
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-09-25
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qabilay Safiirka Ururka Jamacada Carabta u fadhiya Somalia Mudane, Cabdalla Cuteybi, iyada oo kulanka looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wada-shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Danjiraha Jaamacada Carabta Mudane Cabdalla Cuteybi, ayaa xusay in ay sii xoojin doonan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka, isaga oo xusay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jamacada Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur (Madobe), ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa, Justin Davis, iyo Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Matthew Younger. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Somalia iyo Mareykanka.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta shaqada Golaha, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogadiyay taagerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Shirka Wadatashiga Garsoorka ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo laga daah furay Muqdisho
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa shalay Muqdisho ka daah-furay Shirka Wadatashiga Garsorka ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda uu xeerkan u leeyahay dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in uu qeyb ka yahay dib-u-casriyaynta Garsoorka Somaliyed, oo muddo dheer lagu soo shaqeynayay.
Dhankisa Gudomiyaha Maxkamada Rafcaanka, Siciid Cali Gureey, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu wadatashigan u leeyahay dalka, iyo sida uu gacan uga geysanayo horumarinta nidaamka cadaaladda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirka, isagoo tilmaamay in xeerkan uusan oo keliya khuseyn garsoorka, balse uu faa’iido ballaaran u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah.
Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah
Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka, isla markaana hanatay guulo isdaba joog ah, ayaa shalay soo gaartay magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxa kusoo dhoweyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in guusha Ramla Cali ay tahay mid Soomaaliya u soo hoysay sharaf weyn.
Wasiir Khadiija ayaa tiri: "Ramla Cali waxay adduunka ku matashay calankeenna Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay inaan shalay dalkeeda hooyo kusoo dhaweyno.
Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan oo soo dhaweynta qeyb ka ahaa ayaa yiri "Feeryahanad Ramlo Cali waxay muujisay inay gabdhaha Somaliyed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.”
Dhankeeda, Ramla Cali oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahadcelisay shacabka Somaliyed iyo dhammaan intii soo dhoweynta u sameysay, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in guushaas ay la wadaagto ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Shirkan, oo furmi doona shalay oo Axadda, ayaa gogol-xaarka u ah shir-madaxeedka degdegga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka, kaas oo diiradda lagu saari doono duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha dalka Qatar.
Wasiirrada ka qeybgalaya kulanka ayaa ka doodi doona saameynta siyaasadeed iyo amni ee xiisadda gobolka, waxayna diyaarin doonaan war-murtiyeed mideysan oo loo gudbin doono shir-madaxeedka si loo meel mariyo.
Shir-madaxeedka degdegga ah, oo lagu wado inuu qabsoomo Isniinta, ayaa isu keeni doona madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka, si ay ugu muujiyaan midnimo, isbahaysi iyo garab istaag shacabka iyo dowladda Qatar, loona wajaho caqabadaha ka dhashay weerarradaasi.
Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) waxaa uu ogeysiinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir in dib loo furay Xarumaha Diwaangelinta Dadweynaha ee Degmooyinka hoos ku xusan.
1. Degmada Warta-Nabadda
2. Degmada Howl-Wadaag
3. Degmada Hodan
4. Degmada Wadajir
5. Degmada Dharkeynley
6. Degmada Waabari
7. Degmada Kaxda
GMDQ&S waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan Muwaadiniinta aan horey isku diiwaangelinin iyo taageerayaasha xubnaha Ururrada Siyaasadeed ee dhawaan shahaadada qaatay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan, kuna dhiirigeliyaan bulshada iyo taageeradooda inay ka faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah ee dib-u-furista diiwaangelinta.
Maxaabiis nolol looga qabtay Al-shabaab iyo hub badan oo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa galinkii dambe ee Daraad kusoo bandhigay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud hub iyo maxaabiis nolol looga qabtay kooxda Al-shabaab dagaalkii ka dhacay degmadaas Jimcihii lasoo dhaafay.
Maxaabiista nolosha lagu qabtay oo ahaa laba nin ayaa warbaahinta kasoo muuqday iyagoo garbo duub u xiran, waxana saraakiisha ciidamadu balan qaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono inta looga wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Goobta lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa ku sugnaa Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale.
Saraakiisha ayaa sidoo kale isla goobta abaalmarin lacageed ku guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagey gaarigii kooxdu kasoo buuxisay walxaha qarxa oo ay ku doonayeen iney ku qabsadaan degmada Ceeldheer.
Ugu dambeyntii weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Jimcihii degmada Ceeldheer ayaa la sheegay inuu ahaa weerarkii ugu weynaa oo ay kooxdu ku qaado degmadaas tan iyo markii la xureeyay Ceeldheer sanadkii 2022-kii.
Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Raaskambooni
Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay dhul howd ah oo hoos yimaada deegaanka Raaskamboni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh, ayaa ka dhacay dhowr tuulo oo ka tirsan Raaskambooni. Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamadu waxay heleen daawooyin iyo agab kale oo la rumeysan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland, ujeedka ugu weyn ee howlgalka wuxuu ahaa in la hortago weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaalla Raaskambooni.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si firfircoon uga waday howlgallo amni xaqiijin ah gobollo kala duwan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo, iyaga oo beegsanaya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.
Hoggaanka ciidamada ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo horudhac u ah qorshayaal waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana ay ka tarjumayaan go’aanka Jubbaland ee ah in la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadgelyo shacabka.
Mareykanka oo ka hadlay saameynta xiriirkooda Israel kadib weerarkii dalka Qatar
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu si weyn uga xumaaday weerarkii dhawaan ka dhacay dalka Qatar.
Rubio ayaa tilmaamay in falkaasi uu abuurey walaac siyaasadeed iyo mid amni oo ku saabsan gobolka Khaliijka.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Mareykanka iyo Israel uusan waxba iska beddelin, islamarkaana uu weli yahay mid adag oo ku dhisan iskaashi amni iyo mid istiraatiiji ah.
Rubio wuxuu xusay in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu sii wado wada shaqeynta dhow ee Israel, xilli gobolka uu wajahayo xiisado iyo dagaallo sii xoogeysanaya.
Maxkamad u hiillisay Aishwarya Rai kadib dacwad ay u gudbisay
Maxkamadda Sare ee Delhi ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda shakhsiyadeed ee aktaradda Bollywood-ka ee Aishwarya Rai Bachchan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in adeegsiga aqoonsiga qof kasta oo caan ah (magac, sawir, cod, iwm.) fasax la’aan ay dhaawici karto danaha dhaqaale iyo sumcadda qofka caanka ah.
Maxkamadda Sare ayaa si ku meel gaar ah u xukuntay labada nin ee Aishwarya iyo jilaaga Abhishek Bachchan kiis gaar ah, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda shakhsiyadeed.
Sida ku cad amarkan, maxkamadda sare waxay ka mamnuucday hay'ado dhowr ah inay si khaldan u isticmaalaan magacyadooda, sawirradooda, iyo codkooda.
Garsoore Tejas Kariya ayaa mar uu soo saaray amar ku meel gaar ah kiiskii Aishwarya Rai 9-kii Sebtembar, wuxuu sheegay in marka aqoonsiga qof caan ah la isticmaalo fasax la’aan, qofkaasi ay soo gaari karto khasaare maaliyadeed.
Kiiskan ayaa la xiriira dacwad ay gudbisay Aishwarya Rai Bachchan, taas oo ay ku doonaysay in laga mamnuuco in si khaldan loo isticmaalo dhinacyo badan oo shakhsiyaddeeda ah.
Sida laga soo xigtay iyada, shabakado badan oo internet-ka ah ma isticmaalaan oo keliya magaceeda, sawirkeeda, codkeeda, laakiin sidoo kale waxyaabo been abuur ah iyada oo si khaldan loo adeegsanayo.
Aishwarya waxa ay sheegtay in arrimahani aanay kaliya saamaynayn qiimaheeda iyo dakhligeeda, balse ay si xun u saameeyaan muuqaalkeeda iyo sumcaddeeda.
Feeryahan hore oo caan ahaa oo meydkiisa la helay
Xiddiggii feryahanka hore ahaa Ricky Hatton ayaa geeriyooday isagoo 46 jir ah.
Booliiska ayaa sheegay in ninkan isagoo meyd ah shalay laga helay gurigiisa ku yaalla Hyde oo ka tirsan Tameside, Greater Manchester, UK.
Geeridiisa ma dhalin wax shaki ah. Hatton ayaa xaagagan ku dhawaaqay inuu soo laabanayo, isagoo tartan feer la geli lahaa ninka u dhashay Imaaraatka ee Eisa Al Dah kaasoo loo ballansanaa 2-dii December.
Hatton, oo ku guuleystay 45 ka mid ah 48 tartan oo uu galay muddadii 15-ka sano ahayd ee xirfaddan uu ku jiray, ayaa markii ugu dambeysay ee uu tartamo ay ahayd 2012, markaas oo tartanka uu kaga raayay ninka Ukraine u dhashay Vyacheslav Senchenko.
Intii xirfaddiisan uu ku jiray, Hatton wuxuu ku guuleystay billado caalami ah.
Rubio oo Netanyahu kala hadlaya weerarkii Qadar
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku sugan Israa’iil, isagoo goor hore oo shalay ah gaaray si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Kulankaan ayaa la filayaa in uu dhaco xili xiisadda ay ku baahday guud ahaan Bariga Dhexe gaar ahaan ka dib markii Israa'iil ay weerar ku qaadday kooxda Xamaas ee Qadar toddobaadkii hore.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la filayo in maalinta Isniinta ee September 15-keeda uu magaalada Dooxa ka furmo shir-madaxeedka Carabta iyo Islaamka, iyadoo Israa'iil ay sii waddo qorshaheeda ay ku doonayso inay ku qabsato oo ay ku maamusho magaalada Qasa.
Booqashada Rubio, ayaa timid, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu muujiyay sida uu uga xun yahay tallaabada Israa'iil ay ku ugaarsaneyso hoggaamiyayaasha Xamaas, isla-markaana ay ku weerarayso, xilli ay ku sugan yihiin dal kale, Qadar - oo muddo dheer la kaashaneysay Mareykanka dadaallada nabadda loogu raadinayo colaado dhowr ah oo ka dhacay Afrika iyo Bariga Dhexe.
Xoghaye Rubio ayaa ka hor inta uusan u dhoofin Israa’iil u sheegay warfidiyeenka in Madaxweyne Trump uu aad uga xumaaday weerarka Israa’iil, inkastoo uusan hadda caafimaad qabin, haddana taasi aysan waxba ka beddeli doonin xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil.
Soomaaliya iyo dalal kale oo Dooxa kaga qeybgalaya shirka looga hadlayo weerarkii Israa'iil
Magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar waxaa shalay ka furmaya shir-wadaagga gogol-xaarka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, oo ujeedkiisu daaranyahay isku-duwidda mowqifyada iyo dejinta ajandaha shir-madaxeedka deg-degga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha carbeed ay iskugu imaanayaan oo lagaga hadlayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay Qadar.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in shirka Dooxa uu xambaarsan yahay farriin ku aaddan midnimo buuxda oo ay la leeyihiin Qatar.
Rushdi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Qatar ee (QNA) in shir madaxeedkan ugu horreyn looga hadli doono cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka Israa’iil ay ku qaadday Qadar, waxaana la filayaa in dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay si buuxda u muujiyaan fekerkooda.
Dalalka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu daraad gaaray halkaas.
Shir looga hadlayo weerarkii Israel ee Qatar oo Doxa ka furmaya iyo Soomaaliya oo ka qeyb galeyso
Magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar waxaa shalay ka furmaya shir-wadaagga gogol-xaarka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah ururrada Jaamacada Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, oo ujedkiisu daaranyahay isku-duwidda mowqifyada iyo dejinta ajandaha shir-madaxeedka deg-degga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha carbeed ay iskugu imaanayaan oo lagaga hadlayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay Qadar.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in shirka Dooxa uu xambaarsan yahay farriin ku aaddan midnimo buuxda oo ay la leeyihiin Qatar.
Rushdi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Qatar ee (QNA) in shir madaxeedkan ugu horreyn looga hadli doono cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka Israa’iil ay ku qaadday Qadar, waxaana la filayaa in dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay si buuxda u muujiyaan fekerkooda.
Dalalka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu daraad gaaray halkaas.
Qoysaska la heystayaasha: Netanyahu waa caqabadda keliya ee na hortaagan
Qoysaska la haystayaasha Israa’iil ee weli ay gacanta ku hayaan Xamaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu yahay "hal caqabad” oo ka hor-istaagan soo laabashada ddkooda iyo in la gaaro heshiis nabadeed.
Golaha la haystayaasha iyo qoysaska maqan: Keen Guriga Hadda waxay ku soo qoreen baraha bulshada in Israa'iil weerarki ay ku qaadday Qadar usbuucii hore ay muujinayso "mar kasta oo heshiis soo dhawaado, Netanyahu wuu burburiyaa".
Hadalka kooxdan ayaa imaanaya ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday madaxda sare ee ururka Xamaas ee ku sugan caasimadda Qadar ee Dooxa, kaas oo Xamaas ay sheegtay in ay ku dishay shan ka mid ah xubnahaasi iyo sarkaal ammaanka Qadar ka tirsan.
Sabtidii, Netanyahu wuxuu sheegay in ka takhalusidda hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Qadar "ay ka takhalusi doonto caqabadda ugu weyn" ee sii deynta la haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka.
Dalkan Afrika ku yaalla oo shidaalka loo galo safaf dhaadheer sida goobaha codbixinta
Dadka reer Malawi waxaa maskaxdooda ku jira in ay shidaal saf u galaan halkii ay codeynta doorashada Talaadada safaf u gali lahaayeen.
Shidaal yari muddo soo jirtay, korontada oo joogto u go'da, qiimaha wax kasta oo sare u kacay, gaajada, faqriga iyo shaqo la'aanta dhallinyarada ayaa kordhiyay niyadjabka ka jira dalka.
Musharraxiinta doorashooyinka baarlamaanka, tan golaha deegaanka iyo tan madaxweynaha ayaa tartan ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen codad inta dooneysa isbeddelka.
Astaamaha muujinaya in lacagtu yartahay waxaa ka mid ah doorashada oo hoos loo dhigay marka loo fiiriyo kuwii hore. Doorashada waa mid ay ku tartamayaan madaxweynaha hadda talada haya , Lazarus Chakwera iyo ninkii uu kaga adkaaday doorashadii 2020-kii, madaxweynihii xiligaas Peter Mutharika. 15 musharax ayaa ku tartamaya doorashadan.
Xafladihii ololaha ee lagu soo bandhigi jiray midabbada kala duwan waa mid aan hadda muuqaan. Boorarka doorashada ee lagu dhajiyay waddooyinka dalka waxay ka yar yihiin kuwii hore loo arki jiray.
Haddii aan dib u eegno shidaalka safafka loogu jiro, dadka waxaa ka sii dhammaanaya dulqaadka.
Waxaa la dareemaya in arrimaha shidaalka ay ka mid yihiin qodobada doorashada. Madaxweyne Chakwera hore ayuu isugu dayay in uu wax ka qabto.
Hadal uu TV-ga ka jeediyay sideed maalmood ka hor doorashada ayuu ka hadlay niyadjabka wuxuuna ka bixiyay raaligelin. Si la mid ah arrinta shidaalka, waxaa adag furshadaha shaqooyin cusub lagu helayo.
Si ay nolol uga helaan waxay dhallinyarada caagag ku shubayana naaftada iyo bansiinka, waxayna ku sii iibinayaan shan laabka lacagta rasmiga ee la iibinayo.
Magaalada koonfurta ku taal ee Mangochi, dhallinyarada way diideen in ay wareysi biyaan balse intii ay sii socdeen ayey sheegeen in ay ku duceysanayaan in ay heleen darawaliinta quusta taagaan taas oo ah sida kaliya ay ku noolaan karaan.
Sanadkii la soo dhaafay qiimaha cuntada waxay kor u kacday 30 boqolkiiba, mushaarkana ma kordhin, taasina waxay keentay in wax walba adkaadaan.
Saameynta dhibaatada dhaqaale ee dhallinyarada haysta ayaa si gaar muhiim ugu ah doorashadan. Kala bar dadka isu diwaangeliyay codeynta waxay ka yar yihiin 35 sano.
Labada musharrax ee madaxweynaha waa dad da' ah. Chakwera waxa uu jiraa 70 halka Mutharika uu isna jiro 85.
"Marka dhallinyarada codeeyaan toddobaadka dambe, waa in ay maskaxda ku hayaan dhibaatada faqriga. Madaxweynaha soo socda waa in uu wax ka qabtaa shaqo la'aanta sababtoo ah dhallinyaro badan shaqo ma hasytaan," ayey tiri Monica Chinoko oo 33 jir ah kana shaqeysa caasimada Lilongwe.
Dhalinyaro badan oo codeynaya waxay BBC-da u sheegeen in dhibaatooyinkan hadda jira ay hoos u dhigeen niyadii loo hayay doorashooyinka.
"Marka aad eegto musharaxiinta way adag tahay in aad kala doorato sababtoo ah waa rajo beel. Waa codeyneynay oo aan codeyneynay hadana wax fiican ma helin," ayey tiri Ashley Phiri oo 35 jir ah oo intaas ku dartay, "in ay rajeyneyso in hoggaamiyaha soo socda uu isbaddel weyn ku sameyn doono Malawi."
Kolonyada doorshada Mutharika dhowr tuulo ayaa joogsadeen intii ay socdeen wadada weyn ee Bakili.
Meelaha ay sii mareen meel ka mid ah taageerayasha waxay siteen boor ay ku qornaayeen "ku laabo madaxtooyada", nolosha way fiicneyd markii uu joogay madaxweynihii hore.
Dadka u soo baxay Mutharika waxaa ku jirtay haweeney da' ah oo ku qeylisay "Bacriminta".
Waxay dooneysay in la ogaado arrimaha haysta 80 boqolkiiba dadka oo ku nool meelaha miyiga.
Intooda badan dadkan waxay ku nool yihiin waxa ay ku abuurtaan dhulkooda yar iyagoo lacag sidaas ku sameeya.
Chakwera wuxuu hore u ballanqaaday in uu yareeyo lacagta ku baxda beerashada. Balse taas ma dhicin. Lix jibaar ayuu qiimaha kordhay laga soo bilaabo sanadkii 2019.
Madaxweynaha wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah asxaabta mucaaradka in ay la shaqeynayaan ganacsato gaar ah si loo carqaladeeyo qiimaha daawada bacriminta.
Wuxuu u ballanqaaday beeraleyda yar yar in qiimaha uu sidiisa ku soo laabanayo laga bilaabo bisha dambe. Chakwera waxa soo martay shan sano oo aad u adag.
Wuxuu sheegay in uu maalgelinayo msutaqbalka dalka. Wuxuuna sidoo kale ballaanqaday in cunug kasta oo dhasha loogu shubayo akoonkiisa 290 doolar. Lacagtaas waxay carruurta qaadanayan marka ay gaaraan 18 sano.
Musharaxinta madaxweynaha dhammaantood waxay ballanqaadeen in ay sameynayaan isbaddel xoog leh.
Dadweynaha Malawi waxay rajeynayaan in qofkii ku guuleysta doorashada Talaalada loo dareerayo in uu keeno wax ay cunto iyo shidaal ku heli karaan.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-09-25
.....