halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-09-25

0
Saturday September 06, 2025 - 09:56:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-09-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

R/Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku soo laabtay dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay Dalalka Shiinaha iyo Serbia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo oo uu khudbad ka jeediyey isagoo sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kal hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu uu Maalgashi ku sameysto fursadaha dihan ee dalkeena ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia iyada oo soo dhaweyn taariikhi ah loogu sameeyey caasimadda Belgrade, waxaana uu qasriga madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Serbia mudane Duro Macut, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Madax ka socotay Gaadiidka Badda ee Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlada Federalka Somalia Mudane Abdulqadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih xilli lagu guda jiray Shirweynihii labaad ee Gaadiidka Badda.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ku xiran dhinacyada fursadaha badda iyo adeegyada kale.

Wasiirka ayaa u soo bandhigay mas’uulkaasi qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Baxreyn

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Mudane Dr. Shaikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa, intii lagu guda jiray Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn.

Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dedaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo Muqdisho ku soo laabtay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib labo bil oo uu howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood.

Mudane wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha Dowlad Goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, tallaabadan oo qeyb ka ah federaaleynta dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyada oo ay halkaas kusoo dhoweeyeen hoggaanka Wasaaradda sida; Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.

Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax oo uu wehlinayo Agaasimaha Waaxda Tamarta Eng. Cabdifitaax Abshir Ibraahim, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, si ay uga qayb galaan shirka Wasiirada Afrika ee Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka oo dhacaya inta u dhaxaysa 2–5 Sept 2025.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wafuud ka kala socday dhamaan Dowlaha Afrika ee xubnaha ka ah Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka, iyadoo Soomaaliya uu si rasmi ah ugu matalay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta lagu guda jiray maalmaha shirka socday booqasho ku tagay xarunta "Africa Largest Rooftop Solar System” oo koronta siiya aagga Warsahadaha magaalada Accra.

Ugu dambeyntii, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa kulan doceed la yeeshay Agaasimaha Guud ee Isbahaysiga Solar Caalamiga, waxay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta Soomaaliya iyo ISA dhanka koronta gelinta goobaha ka fog magaalooyinka iyo isticmaalka Tamarta Solarka dhanka wax soosaarka "Solar for Productive Sectors”.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Gaashandhiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay magaalada Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Ka hor qadada, Wasiirka iyo wafdiga AUSSOM ayaa salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal qof Masaajidka Cali Jimcaale ee caasimadda.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay La-taliyaha Amniga Qaranka, Mudane Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, Ku-xigeenka Wakiilka AUSSOM iyo mas’uuliyiin kale.

Soomaaliya iyo Serbia oo ka hadlay qodobbo mujiim u ah labada dhinac

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa soo gabagabeeyay kulammo muhiim ah oo muddo 3 cisho ah ay la qaateen madaxda Dalka Serbia.

Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Belgareyt ee caasimadda dalkaasi, waxaa kaloo dhinaca Soomaaliya ka qeybgalay wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaalaiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka warbixiya kulamaasi ayaa sheegay in R/Wasaaraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Serniya ay isla soo qaadeen sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa dhinacyada caafimaadka,amnga iyo qalabeynta ciidanka Qaranka

Mudadii ay socdeen kulamada mujiimka ah ee dhexmaray Soomaaliya iyo Serbiya waxaa lagu heshiiyay in labada dhinac ay u howlgalaan dardargalinta iskaashiga horumarineed ee labada dowladood.

Dalka Serbiya waxa uu kamid yahay wadamada Soomaaliya la leh xiriirka soo jireenka ah ee soo bilaawday 1960-kii ,waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir iskaashiga,mid isdhexgalka iyo kuwo kale oo dhinaca dibolomaasiyadda ah.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya nidaaminta garaadka macmalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh oo ka qeyb-galaya Madasha Caalamiga ah ee hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) ee lagu qabtay magaalada Riyadh, ayaa la kulmay Mudane Haitham Alohaly, Guddoomiyaha hay’adda Isgaarsiinta, Dayax-gacmeedka iyo Teknoolojiyadda ee Boqortooyada Sacuudiga (CST).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhisidda qaab iskaashi oo dhex mara labada hay’adood, iyadoo xoogga la saarayo wada-shaqeynta ku saabsan nidaaminta garaadka macmalka ah (AI) ee teknoolojiyadda hawada sare iyo wadaagista kaabayaasha.

Soomaaliya oo la sheegay in horumar dhanka ammaanka ah ay sameeysay iyo Dowladda oo soo dhoweeysay

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka sameysay dhinaca ammaanka iyadoo lagu qiimeeyay kaalinta 151-aad ee liiska 2025 ee Global Peace Index (GPI), Tani waxay muujineysaa koror tartiib tartiib ah marka loo eego sannadihii hore.

Sanadkii 2023, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 156-aad, sanadkii 2024-na waxay okacday kaalinta 153-aad, halka 2025-na ay si kale ugu soo kacday kaalinta 151-aad, taas oo muujinaysa in dadaallo la taaban karo ay ka socdaan gudaha dalka.

Horumarkan ayaa lagu amaanay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xasilinayo dalka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in horumarkan uu ka dhashay dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adaha ammaanka iyo hawlgallada milateri ee xoogga leh ee lagu beegsanayo kooxaha argagixisada.

Warbixinta GPI 2025 waxay sidoo kale muujisay in Soomaaliya ay hadda ka sareyso wadamo kale oo badan oo caalamka ah, sida Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo wali ku jira kaalmooyinka hoose ee amniga adduunka.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa soo dhoweeyday warbixinta, iyadoo tilshalayy in horumarkani uu ka tarjumayo dedaallada joogtada ah ee dowladda iyo taageerada shacabka iyo beesha caalamka.

Wasiirku wuxuu ballanqaaday in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasilooni dalka ka jirta.

Sidoo kale, warbixinta GPI 2025 ayaa iftiimisay isbedelada ammaanka ee gobolka, iyadoo Itoobiya ay kor u qaaday kaalinteeda ammaanka ah, halka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ay sidoo kale muujiyeen horumar yar oo amni.

Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ku galay garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doorto tartanka koobka adduunka ee FIFA.

Waxa uu ka mid yahay saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda Afrikada Saxaraha ka hooseeya si uu u dhexdhexaadiyo FIFA U-20 World Cup 2025.

Ciyaaraha kubbadda cagta adduunka ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Chile inta u dhaxaysa 27ka Sebtember ilaa 19ka Oktoobar.

Cartan waxa uu ku biirayaa Jalal Jayed ee Morocco iyo Youcef Gamouh ee Algeria oo ah garsoorayaasha ugu waaweyn qaaradda.

Ciyaartoyga daba-galka u ah kubbadda cagta Soomaaliya, Cartan ayaa mar sii horreysay noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka socda ee qabta finalka qaaradda, isagoo kormeerayay kooxda Pyramids FC ee Masar oo ka badisay Koonfur Afrika Mamelodi Sundowns ee Qaahira. Sidoo kale waxa uu dhex dhexaadin ka noqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON.

Caawiyayaasha kale ee laga soo xulay Afrika waxaa ka mid ah Gilbert Cheruiyot (Kenya), Abelmiro Montenegro (São Tomé and Príncipe), Khalil Hassani (Tunisia), Eric Ayimavo (Benin), Lahsen Azgaou (Morocco), iyo Mostafa Akarkad (Morocco).

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadla-yaasha Caafimaadka Qaranka, Mudane Maxamed Caddow, ayaa ka qeyb galay Shirwenaha 16-aad ee Ururka Calamiga ah ee Kormeerka Caafimaaka (IAMRA) oo ka dhacay magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland.

Shirkan oo uu martigaliyay Golaha Caafimaadka Ireland ayaa diiradda lagu saaray isweydarsiga waaya-aragnimada caalamiga ah ee maamulka mihnad-layasha cafimadka, tayeynta nidamyada caafimadka, iyo kor-u-qaadista kalsonida bulshada ee adeegyada caafimaadka.

Ka qeyb galka shirkan waxay Soomaalia u tahay fursad uu dalkeennu uga qeybqaato dadallada iyo wadahadallada caalamiga ah ee looga arrinsanayo hagaajinta nidaamyada caafimaadka dunida, waxna uga barto khibradaha dalalka horumaray, waxayna gacan ka geysan doontaa xoojinta caafimaadka dalka iyo dhisidda nidaam caafimaad oo tayo sare leh, lana jaanqaadaya caalamka.

Taliyaha Ciidanka Badda oo sagootin u sameeyey Saraakiil u baxday Waxbarasho dalka Dibediisa ah

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, kuwaas oo u baxay dalka dibaddiisa si ay u qaataan waxbarasho heerar kala duwan ah.

Intii lagu guda jiray kulanka, General Cabdiwahaab ayaa saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee loo diray, isla markaana aqoonta iyo xirfadaha ay kasbadaan dib ugu soo celiyaan Qaranka iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka (AFRICOM) "Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah, waxaana ka jira fursado waaweyn

Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay siyaasadda iyo dadaalka Dowladda mareykanka iyo sida ay u arkaan arrimaha gobolka ee geeska Afrika,gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

"waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo ku taalla isgoyska adduunka,isla markaana muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Taliyaha cusub ee AFRICOM

Taliyaha (AFRICOM) waxa uu xusay in socdaalkiisa uu la xiriiro sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa xaaladda gobolka,gaar ahaan Dalka Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in Dowladda Mareykanka ay diyaar u yihiin in gacansiinta Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM waxa uu horay u soo noqday Taliyaha Cutubka Gaarka ah ee howlgallada Afrika.

Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Xasan macallin Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu xoojinayey iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, loogana hadlayey Istaraatiijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay Safiirka Nairobi u fadhiya Soomaaliya, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda cadaaladda, Wasiirrada Cadaaladda ee Maamul-goboleedyada, wakiil ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Agaasimeyaal iyo howlwadeenno ka socda Wasaaradda Cadaaladda iyo wakiillo ka socda hay’adaha UNDP, UNODC, UNTMIS iyo Midowga Yurub (EU).

Shirkan ayaa ah mid lagu xoojinayay iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, si loo mideeyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka, iyadoo diiradda lagu saaray helitaanka cadaalad loo siman yahay, sharci dejin hufan, iyo xoojinta kalsoonida shacabka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Gaalkacyo ku qabtay tababarka Shaqaalaha Diiwaangelinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shalay tababar uga furay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Gaalkacyo.

Tababarkan oo ah mid muhiim u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii howlwadeennadu u heli lahaayeen xirfado iyo aqoon casri ah oo la xiriirta hawsha diiwaangelinta, gaar ahaan ku shaqaynta qalabka elektaroonigga ee casriga ah.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal guuleystay ka fuliyay Shabeellada hoose

Howlgal lagu bartilmaameedsaday xubno Al-shabaab ah ayaa ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka October waxay ka sameeyeen tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo-Arundi oo hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October, Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada ay cagta mariyeen malleeshiyaad ay Al-shabaab u diyaarisay in ay baad ka qaadaan shacabka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka uu howlgalka ka dhacay.

Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar oo dhibic muhiim ah ka qaatay Ciyaartoodi Ugu Horaysay ee CECAFA Kagame Cup 2025

Kooxda haysata horyaalka Somalia Premier League, Mogadishu City Club, ayaa dhibic muhiim ah ka soo hoyday kulankoodii koowaad ee tartanka CECAFA Kagame Cup 2025, kadib markii ay 1-1 la soo galeen kooxda caanka ah ee Al Hilal Omdurman ee ka dhisan Sudan, kuwaasoo ay kuwada jiraan Group C.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Gen. Isamuhyo Stadium, ayaa waxaa 19-daqiiqo Ciyaarta mareeyso waxaa Naadiga Mogadishu City Club hogaanka u dhiibay Khadohi Kawasira oo gool rigoore ah ka dhaliyay dhigoodi Al Hilal.

Si kastaba ha ahaatee, Al Hilal Omdurman oo ah koox horumar badan sameysay, gaar ahaan sanadkii hore oo ay ku guuleysteen biladda bronzaha CECAFA, ayaan quusanin si ay u barbareeyaan naadiga Dowladda Hoose ee Xamar.

Kooxda Al hilal ayaa ugu dambeeyay waxaa u suurta gashay inay barbareeyaan Naadiga MCC qeybtii dambe ee ciyaarta iyadoo Emmanuel Elomo uu goolka barbaraha u dhaliyay kooxda ka dhisan dalka Sudan.

Qeybta labaad, Al Hilal ayaa si weyn u qabsatay garoonka iyo maamulka kubadda, waxaa dhowr fursadood ka qasaariyay oo goolal loo filan karay Emmanuel Elomo iyo Kindness Cole, balse difaaca Mogadishu City Club oo aad u adkaa ayaa ka hortagay weeraradaasi.

Tababaraha Mogadishu City Club, Dadir Amin Ali, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxdiisu uga adkaatay inay dhibic ka qaadato koox khibrad leh, isagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan dadaalka iyo shaqada adag si ay u guuleystaan kulamada soo socda ee kooxdaan ku jirta Group C.

Xulka Guinea oo Guul Muhiim ah Ka Gaartay Ciyaartii ay la Ciyaareen Xulka Qaranka Soomaaliya

Xulka qaranka Guinea ayaa guul muhiim ah ka gaaray xulka Soomaaliya kadib markii ay 3-0 uga badiyeen kulan ka tirsanaa isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026.

Kulankani wuxuu ahaa mid ka tirsan wareegga todobaad ee guruubka toddobaad ee tartanka isreeb-reebka Qaaradda Afrika, waxaana Xulka Qaranka Soomaaliya ay ku han weynaayeen inay guul soo hoyaan.

Xulka Guinea oo Fursaddeeda Kor U Qaadday ayaa Guushan u kordhisay dhibcaha ilaa 10, taasoo ka dhigaysa inay hadda ku jiraan kaalinta saddexaad ee guruubka, laba dhibcoodna ay ka hooseeyaan Mozambique oo leh 12 dhibcood, iyo afar dhibcood oo u jirta Algeria oo hogaanka haysa (18 dhibcood, 7 kulan ay Ciyaareen).

Goolka koowaad waxaa Guinea u dhaliyey xiddiga Borussia Dortmund Serhou Guirassy daqiiqaddii 22-aad, halka Goolka labaad uu iska dhaliyey ciyaaryahanka Soomaaliya Faisal Omar daqiiqaddii 64-aad, Goolka saddexaadna waxaa ciyaarta kusoo xiray Ousmane Camara daqiiqaddii 90+6.

Guushii ay Guinea ka gaartay Soomaaliya waxay dib u soo noolaysay rajadoodii ka qayb-galka Koobka Adduunka ee 2026, Inkasta oo Algeria ay dhibco badan ku hogaaminayso guruubka, haddana loolanka kaalmaha sare ayaa ah mid weli furan, iyadoo kulamada soo socda ay noqon doonaan kuwo go'aamiya cida u soo baxaysa.

Mareykanka oo ballan qaaday in uu kordhin doono taageerada milateri ee Soomaaliya

Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan dheer o dhexmaray Madaxwenaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneral Dagvin R. M. Anderson iyagoo diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Jeneral Anderson ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u faahfaahiyay istaraatijiyadda AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo mar kale xaqiijiyay sida Mareykanku uga go’an tahay in uu taageero Soomaaliya si ay uga adkaato kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay u horumariso awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Taageerada cusub ee Mareykanka ayaa la filayaa in ay ka koobnaato hawlgallo diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada argagixisada, is-weydaarsiga sirdoonka, tababaro milateri, iyo taageero kale oo lagu xoojinayo awoodda ciidanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xaaladda amni ee guud ee Geeska Afrika, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen halista kooxaha hubeysan ee xuduudaha dhaafaya, iyo baahida loo qabo iskaashi goboleed oo xooggan si loo xakameeyo khatarahaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay doorka AFRICOM iyo taageerada joogtada ah ee Mareykanka, isagoo sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro nabad waarta iyo xasilooni guud oo ka hanaqaada dalka iyo gobolka Geeska Afrika ah.

Booqashada Jeneral Anderson ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo dalalka Afrika ee ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, taasoo muujinaysa sida Mareykanku uga go’an tahay xasilinta gobolka iyo taageerada Soomaaliya.

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo lagu xiray magaalada Laascaanood

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xiray ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo kamid ahaa musharaxiinta iskusoo taagay xilka madaxweynaha maamulkaas, balse looga reebay markii uu buuxin waayay sharuudaha doorashada.

Xarigiisa ayaa loo sababaynayaa inuu lahaa abaabulka dabley ka caraysan sababtii looga reebay doorashada, kuwaas oo weeraray ciidamadii sugayay amniga hoteelka ay ka dhacaysay doorashada, waxaana iska hor imaadkaas dhacayuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Si arrintaan xal looga gaaro, ayaa isimada dhaqanka waxay laamaha amniga ku wareejiyeen ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo horey loogu jaray Waaran soo xiris ah, inkastoo uu markii hore ka dhego adaygay awaamiirta hay'adaha amniga kasoo baxay.

Muuqaal baraha internetka lasoo dhigay ayaa lagu arkayay odayaasha dhaqanka ee beeshiisa oo eedeysane Maxamed Jabuutaawi ku waeejinaya laamaha amniga, si uu u wajaho eedeymaha loo heysto, iyo in xal laga gaaro dadkii ku geeriyooday iska hor imaadkaadkaas, kuwaas oo la sheegay in aanan weli la aasin, khilaaf ka taagan awgeed.

Salaadiinta dhaqanka ayaa sheegay in cid kastoo dhibaato ka geysata degaanada maamulkan gacan bir ah lagusoo qaban doono, iyagoo sheegay in ay la shaqeynayaan laamaha amniga ee maamulka.

Maxamed Jabuutaawi oo ah ganacsade weyn oo ka ganacsatada Qaadka, ayaa kamid ahaa dadkii doorka weyn kasoo qaatay dhismaha maamulkii hore ee SSC Khaatumo. Sidoo kale, waa ganacsade hubaysan oo leh gaadiid dagaal iyo maleyshiyaad.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliiska Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay inuu Maxamed Jabuutaawi qeyb ka yahay 7 eedaysane oo loo haysto falkan oo dhacay 29-kii Bishii August.

Booliisku waxay sheegeen inay raadinayaan labada Eedaysane oo ay ku raad joogaan, haddii aysan deg deg isugu dhiibin Laamaha Amaanka waxay sheegayaan inay soo qaban doonaan.

SODMA oo qabatay Wajiga Afraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada

Waxaa shalay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daahfuray Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaas oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu sida weyn u saameysay.

Wajigaan cusub waxaa fulinaya Xarunta King Salman ee Samafalka iyo Gargaar Aadanaha (KSRelief), waxaana si toos ah u hirgelinaysa Hay’adda Tadaamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u jooga Soomaaliya, wakiillo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA).

Safiirka cusub ee Soomaaliya oo warqadihiisi aqoonsiga ku wareejiyay Wasiirka arrimaha Dibadda Syria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyada oo si rasmi ah u magacowday safiir cusub oo u matala dalka Suuriya.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhaxeeya dalalka Carabta gaar ahaan Dowladda Syria oo hadda kasoo kabanaysa dagaalo sukeeye.

Safiirka cusub, Abiib Muuse Faarax, ayaa dhawaan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Muwaadiniinta Suuriya, Asad Xasan Al-Shaybaani, isagoo looga guddoomay magaalada Dimishiq ee caasimadda Syria.

Magacaabistiisa ayaa calaamad u ah bilaabashada waajibaadkiisa cusub iyo ballanqaad rasmi ah oo ku wajahan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Safiirkii ka horreeyay, Daa’uud Maxamuud Muuse, ayaa door muhiim ah ka qaatay dib u xoojinta xiriirkaas, isaga oo hubiyay in Soomaaliya si joogto ah uga muuqato caasimadda Suuriya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa hormuud u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya waxaa uu si cad u muujiyay taageeradiisa ku wajahan dadaallada Suuriya ay ugu jirto soo kabasho iyo xasillooni siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa bartiisa bulshada ugu hambalyeeyay hogaamiyaha Suuriya, Axmad Al-Sharaa, isaga oo ku ammaanay dadaalkiisa ku aaddan dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalkaas.

Intii uu ka hadlayay Shirka 34-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq 17-kii May 2025, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si cad u taageeray go’aankii laga gaaray in laga qaado cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee saarnayd Suuriya.

Magacaabista safiirka cusub iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ay u muujinayso Suuriya waxay muujinayaan sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa leh taariikh wadaag iyo xiriir walaaltinimo sida Suuriya.

Masar oo ku eedeysay dowladda Itoobiya inay shaki gelinayso ciidamadeeda ka qeybgalaya howlgalka AUSSOM

Dowladda Masar ayaa si dadban uga jawaabtay hadaladii safiirka Itoobiya ee uu ku duray ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaloya, iyada oo ku tilmaamtay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedooyinka Masar ee Soomaaliya.

Ilo diblumaasiyadeed oo Dowladda Masar ka tirsan ayaa sheegay in Itoobiya ay isku dayayso in ay khalado aragtida ku saabsan ka qaybgalka ciidamada Masar ee hawlgallada AUSSOM ee Soomaaliya.

Waxay ku eedeeysay Itoobiya in ay abaabulayso in dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ka horyimaadaan ciidamada Masar ama diidaan inay la shaqeeyaan ciidamada la keenayo Soomaaliya.

Masar ayaa caddeysay in hawlaheeda Soomaaliya ay yihiin kuwo hufan, ku dhisan iskaashi, isla markaana aysan lahayn qorshe qarsoon oo ka dhan ah Itoobiya. Ciidamada Masar ayaa lagu sheegay in ujeedadoodu tahay iskaashi nabad ilaalin iyo taageero la dagaalanka kooxaha argagixisada sida al-Shabaab, oo aan wax khatar ah ku hayn Itoobiya.

Ka qaybgalka Masar ee hawlgallada ATMIS ayaa si rasmi ah waxaa u soo dhoweeyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taasoo tilshalayy in uu ka tarjumayo doorka sii kordhaya ee Masar ee xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Golaha Nabadgelyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka Masar, iyada oo sidoo kale la dhammeystiray tababarka ugu horreeyay ee ciidamada Masar ee loogu diyaariyay hawlgalka nabad ilaalinta.

Bishii Agoosto 2024, Masar iyo Soomaaliya waxay saxiixeen borotokool iskaashi milatari oo soconaya 2025–2029, iyadoo Masar sidoo kale u dirtay Muqdisho qalab milatari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in ka qeybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM uu yahay go’aankan madax-bannaan oo dhex maray labada dal, ayna Itoobiya waxba saamayn ku yeelan karin.

Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed oo sheegay in ay caqabad ku hayaan dalagyada dibedda laga keeno

Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay caqabad ku hayaan ganacsatada dalka dibeddiisa ka keena dalagyada daruuriga u ah bulshada, kuwaas oo ka taya hooseeya kuwa dalka kasoo baxa.

Guddoomiyaha Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed Faadumo Sheekh Cali oo u warramaysay warbaahinta Qaranka in dalagyada ay tacabkooda ku rafaadeen iyagoo kale dibada laga keenayo, taasna looga baahan yahay in ay dowladdu wax ka qabato.

"Culeyska ugu weyn ee innaga heysta wax soo saarka beeraha waa dalagyadii aan tacabkoodii ku rafaadnay oo iyagoo kale dibada laga keenayo”.

Guddoomiye Faadumo ayaa sheegtay in ganacsatadu ay eegayaan qiimaha jaban ee ay dalka dibeddiisa kaga soo iibsanayaan, iyadoo intaa ku dartay in dalagga gudaha uu ka qaalisan yahay kan bannaanka ka yimaadda sababtuna ay tahay marxaladaha adag ee ku xeeran wax soo saarka dalka iyo suuq geyntiisuba.

Guddoomiyaha Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed Faadumo Sheekh Cali ayaa dowladda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ugu baaqday in lasiiyo agab casri ah oo u fududeeyo wax soo saarka dalka iyo in ay u sameeyaan dhiirri gelin xooggan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip