halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-09-25

0
Saturday September 13, 2025 - 10:06:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-09-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Wasiirka gaashaandhiga XfS oo xaqiijiyey in 60 al-shabaab ah lagu dilay Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Al-shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in dagaalka Ceeldheer Khawaarinta looga dilay in ka badan 60 xubnood sidoo kalena goobta lagu dilay labadii horjooge ee hoggaaminayey al-shabaab.

Dhinaca kale wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkan al-shabaab looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo dowladda Ingiriiska kala wareegay gaadiid iyo qalab casri ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa shalay ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaas oo la guddoonsiiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qalabkan iyo gaadiidka ayaa waxa wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya gudoonsiiyay Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Muqdisho Danjire Charles King.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu ka tarjumayo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska ay la garab taagan tahay horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in qalabkani si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo mustaqbal waara oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

Wasiirka Gaashaandhiga XfS oo kulan la qaatay safiirka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa looga wadahadlay iskaashiga labada dal iyo taageerada horumarinta awoodda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa bogaadiyay Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashigan uu u leeyahay xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo Gobolka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley Meertada 11-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka oo lagu qabtay Magaalada Saint Petersburg ee dalka Russia.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan wufuud ka socda in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa ka faa’ideysiga iyo adeegsiga dhaqanka iyo diblomaasiyadda, si loo xoojiyo iskaashiga iyo nabadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhaqanka uu yahay aalad diblomaasiyadeed oo xoojineysa isku xirka bulshooyinka kala duwan ee caalamka,gaar ahaan xilligan oo dunidu ay soo food saartay caqabado kala duwan ayna hubaal tahay in dhaqanka uu noqdo afka mideyna kara fikradahaka kala duwan ee caalamka ka jira.

Madaxda kale ee shirkaasi ka soo qeybgaley ayaa iyaguna xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dunida laga badbaadiyo colaado iyo iska hor-imaadyo hor leh, iyadoo la xoojinayo muhimadda dhaqamada kala duwan ee caalamka ka jira, lana abuuro fursado loo wada siman yahay oo dunida nabad u horseeda, isla markaana la iska kaashado in colaadaha iyo dagaallada haatan socda lagu beddelo nabad, wada noolaansho iyo wax wadaqabsi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga dhinaca horumarinta dhaqanka ee Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan Madaxda Turkiga ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabooyin adag ka qaaddo Israa’iil ,ka dib markii ay duqayn cirka ah ka geysatay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay Ahmet Yildiz oo cambaareeyay weerarka foosha xun ee Israel ku qaadday Qadar ayaa falkaasi ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka horimaanaya madax banaanida dhulkeeda iyo amniga qaranka Qadar.

Mas’uulikaasi ayaa ku nuuxnuuxsada in weerarka Israa’iil uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo xasilloonida iyo ammaanka gobolka Bariga Dhexe,isagoo soo jeediyay in laga hortago adeegsiga aan loo meel dayin ee ka dhanka ah madax-bannaanida Qatar.”

Ergayga Turkiha ayaa dib u xaqiijinaya midnimada ururka Iskaashiga Islaamka,isagoo yiri”Waxaan u taagannahay si wadajir ah in aan taageerno xaqa iyo waajibaadka Dowladda Qatar si ay uga jawaabto xadgudub kasta ama gardarro kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Dalka Turkiye ayaa xilligaan haya talada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),waxayna madaxda dalkaasi ay soo saareen bayaan lagu dalbanaayo in Israel lagula xisaabtamo weerarada ka dhanka ah Qadat iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa weerar cirka ah Talaadadii la beegsatay ergada wada xaajoodka kooxda Falastiin ee Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar ee Doha,waxaana halkaasi lagu dilay dhowr qof oo ay ku jiraan wiil uu dhalay hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Gaza, Khalil al-Hayya, saddex kaaliye iyo sarkaal ammaanka Qatar u qaabilsan Badr al-Dosari.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka Qatar gaar ahaan magaalada Doha.

Golaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, ayaa nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo Tayada hilibka.

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada ee dhinaca wax soo saarka Beeraha.

Munaasabaddaan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda beeraha waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradda beeraha iyo jaamacadda Jambuuruya, iyadoo mudadii ay socotay xafladdaasi lagu soo bandhigay fikrado ganacsi oo wax ka taraya horumarka loo qaadi karo xagga beeraha.

Ujeedka munaasabaddaan aya aheyb mid loogu talagalay dhiirigalinta dhallinyarada, gaar ahaan 50 xubnod oo soo dhameystay tababar aqoon kororsi ah oo socday muddo bil iyo bar ah .

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maxamuud Maxamed Maxamuud oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa xusay in bandhiggaan uu qeyb ka yahay tartanka hal abuurka furan, kaas oo la doonayo in lagu soo saaro dhallinyarada ku fiican xagga wax soo saarka beeraha.

Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda beeraha iyo jaamacadda Jamhuuriya waxaa kaloo ka hadlay Qaasim Cabdi Jimcaale iyo Aamino Cismaan oo xubno ka ah Jaamacaddaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo xariga ka jaray Xarunta taliska Ciidanka Haramcad

waxa shalay Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta Taliska Ciidanka Haramcad, kaddib markii dib-u-dayactir ballaaran lagu sameeyay xarunta.

Xafladda ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Macallin, iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka uu ku hirgeliyay dib-u-dhiska xarunta, isla markaana ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada.

Dhanka kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.

Xukuumadda oo Naafada ku daraysa Dib-u-eegista Dastuurka

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa daah-furay kulan dadweyne oo looga tashanayay xuquuqda dadka naafada ah iyo kaalintooda ku aaddan dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Ilyaas oo hadal ka jeediyay furitaanka kulanka ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in dadka naafada ahi ay si buuxda uga mid noqdaan siyaasadda iyo go’aamada qaranka, isaga oo xusay in kulankani ka duwan yahay kuwii hore maadaama mudnaan gaar ah la siinayo arrimaha naafada.

Kulanka waxaa ka qayb galay madax ka socotay saddexda hay’adood ee dastuurka u xilsaaran, Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin Wasiiru-dowlaha hore ee Cadaaladda, Avv. Muumino Sheekh Cumar, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Sidoo kale, waxaa kulanka qeyb libaax ka qaatay muwaadiniin naafada ah, kuwaas oo si toos ah u bandhigay su’aalaha iyo talooyinka ku saabsan habka ugu habboon ee ay uga qayb qaadan karaan dhammaystirka dastuurka, si xuquuqdooda loogu xaqiijiyo si dhab ah.

Kulankan ayaa muujinaya rajo cusub oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay ka filan karaan in ay helaan ka-qaybgal siyaasadeed iyo bulsho oo ka mid ah xuquuqda caalamku ku faano.

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa shalay ka hadlay guulaha ciidanka qaranka ay ka soo hooyeen dagaalkii ay la galeen kooxo maleeshiyaad ah oo doonaayey in ay weerarro gaadmo ah ku qaadaan dadka shacabka ah eek u nool Degmada Ceel-dheer.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri "Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ceeldheer waxa ay shalay Al-shabaab u dhigeen cashar lama iloowaan ah oo sababay in kooxdaasi ay ka cararaan halkaasi, isla markaana ay qaadan waayaan meydadkoda iyo dhaawacyadii kale.

Dhinaca kale, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo isna ka hadlay dagaalkii shalay ayaa sidoo kale yiri” Meel kasta waxaa daadsan maydadka Al-shabaab oo saaka isku maqiiqay Ceeldheer, waxaa mahadsan geesiyaasha Xoogga iyo kuwaa deegaanka, alle ayaa leh mahad oo dhan”.

Madaxdaasi ka tirsan xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in ciidanka iyo dadka deegaanka ee gobolada dalka ay ka qeybgalaan duulaanka la doonayo in lagu ciribtiro maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee diidan in la gaaro xasilooni iyo kala dambeyn.

Soomaaliya oo Golaha ammaanka QM ka hor sheegtay in Israa’iil ay ku xadgudubtay madax banaanida dalka Qatar

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abubakar Cismaan Baalle, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Israa’iil ay la beegsatay magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi mid si toos ah u hanjabaya ammaanka iyo madaxbannaanida Qatar.

Isagoo ka hadlayay kulanka degdegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Baalle wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab taagan tahay Qatar, isla markaana ay taageersan tahay tallaabo kasta oo ay qaaddo si ay u difaacdo sarraynteeda qarannimo iyo nabadgelyadeeda gudaha.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil in ay si ula kac ah u raacayso istaraatiijiyad ay ku ballaarinayso colaadda gobolka.

Abubakar Baalle ayaa tilmaamay in weerarka lagu qaaday xarunta wadahadallada Xamaas ee Doha uu yahay isku day cad oo lagu carqaladeynayo dadaallada diblumaasiyadeed ee loogu jiro xabbad-joojin ka hirgasha magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Ugu dambeyn, Danjire Baalle wuxuu xasuusiyay Golaha Ammaanka in uu leeyahay masuuliyad sharci ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah oo dhab ah loogu hortago xadgudubyada Israa’iil, lana hubiyo in la ixtiraamo madax-bannaanida dowladaha iyo sharciga caalamiga ah.

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii shalay ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Al-shabaab Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Gaalguduud.

Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Al-shabaab ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka.

Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Al-shabaab, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer.

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimayaal kale

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa u magacabay Ibraahim Cabdullaahi Axmed (Sheellare) in uu noqdo Agaasimaha Waaxda Warfaafinta, Xiriirka iyo Tiknoolajiyada (Information and Communication Technology – ICT Department ).

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale u magacaabay Md. Abubakar Axmed Maxamed inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Sugnaanta Cunnada iyo Ilaalinta Bulshada (Director of Food Security and Social Protection).

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle guddoomiyaha SoDMA ayaa Agaasimayaashan kula dardaarmay in ay xilkiisa u gutaan si hufan oo daacadnimo iyo xilkasnimo leh, wuxuu Alle uu uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay magacaabayay Agaasimayaal ka qaybqaata fududeynta howlaha baaxadda leh ee ay ummadda u hayso hay’adda SoDMA.

UK: Nin Soomaali ah oo ka badbaaday xabsi kadib markii uu candhuuf ku dhuftay booliis

Shaafi Mohamed, oo 30 jir ah kana yimid Soomaaliya, ayaa ka badbaaday xabsi kadib markii uu Candhuuf ku tufay sarkaal booliis ah oo la yiraahdo PC Browning.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday hotel ay degan yihiin dadka magangelyo-doonka ah ee ku yaalla magaalada Bournemouth ee dalka Ingiriiska.

Maxkamadda ayaa siisay ninkaan 12 bilood oo digniin ah, taasoo micnaheedu yahay in hadda aan la xirin balse haddii uu dambi kale galo 12-ka bilood ee soo socda, dambigan hore iyo kan cusub labadaba hal mar lagu ciqaabi doono.

Booliisku waxay sheegeen in markii ay yimaadeen hotelka in uu ninkan aad u sakhraansanaa, isagoo cabay nus dhalo vodka ah iyo dhowr biir ah. Markii ay isku dayeen inay xakameeyaan, waxay u baahdeen booliis kale oo ka caawiya.

Intii ay qabanayeen ayuu si ula kac ah candhuuf ugu tufay sarkaal katirsan booliiska. Maxkamadda ayaa u xukuntay sarkaalka £50 magdhow ah.

Maraykanka oo duqayn ka dhan ah Daacish ka fuliyay tigga Baalade ee buuraha Calmiskaad

Dowladda Maraykanka ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday ururka Daacish oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Togga Baalade oo katirsan buuraha Calmiskaad.

Duqeyntan oo dhacday tobankii bishaan September ayuu Maraykanku sheegay inuu la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona marna xusin doorka Puntland.

Maraykanka ayaa sheegay howlgalkan in loogu talagalay in la wiiqo awoodda ISIS-Soomaaliya si aysan u sii qorsheysan una fulin weerarro halis ku ah dalka Mareykanka, ciidamadiisa iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Marakanka wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada iyo qalabka la isticmaalay, si loo ilaaliyo ammaanka howlgallada.

Dhinaca kale, labo qarax ayaa daraad togga Jaceel oo katirsan calmiskaad lagula eegtay labo gaari oo ay la socdeen ciidamo katirsan Puntland.

Qaraxyadan ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar katirsan ciidanka Puntland, lamana sheegin wax dhimasho ah. Falkaan ayaa muujinaya inay Daacish weli awood u leedahay inay ciidamada la beegsato qaraxyo bartilmaameed ah.

Maalmo ka hor saddex askari oo u ku jiro sarkaal ciidan ayay Daacish ku dishay qarax ay la eegatay gaari ay la socdeen oo marayay halka loo yaqaano Markadaan oo ku dhow tuulada Turmusaale oo ah meelihii laga xoreeyay kooxda Daacish.

Kenya oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa shaaca ka qaaday isagoo jeedinayay warbixin dublamaasiyadeed sida uu amniga dalka Kenya ula xiriiro xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Kenya uga go'an tahay inay si firfircoon uga qaybqaadato hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan "AUSSOM".

Mudavadi waxa uu sheegay in hawlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo aad u baaxad weyn, kuwaas oo halis gelin kara howlihiisa muhiimka ah sida, Kobcinta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo La dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si joogto ah u taageeraan hawlgalka, iyagoo bixinaya taageero dhaqaale iyo mid farsamo, si loo xaqiijiyo guul buuxda iyo kala wareeg amni oo lagu kalsoonaan karo.

Hadalka Wasiirka ayaa daba socota shir muhiim ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku shir guddoomiyay magaalada Goba ee dalka Itoobiya, laba maalmood ka hor, Shirkaasi wuxuu diiradda saaray sidii loo heli lahaa maalgelin dheeraad ah oo lagu taageero hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Booliiska gobolka Mudug oo shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin dilay Xaaskiisa

Ciidamada Booliiska degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Xasan Aadan oo ku eedeeysan inuu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Samsam Maxamed Xaashi.

Dilka Marxuumad Samsam Maxamed ayaa la tilmaamay inuu ka dhashay muran dhex maray iyada iyo ninkeeda, sida ay tilmaameen qaar ka mid ah ehelada qoyskaan oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay in falka dilka ahi uu ka dhacay gudaha magaalada Galdogob, hase ahaatee ciidamada booliiska ay si dhaqso ah uga jawaabeen dhacdadan argagaxa badan ku abuurtay dadka ku nool Galdogob.

Eedeysanaha la qabtay ayaa hada ku xiran saldhiga booliiska degmada Galdogob, waxaana la sheegay in dhawaan la horkeeni doono maxkamadda awoodda u leh kiiskan si sharciga loola tiigsado.

"Ciidanka Booliska gobolka Mudug gaar ahaan saldhigga degmada Goldogob ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedeysan dilka marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa. Waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee Samsam Maxamed Xaashi ayaa ahayd hooyo ninkan u dhashay todobo caruur ah, waxaana dilkeeda uu naxdin iyo murugo ku reebay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana reer Galdogob.

Hay’adda UNICEF oo ka digtay masiibo ku soo fool leh carruurta Magaalada Gaza

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ka dhawaajisay masiibo ku soo fool fool leh in ka badan 450,000 oo carruur ah oo ku nool Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Israel oo magaaladan ku hayso duqaymo aan kala joogsi lahayn ayaa qarka u saaran inay noqoto goob aan badbaado lahayn, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay. Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digay kororka weerarada Israel ee ka dhanka ah magaaladan, oo ay sheegeen in ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof.

Agaasimaha Hay’adda UNICEF ee Bariga Dhexe, Edouard Beigbeder ayaa sheegay in hawlgalka militari ee sii kordhaya ay Israel ka waddo Magaalada Gaza uu leeyahay cawaaqib xun, isla-markaana uu halis ku yahay nolosha kala bar dadka hadda ku nool magaaladaasi oo carruur ah.

"Carruurta waxay ku sii siqayaan cirifka badbaado la’aanta, iyadoo macluusha iyo rabshadaha dilaaga ahi ay sii fidayaan.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha ayaa sheegay in carruurtu ay wajaheyso khatarta ugu sarreysa ee weerarada aan taxadarta lahayn ee Israel ka gaysaneyso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

UNICEF ayaa waxay xaqiijisay in macluul ay ka jirto Magaalada Gaza, waxayna ka dhawaajisay in qaar ka mid ah 2,400 oo carruur ah oo haatan laga daweynayo xaalad nafaqo xumo daran ay gaajo u dhiman karaan, haddii baxnaanintooda la joojiyo.

UNICEF ayaa waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza, ilaalinta dadka rayidka ah, kaabeyaasha muhiimka ah, in aan la carqaladeyn gargaarka bani’aadantinimo ee naf badbaadinta ah iyo in ay caafimaad dibadda ah helaan dhallaanka dhiciska ah, carruurta dhaawaca ah iyo kuwa kale ee naafada ah.

"In ka badan 50,000 oo carruur ah ayaa la sheegay in la dilay ama la naafeeyey, wax ka yar laba sano.” Ayay UNICEF ku sheegtay war ay soo saartay oo intaasi ku daray "Imisa kale ayaa loo baahan yahay in la dhibaateeyo, ka hor inta aysan dunida wax ka qaban.”

Tan iyo waaberigii shalay 59 qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza, kuwaas oo 42 ka mid ah lagu dilay Magaalada Gaza. 14 ka mid ah dhibaneyaasha ayaa isku qoys ahaa.

Qoyska Sultan ayaa lagu laayay duqayn ay Israel ku qaadday hoygooda oo ku yaala xaafadda Al-Tawam ee waqooyiga Magaalada Gaza.

Dagaalka Gaza oo shalay galay maalintii 707-aad waxay Israel sii waddaa dilka ay u gaysaneyso dadka rayidka ah ee aan is difaaci karin, barakaca ay ku hayso, burburinta guryahooda iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha, sida goobaha danta guud oo ay ku jiraan isbitaalada, xarumaha gargaarka, goobaha waxbarashada, cibaadada, waddooyinka iyo inaysan jirin meel ay si gaar ahi dadku ugu badbaadi karaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa dhankeeda qaylo dhaan ka muujisay xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee guud ahaanba Marinka Gaza.

Hay’adda UNRWA waxay sheegtay inaysan jirin meel ammaan ah oo hartay oo ku taala Marinka Gaza, taasoo ay sheegtay inay dadka reer Gaza u dheer tahay cunto ku filan oo aysan haysan.

"Maamulka Israel ayaa sii wado is hortaagga uu ku hayo in saadka gargaarka ee UNRWA uu soo galo Gaza. Waxaa loo baahan yahay rabitaan siyaasadeed, si taas loo soo afjaro oo go’doomintana looga qaado.” Ayay UNRWA ku sheegtay qoraal.

"Dadku meel ay aadaan ma haystaan, meel ammaan ah ma jirto, dagaalkani waa inuu joogsadaa. Waxaan dalbanaynaa in xabad joojin hadda la sameeyo.” Ayay tiri UNRWA.

Israel oo ciidamadeeda ay 23 bilood ka dagaalamayaan Marinka Gaza ayaa weli raadineysa guusha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya oo shalay lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagaya waxyaabaha Qarxa

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shalay dowladda Boqortooyada Ingiriiska kala wareegtay Gaadiid iyo qalab casri ah oo loo farsameeyay iney ka hor tagaan waxyaabaha qarxa.

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gaadiidka iyo qalabka casriga ah ku wareejisay Ururka Sancada ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qalabkan casriga ah iyo Gadiidka uu ka qeyb qaadan doono horumarinta awoodda iyo xirfadaha ciidanka xoogga dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qalabkani ay la wareegtay dowladda Soomaaliya inuu si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha loogu yeero argagixisada, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dhinacyada kala duwan ee amniga iyo horumarinta dowlad dhiska.

Xiisad ka dhalatay dilka Charles Kirk oo ka taagan Mareykanka

Charles Kirk waxa uu ahaa 31 jir Mareykan ahna taageere koox diimeedka Isra aad u taageera ee loo yaqaan ‘Kirishaanka Zahnuuniyiinta’ ee rumeysan in Yhdu tahay dad Alle ka doortay ummaddiisa kale.

Warbaahinta baraha bulshada ee Charles Kirk oo hore aad u taageeri jirtay xa-suuqa Isra ee Qaza ayaa bilahaan danbe aad uga hortimid siyaasadda Israel ee ku wajahan dadka iyo dawladda Mareykanka.

Charles Kirk waxaa kale oo uu Isra ku eedeeyey in ay hagi jirtay ninka la yiraahdo Jeffrey Epstein oo lagu eedeeyey in uu madaxda Mareykanka, madaxweynayaal illaa xildhibaano iyo ganacsato uu carruurta yaryar u geyn jiray jasiirad uu leeyahay, kana duubijiray muuqaalo aysan ka warqabin. Muuqaaladaas oo loogu goodin jiray in bannaanka la soo dhigayo haddii aysan fulin siyaasadda Isra.

Isbaddalka siyaasadda Charles Kirk ee Isral oo saameyn xooggan ku yeelatay dhallinta Mareykanka ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ka xanaajisay RW Netanyahu, uuna Netanyahu u sheegay Charles Kirk in uu u yimaado, laakiin se uu Kirk ka biyodiiday.

Daraad Charles Kirk oo ka hadlaya jaamacad ku taal gobolka Utah, ayna ka soo qaybgaleen kumannaan dhallinyaro ah ayaa xabbad meel fog laga soo riday waxaa lagala beegtay halbowlaha dhiigga qaada ee hunguriga agtiisa.

Dilka ayaa la sheegay in uu fuliyey dilaa shaqadiisa yaqaan iyo waliba habka fakashada. Waxaa kale oo jira astaamo caddaynaya in si nidaamsan loo fuliyey dilka ayada oo isla markii ay xabbadu dhacday ay laba nin midba meel ka qayliyey ayaga oo iska dhigaya in ay dilka fuliyeen.

Laakiin nus saac kabacdi waxaa la xaqiijiyey in labada nin uusan midkoodna fulin dilka, intii ayaga lagu mashquulsanaana uu dilaagu raadkiisii tirtiray, si dareen la’aan ahna uu fagaarihii kulanka uga siibtay.

RW Netanyahu oo hadda ku mashquulsan duqeynta dalalka Suuriya, Qadar iyo Yemen iyo waliba hanjabaadaha Iran iyo Turkiga ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka tacsiyeeya geerida Charles Kirk.

Haddaba yaa dilay Charles Kirk, mise suurtagal baa in dilaagiisa gacanta lagu soo dhigo? Sida ay hadda qabaan badi dhallinta Mareykanku, rajo lagama qabo in la soo qabto dilaaga, fartana hal meel oo kaliya baa lagu fiiqayaa.

Waxaa kale oo jira, ahna wararka aad la isula dhexmarayo, in Mareykanka uu dilka Charles Kirk u soo qaban doono qof Muslin ah oo maskiin ah oo aan waxba galabsan, si dhallinta Mareykanka ee taabacsan qadiyadda Falastiin loo jiheeyo, loogana horkeeno dadka Islaanka ah iyo waliba taageeradooda reer Qaza.

Shakiga danbe ayaa lala xiriirayaa wajigii hore ee Charles ee uu si aan gabasho lahayn u taageri jiray x-asuuqa Israel ka waddo Qaza, taas oo sababtay in dad badan oo Muslimiin ahi ay aad u karaahiyeystaan Kirk, dhimashadiisana ku reyreeyaan.

Dadkan ayaan la socon isbaddalka siyaasadda Charles Kirk iyo sida uu markii danbe uga horyimid qorshaha Yhda ee Mareykanka iyo waliba siyaasadda Netanyahu ee Bariga Dhexe.

Raysal Wasaaraha Qatar oo Washington kula kulmaya Madaxda Mareykanka

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxda Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa Magaalada Washington ku qaabili doono dhiggiisa dalka Qatar, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Raysal Wasaaraha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Donald Trump, inkastoo aysan sheegin waqtiga saxda ah ay kulmi doonaan.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay dooneysaa in ay dejiso carrada Dowladda Qatar ee ka dhalatay weerarkii aan horey noociisa loo arag ee Israel ay Talaadadii ka gaysatay Magaalada Doha, isla-markaana ay ku bartilmaameedsatay Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee magaaladaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey isaga fogeeyay in uu ka dambeeyay go’aanka ay Israel ku weerartay dalka ay xulafada dhow yihiin ee Qatar.

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in weerarkaasi uu ahaa go’aan uu qaatay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, isla-markaana aanu lahayn mid isaga ka yimid.

Trump ayaa xilligaasi Wariyeyaasha u sheegay in uusan ku faraxsaneyn xaaladdan, oo uu ku sheegay mid aan wanaagsaneyn marka dhinac kastaba laga eego.

Raysal Wasaare Al Thani oo Khamiistii gaaray Magaalada New York ayaa habeen hore kaga qaybgalay fadhi ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen weerarka ay dunida oo dhan cambaareysay ee Israel ku qaadday dalkaasi Qatar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip