
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-09-25
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sagootiyay Dhigiisa Jabuuti ka Dib Booqasho Afar Maalmood ah oo uu Ku Yimid Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga Caalamiga ah ee Jamhuuri-yadda Federaalka Somalia, Mudane Abdisalam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Danjire Cabdolkader Houssein Omar, oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah ku joogay caasimadda Muqdisho.
Intii uu socday booqashada rasmiga ah, labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada diblooma-asiyadda, tababarrada, iyo iskaashiga siyaasaded. Sidoo kale, waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada iyo wadashaqeynta labada wasaaradood si loo dardargeliyo danaha guud ee labada dal ee walaalaha ah.
Booqashada wasiirka Jabuuti ayaa muujinaysa adkeysiga xiriirka taarii-khiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo lagu xoojinayo iskaashi waara oo ku dhisan derisnimo, walaaltinimo iyo dan guud.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar
Wasiiru-dowlaha Gashandhiga Dow-lada Federaalka Somalia, Mudane Cumar Cali Cabdi,ayaa xarunta wasaarada ku qabilay Korneyl Axmed Faathi Cabdelsatar Al-Xuseyni, oo ah Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaa-liyeed Jeneraal Sare Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo saraakiil kale.
Intii uu socday kulanka ayaa waxa ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa, xoojinta laba geesodka ah ee dhinacyada difaaca, tababarka, iyo diyaarinta ciidamada Masar oo dhawaan ku soo biiri doona, Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka Bulshada, iyo Muuqaallo Anshax-xumo, Faafinta Beenta lyo Kicin Bulshada dhexdeeda ah,
iyadoo ay jiraan dad loo maxkamadeeyay iyo kuwa hadda ay socdaan baarista kiisas-koodu.
Kisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcada dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada.
Xafiisku, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta,
iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kada falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo
sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcada, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkeynayaa in ilaalinta sharciga, ka hort-agga dambiyada, iyo difaaca sumcadda bulshada ay yihiin tirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo hormar bulsho o joogto ah.
Wasiirka Gaashaadhigga oo ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxa uu ka qaybgalay xaflad ay ku qalin-jabinayeen saraakiil ka tirsan dowlada Somalia, kuwaas oo dhameeyay waxbarasho iyo tababar heer sare ah oo ay ku qaateen Kulliyadda Dagaalka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Turkiga.
Munaasabadda xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdoğan, xubno sare oo ka tirsan dowladdiisa, saraakiil ciidan, iyo wasiirrada difaaca dalalka kale ee ay saraakiisha ka qalin-jabiyeen
Saraakiishan cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan ayaa ka kala socda ciidamada dhulka, cirka, iyo badda, waxaana la filayaa inay aqoontii iyo xirfaddii ay barteen ku dalka dib ugu soo celiyaan, uguna biiriyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Wasiir Fiqi ayaa shahaadooyin iyo billado goobta munaasabada xafladu ay ka dhacaysay ku guddoonsiiyay qalin-jabiyayaasha, isaga oo ku amanay dadalkooda iyo adkaysigodii mudadii ay waxbarashada iyo tababarka ku jireen.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa shalay kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo dalka howlo shaqo u joogay.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinaca amniga iyo dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Al-shabaab Al-Shabaab. Kulankan ayaa daba socday heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaa-ndhigga ee labada dal, kaas oo la xiriira ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiir Cumar ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada "Hiil Walaal” ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.
Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Safaaradda Masar oo kawada hadlay ciidamada Masar ee kusoo biiraya AUSSOM
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay weheliyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Taliyaha Difaaca ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Kornayl Axmed Fathi Cabdelsatar Al-Xusayni.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal, barnaamijyada tababarka ciidanka, iyo dardargelinta diyaar-garowga ciidanka Masar ee qeybta ka noqonaya Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Mas’uuliyiinta labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhanka difaaca ah si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhaweysay kaalinta ay Masar ku leedahay taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay howlgalka AUSSOM, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga gobolka.
Dowladda Masar ayaa dhowaan la qorsheenayaa in ciidamo kummanaan ah ah ay kusoo biiriso howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan xasilinta gayiya Soomaaliya.
Dowladda Fedaraalka oo digniin adag u dirtay dadka Sumcad dilka ku sameeya baraha bulshada
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu gacanta ku hayo gal dacwadeedyo la xiriira cayda, aflagaadada, sumcad dilka iyo wararka isku dirka been abuurka ah ee lagu faafiyo bulshada dhexdeeda.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in kiisaskan ay muujinayaan khatar weyn oo ku saabsan xasilloonida bulshada dhexdeeda ah, sumcadda dadka iyo amniga guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sidoo kale cadeeyay inuu qaadi doono talaabo adag oo sharci ah oo laga qaadayo cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah shuruucda dalka, isagoo xusay in la ilaalinayo sharafta iyo sumcadda bulshada Soomaaliyeed.
"Xafiiska isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta, iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yii warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Warsaxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale loogu baaqay bulshada in la ixtiraamo shuruucda dalka, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo nabad waarta iyo horumarka Bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Iska diiwaangeliyay Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa shalay iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Galmudug inay ka faa’iideystaan fursadaan oo ay iska diiwaan-geliyaan goobaha loo asteeyey, maadaama Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso uu qof kasta muhiim u yahay.
"Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay wax lagu aqoonsado dhalashadiisa muwaadinimo, adeeg kastana waxaa lagu bixiyaa aqoonsi, marka Kaarka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay is diiwaan geliyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.
Kenya oo ballaarinaysa dhoofinta Qaadka ee loo iib geeyo Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa hadda suuqyo cusub u raadineysa beeraleyda qaadka dalkeeda, iyadoo ballaarinta dhoofinta miraa ay noqotay mudnaanta koowaad ee maamulka Madaxweyne William Ruto.
Madaxweynaha dalka Kenya oo dhawaan la kulmay beeralayda Jaadka ee gobolka Meru, ayaa u sheegay in isdhexgalka uu la leeyahay Somaliland iyo Jubaland uu furi karo ilo dhaqaale oo cusub oo ay ka faa’iideystaan beeraleyda Kenya.
Ganacsatada Jaadka Miirowga ayaa wajahaysa caqabado badan, gaar ahaan suuqa muhiimka ah ee Soomaaliya. Bishii Febraayo 2025, muran ku saabsan qiimaha ayaa sababay in beeraleyda Kenya joojiyaan dhoofinta Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay dilaallada in ay ku iibsadaan qiimo jaban, halka koox kalena lagu eedeeyay in ay dulsaareen cashuur sharci-darro ah.
Arrintan waxay kicisay mudaharaadyo ay waddooyinka Muqdisho ka dhigeen haween ganacsato Soomaaliyeed oo ka cabanayay sicir-bararka ku qiimaha uu jaadka ugu yimaado.
Dowladda Kenya ayaa kadib faragelisay, iyadoo Wasiirka Beeraha ku dhawaaqay qiimo cusub oo kor loo qaaday oo lagu kala saaray heerarka miraa-da.
Tartanka Itoobiya ayaa sidoo kale dhaawacay dhoofinta Kenya, iyadoo 2023 iyo 2024 warbixinno lagu sheegay in xaddi badan oo jaad Itoobiyaan ah si sharci-darro ah loogu soo geliyay Soomaaliya, taas oo si weyn u hoos dhigtay saamiga Kenya ee suuqa.
Maxaa laga ogyahay tirada madaxda kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ku dhintay duqayn ka dhacday Sanca?
Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay in Ra'iisul Wasaarahooda isku magacaabay Axmed Ghaleb Nasser al-Rahawi lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulisay Isrea'iil horaantii todobaadkan.
Kooxda ay Iran taageerto ayaa sheegtay in dhowr sarkaal oo kale la dilay markii ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ay beegsadeen caasimadda Yemen ee Sanca Khamiistii.
IDF ayaa sheegtay in Rahawi iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xuuthiyiinta ay "ka takhaluseen" markii diyaaradaha dagaalka Israa'iil ay duqeeyeen isku imaatin ay ku lahaayeen aagga Sanca.
Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga-galbeed ee Yemen tan iyo 2014-kii, ka dib markii ay magaalada Sanca ka saareen dowladda uu caalamku aqoonsan yahay, waxaana ka dhashay dagaal sokeeye oo khasaare geystay.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in Rahawi lala dilay dhowr wasiir oo kooxda Xuutiyiinta ka tirsan, inkastoo aysan magacaabin kuwa kale.
Warbaahinta Sacuudi Carabiya ee al-Hadath ayaa ku warrantay in wasiirka arrimaha dibadda ee Xuutiyiinta, iyo sidoo kale wasiirrada caddaaladda, dhallinyarada iyo cayaaraha, arrimaha bulshada iyo shaqada ay ka mid ahaayeen kuwa la dilay.
Xafiiska Mahdi al-Mashat, madaxweynaha Xuutiyiinta, ayaa sheegay in dhowr wasiir oo kale "ay soo gaareen dhaawacyo dhexdhexaad ah iyo kuwo halis ah" oo ka dhashay duqaynta.
Wuxuu intaa ku dartay in Muhammad Axmed Miftax, ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Xuuthiyiinta, uu qaban doono doorkii Rahawi.
Xuutiyiintu waxay wacad ku mareen inay "ka aargudan doonaan" dilka Al-Rahwi iyo wasiirro kale ee ku dhintay duqeynta Israa'iil.
Rahawi ayaa xilka hayay tan iyo Agoosto 2024-kii, waxaana badanaa loo arki jiray hoggaaniye magac u yaal ah, halkii uu ka ahaan lahaa xubnaha go'aamada waaweyn gaaro ee qorsheeya howlaha milatari.
Cabdul-Malik al-Xuuthi, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, iyo sidoo kale wasiirka difaaca ee kooxda iyo taliyaha guud ee ciidanka, laguma soo darin dadka wax ku noqday weerarkii Khamiistii.
IDF ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee sabtidii ku sheegtay in ay fuliyeen duqaynta "saacadaha yar gudahood" markii ay heleen xog sirdoon oo la xiriirta isu imaatinka.
Waxay intaas ku dartay in ay wali ku jirto qiimeynta saameynta buuxda ee howlgalkaas.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa, Xuutiyiinta ayaa si joogto ah gantaallo ugu garaacaya Israa'iil, waxayna beegsadaan maraakiibta ganacsiga ee mara badda cas iyo gacanka cadmeed, iyagoo sheegay inay u dhaqmayaan si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta.
Israa'iil ayaa dhankeeda waxa ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaaday goobo ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan ee Yemen, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la yareeyo weerarada Xuutiyiinta.
Maxay yihiin kooxda Xuutiyiinta, sideese ku billowday dhaqdhaqaaqooda?
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.
Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .
Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.
Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.
Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.
Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.
Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.
Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay "Al-Xaq".
Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.
Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.
Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu'miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.
Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Shiinaha iyo Hindiya oo xoojinaya xiriirkooda ka dib sanado badan oo khilaaf ka dhex oognaa
Hogaamiyayaasha Shiinaha iyo Hindiya ayaa sheegay in hadda ay sii xoogaysanayso is-aaminaad ka dhex jirta ka dib sannado badan oo xiisad ah oo ay ku jirto muran xuduudeed oo muddo soo jiitamayay.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yeeshay kulan duceed gaara kaas oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Tianjin halkaas oo uu ka dhacayo shirka ururka Iskaashiga Shanghai. Waa markii ugu horreysay ee Modi uu Shiinaha tago muddo toddobo sano ah.
Xi ayaa u sheegay Modi in Shiinaha iyo Hindiya ay tahay inay noqdaan wada-hawlgalayaal, ee aysan noqon tartameyaal, halka Modi uu sheegay in hadda uu jiro "jawwi nabadeed iyo xasillooni" oo u dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ku sugan shirkan, oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 20 hogaamiye oo caalamka ah, balse sanadkan waxaa hareeray dagaaladii ganacsiga ee Maraykanka.
Madaxweyne Trump ayaa canshuuro culus ku soo rogay badeecadaha Hindiya, si loogu ciqaabo Delhi oo weli sii iibsanaysa saliidda Ruushka, Putin ayaa wajahaya hanjabaado cunaqabateyn ah oo ku aaddan dagaalka socda ee Ukraine.
Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Hindiya ayaa wajahaya caqabado sii kordhaya, waxaana muuqata in Modi uu si tartiib tartiib ah ugu sii dhowaanayo Xi Jinping. Labadan dal ma ahan oo kaliya kuwa ugu dadka badan caalamka, balse sidoo kale waa kuwo leh laba ka mid ah dhaqaalaha ugu weyn dunida.
Modi wuxuu ku dhawaaqay in duulimaadyadii u dhexeeyay Hindiya iyo Shiinaha la bilaabi doono mar kale inkastoo uusan cayimin waqti rasmi ah, duulimaadyada ayaa hakad galay ka dib dagaal khasaare badan dhaliyey oo k adhacay xadka labada dal sanadkii 202-kii.
Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa yiri:"Labada dhinacba waa inay xiriirkooda u eegaan si istiraatiiji ah oo fog aragti leh," isagoo intaa ku daray:
"Saaxiibtinimo waa doorashada saxda ah ee labada dhinac."
Shir madaxeedka SCO laftiisa ayaa inta badan ah mid astaan ahaan ah laakiin wuxuu siinayaa fursad hoggaamiyeyaasha si ay u muujiyaan cabashooyinka ay wadaagaan iyo danaha ay ka siman yihiin. Wuxuu ku soo beegmayaa maalmo uun kahor dabaaldeg ballaaran oo milatari oo ka dhici doona magaalada Beijing, taasoo lagu xusayo 80 sano guuradii ka soo wareegtay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Waxaa xubno ka ah ururkan 10 dal, oo ay ku jiraan Ruushka, Pakistan, iyo Iran, halka ay sidoo kale jiraan 16 waddan oo ah la-hawlgalayaal iyo goobjoogayaal.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo ah xulafo dhow la ah Shiinaha, ayaa Axadda shalay ah si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Tianjin, iyadoo loo dhigay roog cas.
Ururka waxaa asaasay Shiinaha, Ruushka iyo afar waddan oo ku yaalla bartamaha Aasiya sannadkii 2001-kii si looga hortago saameynta xulafada reer galbeedka sida Nato.
Shirka sanadkan waa kii ugu weynaa tan iyo markii la aasaasay ururka, magaalada martigelinaysa ee Taianjin oo ah magaalo dekad leh ayaa lagu arkayaa boorar iyo calaamo shirka ah. Habeenkii, kumannaan dad ah ayaa isugu soo baxaya hareeraha webiga, si ay u daawadaan bandhig iftiin ah oo lagu sameeyo dhismayaasha dhaadheer inta uu shirku socdo.
Waddooyinka ayaa ah kuwo saxmad ah dadka lugaynaha ayeyna dhib ku noqotaa socodka gaar ahaana buundada taariikhiga ah ee Jiefang. Dadka lugaynaya ayaa la joojiyaa marka ay wadooyinka marayaan kolonyada gawaarida ee sicda madaxda caalamka.
Adeegyada taksi-ga iyo gawaarida la kireysto ayaa laga joojiyay gudaha magaalada, hase yeeshee tani ma aysan hoos u dhigin rabitaanka dadweynaha ee ah inay qeyb ka noqdaan dhacdadan loo arko mid taariikhi ah.
Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa ugu baaqay in ka badan 13 milyan oo qof oo ku nool Tianjin in ay iska ilaaliyaan in ay si aan muhiim ahayn ugu wareegaan magaalada.
Qoor qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe oo soo gaaray Muqdisho iyo kulanka ay la leeyihiin
Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada ee ku aragtida ah Villa Soomaaliya ayaa daraad si gaar gaar ah u soo gaaray magaalada Muqdisho, safarkooda ayaa ku soo aaday xilli aan lagala tashan heshiiskii dhawaan dhexmaray Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ka baxay Madasha Samatabixinta.
Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ay qorsheynayaan shir ay iyagu soo abaabuleen, kaasi oo ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo diiradda lagu saari doono arrimo xasaasi ah. Waxaa ugu muhiimsan in doorashooyinka dowlad-goboleedyada loo fasaxo, halka ay dhankooda Villa Soomaaliya kala shaqeyn doonaan doorashooyinka heer federaal.
Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa daraad doorasho dadban ka qabatay magaalada Laascaanood, taas oo lagu soo saaray musharax gaar ah oo lagu tilmaamay inuu taageero u noqon karo ajandayaasha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka soo socda.
Ciidamada amaanka dowladda Kenya oo Mandhera ka bilaabay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab
Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ka billaabay qaybo ka mid ah Ismaamulka Mandheere, kadib markii ay kordheen falalka liddiga ku ah amaanka Ismaamulkaas.
Amni darada kusii baaheysa Ismaamulka Mandhera ayaa lagu eedeeyna inay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab oo marar badan weeraro gaadmo ah ka dhex geysatay deegaano ku yaala Ismaamulka Mandhera.
Saraakiisha Hay’adaha amaanka dalka Kenya oo kaashanaya kuwa Ismaamulka Mandhera ayaa sheegeen iney beegsanayan goobo gaar ah oo lagu tuhmayo in kooxda Al-shabaab weerarada kasoo qaadaan.
Waxaa sidoo kale Saraakiisha ciidanka amniga dalka Kenya shaaciyeen iney xooga saarayaan adkaynta amniga Ismaamulka Mandhera oo maalmihii lasoo dhaafay laga diiwaan geliyay dhacdooyin ka hor imaanaya xasiloonida, islamarkaana walaac ku abuuray Bulshada ku nool deegaanadaas.
Dhacdooyinkaas waxaa u dambeeyay afduub Kooxo hubaysan Jimcihii lasoo dhaafay u geysteen mid ka mid ah Gawaarida dowladda Hoose ee Mandhera, waxaana waqtigaas wixii ka dambeeyay dhacay kulamo looga hadlay sidii looga hortagi lahaa falalka noocaas oo kale ah, loona soo qaban lahaa kooxahaas afduubka ka geystay gudaha magaalada Mandhera.
Israel oo sheegtay in loo maleynayo in Abu Ubaida duqayn lagu dilay
Israel ayaa waxay sheegtay in ay bartilmaameedsatay goob uu ku sugnaa Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Abu Ubaida.
Militariga Israel ayaa habeen hore sheegay in weerar xagga cirka ah daraad galab lagu beegsaday goob ku taala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, oo ay ogaadeen inuu ku sugan yahay Afhayeenka Hawlgalada Xamaas.
Militariga ayaa sheegay in laga yaabo in Abu Ubaida uu ku dhintay duqaynta ay ka fuliyeen magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Saraakiil ka tirsan Militariga Israel ayaa Telefishinka Channel 12 ee Israel u sheegay in aanu weli kala caddeyn in isku daygaasi uu guuleystay iyo in kale, balse ay weli qiimeynayaan natiijada.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaan wax war ah ka soo saarin sheegashada Israel ee ku aaddan in la beegsaday Abu Ubaida.
Abu Obaida ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah saraakiisha loogu doon-doonista badan yahay ee ka tirsan Xamaas, isla-markaana ay marar hore guuldareysteen isku dayo ay Israel ku dooneysay in ay saaxada dagaalka kaga saarto.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-09-25
.....