Ruushka oo weerar culus ku qaaday caasimada Ukriane ee Kyiv

0
Sunday September 07, 2025 - 17:42:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo weerar culus ku qaaday caasimada Ukriane ee Kyiv

    Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar habeeninmo oo uu Ruushka ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv. Booliiska Ukraine ayaa sheegay in labada qof ee meydadkooda laga helay goobtii weerarka ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar habeeninmo oo uu Ruushka ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv. Booliiska Ukraine ayaa sheegay in labada qof ee meydadkooda laga helay goobtii weerarka ka dhacay degmada Svyatoshynsky ee Kyiv ay ahaayeen haweeney 32 jir ah iyo wiilkeeda oo jiray laba bilood oo keliya. Dhismihii ay daganaayeen ayaa si qaybo ah u burburay weerarka Ruushku ku qaaday, kaas oo sidoo kale dab qabadsiiyey dhismayaal deris ah, baabuurro iyo bakhaarro. Booliisku waxay sidoo kale xaqiijiyeen in 16 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu qaaday magaalada Kyiv. Duqa magaalada Kyiv Vitaliy Klitschko ayaa ka warbixiyay dab ka kacay dhismo dowladeed oo ku yaalla bartamaha degmada Pecherskyi – isagoo sheegay in dabkan ay u badan tahay inuu ka dhashay diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay. Ruushka ayaan weli ka hadlin duqeymahan, balse wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamadooda difaaca cirka ay soo rideen ama qabteen 69 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaasoo ku sugnaa tiro ka mid ah gobollada Ruushka. Weerarada habeenimo ee Ukraine ayaa imaanaya iyadoo Vladimir Putin uu sii adkeynayo digniintiisa reer galbeedka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip