halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 14-09-25

0
Sunday September 14, 2025 - 09:51:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 14-09-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarunta cusub ee taliska sahanka iyo sirdoonka Cxds

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay xaruntan astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha hay’adaha difaaca, isagoo xusay in tignoolajiyada lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyed iyo geesinimada ciidamadooda.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuur-iyadda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xoogan ku gaarsiiyeen argagixisada.

Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la shaaciyay xiliga uu Furmayo

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida ah, 20-ka bisha September 2025.

War qoraal ah oo si wadajir ah uga soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa lagu sheegay in xildhibaanada labada Aqal lagu wargelinayo in ay ka soo qeybgalaan fadhiga furitaanka si rasmi ah, loogana baahan yahay in ay diyaar ahaadaan waqtiga loogu talagalay.

Kalfadhigan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale oo muhiim ah, waxaana la filayaa in ajandayaasha horyaalla Baarlamaanka ay ka mid noqon doonaan, Ka doodista iyo ansixinta sharciyo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo maaliyadda, Kormeerka hay’adaha dowladda iyo dabagalka miisaaniyadda, Warbixino laga dhageysto xukuumadda, gaar ahaan xaaladaha amni iyo arrimaha la xiriira dib-u-habeynta dastuurka iyo Doodaha ku saabsan doorashooyinka iyo hannaanka federaaleynta

Guddoonka labada Aqal ayaa ku booriyay dhammaan xildhibaanada in ay kasoo qeyb galaan kalfadhiga si looga doodo arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, isla markaana looga shaqeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale la xasuusiyay xildhibaanada in la dhowro shuruucda iyo anshaxa Baarlamaanka inta lagu guda jiro kalfadhiga.

Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan baarlamaanka inuu dardar geliyo sharci dejinta, kormeerka xukuumadda, iyo ilaalinta danaha qaranka.

Waxaa la filayaa in munaasabadda furitaanka ay kasoo qeybgalaan madaxda sare ee dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo marti sharaf kale.

Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan lagaga tashanayey horumarinta isku-duwidda iyo iskaashiga gargaarka bani’aada-ntinimo, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed (Hindi), wakiillo ka socday hay’adaha samafalka (NGOs), ururrada bulshada rayidka, iyo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda Laascaanood.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gargaarka ee Waqooyi Bari ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta howlaha gargaarka bani’aadantinimo. Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha SoDMA ayaa lagu waydiiyay su’aalo la xiriira sidii gargaarka si hufan oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa bulshada nugul ee ku nool deegaannada maamulka Waqooyi Bari.

Guddoomiyuhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dadaallada SoDMA ee wax ka qabashada arrimaha bani’aadantinimo ee ka jira deegaannada Waqooyi Bari, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la mideeyo qorshayaasha iyo dadaallada hay’adaha kala duwan. Sidoo kale, wuxuu si toos ah uga jawaabay su’aalihii shacabka, kuwaas oo codsaday in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka oo lagu soo Afmeeray Ruushka

Waxaa magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda (international United Cultures Forum), kaas oo socday intii u dhexeysay 10-13 bishan.

Madashan Caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgaley in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah.

Waxaa Dawladda Soomaaliya uga qaybgalay wafdi uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac .

Wasiirka intii madashu socotay wuxuu kulmo gooni gooni ah la yeeshay Wasiiradii dhiggiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee shirka ka soo qeybgashey.

Madasha waxaa si rasmi ah u soo xiray madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas iyo Dania Cossa oo ah Madaxa Howlgelinta.

Kulan gaar ah oo Xafiiska Taliyaha ka dhacay ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, taageerada dhanka Tababarada, qalabaynta iyo la-talinta farsamo ee EUCAP u fidiso Booliiska Soomaaliyeed.

Kulankani waxa uu ka mid yahay dadaalada uu hormuudka u yahay Taliye Asad ee lagu dhisayo awoodaha Ciidanka Booliiska oo mudadii uu Xafiiska joogay siweyn looga dareemayo isbeddel.

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan ‘Horumarinta Adeegga Guud ee Dowladda iyo Maareynta Waxqabad Natiijo Ku saleysan.’

In ka badan 70 ka mid ah Saraakiisha Idman ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aqoon isweydaarsigaan.

Xildhibaano iyo masuuliyiin Isbitaalka ku booqday askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii Ceeldheer

Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isbitaalka xoogga ku booqday ciidamadii ku soo dhaawacmay dagaalkii Daraad ka dhacay magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanada iyo masuuliyiin dhaawacyada booqday ayaa askarta uga mahadceliyay sida geesimada leh oo ay uga hortageen dhibaatada Al-shabaab la damacsaneed dadka ku nool degmada Ceeldheer.

Masuuliyiinta ayaa balan qaaday in dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagi doonaan ciidanka qaranka ee sida geesinimada leh isaga difaacay kooxda Al-shabaab.

"Waxaan rabnaa inaan ugu bishaareyno qoysaskooda iyo carruurtooda in maydadka argagixisada meel la kala geeyo la la’yahay taas ayaa guul u ah Umadda Soomaaliyeed. Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaankana waxaan leenahay intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawac ahna ha u boogo dhayo” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkii daraad ka dhacay magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud lagu dilay in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-ahabaab.

Ceeldheer: ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka al-shabaabtii lagu laayey dagaalkii daraad

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud wali ka aruurinaya meydadka maleeshiyaadkii Al-shabaab ee daraad halkaas lagu laayay.

Ciidanka xoogga ayaa daraad jab xooggan ku gaarsiiyey degmada Ceeldheer kooxda Al-shabaab ah oo isku dayday in ay ku soo qaado weerar arbushaad ah, kaas oo jawaab kulul ka bixiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi al-shabaab ayaa dagaalkan looga dilay in ka bdan 60 xubnood waxaana sidoo kale looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale Al-shabaab ka qabtay tiro maxaabiis ah, hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday Mashruuc Ka hortagga Isticmaalka Qaraxyada Gacanta Lagu Sameeyo (IEDs) ee Bariga Afrika

Xafiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Argagixisada (UNOCT) ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo mashruuc cusub oo lagu magacaabo: "Taageeridda Bariga Afrika ee la-dagaallanka isticmaalka argagixisadu ee qaraxyada gacanta lagu sameeyo (IEDs)”.

Mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa lagu xoojinayaa hirgelinta sharciyada la xiriira ka hortagga argagixisada iyo dhisidda awoodaha hay’adaha qaranka ee Kenya, Soomaaliya iyo Uganda, si ay si hufan uga hortagaan ugana jawaabaan khataraha ka imanaya IED-yada.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kanada (Global Affairs Canada), waxaana hirgelinaya Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Qaramada Midoobay (UNCCT) ee hoos timaadda UNOCT, iyadoo dhinaca farsamada ay la shaqaynayso Hay’adda Qaramada Midoobay ee Ka-hortagga Miinooyinka (UNMAS), waxaana sidoo kale lala kaashanayaa Guddiga Fulinta La-dagaallanka Argagixisada (CTED).

Intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2024, isticmaalka IED-yada ee kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn ee Afrika ayaa kordhay celcelis ahaan 12% sanad walba. Qaraxyada noocan ah ayaa noqday hubka ugu badan ee ay adeegsadaan kooxaha argagixisada.

Tirada weerarrada IED-yada ee qeybtii hore ee 2025 ayaa muujinaysa in isbeddelkan kordhaya uu sii socon doono. Bariga Afrika ayaa ka mid ah gobollada ugu badan ee ay ka dhacaan weerarradan, waxaana muuqata in si joogto ah u kobcayo hababka ay kooxaha argagixisada ku helaan, ku farsameeyaan, kuna adeegsadaan IED-yada.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah inay ka hortagaan in argagixisadu helaan hub, iyadoo walaac ka muujisay in IED-yada iyo walxaha qarxa ee lagu sameeyo ay si weyn u sii kordhayaan in loo adeegsado hawlgallada argagixisada.

Taliyaha CXD oo abaalmariyay Geesiyaashii Fashiliyay Weerarkii Ceeldheer

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Al-shabaab ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay askarigii fashiliyay gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii labo xabo oo RPG ah uu askarigaasi la helay.

Nabadoon kamid ahaa odayaasha dhaqanka degmada Badhan oo ku geeriyooday duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Sanaag

Nabadoon Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan, ayaa shalay ku geeriyooday duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal aan la aqoonsan cidda iska leh.

Nabadoonka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay degmada Ceel-buh isagoo wata gaarigiisa gaarka ah, waxaana la socday nin aan si fiican loo aqoonsan oo saddex habeen la joogay degaankaas.

Goobjoogayaal iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in labadooduba ay ku dhinteen duqeynta, iyadoo aan la ogeyn bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkaasi.

Warar madax bannaan ayaa tilmaamaya in ninka la socday nabadoonka uu afartii habeen ee lasoo dhaafay deganaa hotel ku yaalla degaanka Ceel-buh.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in gaariga la duqeeyey uu lahaa Nabadoon Cumar, kaasoo ahaa nin caan ka ah deegaanka, isla markaana door muuqda ka ciyaari jiray xallinta khilaafaadka iyo arrimaha maslaxadda bulshada.

Ilaa hadda ma cadda cidda ay diyaaraduhu beegsanayeen, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ay arrintani quseyso.

Ciidamo ku Dhaawacmay Dagaalkii Ceeldheer oo La keenay magaalada Muqdisho

Ciidamada Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay dagaalkii daraad ka dhacay degmada Ceeldheer, gobolka Galgadud ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa la keenay magaalada Muqdisho, si halkaan lagu daweeyo.

Ciidamadan oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa si degdeg ah loogu soo qaaday xarumaha caafimaad ee caasimadda, gaar ahaan Isbitaalka Xoogga, halkaas oo lagu daweynayo, Habeen hore markii ay ciidamadu soo gaareen Muqdisho, waxaa isbitaalada ku booqday mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin xildhibaano, saraakiil ciidan, iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaalkii Ceeldheer ay ku dhinteen lix askari, halka afar iyo toban (14) kale ay ku dhaawacmeen.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi uu ahaa mid culus oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerar ballaaran oo uga yimid kooxda Al-Shabaab.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Khasaaare xoogan ay gaarsiiyeen Al-shabaab iyadoona gacanta looga dhigay maxaabiis.

"In ka badan 30 argagixiso Al-Shabaab ah ayaa la dilay, halka saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxdaas la qabtay kadib markii ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday degmada Ceeldheer, ee Gobolka Galgaduud" ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxaa shalay la filayaa in mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ay booqdaan dhaawacyada, Waxaa sidoo kale laga dareemayaa hareeraha Isbitaalka Xoogga dhaq-dhaqaaq amni oo xooggan, iyadoo lagu arkayo gaadiidka madaxtooyada iyo ciidamo gaar ah oo sugaya amniga.

FIFA oo diidi karta soo jeedinta Algeria ee ay ku doonayso inay ku

martigeliso xulka Soomaaliya gudaha dalkooda

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa u muuqda inuu wiiqayo qorshayaashii xulka qaranka Algeria ka hor labadii kulan ee ugu dambeeyay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026.

Xulka Algeria uma baahna wax ka badan 3 dhibcood si ay si rasmi ah ugu soo gudbaan Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Mareykanka 2026, waxaana la filayaa inay wajahaan xulka Qaranka Soomaaliya bisha October ee soo socota.

Sida uu sheegay bogga wararka ee "La Gazette du Fennec” ee Algeria, xiriirka kubadda cagta Algeria wuxuu qorsheeyay in kulanka xiga ee isreeb-reebka lagu ciyaaro gudaha Algeria, inkasta oo ciyaartaasi ahayd mid horey loogu qorsheeyay meel ka baxsan dalkooda, balse qorshahaasi wuu burburi karaa.

Isla warbixintaasi ayaa intaas ku dartay in FIFA laga yaabo inay soo farageliso oo ay diido soo jeedinta Algeria ee ku saabsan in ay ku martigeliso Xulka Soomaaliya gudaha dalkeedi, iyadoo laga duulayo dhinaca "cadaaladda”, gaar ahaan haddii xulka Uganda uu gudbiyo cabasho arrintaasi la xiriirta.

Waxaa xusid mudan in xulka Soomaaliya uu dhamaan kulamadiisa isreeb-reebka ku ciyaaray meel ka baxsan dalkiisa, maadaama uusan haynin garoon ay FIFA u aqoonsan tahay mid u qalma ciyaaraha heerka caalami.

Algeria ayaa haatan hoggaanka u haysa group-keeda iyadoo leh 19 dhibcood, waxayna 4 dhibcood ka sarreeyaan Uganda, oo ku jirta kaalinta labaad, iyadoo Uganda rajaynayso in Algeria ay ku dhibtooto kulanka ay la ciyaarayaan Soomaaliya ka hor inta aysan is wajahin kulanka ugu dambeeya.

Sidoo kale, xulka qaranka Masar ayaa wajahaya xaalad la mid ah, waxayna doonayaan in kulankooda ay la ciyaarayaan Djibouti lagu qabto gudaha Masar, maadaama kooxda martida ah aysan haynin garoon la oggol yahay oo ay FIFA iyo CAF aqbaleen.

Xulka Masar isaguna wuxuu si weyn ugu dhow yahay inuu u soo baxo Koobka Adduunka, iyadoo uu haatan hoggaaminayo group-kiisa isagoo leh 20 dhibcood, isagoo 5 dhibcood ka sarreeya xulka Burkina Faso oo ku jira kaalinta labaad.

Abiye Axmed oo si kulul u canbaareeyay weerarkii Israel ee dalka Qatar

Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa si kukul u cambaareeyay weerarkii diyaaradaha Israa’iil ay ku qaadeen magaalada Doha ee dalka Qatar.

Abiy Ahmed ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, isagoo u muujiyay garab istaag iyo taageero buuxda.

Wuxuu xusay in Itoobiya ay barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar xilligan adag, islamarkaana ay si cad u diidan tahay ficillada militari ee khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xasiloonida iyo wada noolaanshaha gobolka Bariga Dhexe, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wadahadal iyo xal siyaasadeed oo looga hortago in xiisaddu sii fido.

Dhankiisa, Amiirka Qatar ayaa uga mahadceliyay Itoobiya taageerada iyo mowqifka ay ku muujisay cambaareynta weerarka, isagoo tilmaamay in Qatar ay sii wadi doonto dadaallada ay ku ilaalinayso amniga iyo nabadda gobolka.

Maxaan ka naqaan ninka ku eedaysan dilka Charlie Kirk, Trump saaxiibkiis?

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa aqoonsaday ninka ku eedaysan in uu dilka u geystay dhaq-dhaqaaqeyaha Mareykanka ee Charlie Kirk, ninkaan oo 22 sanno jir ah ayaa lagu magacaabo Tyler Robinson.

"Waannu qabannay," ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Utah, Spencer Cox, shir jaraa'id oo FBI-da qabatay, isaga oo xaqiijiyey in Robinson hadda gacanta lagu hayo islamarkaana si dhaw loogu soo oogayo dacwad.

Cox ayaa sidoo kale sheegay in Robinson uusan ahayn arday ka tirsan Jaamacadda Utah Valley, halkaas oo toogashadu ka dhacday, isla markaana aysan jirin wax macluumaad ah oo muujinaya inuu horey u qabay xanuun maskaxeed.

Ka dib shirkii jaraa'id, Jaamacadda Gobolka Utah ayaa xaqiijisay in Robinson uu si kooban uga mid ahaa jaamacadda sannadkii 2021.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Robinson muddo dheer la deganaa qoyskiisa degmada Washington, oo ku taalla koonfur-galbeed gobolka, oo qiyaastii saddex saacadood u jirta jaamacadda.

Qof qoyska la saaxiib ah oo "La xidhiidhay booliska"

Cox ayaa sheegay in xubin ka tirsan qoyska Robinson uu la xidhiidhay saaxiib qoys ka ah, kaas oo isna lasii xiriiray dacwad ooge si uu ugu wargeliyo in Robinson uu qirtay, ama si dadban u muujiyey, inuu ku lug lahaa dhacdadaas.

CBS, oo bahwadaag warbaahineed la'ah BBC-da, ayaa soo xigatay labo ilo wareed oo sheegay in Robinson uu si muuqata ugu qirtay aabihiis.

Cox wuxuu sheegay in baarayaashu dib u eegis ku sameeyeen muuqaallo video ah oo muujinaya in Robinson uu yimid goobta isagoo wat baabuur nooca loo yaqaano Dodge Challenger saacadu markay ahayd 8:29 subaxnimo, waqtiga maxalliga ah, September 10.

Wuxuu intaas ku daray in markii baadhayaashu la kulmeen Robinson maalintii Jimcaha, September 12, uu xirnaa dharkii saxda ahaa ee lagu arkay muuqaallada.

Cox sidoo kale wuxuu xusay in xubin kale oo ka tirsan qoyska Robinson uu u sheegay baadhayaal in wiilkaasi sanadihii u dambeeyay uu si weyn ugu sii xiiseeyey arrimaha siyaasadda.

Marka loo eego isla markhaatigaas, Robinson wuxuu ka qaybgalay casho la qabtay wax yar ka hor September 10, taas oo uu ka sheegay in Charlie Kirk uu imaanayo Jaamacadda Utah Valley, isla markaana uu yiri: "Ma jecli ninkaas, mana aaminsani fikirkiisa."

Robinson "wuxuu sannadihii u dambeeyay si aad ah ugu xiisaynayay siyaasadda."

Cox wuxuu sheegay in baadhayaashu wareysteen qof la degganaa Robinson, kaasoo u soo bandhigay farriimo dhex maray isaga iyo ciiwaan Discord ah oo la yiraahdo "Tyler."

Wuxuu intaas ku daray in farriimahaasi muujinayeen in qori laga soo qaaday meel si qarsoodi ah loo geliyey kadibna lagu riday geed hoostiis, isla markaana goobta uu hubku yaallay si gaar ah loo ilaalinayey. Qoriga waxaa lagu duuduubay tuwaal. Farriimaha sidoo kale waxay sheegayeen in "Tyler" uu beddelay dharkiisii.

Sida uu Cox sheegay, baarayaashu waxay heleen qori gacmeed oo lagu duuduubay tuwaal madow, isla markaana leh qalab lagu xiro qalabka indhaha (scope mount).

Wuxuu intaas ku daray in rasaastii la isticmaalay ay dushooda ku qornaayeen qoraallo.

Saddex qof ayaa dhabarka kusoo aadiyay kamarada iyagoo jooga xaflad xus loogu talagalay Charlie Kirk. Badhtanka gidaarka waxa ku yaal sawir madow iyo caddaan ah oo ah Kirk oo dhoola cadeynaya, oo casaan ku iftiimay, hoostana lagaga shumac shiday.Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraallada ku qoran qolofyada rasaasta ayaa laga yaabaa inay muujin karaan suurtagalnimada ujeeddada falka.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, qoraallada ku qoran rasaasta ayaa muujinaya in eedeysanaha, Tyler Robinson, uu saameyn ku yeeshay dhaqanka internet-ka, isla markaana ay ku jireen tixraacyo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah faashiistaha ee loo yaqaan Antifa.

Mid ka mid ah qolofyada rasaasta madhan ayaa lagu qoray: "notices bulges OwO what's this?" taasoo ah tixraac ka yimid majaajillo (meme) caan ka ah internet-ka, oo badanaa loo adeegsado kaftan iyo canjilaad.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in qolofta kale oo aan la isticmaalin lagu qoray: "Hey fascist! Catch this!" iyadoo ay la socdeen saddex fallaadhood oo hoos u jeeda kuwaasoo ah astaan caadi ka ah dhaqdhaqaaqa Antifa.

Qolof kale ayaa lagu qoray ereyo ka mid ah heesta "Bella Ciao", taasoo lagu amaano mujaahidiintii Talyaaniga ee la dagaallamay Nazi-ga xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Qolof kale oo aan la isticmaalin ayaa lagu qoray: "If you read this, you are gay lmao," taasoo ah tixraac kale oo ka mid ah majaajillada internet-ka, halka "lmao" ay ka dhigan tahay "laughing my ass off" ama si daran ayaan u qoslay.

Antifa waa dhaqdhaqaaq aan si rasmi ah u dhisnayn, oo ay hoggaan u yihiin dad bidix-fog ah, kuwaasoo sannadihii u dambeeyay ka soo muuqday gudaha Mareykanka iyagoo abaabulaya mudaharaadyo iyo dhacdooyin kale, badanaa ka horjeeda siyaasadaha Madaxweyna Mareykanka Donald Trump iyo kooxaha midigta-fog.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in saraakiishii ugu horreysay ee FBI-da ah ay gaadheen goobta 16 daqiiqo kadib markii riday rasaasta, islamarkaana ay si buuxda u sugeen goobta.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku faanayo "inuu caddaalad u helay Charlie Kirk," isagoo uga mahadceliyey qoyskiisa waalidiintiis, haweenayda uu ka dhintay, iyo carruurtiisa wada shaqeyntii ay la yeesheen hay'adaha baadhitaanka. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance taageeradooda buuxda.

Patel wuxuu amaanay xawaaraha baadhitaanka, isagoo yiri: "33 saacadood gudaheed waxaan u gudubnay horumar taariikhi ah oo loo sameeyey Charlie." Wuxuu ku tilmaamay goobtii dambigu ka dhacay inay ahayd mid "weyn," balse si degdeg ah loo farsameeyey, iyadoo caddaymo forensik ah la ururiyey iyo kumannaan raad ah oo durba la daba galay.

"Qabashada eedeysanahan waa markhaati u ah shaqada weyn ee ay hayaan laamaha sharcigu," ayuu raaciyey.

Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in aan wali jirin wax xog ah oo muujinaya in dad kale la xirayo, balse baaritaanku wali wuu socdaa.

Kumuu ahaa ahaa Kirk?

Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

Ururkiisa waxuu ku lahaa cutubyo in ka badan 850 koleej oo Maraykanka ah ardayda fekradaha dhaqameed la dhacsan ayaana u arkaayay Kirk inuu ahaa geesi.

Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

Abaare 12kii duhurnimo, ayaa rasaas qori laga soo riday qoorta kaga dhacday. Goobjoogayaal, ay ku jiraan wariyeyaal Deseret News ka tirsan, ayaa ku warramay in Kirk uu madaxa dib ula booday kadibna dhulka ku dhacay iyadoo qaylo iyo argagax ay meesha is qabsadeen.

Dhiig ayaa laga arki karaa muuqaalo laga duubay, balse aynaan idin tusi karin inay dad dhibsanayaan aawadeed.

Xigasho BBC


Sushila Karki: Waa tuma haweeneydii ugu horreysay ee raysal wasaare ka noqota dalka Nepal?

Dalka Nepal oo ah ku yaalla koonfurta Aasiya gaar ahaan buuraha Himilaya, waa dal aan bad lahayn oo u dhaxeeya dalalka Hindiya iyo Shiinaha.

Dalkan yar waxaa muddo qarniyaal ah soo maamulayey nidaam boqortooyo kaas oo ay ka xuubsiibteen sanadkii 2008-dii markaas oo dalku qaatay nidaamka Jamhuuriyadda Dimuqradiga ee Nepal.

Muddo toddobaadyo ah waxaa hareeyey dalka Nepal dibad-baxyo waaweyn oo ay dhigayeen jiilka dhalinyaro dhashay sagaashamayeeadii ilaa 2012-kii kuwaas oo ka kacay musuq baahsan oo ragaadiyey hay'addaha dowladdda.

In ka badan konton qof ayaa ku dhintay iska hor imaadyo dhex maray dadweynaha mudaharaadayay iyo booliiska rabshadaha joojiya intii lagu jiray mudaharaadyadii ballaarnaa ee toddobaadkan, kuwaasoo ka dhashay xayiraad lagu soo rogay baraha bulshada.

Xayiraaddaas ayaa la qaaday hase yeeshee markaas mudaharaadyadu waxay isu beddeleen kacdoon guud. Dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismaha baarlamaanka iyo xarumaha dowladda ee caasimadda Kathmandu, , xarunta xisbiga Congress-ka Nepal iyo guriga ra'iisul wasaarihii hore ee Sher Bahadur Deuba. Waxaa sidoo kale la burburiyay guryo ay degenaayeen siyaasiyiin kale.

Dhalinyarada loo yaqaano Gen Z, ayaa si weyn ugu soo baxay wadooyinka iyagoo beegsaday cid kasta oo ka mid ahayd dowladdii ay ku eedeynayeen musuq maasuqa. Halku dhigooda ayey ka dhigeen Jiilka Z wuxuu doonayaa mustaqbal hormar leh.

Raysal wasaarihii dalka Nepal KP Sharma Oli ayaa xilka iska casiley ka dib kacdoonka dhalinyarada oo noqday mid sii xoogaysanayey maalinba maalinta ka dembaysay.

Waa tuma Sushila Karki?

Sushila Karki, waxay ku dhalatay xeebaha Shankarpur, sanadkii 1952-diii. Karki waxay ka dhalatay qoys xiriir dhow la lahaa qoyska siyaasadeed ee Koirala, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn ee dimuqraadiga ah ee dalka – Nepali Congress.

Waxbarashadeedii jaamacadeed waxay ka bilowday Jaamacadda Tribhuvan, halkaasoo ay ku qaadatay shahaadada heerka kowaad oo ay ka dhamaysay Mahendra Morang College sanadkii 1972. Intaas kadib, waxay u safartay Hindiya si ay u barato cilmiga siyaasadda, waxaana sanadkii 1975 lagu siiyay shahaadada Master's ee cilmiga siyaasadda oo ay ka heshay Jaamacadda Banaras Hindu University. Markas ka dibna waxay ku soo laabatay Jaamacadda Tribhuvan si ay u barato sharciga, waxayna ka qalin jabisay sanadkii 1978-dii.

Aakhirkii sideetameeyadii waxay notay macallimad iyadoo bilowgii sagaashameeydii ka qayb qaadatay Kacdoonkii Dadweynaha ee lagu riday nidaamkii kali-taliska ahaa ee Panchayat. Intii lagu guda jiray kacdoonkaas, waxa lagu xiray xabsiga Biratnagar, halkaasoo ay waqti ku qaadatay. Khibradeedaas ayaana ku dhalisay inay qorto sheeko-novel la yiraahdo "Kara", taasoo ku saleysan xasuusteeda xabsiga.

Sanadkii 2008-dii, ayey nooqtay qareen sare oo xubin ka ah Ururka Qareenada Nepal. Sanadkii 2009kii ayaa loo magacabay garsoore ku meel-gaar ah oo maxkamada sare ah. Markii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Kalyan Shrestha, uu hawlgab noqday bishii Abriil 2016, Golaha Dastuuriga (Constitutional Council) ayaa soo jeediyey in Karki lagu beddelo jagadaas. Waxay ahayd Garsoore ku-meel-gaar ah ilaa ay ka dhaceyso dhageysiga rasmiga ah ee baarlamaanka bishii Luulyo ee isla sanadkaas, kaasoo xaqiijiyey magacaabisteeda.

Bishii Luuliyo sanadkii 2016-kii ayey noqotay haweenaydii ugu horreysay ee noqota guddoomiyaha maxkamada sare ee Nepal xilkaas oo ay haysan ilaa sanadkii 2017-kii.

Haweeneydan 73-jirka ah ayaa lagu dhaariyay xaflad kooban, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hogaamisa waddanka faqiirka ah ee buuraleyda Himalaya, kadib markii heshiis laga gaaray hogaamiyeyaasha mudaaharaadyada.

Waxyaabaha horyaalla Sushila Karkii

Ra'iisul Wasaare Karki iyo xukuumada ay dhisi doonto waxa horyaalla caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin soo celinta nidaamka iyo nabad-galyada, dibu dhiska xarumihii ku burburya bannaanbaxyda iyo qancinta dhalinyarada isbaddel doonka ah inay helaan dalabkoodii.

Arrinta muhiimada leh a yaa ah oo ay filayaan inay hellaan dhalinayrada Gen Z ee dibad-baxyada dhigayey in kuwii ka dambeyey dadkii ku dhintay dibad-baxyada la horkeeno cadaalada.

Magacaabista Karki waxay ka dhalatay isu-tanaasul ka yimid wadahadallo uu fududeeyay taliyaha ciidanka Nepal toddobaadkan. Taageerayaasha Jiilka Z ee farxadda la dhaceen ayaa ku muujinaya rayigooda baraha bulshada, waxaana dad badan u arkaan arrintan inay tahay tallaabada xigta ee loo qaaday waddo siyaasadeed oo cusub oo ay doonayaan in dalku u jeesto.

Talaadadii, Ra'iisul Wasaare ku-meel-gaarka ah Sushila Karki ayaa booqatay goobta bannaanbaxa ee ku taalla caasimada Kathmandu, halkaasoo 19 qof lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen booliiska maalintii ka horreysay. Waxay sidoo kale booqatay qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ee lagu daweynayay isbitaalka.

Xilka loo dhiibay Karki, ayaa ka dhashay heshiis ay wada gaareen madaxweynaha dalkaasi iyo hoggaamiyasha dhalinyarada dhigaysay dibad-baxa ka dib maalmo wadatashi ah iyo door uu qatay taliyaha ciidamada, waxaa sidoo kale ku luglahaa heshiiska khuburo sharci yaqaanno ah.

Sushila Karki, ayaa arrinta ugu weyn ee loogu dhiibay xilkan ay tahay in lagu yaqaanay sumcad nadiif ah, waxaana hoggaaminteeda dowlad ku-meel-gaar ah taageeray hogaamiyeyaasha ardayda ee kacdoonka Gen Z.

Laakiin hoggaaminteeda dowladda cusub ayaa wajihi karaysa carqalad cusub maaddaama dhalinyaradu ay doonayaan isbaddel la taaban karo oo ka hirgala dalkooda.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip