halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 07-09-25

0
Sunday September 07, 2025 - 09:41:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 07-09-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Munaasabadda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2026

Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeyb galay munaas-abadda mahadcelinta howl-wadeenada imtixanka qaranka 2024–2025, xiritaanka tababarka macallimiinta qaranka iyo bilowga sannad-dugsiyedka 2025/2026.

Munaasabaddan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo xiray tababar ay ka faa’iideysteen 300 macallin oo laga soo xulay gobollada dalka, kuwaas oo lagu xoojiyey xirfadaha waxbarid iyo hababka casriga ah ee wax lagu baro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda Waxbar-ashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta waxbarashada, dhiirigelinta macaliminta, maaraynta Imtixaankii Qaran ee sanadkan iyo hubinta in carruurta Somaliyed ay helaan waxbarasho tayo leh oo mideysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Guddiga Tacliinta Sare inay xooga saaraan hubinta tayada waxbara-shada heerka Jamacaded iyo hormarinta cilmi-baarista, waxa uuna xusay in horumarinta dalka ay aasaas y tahay tayada aqoonta dhalinyarada Somaliyed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Federaalka Somalia Maxamud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay furitanka Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair) oo heer sare ah kana dhacaysa dalka Aljeeriya.

Shirkan waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyey Guddiga Midowga Afrika (AU Commission), Xarunta AfCFTA (African Free Continental trade area) iyo Bangiga Afreximbank iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo ganacsiga, la dhiirrigeliyo maalgeshiga, lana xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda Afrika.

Shirka waxaa Wasiirka kala qayb galay Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

Ka qeybgalka Wasiirka ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya horumarinta isdhexgalka gobolka, sahminta fursadaha ganacsi ee cusub, iyo sidii Soomaaliya ay door muuqda uga ciyaari lahayd mustaqbalka dhaqaale ee Afrika.

Iskaashigan ayaa horseed u noqoni doona horumar dhaqaale oo waara iyo xoojinta xirirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika.

Xoghaye Maxamed Caddow oo la Kulmay Madaxda Shirkadda Date Flow Group

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Caddow ayaa magaalada Dublin kula kulmay Madaxda Shirkada Data Flow Group.

Xoghaye Caddow, ayaa kala hadlay mas’uuliyinta shirkada sidii loo xoojin lahaa nidaamyada xaqiijinta documentiyada iyo shahaadooyin dadka ajaaanibta ah ee dalka Soomaaliya u yimaado shaqooyinka la xariira bixinta adeegyada Caafimaadka.

Data Flow Group, waa shirkad caalami ah oo ka shaqeysa hubinta iyo xaqiijinta xogta xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee xirfadlayaasha ah waxaana ay ka caawisaa hay’adaha caafimaadka, dowladaha iyo ururada xeerarka caafimaadka iyo in ay xaqiijiyaan shahaadooyinka, aqoonsiyada, iyo taariikhda xirfadeed ee shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka si loo hubiyo in adeegyada caafimaad ee la bixiyo ay yihiin kuwo ammaan ah oo tayo leh.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID.

Goobaha uu sida gaarka ah Taliyuhu kormeerka ugu sameeyey waxaa kamid ah Xarunta Caafimaad ee Maxaabiista loogu adeego iyo Goobta sida gaarka ah loogu hayo Maxaabiista dambi baarista lagu sameynayo.

Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay Hogaanka iyo Howlwadeenada CID ayaa kula dardaarmay in kiisaska baarista ee loo keeno iyo kuwa ay gacanta ku hayaanba u cadaalad sameeyaan kana fogaadaan waxkasta oo dib u dhac ku keeni kara adeegga ay Bulshada u hayaan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shalay diiwaan galiyay 14 Urur Siyaasadeed

Qaar ka mid ah xubnahii dhawaan isaga baxay Madasha Samatabixinta Somaliy-ed e heshiska la galay dolada Fedaralka aya shalay qaatay shahadada diiwaan galinta Xisbi Siyasaded kooda cusub.

Gudiga Madaxa banaan ee dorashoyinka Qaranka ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyay 14 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay ku jiraan urur ay ku mideysan yihiin guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xisbiyada shalay la siisay shahadoyinka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb galka doorashooyinka dalka ka dhacaya ee qof iyo codka ah, kadib markii ay dhawaan heshiis la qaateen madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashoyinka, Abdikariin Axmed Xasan aya warbahinta u sheegay in dhamaan la siiyay shahaad-ooyinka inay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahna, islamarkana lagu warejiyay shahadoyinka diiwaan gelinta.

"Waxaa sharaf wayn innoo ah in 14 urur aan shalay shahaado siinay oo soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waxaa kale oo qiimo noogu fadhiyo in rag badan oo siyaasiyiin ay kamid yihiin dadka shalay ururadooda ku guuleystay inay helaan urur ahaan iyo siyaasad ahaan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed ayaa xusay in talaabadan ay qayb ka tahay hormarinta nidaamka xisbiyada badan, taas oo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee Shahaado siinta Xisbiyadaan cusub ayaa kusoo aadeyso, iyadoo wali xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed ay weli diidan yihiin hanaanka dorashoyinka qof iyo codka ah ee dowlada Fedaraalka dooneyso.

Hoos ka akhriso magacyada Ururrada shalay Shahaadada la siiyay:-

Nabadda iyo Cadaaladda.

Ururka Barwaaqo.

Ururka Horumarka iyo Midnimada.

Ururka Badbaado Bulsho.

Ururka Dimoqraadiga Dadweynaha.

Ururka Damal.

Ururka Baraaruga Qaran.

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.

Ururka Qaranka Dimoqraadiga.

Ururka Dimoqraadiga Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Ururka Badbaado.

Ururka Cadaaladda iyo Dib u Dhiska Soomaaliyeed.

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo adkaynta Sharciga Ciidanka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Liibaan Cali Yarow, Wasiirka amniga Koofur-galbeed, Saraakiil ka socotay hay’adaha amniga qeybahooda iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad.

Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado

Guddoomiyaha Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale "Xabeeb”, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Mudug isaga oo ay wehliyaan koox caafimaad oo khaas ah si ay daawayn iyo la talin caafimaad ugu fidiyaan dadka qaba xanuunnada dhimirka iyo kuwa nafsiga.

Wafdigan ayaa waxa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiinta caafimaad deegaanka, oo uu ka mid yahay Maareeyaha Cisbitaalka Xabeeb ee Cadaado, Shariif Fagaaso, kaas oo u sheegay Telefishinka Qaranka in hindisaha Xabeeb uu horey u caawiyey bukaano badan isla markaana uu sii socon doono inta kooxda caafimaadku joogto magaalada.

Dr. Cabdiraxmaan ayaa xusay in Cisbitaalka Xabeeb uu xaruntiisii Cadaado furay bishii May 2024, tan iyo markaasna uu daweeyey ku dhowaad 900 bukaan oo ka kala yimid deegaanada Soomaalida ee Itoobiya, Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in shalay uu bilaabanayo barnaamij cusub oo daawayn adag ah, kaas oo socon doona muddo bil ah ayadoo ay ka shaqaynayaan koox caafimaad oo dhammaystiran.

Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, oo la aasaasay 24-kii November 2005, ayaa ka mid ah xarumaha ugu hormuudka ah dalka ee ku takhasusay caafimaadka maskaxda, wuxuuna hadda maamulaa afar xarumood oo ku yaalla Muqdisho iyo hareeraheeda, kuwaas oo daryeela in ka badan 600 bukaan oo jiif ah, da’dooduna u dhaxayso 17 ilaa 33 sano.

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 al-shabaab ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Hay'adda sirdoonka Puntland oo beenisay in ay ku lug leedahay nin Hargeysa lagu dilay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA ayaa beenisay war shalay lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in hay’addu ay ka dambaysay geerida nin maydkiisa laga helay guri kuyaala magaalada Hargeysa ee Somaliland.

War qoraal ah oo xalay kasoo baxay hay'adda PISA ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee Puntland aysan ka shaqeynin falal lagu khaarajinayo ama wax loogu dilayo si qorshaysan.

Hay'addu waxay sheegtay in siyaasaddooda aysan ahayn inay ku xad-gudbaan xuquuqda muwaadiniinta ama madax-bannaanida maamullada dalka

"Dowladda Puntland, gaar ahaan hay’adaha ammaanka, waxay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee ammaanka ee mandaqadda, oo ay ka mid tahay Somaliland. Wada-shaqeyntaas waxay ku saleysan tahay iskaashi iyo is-ixtiraam si loo sugo nabadgelyada guud ee gobolkan," ayaa lagu yiri qoraalka hay'adda PISA.

Hay’adda waxay warkeeda ku sheegtay inay u aragto wararka lagu faafiyey baraha bulshada mid ujeedkiisu yahay kicin iyo marin-habaabin bulsho.

Si kastaba ha ahaatee, shalay ayaa maydka nin lagu magacaabi jiray Axmed Caddib laga helay hoy uu ka degenaa magaalada Hargeysa, lamana oga sababta ka dambeysa dilkiisa.

Ninkaan ayaa lala xiriiriyay inuu xiriir la lahaa ururka Alshabaab, isla markaasna uu ka dambeeyay weerarro Alshabaab ay ka geysteen gudaha Puntland, balse, wax caddayn looma hayo eedayntaas.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland: Qofkii Qamri lagu dilo waa inuu noqdaa Dameer baqtiyay

Puntland ayaa qaati ka taagan dadka isticmaala maandooriyaha, kuwaas oo marka ay ku dhintaan howlgallada hay’adaha amniga, ay qabiiladoodu dowladda ka codsadaan magdhow.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in arrimahani ay sababaeen in dowladdu wax ka qaban weydo la dagaalanka Qamriga, oo si xooggan ugu qulqulaya Puntland.

Lugatoor wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo go’aan cad oo dhigaya in qofkii maandooriye isticmaala oo lagu dilo isagoo gacmaha ku jira maandooriye, aysan jiri doonin wax magdhow ah oo laga bixin doono.

Wuxuu sheegay bixinta Magta in ay caqabad weyn ku tahay sugidda amniga iyo la dagaalanka maandooriyaha, isagoo intaa raaciyey in haddii aan go’aan midaysan laga gaarin arrintan, aysan suurta gal noqon doonin in wax laga qabto Qamriga.

"Maalin kasta markaan qof Qamriiste ah dilno, maydkiisa waxaa la geliyaa talaagad si dowladda ay magdhow uga bixiso. Haddii xal dhab ah la doonayo, qofkii Qamriiste ah oo la dilo waa inuu noqdaa Dameer baqtiyay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Sanadihii u dambeeyey, degaanada Puntland waxaa aad u soo badanayay dhacdooyinka amni darro ee ka dhasha maandooriyaha. Dad kala duwan ayaa lagu dilay Garowe iyo magaalooyinka kale sababo la xiriira isticmaalka maandooriyaha.

Ciidamada Jubbaland oo howlgalo ka dhan Al-shabaab ka fuliyay duuleedka Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo Habeen hore ilaa shalay waabarigii hore ciidamada Nabadsugida Jubbaland iyo kuwa Daraawiishta maamulkaas ka fuliyeen deegaano ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgaladaan ay sida wadajirka ah u fuliyeen labada ciidan ayaa ahaa mid lagu bartilmamedsanaye xubno ka tirsan koxda Al-shabab o isku arursanayay duuleedka magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladaan ay ahayeen kuwa ay ku xaqiijinayeen amniga guud ee magalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhadhaw.

"Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga Kismaayo, waxana weli socota baaritaanka ku aaddan raadinta xubnaha firxadkooda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Daraawiishta Jubbaland.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada Kismaayo, islamar-kana looga hortago weeraro kale.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Khamiistii laso dhaafay kooxda Al-shabaab tiro hoobiyeyaal ah ku weeraren saldhig ay ciidamada Marek-anka ee tababarka siiya Kumandoska Danab oo ku taala duleedka Kismaayo.

Guddoomiyihii hore ee xiriirka kubadda cagta Puntland oo lagu xiray Garowe

Puntland ayaa shalay magaalada Garowe ku xirtay guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Maxamed Cali Ciiro, xilli lagu waday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Garowe.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Maxamed Ciiro lagu eedeeyay inuu diiday wareejinta xafiiska Xiriirka Kubada Cagta Puntland, taas oo sababtay muran muddo socda. Xogo kale ayaa sheegaya in loo xiray xiriirka uu leeyahay masuuliyiin Xamar jooga.

Xarrigiisu waxa uu ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF).

Maxamed Cali Ciiro ayaa hore uga horyimid doorashadii gudomiyaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, taas oo lagu doortay Cabdixakiin Xakiiki. Ciiro waxa uu ku eedeeyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland inay faragelin ku sameysay doorashada, isla markaana ay si cad uga garab istaagtay musharax gaar ah.

Dhanka kale, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa iyaguna ka horyimid natiijada doorashada, iyagoo weli gudomiye u aqonsan Maxamed Ali Ciiro.

Khilaafka ka taagan hogaanka Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa saamayn ku yeeshay kooxaha heerka koowaad ee kubadda cagta Puntland, kuwaas oo qaarkood ay la safteen labada garab ee isku haya hoggaanka.

Madaxweyne hore Biixi: Heshiiskii Itoobiya waxa hor istaagtay Afrika… Abiy waxa uu rabay in uu Farmaajo keeno Hargeysa

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu fashilmay kadib cadaadis Addis Ababa kaga yimid Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo dowlado kale. Waxa kale oo uu ka waramay sidii uu ku bilowday xidhiidhka Taiwan iyo Somalila-nd, xidhiidhka Maraykanka, iyo safar uu Farmaajo ku tagi gaadhay Hargaysa.

Biixi oo waraysi gaar ah siiyay Somaliland Chronicle, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya labaduba ay diyaar u ahaayeen inay heshiis rasmi ah u beddelaan is-afgaradkii ay gaadheen horaantii 2024, balse uu suurtoobi waayay kadib cadaadis Addis Ababa soo foodsaaray.

"Heshiiska waxa ka hor yimid Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, xataa dowladaha waaweyn ayay u qaylodha-ansadeen sida Maraykanka. Itoobiya codkii Afrika ayaa hor istaagay, cid kale kama joojin. Waxa xataa lasoo jeediyay in xarunta laga raro haddii ay arrinta ka noqon waayaan,” ayuu yidhi Biixi.

Waxa kale oo uu ka waramay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, uu mar doonayay inuu heshiisiiyo isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, si ay uga wada shaqeeyaan isku soo celinta Muqdisho iyo Hargaysa.

"Abiy wuxuu noo yeedhay aniga iyo Farmaajo, markaasuu qudbad noo jeediyay, wuxuuna yidhi ‘heshiisiya’. Waxaan ku idhi: shacabka ayaa i doortay, shacabkuna fariinta kala go’a uun bay ii soo dhiibeen,” ayuu yidhi Biixi.

Biixi waxa kale oo uu sheegay in mar kale uu Abiy isku dayay inuu Farmaajo geeyo magaalada Hargeysa, balse uu arrintaasi isagu hor istaagay.

"Farmaajo ayaan toos ula hadlay, waxaanan ku idhi: ‘Maanad ahayn nin Soomaali ah? Haddaad doonayso inaad Hargeysa timaaddo si kale ayaad u imane, inagada.’ Isaguna wuxuu yidhi: ‘Waa hagaag.’ Hase ahaatee, Abiy ayaa dhabarka ka riixayay. Waxa uu sheegay in uu sidaas ku joojiyay safarkii Farmaajo iyo Abiy.

Madaxweynihii hore waxa uu sidoo kale ka warbixiyay sidii uu ku bilowday xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Wuxuu sheegay in safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu maalin ku soo booqday xafiiskiisa, isaga oo doonayay inuu ku qasbo midnimo, balse uu isaga diiday kadibna ay sida ugu wareegeen Taiwan.

"Safiirkii Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xafiiska iigu yimid, wuxuuna igu yidhi: ha igala hadlin gooni-isu-taaga Somaliland. Aniguna waxaan ku idhi: haddii aanad Somaliland aqoonsanayn, aniguna adiga kuma naqaan. Taasina waxay sababtay in aanu Taiwan u jeedsanno oo xidhiidh la yeelanno,” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in kadib xidhiidhka Taiwan uu Shiinuhu usoo diray Hargaysa 6 sarkaal oo sare, kuwaasi o Somaliland usoo bandhigay lacag iyo mashaariic horumarineed, si ay uga laabato xidhiidhka Taiwan, lakiin ay diideen. "Waxay nagu yidhaahdeen wax ala waxaad rabtaan sheegta."

Wuxuu intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka uu bilowday markii uu safarka ku tagay Washington. Wuxuu xusay in saldhig Maraykanku ku yeesho Berbera uu keeni karo khataro cusub, sida weerar ay Somaliland ku qaadan Xutiyiinta, sidaas darteedna loo baahan yahay in la helo heshiis dheelitiran oo labada dhinacba danahooda ka tarjumaya.

Maxaa keenay in doollarku sidan dhan hoos ugu dhaco?

Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2025, dollarka Maraykanku waxaa ku dhacay hoos u dhacii ugu xumaa ee in ka badan 50 sano marka la eego qiyaasta loo isticmaalo in lagu qiyaaso awoodda lacagta Maraykanka.

Hoos u dhaca guud ee lacagta ayaa ahaa 11 boqolkiiba caalamka bishii Oktoobar, iyadoo dollarka Mareykanka lala barbar dhigay lix lacagood oo kale - Euro, Yen, Pound, Doolarka Kanada, Karoonka Iswidhishka iyo Faran Swiss-ka.

Guuldarrooyinka noocan oo kale ah ayaa horay u dhacay. Laakiin in sarrifka doollarku sidan hoos ugu dhacay markii qaar kale ay kor u kaceen ayaa ah mid su’aal gelinaysa awoda dollarka Mareka-nka, waxaanay khubarrada dhaqaluhu walaac ka mujinayan arintan.

Walaaca laga muujiyey waxaa ka mid ah hoos u dhaca ku yimid kaydka sarrifka lacagaha qalaad ee bangiyada ugu waaweyn caalamka.

Siyaasadda canshuuraha ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sii hurisay mala-awaalka ku saabsan qiimo-dhaca lacagta ee suurtagalka ah.

Masar oo ka jawaabtay baaqa Israa'iil ee ah in Qasa laga baxo

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty ayaa Sabtidii sheegay in barakaca Falastiiniyiinta uu ku tilmaamay mid iskaa wax u qabso ah ay tahay "wax aan macquul ahayn."

Markii hore, Israa'iil waxay ugu baaqday dadka deggan magaalada Qasa inay u guuraan koonfurta, halka ciidamadeeduna ay u sii gudbeen aagga magaalada ee Gacanka.

Ciidamada Israa’iil ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro ku qaadayay xaafadaha ku yaala waqooyiga magaalada, kadib markii Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in ciidamada ay la wareegaan deegaankaasi.

Netanyahu ayaa sheegay in magaalada Qasa ay tahay xarun ay ku xooggan yihiin Xamaas, isla markaana ay xakameynayaan oo lagama maarmaanna tahay in laga adkaado mintidiinta Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta, kuwaas oo weerarkooda ay ku qaadeen Israa’iil bishii Oktoobar 2023 uu dhaliyay dagaalka.

Kenya oo ka hadashay saameynta uu dagaaladi dhex maray Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ku yeeshay reer Mandera

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in shacabka Mandera ay ku sugan yihiin xaalad amni ah oo wanaagsan, islamarkaana aysan halis ugu jirin dagaalka xuduudka ka socda ee u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kooxda Al Shabaab, iyo ciidanka Jubbaland.

Wasiir Murkomen oo ka hadlayay magaalada Kakamega intii lagu guda jiray madal amni oo la yiraahdo Jukwaa la Usalama, ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka oo uu ku eedeeyay in ay siyaasad ka dhigayaan arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda Mandera.

Wuxuu sheegay in arrimaha noocaas ah aysan ahayn kuwo lagu siyaasadeeyo maadaama ay khatar ku yihiin amniga qaran.

"Waxay banaanka u soo baxayaan iyaga oo si aan xadidneyn uga hadlaya arrimo amni. Waa maxay nooca siyaasadda ay ka raadinayaan arrimaha noocaas ah? Dhab ahaantii, nasiib-darro ayey ahayd in dad noocaas ah ay waligood ka mid noqdeen Golaha Amniga Qaran,” ayuu yiri Murkomen.

Wuxuu sidoo kale xusay in amniga xuduudaha, gaar ahaan kan Mandera, uu u baahan yahay faham qoto dheer oo ku saleysan siyaasad dibadeed iyo istiraatijiyad lagula tacaalayo khatarta Al Shabaab.

Wasiirku wuxuu muujiyay in dowladda Kenya ay ka go'an tahay sugidda amniga xuduudaha iyadoo la kaashaneysa hay’adaha ammaanka iyo dowladaha deriska ah.

Murkomen wuxuu farriin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isaga oo ku booriyay in ay ka waantoobaan faafinta warar been abuur ah oo wax u dhimaya sumcadda dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga.

Xamaas oo si adag uga hadashay hawlgalka ay Israel ku burburineyso Magaalada Gaza

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ku burburinayaan guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha dadweynaha ee ku yaala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa si ba’an duqaymo ugu burburinaya dhismayaasha ku yaala magaaladaasi, iyadoona masuuliyiintoda ay ku hanjabeen in hawlgalka burburinta uu sii socon doono.

Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay in ay meesha ka saarayaan dhismayaasha ay sheegeen inay Xamaas ugu diyaargarowday inay u adeegsado goobo laga soo weeraro ciidamadooda hawlgalka ka bilaabay magaaladaasi.

Ezzat Al Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa si adag u beeniyay sheegashada Israel, ee ah in dhismayaasha la burburinayo ay Xamaas damacsan tahay inay ka soo weerarto ciidamada.

Sarkaalkan ayaa sheegay in tani ay Israel qiil ugu yeeleyso dembiyada foosha xun ee ka dhanka ah dadka rayidka iyo sii wadidda qorshaha guud ee lagu burburinayo magaalada.

"Isku dayga qiilka loogu raadinayo burburinta dhismayaasha iyo burburinta guud ee Magaalada Gaza, iyada oo la leeyahay Xamaas ayaa u adeegsaneysa inay wax ka soo weerarto, waa wax aan ahayn marmarsiyo fudud iyo been cad, oo looga gol leeyahay in lagu qariyo dembiyada foosha xun ee ka dhanka ah rayidka aan hubaysneyn iyo sii wadidda siyaasadda guud ee burburinta Gaza.” Ayuu yiri Ezzat Al Rishq.

Israel ayaa maalin ka hor weerar ballaaran ku qaaadday Magaalada Gaza, iyadoo ay ciidamadeeda fulinayaan go’aankii 8-kii bishii Augsut ka soo baxay Golaha Wasiirada ee lagu qabsanayo magaaladaasi iyo xaqiijinta in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel.

Guddigii ka socday Masar oo soo gabagabeeyay qiimeynta halka la dejin lahaa Ciidamada Masar ee kusoo biiraya AUSSOM

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Qiimaynta ee ka socday Dowladda Masar, uuna hoggaaminayay Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan, kadib markii ay soo gabagabeeyeen socdaalkii lixda maalmood ee ay ku joogeen Soomaaliya.

Ujeeddada socdaalka Guddiga ayaa ahayd qiimeyn iyo u kuurgalid ku aaddan sidii loo diyaarin lahaa ku biirista ciidanka Masar ee Hawlgalka AUSSOM, taasoo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo taageerada la siiyo Soomaaliya xilligan kala guurka ah.

Wakiilka Gaarka ah ayaa uga mahadceliyey Dowladda Masar iyo kooxda qiimaynta sida ay uga go'an tahay ka qeyb qaadashada howlaha nabad ilaalinta, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay soo daabulida guutada cusub ee Masar.

Danjire Diene ayaa xusay in kusoo biirista ciidanka Masar ay sare u qaadi doonto awoodda AUSSOM ee taageeridda dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Danjire Diene wuxuu sheegay in AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay in la fududeeyo geeddi-socodka dejinta iyo isdhexgalka ciidanka cusub si ay gacan uga geystaan xoojinta amniga iyo taageeridda hay’adaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan ayaa uga mahadceliyey AUSSOM soo dhoweynta diirran iyo wadashaqeynta hagar la’aanta ah, isagoo tilmaamay in Dowladda Masar ay si buuxda uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Socdaalka Guddiga Qiimaynta ee Masar ayaa u dhaxeeyay 30-kii Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar 2025, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda lagu horumarinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah.

Muxuu yahay hubka cusub ee Shiinuhu soo bandhigay ee reer galbeedka welwelka ku abuuray?

Shiinaha ayaa daboolka ka qaaday noocyo kala duwan oo ah hub cusub, dyaaradaha bilaa duuliyaha, iyo qalab kale oo milateri, dhoollatus balaaran oo loo arkay farriin ku socota Maraykanka iyo xulafadiisa.

Bandhigga ayaa waxaa ka soo muuqday Xi Jinping oo marti geliyey in ka badan 20 hogaamiye oo ay ku jiraan Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi.

Waxay ahayd muujinta awoodda sii kordheysa ee Xi ee masraxa adduunka, iyo awoodda millatariga Shiinaha - bandhigga waxaa ka mid ahaa gantaalka "Guam killer", Drone-ka "Loyal wingman" iyo xitaa yeyda robot-ka ah.

Marka laga soo tago buun-buuninta iyo hubka cusub ee dhalaalaya, maxaan ka baranay?

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka burburinta ee Israel ka waddo Gaza

Ugu yaraan 45 qof ayaa Sabtidan lagu dilay Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, xilli ay Ciidamada Israel sii wadaan ololaha ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa lagu laayay duqayn cirka ah oo Israel ay ku garaacday dhisme la deganaa oo ku yaala xaafadda Sheikh Radwan oo ku yaala waqooyi galbeed ee Magaalada Gaza.

Dhismaha la beegsaday oo saaran Waddada Jalaa ee xaafaddaasi ayaa waxaa leh qoyska Abu Tayeh. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kaloo fara-badan, iyadoona ay jiraan dad la la’yahay, sida ay ku warantay Warbaahinta Falastiiniyiinta.

Wakaaladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka Israel ay garaaceen daarta dheer ee Al-Susi (Soussi) Tower ee magaaladaasi, saacad uun ka dib, markii qoysaska baracayaasha ee deganaa ay Israel ku amartay in ay isaga guuraan.

Dhismahan ayaa ahaa mid ka mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer ee haray ee ku yaala Marinka Gaza, waxaana mudooyinkan gabaadsanayay qoysaska barakacayaasha ee horey looga soo raray guryahooda.

Ciidamada Israel ayaa duqayn kale ku burburiyay dhismaha Al-Ru’ya, ka gadaal markii ay barakacayaasha ku wargeliyen in ay banneeyaan.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Xamaas ay dhismayashan u adeegsaneysay hawlgaladeeda, taas oo Xamaas ay si adag u beenisay.

Tani waa qorshe guud oo Israel ay ku burburineyso magaalada, sida uu sheegay Ezzat Al Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas.

Militariga Israel ayaa mararka qaarkood soo saaraya awaamiir si khasab ah barakacayaasha looga rarayo meelaha ay ogyihiin in ay degan yihiin, oo ay ku jiraan guryaha tendhoyinka ka sameysan ee ay badbaadada ugu nool yihiin.

Militariga ayaa shacabka faraya in ay isaga baxaan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, isla-markaana ay taggaan deegaanada ku yaala koonfurta Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si gaar ah u burburinaya guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka ee magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Israel ayaa 8-dii bishii hore ee August ansixiyay qorshe militari oo lagu la wareegayo Magaalada Gaza, oo ay go’aamiyeen in lagu soo daro dhulka Israel iyo in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadu ay fulinayaan go’aamadii Golaha Wasiirada, isla-markaana uu hawlgalku sii socon doono.

Dunida ayaa si weyn u cambaareysay hawlgalkan oo Israel ay ku magacawday Gideon Chariots 2.

Ra’iisul wasaaraha UK oo isku shaandheyn ku sameeyay wasiiradiisa

David Lammy ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, isagoo beddelay Angela Rayner, kadib markii Ra’iisul Wasaare Keir Starmer dib-u-habeyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Lammy waxaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda, halka Yvette Cooper loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana xilkii ay hore u heysay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha la wareegtay Shabana Mahmood.

Isbeddelkan ayaa yimid saacado gudahood kadib markii Angela Rayner ay iska casishay jagooyinkii ay ka haysay dowladda, oo ay ku jirto Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Guryeynta, iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha xisbiga Labour.

Rayner ayaa tallaabadan qaaday kadib markii la ogaaday in aysan ku filnayn bixinta canshuurta ku saabsan guri ay ku lahayd magaalada Hove, East Sussex.

Xildhibaanadda Ashton-under-Lyne ayaa hore ugu gudbisay la-taliyaha anshaxa ee Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii ay qiratay in ay si khaldan u bixisay canshuurta stamp duty (nooc canshuur ah oo lagu soo rogo iibsashada guryaha ama dhulalka gudaha UK ee ku saabsan gurigeeda oo ku kacayay £800,000.

Warbixinta anshaxa ayaa xaqiijisay in Rayner ay jebisay xeerka wasiirrada, isla markaana aysan tixgelin digniintii sharci ee loo soo jeediyay. Warqadda iscasila-adda, Rayner waxay ku sheegtay inay si buuxda u qaadaneyso mas’uuliyadda khaladkii dhacay.

Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in waqtigeedii xukuumadda uu soo dhammaaday, balse wuxuu ku daray in Rayner ay weli ahaan doonto shaqsi weyn oo saamayn ku leh xisbiga Labour.

Cudurka Ebola oo mar kale ka dilaacay Congo iyo 15 qof oo u dhimatay

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola mar kale ka dillaacay dalkeeda, waa saddex sano kadib markii kii ugu dambeeyay uu dhacay, waxaana uu ka dhacay gobolka Kasai oo xuduud la leh Angola, kuna yaalla bariga caasimadda Kinshasa.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay jiraan 28 kiis oo loo maleynayo cudurkan, iyadoo la xaqiijihay 15 dhimasho ah. Waxa ay intaas ku dartay in calaamadaha ugu horreeyay la ogaaday 20-kii Agoosto, markii haweeney uur leh oo 34 jir ah la dhigay isbitaal iyadoo qabta qandho daran iyo matag. Lama sheegin in haweeneydaasi ay ka badbaadday iyo in kale.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in afar ka mid ah kiisaska looga shakisan yahay ay ku lug lahaayeen shaqaalaha caafimaadka. WHO waxay sidoo kale ka digtay in tirada kiisaska ay kordhi karto maadaama fayrasku wali faafayo.

WHO waxay warbixin ku sheegtay in koox qaran oo jawaab degdeg ah, oo ay la socdaan khubaro ka socda WHO oo ku takhasusay cudurrada, ka hortagga iyo xakameynta caabuqa, shaybaarka iyo daaweynta, loo diray gobolka Kasai si loo xoojiyo dabagalka cudurka, daaweynta, iyo ka hortagga cudurrada goobaha caafimaadka.

Sidoo kale WHO waxay sheegtay inay gaarsiisay gobolka 2 tan oo agab ah oo ay ku jiraan qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE), qalab shaybaarro guurguura iyo agab caafimaad kale.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in aagga cudurku ka dilaacay uu yahay meel si adag loo gaari karo, aan lahayn duulimaadyo badan, isla markaana u baahan ugu yaraan maalin safar ah oo dhanka dhulka ah laga bilaabo caasimadda gobolka Kasai, Tshikapa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip