Kirk iyo DNA-da eedaysan aha gacanta lagu hayo ayaa isku mid noqday, sida uu sheegay agaasimaha FBI-da Mareykanka.
Tyler Robinson, oo 22 jir ah, ayaa la xiray ka dib dhimashadii Kirk ee ka dhacday xaflad ka dhaceysay Jaamacadda Utah Valley Arbacadii. Qori nooca bolt-action ah ayaa laga helay meel u dhow goobta iyadoo saqafka sare ee dhisme ku yaalla aaggaasi laga soo riday rasaasta ku dhacday ninka geeriyooday.
"Waxaan shalay sheegi karaa in Caddeymaha ku yaalla maro lagu duubay qoriga iyo DNA-da eedaysanaha gacanta lagu hayo ay isku mid yihiin," ayuu yiri Kash Patel isagoo la hadlayay wrabahainta.
Agaasimaha FBI-da - oo la filayo in su'aalo lagu weydiiyo dhageysi ka dhacaya Aqalka Wakiillada Talaadada shalay ah - ayaa sidoo kale xusay warqad laga helay guriga eedaysanaha, taasoo ku baaqeysay in "meesha laga saaro la dilo" Kirk.
"Waxaana ku qoran... 'Waxaan haystaa fursad aan ku baabi'iyo Charlie Kirk', waxaanan ka faa'iideysan doonaa fursaddaas. Hadalkaas waxaa la qoray ka hor inta aan Kirk la toogan," ayuu yiri Patel.
Wuxuu intaa ku daray, "inkastoo ay burbursan tahay, waxaan helnay caddeymo ku saabsan warqadda"
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA 17 SEPTEMPER 2025
.