halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-09-25

0
Monday September 08, 2025 - 09:25:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-09-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada " VIA MOSCOW”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xusen (Mungab), ayaa shalay xarigga ka jaray wadada dib loo dhisay ee VIA Moskow, taas oo isku xirta bundoyinka degmoyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.

Wadadan oo ka mid ah halbowlayaasha muhiimka ah ee caasimada, islamarkana kor u qaadaysa isku socodka bulshada iyo horumarka magaalada, ayuu Dr. Muungaab sheegay in dhismaheeda uu muddo lix bilood hakad ugu jiray sababo la xiriira maqnaanshaha dhaqaalaha, kadib markii shirkaddii qandaraaska la siisay aysan helin qarashkii fulinta mashruuca. Wuxuu xusay in hadda Dowlada Hoose ee Muqdisho ay si buuxda u maalgelisay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ku boorriyay in si wadajir ah loo ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda wadada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciddii ku xadgudubta sharciga lala tiigsan doono. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyo bulshada caasimadda ay tahay inay iska kaashadaan: Ilaalinta adaafadda, bixinta canshuuraha, iyo u dulqaadashada saxmadda wakhtiga dhismaha wadooyinka, maadaama laga shaqaynayo in la helo wadooyin tayo leh oo waara.

Munaasabadda xarig-ka-jaridda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Ku-xigeenka hawlaha guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamud, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, guddoomiyayaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda Puntland: Shaqaalaha mushaarkooda waxaa nooga muhiimsan waddooyinka la dhisayo

Wasiirka maaliyadda Dowlad Goboledka Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay hadal ka careysiiyay shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, kaddib markii uu sheegay in dhismayasha wadoyinka ay ka muhiisan yihiin shaqaalaha mushaarkooda.

"Shaqaalaha mushaarkooda waddadaa nooga muhiimsan,” ayuu yiri wasiirku maaliyaddu.

Hadalkaan wasiirka ayaa kusoo beegmay xilli shaqaalaha Puntland aysan wax mushaar ah qaadan muddo lix bilood ah sannadkan gudihiisa, taasoo ay sii dheer tahay lacagihii gunnada ahaa oo laga goostay shaqaalaha.

Wasiirka maaliyadda oo wax laga weydiiyay ayaa sidoo kale dafiray in wax mushaar ah lagu eedeeyay wasaaradda maaliyadda, isagoo aan si fiican uga jawaab markii la weydiiyay sababta ay ciidamadu u gadoodaan.

Hadalka wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa caro xooggan ka abuuray baraha bulshada, iyadoo qaar kamida ah shaqaalaha rayidka ah ay ku tilmaameen hadalka wasiirka mid nasiib darro ah oo muujinaya dulmiga ay dowladdu ku hayso shaqaalaha rayidka ah.

Arimahan ayaa waxay kusoo begmayan, xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay gadood sameynayeen qaar kamid ah ciidamada amniga Puntland oo ka cabanayay mushaar la’aan.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Guddiga ka shaqeynta dib-u-habeynta CXD

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay ka qaybgalay munaasabad lagu sagotinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habenta Ciidanka Xooga Dalka, Gudigan ayaa waxaa ku midaysan Wasaaradda Gaash-aandhiga, Wasarada Maaliyada, Taliska Ciidanka Xoga Dalka iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulankan sagootinta, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gashandhiga, Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiir ku xigenka Wasaarada Maaliyada, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka Xoogga.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in guddiga farsamo ee la magacaabay laga rabo inay kala saaraan askarta hawlgabka ah iyo kuwa shaqeeya, hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahoda iyo inay hirgeliyan nidamka casriga ah ee aqoonsiga faraha, ujeedada arrintani waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.

Wasiir Fiqi, wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan uu qayb ka yahay fulinta Xeer Madaxweyne Lr.238, kaas oo qeexaya hab-raaca dib-u-habeynta ciidanka, si loo helo ciidan tayo leh oo guta waajibaadka difaaca qaranka.

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotodadheer ee aqooneed iyo middiisa maamul, ayaa u rajeeyay Dr. Maxamed Maxamuud inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh, isla markaana u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay sanadkii 2024 gashay kaalinta labaad ee dekedaha ugu horumarka badan Bariga Afrika.

Isagoo la hadlayay shaqaalaha dekedda, ayuu Maareeyuhu xusay in marxaladda xigta ay u baahan tahay xoojinta waxqabadka iyo dhaqan-gelinta dhammaan waaxyaha muhiimka ah. Wuxuu ku boorriyay shaqaalaha inay muujiyaan howlkarnimo iyo mudnaan siinta hawlaha loo igmaday, si kor loogu qaado hufnaanta shaqada loona xaqiijiyo sii jiritaanka guulaha la gaaray.

Guushan ayaa ka dhalatay tartan adag oo lala galay dekedaha Mombasa, Kenya, Dar es Salaam Tanzania, iyo D. Jabuuti, Jabuuti,Dekedda Muqdisho ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamud Axmed Adan Gesod, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Kormerka Suuqa Qaranka e dalka Aljeriya, Mudane Ḍayib Zaytuni, inti lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Gudaha Afrika oo ka socota magaalada Aljeers, 4–10-ka Sebteembar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furista fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Aljeeriya, arrin ay dan weyn ugu jirto labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay hababka lagu xojin karo iskashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista is-weydaarsiga ganacsi, iyadoo la adeegsanayo madalaha uu bixiyo Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika.

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka socotay ururada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha UN Women ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somali NGO Consortium.

Shirka wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa isku-dubaridka ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs), Ururada Bulshada Rayidka ah (CSOs), iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA). Ujeeddada iskaashigan ayaa ah in la hubiyo in howlaha gargaarku noqdaan kuwo loo dhan yahay, oo si wax-ku-ool ah uga jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa haweenka iyo gabdhaha.

<span;>Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dejiyo qorshaha isku-xirka joogtada ah ee ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs) iyo mas’uuliyiinta GiHA.

Talaabadan ayaa abuuraysa fursado cusub oo lagu wada shaqeeyo, lana wadaago macluumaadka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galbed Abdiasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shalay si rasmi ah xarigga uga jaray Garoon Diyaaradeed oo ay shacabka degmada Buur Hakaba si isku-tashi ah u dhiseen, taas oo noqotay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhiirigelinayo horumarka iyo midnimada bulshada.

waxaana uu ka mid yahay mashaariicda muhiimka ah ee kor u qaadaya adegyada iyo isku socodka bulshada gobolka.

Agaasinka Waxbarashada G.Banaadir oo xayiraad kusoo rogay in taleefoonnada casriga ah loosoo qaadan karin iskuulada

Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ku saabsan in iyadoo lagu guda jiro fulinta qodobbadii kasoo baxay War-murtiyedki Jowhar, in ardayda dugsiyada gobolka aysan soo qaadan karin taleefoonnada casriga ah (smartphones) inta lagu guda jiro waqtiga waxbarashada.

Tallaabadan ayaa agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir waxa uu ku tilmaamay in ay u qaadeen si loo xakameeyo saameynta taban ee ay taleefonadan ku leeyihiin waxbarashada iyo akhlaaqda ardayda.

Maamulka ayaa sidoo kale ka codsaday waalidiinta in ay si dhow ula shaqeeyaan maamulada iyo dugsiyada si loo hubiyo in ardaydu aysan wadan taleefoonnada casriga ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo jawiga waxbarashada iyo sidii loo ilaalin lahaa edbinta iyo anshaxa ardayda.

"Annagoo fulinayna qodobbadii kasoo baxay War-murtiyeedkii Jowhar, waxaa dugsiyada Gobolka Banadir la wadaagnay in ardayda aan loo ogolaan in ay soo qaataan taleefoonnada casriga ah (Smartphones), si loo xakameeyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin waxbarashada iyo akhlaaqda ardayda, Waxaan ka codsanaynaa waalidiinta sharafta leh in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka iyo Dugsiyada, kaalintoodana ka qaataan hubinta in ardaydu aanay soo qaadan taleefoonada casriga ah." ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay agaasinka Waxbarashada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa ay arintaani muujinaysaa sida ay maamulka gobolka uga go’an tahay inay kor u qaadaan tayada waxbarashada iyo anshaxa guud ee dugsiyada, iyadoo la xakameynayo saameynta qalabka teknolojiyadda ee laga yaabo inay carqaladeeyaan waxbarashada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in mar kale dib loo bilaabayo Diiwaan galinta Dadweynaha

Gudiga Madaxabanaan ee dorashoyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo bilabayo diiwan galinta dadwey-naha ee doorashada qof iyo codka ah.

Guddoomiyaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Warbaahinta ayaa u sheegay in 9-ka bishaan September dib loo billabayo Diiwan galinta dadweynaha.

"9-ka bishaan ilaa 30 keeda waxaa fureynaa diiwaan galinta si Ururada cusub ee is diiwaan galiyay u helaan taageerayaal u codeeya” ayuu yiri Guddoomiye Axmed.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa ugu baaqay Ururada kale ee soo buuxiyay dhamaan sharuudaha looga baahna inay is diiwaan galin karaan oo waqti walba albaadada u furan yihiin .

Diiwaan galinta guddiga uu shaaciyay in mar kale dib loo bibaabayo ayaa kusoo aadeysa, iyadoo diiwan galinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ku ekeyd 15- ka bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.

Si kastaba ha ahaate arinta doorash-ooyinka qof iyo codka ah waxaa diidan Xubnaha mucaaradka garabka uu hogamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Saraakiil ka socotay ciidamada Masar oo laga sagootiyay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa shalay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku joogay Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in booqashadan ay muujineyso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wuxuu u mahadceliyay saraakiisha iyo dhammaan hay’adaha dowladda ee ku hawlanaa soo dhoweynta iyo fududeynta howlaha wafdiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo iskaashiga ay muujiyeen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Africa ee Dowladda Mareykanka (JSOTF -EA) ayaa xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,

Taliyaha ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada Ciribtirka Al-shabaab.

Mudaaharaad lagu cadaadinayo Xukuumadda Netanyahu oo ka dhacay Israel

Kumanaan Israeliyiin ah ayaa habeen hore isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Magaalada Jerusalem, iyagoo dalbanaya in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza. Bannaanbax kale oo midkani garab socday ayaa ka dhacay Magaalada Tel Aviv.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay cambaareeyeen go’aanka ay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku ballaarisay dagaalka, ka gadaal markii ciidamadu ay hawlgal ballaaran ka bilaabeen magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Mudaaharaadayaasha Israel ayaa ka horyimid weerarada aan dadka lagu kala sooceynin ee militarigu uu ka wado waqooyiga Marinka Gaza, haddii uu keenayo inay dhintaan maxaabiista looga haysto gudaha Gaza.

Qoysaska ay dadkoodu ka maqan yihiin ayaa dowladda ku eedeeyay in ay iyadu tahay tan diidan in wada-xaajood lagu soo sii daayo maxaabiista.

Qoysaska iyo ehelada maxaabiista oo horkacaya dibadbaxayaasha ayaa soo dhoobtay afaafka hore ee hoyga Raysal Wasaare Netanyahu uu ku degan yahay Jerusalem, waxayna sheegeen in hawlgalka la ballaariyay uu halis gelinayo maxaabiista harsan, isla-markaana uu kordhinayo khasaaraha soo gaaraya dadka reer Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa goor hore oo Sabtidii ah sheegtay in tirada dadka lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo bilowgii dagaalka ay mareyso 64,368 qof. Tiradan qayb kama ahan in ka badan lixdan qof oo daraad lagu dilay Gaza, waxayna wasaaraddu ku soo dari doontaa tirooyinka la daabaci doono Axaddan.

Viki Cohen oo ah hooyada dhashay Nimrod Cohen oo lagu haysto Gaza ayaa waxay sheegtay in ay ku jiraan daqiiqado xasaasi ah, suurtagalna ay tahay in xilligan la joogo go’aan laga gaarayo nolosha wiilkeeda.

"Waxaan ku jirnaa daqiiqado xasaasi ah.” Ayay tiri Viki Cohen oo la hadleysay dadkii dibadbaxa ka dhigay Jerusalem, waxayna intaasi ku dartay "Waa suurtagal in waqtigan la joogo la go’aaminayo masiirka wiilkayga.”

Orna Neutra oo ah hooyada dhashay maxbuuska dhintay ee lagu magacaabo Omer Neutra, meydkiisana lagu hayo Gaza ayaa sheegtay in qabsashada Magaalada Gaza ay tahay khatar dhab ah oo soo food saartay maxaabiista.

Orna Neutra ayaa sheegtay in Ciidamada Israel aysan wax qorshe ah ka lahayn ilaalinta nolosha maxaabiista, isla-markaana ay dhacdooyinkii hore ka barteen inaysan garaneyn halka lagu hayo.

Waxay xustay dhacdadii lixda maxbuus lagu dilay 31-kii bishii August ee sanadkii 2024 ee ka dhacday deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, xilli ciidamadu ay hawlgal ka wadeen deegaankaasi.

Hawlgalka militari ee lagu fidiyay Magaalada Gaza ayaa dhaliyay dareen cusub, oo baqdin lagaga muujinayo mustaqbalka maxaabiista. Israeliyiinta ayaa dowladdooda ugu yeeray inay mudnaan siiso heshiiska xabad joojinta Gaza ee keenaya in maxaabiista la is dhaafsado.

Hawlgalkan ayaa walaac ku abuuray shacabka Israel ee la dareenka ah qoysaska ay ka maqan yihiin kuwii ay jeclaayeen ee la dhageysan la’yahay in wada hadal lagu soo celiyo dadkaasi, si ay mar kale u midoobaan.

Dagaalka Gaza oo shalay galay maalintii 702-aad ayaa waxaan jirin natiijo ay Israel ka gaartay yoolashii ay bilowgii ugu duushay Marinka Gaza, ee kala ahaa dib u soo celinta maxaabiista, burburinta Xamaas iyo in Gaza laga dhigo meel aan mustaqbalka khatar ku ahayn amniga Israel.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku celiyay hanjabaaddiisa ah in ay sii wadayaan dagaalka lagu burburinayo Magaalada Gaza, isla-markaana aysan joojin doonin, iyadoo aan la gaarin guusha dagaalka.

Hadalka Wasiir Katz ayaa ka sii carreysiin kara shacabka Israel ee sida weyn uga soo horjeeda sii socoshada dagaalkan.

Ruushka oo weerar culus ku qaaday caasimada Ukriane ee Kyiv

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar habeeninmo oo uu Ruushka ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Booliiska Ukraine ayaa sheegay in labada qof ee meydadkooda laga helay goobtii weerarka ka dhacay degmada Svyatoshynsky ee Kyiv ay ahaayeen haweeney 32 jir ah iyo wiilkeeda oo jiray laba bilood oo keliya.

Dhismihii ay daganaayeen ayaa si qaybo ah u burburay weerarka Ruushku ku qaaday, kaas oo sidoo kale dab qabadsiiyey dhismayaal deris ah, baabuurro iyo bakhaarro.

Booliisku waxay sidoo kale xaqiijiyeen in 16 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu qaaday magaalada Kyiv.

Duqa magaalada Kyiv Vitaliy Klitschko ayaa ka warbixiyay dab ka kacay dhismo dowladeed oo ku yaalla bartamaha degmada Pecherskyi – isagoo sheegay in dabkan ay u badan tahay inuu ka dhashay diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay.

Ruushka ayaan weli ka hadlin duqeymahan, balse wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamadooda difaaca cirka ay soo rideen ama qabteen 69 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaasoo ku sugnaa tiro ka mid ah gobollada Ruushka.

Weerarada habeenimo ee Ukraine ayaa imaanaya iyadoo Vladimir Putin uu sii adkeynayo digniintiisa reer galbeedka.

Trump oo shaki geliyay inay nool yihiin dhammaan maxaabiistii lagu haystay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaki geliyay in ay nool yihiin dhammaan maxaabiistii tiradooda laga warqabay ee lagu hestay Marinka Gaza, waana xilli ay Israel sii xoojineyso duula-nkeeda dhulka ay go’doominta ku hayso.

Israel ayaa mar kale isku soo jeedisay indhaha shacabkeeda diidan dagaalka, ka dib markii militarigu uu qaaday guluf cusub o lagu qabsanayo Magalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Masuuliyiinta Israel ayaa dhawaan sheegay in Xamaas iyo ururada kale ee iska caabinta Falastiiniyiinta ay gacanta ku hayaan 47 maxbuus, kuwaas oo 20 ka mid ah la aaminsan yahay in ay nol yihiin.

Madaxweynaha Mareykanka oo aad mooddo in uu mucaaradayo weerarka ay Israel ka bilowday Magaalada Gaza ayaa sheegay in uu maqlay in durbaba qaar ka mid ah maxaabiista ay dhinteen.

"Tirada maxaabiista nool waxay ahayd 20, laakiin waxaan u malaynayaa in qaarkod ay dhawan dhinteen, waa waxa aan maqlayo.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo intaasi ku daray "Waxaan rajaynayaa inaysan sax ahayn.”

Trump ayaa yiri "Waxaan ognahay in ugu yaraan 30 qof ay dhinteen, waxaana ku jirnaa gorgortan, si aan dibadda ugu soo saarno.”

Trump ma sheegin isha uu ka soo xigtay xogta ku saabsan dhimashada laga yaabo inay dhawan dhinteen maxabiista qaar ka mid ah.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad ayuu sheegay in mamulkiisu uu wada hadal qoto dheer kula jiro Ururka Xamaas ee Falastiin, si loo soo sii daayo maxaabiista harsan.

Donald Trump, Madaxwenaha Marek-aynka ayaa ka digay, waxa uu ku sheegay xaalad adag oo soo socota.

Gudiga qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa war ay soo saareen Trump uga mahadceliyay dadaal kasta, oo uu ku oofinayo ballanqaadkiisii hore ee ahaa inuu dhaman maxabiista so celin doono.

Israel ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii qaadday olole militari, oo sida ay sheegeen ay kula wareegayaan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, balse Israeliyiinta ayaa ka waalacsan in waxa lagu sheegay hawlgalka militari ee dhameystiran aanu badbaado lahayn.

Hadalka Trump ayaa dabka ku sii shiday cabsida ay qoysaska iyo ehelada maxaabiista ka muujinayaan in kororka weerarada militari ay soo afjari karaan nolosha dadkaasi.

Xamaas ayaa Jimcihii bahisay muuqalka laba ka mid ah maxaabiista Israel oo lagu dhex wado gudaha Magaalada Gaza.

Guy Gilboa-Dalal iyo Alon Ohel ayaa shacabka ka codsaday in Raysal Wasare Benjamin Netanyahu lagu cadadiyo inuu ka shaqeeyo, sidii lagu soo deyn lahaa iyaga iyo maxaabiista kale ee la xiran.

Waxay ahayd, markii koowaad oo la arko muuqaalka maxbuuska lagu magacaabo Alon Ohel, tan iyo weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 oo la qafashay ninkaasi.

Nolosha ninkan ayaa rajo badan gelisay qoyska iyo ehelada, mana ahan mid ay ogolan karaan in ciidamadodu ay dilaan.

Xamaas ayaa Arbacadii sheegtay inay diyaar u tahay in ay gasho heshiis dhameystiran, oo qayb ka ah sii deynta dhammaan maxaabiista iyo in la soo afjaro dagaalka Gaza, balse Israel ayaa ku gacan seyrtay.

Duufaanta siyaasadeed ee ka socoto reer galbeedka oo walaac ku haysa Israel

Israel ayaa halgan ugu jirta, sidii ay u fashilin lahayd culeyska siyaasadeed ee ka soo fuulay dalalka reer galbeedka ee haya wadada lagu aqonsanayo Dowlada Falastiin.

Madaxda iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa isku dayaya in ay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ku qanciyaan in aysan bishan September aqoonsan Dowladn-imada Falastiin, taas oo aan la garaeyn sida ay ku suurtageli karto, marka aad eegto cadaadiska sii kordhaya ee hoggaam-iyeyaashaasi ka haysta shacabkooda.

Saraakiisha Safaaradaha Israel ee dalalka reer galbeedka ayaa joogteynaya xiriiradooda dowladahaasi, iyagoo kaga digaya cawaaqibka ay leedahay, haddii ay ku dhiiradaan inay aqoonsadaan Falastiin. Tel Aviv ayaa ka digeysa in dalalkaasi ay burburiyaan Dowladda Yahuudda ay gacantooda ku dhiseen.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog oo qorsheynaya in toddobaadka soo socdo uu booqdo dalka Ingiriiska ayaa buuq ka dhaliyay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibanada Aqalka Commons ay Raysal Wasaare Keir Starmer iyo xubnaha kale ee Golaha Wasiirada ugu baaqeen inaysan qaabilin, marka Herzog ay booqashada labada maalmood ah uga bilaabato dalka.

221 Xildhibaan oo ka kala socda sagaal xisbi siyaasadeed oo 131 ka mid ah ay yihiin Xildhibaanada Xisbiga Shaqaalaha ee Raysal Wasare Starmer uu hogamiyo ayaa u ololeynaya in UK ay bedesho mowqifkeedii taageerada Israel, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo xoogga ay ku haysato dhulka kale ee Falastiiniyiinta.

Starmer ayaa illaa iyo hadda ka fiirsanaya tallaabada ay dowladdiisu ka qaadi karto Israel, ka dib markii ay maqli weyday digniintiisii bishii July ee ahayd in London ay bishan September aqoonsan doonto Dowladda Falastiin, haddii aysan Israel ogolaanin shuruudo ay ka mid yihiin in la jojiyo dagalka Gaza, in la qado xanibadaha gargarka bani’adanimo, si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’a-adantinimo ee Gaza ka taagan iyo inay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka sameynayso Daanta Galbed, isla-markaana aysan la iman rabitaan ku aaddan nabadda mustaqbalka fog.

Starmer ayay tahay in uu qaato go’aan qaraar, isagoo ka jawaabaya arrimaha isku dhafan ee horyaala, haddii uu u dhaqaaqi lahaa aqoonsiga Falastiin iyo haddii uu sii wadi lahaa taageeradiisa Israel, taasna aysan u wanaagsaneyn mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dalka.

Bulshada caalamka ayaa u degdegeysa shirka laba toddobaad ka dib ay leeyihiin Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, halkaas oo la filayo in tiro dowlado ahi ay kaga dhawaaqaan aqoonsiga Falastiin.

Dowladaha Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa ka shaqeynaya, sidii dalalka aan horey u aqonsan Falastiin ay u aqoonsan lahaayeen, si loo xaqiijiyo xalka laba dal oo Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta ay leeyihiin, isla-markaana si nabad ah ugu wada nool Gobolka Bariga Dhexe.

Riyadh iyo Paris ayaa dalalka Qaramada Midoobey ugu baaqay inay taageeraan baaqa qeexaya tallaabooyin la taaban karo, waqti ku xiran, isla-markaana aan laga laaban karin oo ku aaddan hirgelinta xalka laba dowladood ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Elina Valtonen ayaa Jimcihii bogaadisay habka ay labadasi dowladod u hogamin-ayan arrintan, waxayna ku sheegtay dadalkii ugu heerka sarreyay ee caalami ah muddo sanado ah, si loo abuuro bay tiri shuruudo xal laba dowladood ah.

Dalalka reer galbeedka qaarkood ayaa la filayaa in bishan ay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaga dhawaqan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.

Faransiiska, Malta, Belgium, Canada iyo Australia ayaa waxay xaqiijiyeen in daba-yaaqada bishan ay ku dhawaaqi doonan aqoonsiga Dowlad Falastiini ah.

Ingiriiska, Portugal iyo Finland ayaa aad ugu dhow in iyana ay aqoonsadaan dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.

Yurub ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaqyo xoog leh oo lagu taageerayo qaddiyadda qaranimada Falastiin, waxaana suurtagal ah in dalal hor leh ay ku biiraan duufantan siyaasadeed oo dad badani ay ku sheegeen mid caddaalad ah.

Dhaqdhaqaaqyadan ka socdo Yurub ayaa madax xanuun ku riday Israel, maadaama ay fahamsan tahay in ay ka sii go’domineyso dunida. Dowlada keliya ee ay dadka Yahuudda leeyihiin ayaan aad looga jecleyn dunida, sababtoo ah habdhaqankeeda guracan oo la diiday.

Dunida ayaa xalka labada dowladood u aragta kan qura ee lagu soo afjari karo colaadda Bariga Dhexe, laakiin Israel waxay u aragtaa dhammaadkeeda.

Jarmalka oo ah xulafada ugu weyn Israel ee Yurub iyo Midowga Yurub ayaa xitaa taageray xalka labada dowladod, inkasto aanu xaqiijin inuu aqoonsanayo Falastiin.

Siyasiyiinta Israel ayaa ku andacoonaya in yeglelida Dowladda Falastiin ay khatar ku tahay jiritaanka Israel, isla-markaana ay keeneyso inay dowladdoodu burburto.

Ilmo ku beermay beerka korkiisa: Kiis hadda kahor ka dhacay Soomaaliya oo ka yaabiyay dhaqaatiirta Hindiya

Dhowaan waxaa soo shaac baxday dhacdo naadir ah oo naxdin leh oo ku dhacday haweeney uur leh oo ku nool gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya kaas oo cunugga (uurjiifka) uu ku beermay beerka halkii uu ku beermi lahaa ilmo-galeenka haweeneyda.

Kiiska dhibbanaha 35-jirka ah ee Sarvesh wuxuu noqday diiradda dhakhaatiirta iyo khubarrada caafimaadka ee Hindiya.

Ka dib markii warkani soo shaac baxay, khubarrada caafimaadka, oo ay ku jiraan dadweynaha guud ahaan, waxay rabaan inay ogaadaan sida waxaas oo dhan u suurtagashay iyo sida ay tahay xaaladda haweeneyda, Sarvesh, hadda?

Waxaan sidoo kale tagnay tuulada Sarvesh 'Dastora' si aan jawaabo ugu helno su'aalahan la midka ah.

Markaan gurigeedii soo gaarnay, waxay ku jiiftay sariirta iyadoo suun dhexda kaga xiran yahay. Waxay sheegtay inay aad ugu adkayd inay xataa foorarsato.

Waxa ay sheegtay in 21 tolliin looga sameeyay dhinaca sare ee midig ee caloosha.

Dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen inaysan qaadin shay culus, waxayna kula taliyeen inay aad u nasato oo ay cunto cunto fudud.

Sarvesh waa in ay caawimo ka raadsato ninkeeda si ay dharka isaga baddasho, u gasho suuliga, oo ay isaga beddesho dharka.

Sarvesh iyo ninkeeda Paramveer ayaa sheegay in kiiskani uusan ahayn wax qarsoodi ah u ah qoyskooda.

Aad ayaan u matagi jiray, waxaan dareemaya daal iyo xanuun. Ma fahmin waxa igu dhacay," Sarvesh ayaa sidaa u sheegtay BBC.

Waxa ay sheegtay in markii ay xaaladdeeda ka sii dartay uu dhakhtarku ka codsaday in la sameeyo ultrasound (raajada uur ku jirta), balse wax uma sheegin, waxayna sii wadday qaadashada dawooyinka ay dhakhaatiirtu u qoreen ee lagu daweynayo caabuqyada caloosha.

Waxay sheegtay in ka dib markii ay qaadatay dawo muddo bil ah, oo aysan jirin wax faa'iido ah, ay u tagtay isbitaal kale si raajo loo saaro.

Warbixinta raajada ee soo baxday ayaa ahayd mid aad loola yaabo oo xitaa dhakhaatiirtu ay rumaysan waayeen.

Dr. Sania Zahra, oo samaysay raajada, ayaa u sheegtay Sarvesh in ilmaheeda uu ku jiro beerka. Waxay ahayd xaalad la yaab ku noqotay Sarvesh iyo ninkeeda, Paramveer.

'Cunugga wuxuu ku jiraa beerkaaga'

Si loo sii xaqiijiyo warbixintan, waxay tagtay magaalada u dhow ee Meerut, halkaas oo lagu sameeyay raajo kale iyo sidoo kale MRI, laakiin warbixinteedu wali waa sidii hore.

Aad bay ugu adkeyd Sarvesh inay rumaysato warbixinta sababtoo ah dhiigga caadada ayaa u joogay waqtigaas.

Dr. KK Gupta, oo sameeyay raajada MRI-ga, ayaa BBC-da u sheegay in uusan waligii arag kiis noocaan oo kale ah muddo 20 sano ah.

Ka hor inta aan la gaarin gunaanadka warbixintan ku saleysan, dhowr jeer ayay dib u eegeen warbixinnada, waxayna si joogta ah u weydiiyeen haweeneyda xaaladdeeda caadada.

Sida laga soo xigtay Dr. Gupta, "Waxaa jiray uurjiif 12-toddobaad ah oo ku yaal dhinaca midig ee beerka haweeneyda, kaas oo garaaca wadnaha si cad loo arki karo, xaaladdan waxaa loo yaqaan 'enterohepatic ectopic pregnancy, taas oo ah mid aad u dhif ah. Xaaladdan oo kale, haweenku aad ayay u dhiig baxaan xilliga caadada waxayna u tixgeliyaan inay tahay dhiigga caadada ee caadiga ah, xaaladahan oo kale waxay qaadataa waqti in la ogaado uurka.

'Xal kale ma jiro aan qalliin ahayn'

Dhaqtarka ayaa lammaanaha u sheegay in uur-jiiftu ay sii weynaaneyso, isla markaana ay taasi wax u dhimi karto beerka. Xaaladdan oo kale, way adag tahay in hooyadu ay badbaaddo. Sidaa darteed, ma jirin wax kale oo aan qalliin ahayn.

Paramveer ayaa sheegay in dhaqtar uusan joogin Bulandshahr oo xaaladdaas la tacaali karay, sidaa darteedna uu aaday Meerut, balse halkaas xitaa uu ka niyad jabay.

Sida uu seygeeda Paramveer sheegay, dhaqaatiirta ayaa u sheegay in kani uu ahaa kiis isku qasan oo nolosha hooyaduna ay khatar ku jirtay, sidaa darteedna uu qof walba kula taliyay inay aadaan DelhI.

Waa maxay xaaladdan, Soomaaliyana maka dhacday?

Xaaladdan waxaa lagu magacaabaa intrahepatic pregnancy, waana ilmaha oo ku abuurma bannaanka minka,

Dr Samiira Axmed Amoore oo ah dhaqtaradda haweenka iyo qalliimadooda kana howlgasha isbitaalka Rajab Tayib Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa BBC u sheegtay in xaaladdan ay tahay mid naadir ku ah dunida oo dhan.

"Ilmaha inta badan waxay ku beermaan caloosha,

Balse waxay sheegtay in kiiskan oo kale uu sanadkii 2020 ka dhacay Soomaaliya gaar ahaanna haweeney ka timid magaalada Gaalkacyo ay tagtay isbitaalka Rajab Tayib Erdogan kadibna la ogaaday in ilmaha ay ku beermeen beerka.

"Dalka wax waa looga qaban waayay, waxaa la geeyay Turkiga oo lagu daweeyay. Hadda way fiican tahay oo ilmo kale ayayba ku dhashay isbitaalkeennna." Ayay tiri Dr Samiira.

Haweeneydu caadi ahaan waxay uur qaaddaa marka manida ragga ay ukunta bacrimiso.

Ukunta bacrimisan ayaa caadi ahaan u dhaqaaqda dhanka makaanka iyadoo sii mareysa tubbo loogu talo-galay kadibna waxaa minka dhexdiisa ku abuurma uur-jiifta.

Dhaqaatiirta ayaase sheegay in marar qaar ay ukuntaasi gaari weyso minka ayna tubbada ku harto amaba ay ku dhegto xubin kale korkeeda.

Tusaale ahaan, kiiska haweeneydan ukunta ayaa ku dhegtay beerka korkiisa. Beerka wuxuu leeyahay hannaan fiican oo uu dhiigga ugu qeybiyo jirka intiisa kale, sidaa darteed wuxuu ukunta ugula muuqday sagxad fiican oo ay ku kori karto.

Balse xoogaa kadib, xaalad khatar ah ayaa lasoo gudboonaata hooyada iyo cunuggaba, mana jiro xal aan ahayn qalliin.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip