
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-08-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti
Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Al-shabaab Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.
R/Wasaare Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayey Isku-xirida Ganacsiga Somalia iyo Shiinaha ayaa sharaxay siyaasadaha loo heli karo maalgashiga iyo fursadaha ku xiran khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo dhinaca kale ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee ka jira gudaha dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo bandhigay qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarka dadka iyo dalka.
R/Wasaare Xamsa "Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya”.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
"Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyradkeda madaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kallumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.
Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.
Soomaaliya iyo Yemen oo kawada hadlay arrimmo muhiim ah.
Danjiraha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiiim Maxammad Axmed ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas Ibrahim Ali Ahmed Haidan.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan guud ahaan dalka Yemen
Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in la hormariyo xiriirka u dhaxeeyo labada shacab.
Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Somalia, Dr. Cimi Maxamud Nuur ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gunaanaday kulan shan cisho ah oo ku saabsana dib u qiimeynta mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada.
Shirkan waxaa mudadii uu socday ka qeyb galay wasaaradaha federaalka ee ka faa’iideysta mashruuca, maamul-goboleedyada, Bangiga Adduunka iyo hawlwadeennada u xilsaaran fulinta mashruucaan oo ah mid loogu talagalay wanaajita kaabayaasha dhaqaale.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga falanqeeyay horumarka iyo guulaha illaa hadda laga gaaray mashruuca, iyadoo sidoo kale la isla meel dhigay qorshe cusub oo lagu dardar-gelinayo dhameystirka daraasa-daha waddooyinka dalka inta ka hartay muddada mashruuca ee halka sano ah.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Niur ayaa uga mahadceliyay hawlwadeennada mashruuca, Bangiga Adduunka, wasaaradaha federaalka iyo maamul-goboleedyada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen mashruuca.
Wasiirku, waxa uuna ku booriyay dhammaan bahda mashruuca inay sii dardar-geliyaan hawlaha socda, isagoo xusay in horumarinta kaabayaasha waddooyinka ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka io koboca dhaqalaha.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiye oo boogaadiyay xiriirka cusub ee Soomaaliya & Kazakhstan
Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Türkiye waxa ay si diirran u soo dhowaynaysaa saxiixa heshiiska u dhexeeya Jamhuu-riyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan.
Heshiiskaan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midobay ee New York waxaa kala saxixdy Mudane Amb.Abukar Dahir Osman iyo Mudane Amb. Kairat Omarov.
Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga waxay hambalyo iyo bogaadin u direen labada Danjire ee gaaray ama fududeeyay heshiiskaan taariikhiga ah oo wax weyn ku kordhinaya horumarka dadka iyo dalka.
Maamulka waxa ay tallabadasi muhiimka ah ku tilmaameen mid lagu xoojinaayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somalia iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan.
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo Mogadishu ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Jabuuti
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdiqadir Xuseen Cumar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Wasiir Cabdiqadir iyo wafdigiisa waxaa Muqdisho uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo afar maalmood ah, taasoo qeyb ka ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa kulamo la yeelan doona dhigiisa Soomaaliya, waxaana la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo ku saabsan arrimo dhowr ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Booqashadan ayaa xoojineysa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay heshiis is-afgarad oo khuseeyay difaaca dalka & dhismaha ciidanka
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.
Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.
Wasiirka Dekedaha XFS oo xilalka u kala wareejiyey Maareeyaha Cusub ee Dekeda Muqdisho iyo Maareeyihii hore
Wasiirka Dakedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa shalay xilka u kala wareejiyay Maareeyihii hore ee Dakedda Muqdisho iyo Maareeyaha Cusub.
Maareeyaha cusub ee Dekeda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay maamulka dekedda, munaasabad ay ka soo qayb-galeen wasiiro, agaasimayaal iyo masuuliyiin kale.
Ameeriko oo hadal ka jeediyay munaasa-badda ayaa sheegay inuu ku shaqayn doono tilmaamaha Madaxweynaha iyo qorshaha Xukuumadda Danqaran, isagoo ballan qaaday casriyeyn iyo dhismo cusub oo dekedda lagu xoojinayo, si ay u noqoto il dhaqaale oo muhiim ah, maadaama ay tahay dekedda labaad ee ugu weyn Afrika. Wuxuu sidoo kale ammaanay dadaallada maareeyihii hore ee horumarinta dekedda siddeedii sano ee la soo dhaafay.
Maxamed Cali Ameeriko waa siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh adeegga dawladda, isagoo soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya (2007–2015), Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (2005–2006), iyo kusimaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi (2006–2007). Sidoo kale wuxuu ka shaqeeyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo shirkado caalami ah oo uu ku jiray "CocaCola”.
Ameeriko waxa uu sidoo kale aas-aasiye u yahay hay’adda Yasmiin Foundation oo maamusha 11 dugsi oo lacag la’aan ah, kuwaas oo waxbarasho siiya carruur agoon ah, naafada iyo qoysaska danyarta ah.
Xilkan cusub ayuu ku wajahayaa khibraddiisa siyaasadeed, maamul iyo diblomaasiyadeed, si loo xoojiyo kaalinta dekeddu ku leedahay ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha qaranka.
Guddoomiyaha SODMA iyo haya’adda LM International oo kala saxeexday heshiis
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday hay’adda LM International oo ka mid ah hay’adaha ka howlgala Dalka.
Heshiiskan waxaa dhinaca LM Interna-tional u saxiixday Nasra Maxamed Axmed, o ah isku-duwaha barnamijyada hay’addaas, ayadoona Ujeeddada heshiiska uu yahay sidii labada dhinac ay uga wada shaqayn lahaayeen:
– Kobcinta awoodda SODMA: gaar ahaan dhanka maareynta iyo fulinta mashaariicda la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka.
– Kordhinta xirfadda shaqaalaha: iyadoo la siinayo tababarro iyo aqoon kororsi.
Is-afgaradkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adod si loo kordhiyo wax-qabadka la xiriira arrimaha gargaarka iyo masiibooyinka ee dalka.
Danjire Abuukar Daahir "waa muhiim in aan kor u qaadno codkeenna iyo guud ahaan horumarka dalka”
Danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay qabsoomidda shirka Golaha ee xuska sanadguurada 80-aad iyo waxyaabaha muhiimka ah ee looga hadlayo sanadkaan.
Danjira oo ka hadlay wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalay shirka golaha ayaa sheegay in ujedku yahay ujedku yahay sidii Dowladda Soomaaliya ay door muuqda ugu yeelan laheyd go’aamada lagu wanaajinaayo hormarka wadamada iyo xalka lagu wajahayo masiirka shucuubta caalamka.
"Fursad ayeey noo tahay in aan ka qeybgalno kulamda Qaramada Midobay, waxayna noo Fududen doonta in aan kor u qaadno codkeenna, isla markaana aan ku dadaalno horumarka dalka” ayuu tiri Danjire Abuukar Daahir.
Danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midobay, Abuukar Daahir Cismaan waxa uu xusay in wadamada ku bohoobay Qaramada Midobay ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka caawiyaan jadwalka shaqo ee horyaalla Dowladda Somalia, si loo badbaadiyo dadka iyo dalka Somalia.
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay socdaalkii Wasiiru dDowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta
Iyada oo uu sii xoogaysanayo xiriirka ka dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo dalalka caalamka, isla markaana ay si is daba joog ah dalka u soo booqanayaan wufuud caalami ah, ayaa waxaa Shaley Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo ka socday dalka aanu walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayey Mudane Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee *Imaaraadka ayaa socdaalkoodu waxa uu ahaa mid in muddo laba usbuuc ah ay socotay qabanqaabadiisu, salkana ku hayay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya.
Waxaa jiray warar been abuur ah kuwaas oo saacadihii la soo dhaafey lagu faafiyay warbaahinta baraha bulshada ee kuwaas oo socdaalka wafdigaan la xiriirinayay imaantinka mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.
Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA waxay caddeyneysaa inaanu jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyaa labada socdaal, iyada oo qorshaha booqashada wafdiga ka yimid Dawlada Imaaraadka Carabta uu hore u qorsheysnaa muddo labo todobaad ah ka hor ah, isla markaana khuseeyay oo kali ah xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamud Ali Yuusuf ayaa soo dhoweyay heshiiska 25kii August ay Muqdisho ku gaareen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qeyb ka mid ah Madaxda Madasha Samatabixinta oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka ee Madaxwenaha iyo kan Baarlamaanka dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan saxiixayaasha heshiiska in ay sii wadaan dhaqan-gelintiisa, isagoo u soo jeediyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay taageero buuxda u fidiyaan sidii loo xoojin lahaa guushan siyaasadeed ee la gaaray iyo in la qaato wadahadal iyo is afgarad lagu xalliyo dhammaan arrimaha harsan ee hannaanka doorashada dalka la xiriira.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa beesha caalamka ku dhiirigaliyay in ay sii wadaan taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-dhiska Somalia, iyada oo la raacayo mudnanta ay qeexeen hay’adaha Somaliyed.
Bayaanka ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa lagu shaaciyay in Midowga Afrika uu mar kale xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay in Soomaalida ay ku wada heshiiyaan xoojinta tubta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.
Madaxda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumad Khadiija Maxamuud Yuusuf (Khadiijo Qalanjo)
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale ayaa shalay tacsi tiiraanyo leh u diray qoyka marxuumad Alle ha u naxariisto Khadiija Maxamuud Yuusuf (Khadiijo Qalanjo) oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.
Madaxdaasi waxaa ay sidoo kale Tacsi tiiraanyo leh u direen carruurta ay ka tagtay marxuumaddaasi iyo bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Khadiijo Qalanjo, Iyagoo Alle uga baryey Jannatul Fardowsa, eheladii ay ka geeriyootayna waxaa la faray samir iyo iimaan
Marxuumad Qalanjo, waxay kamid aheyd fanaaniinta Hoballada Qaranka ee Waaberi, iyadoo si gaar ah ugu suntaneyd horumarinta fanka, suugaanta iyo dhaqankeenna, iyadoo sidoo kale ka mid aheyd fanaaniintii ugu horeeyey ee heesahooda dhaqanka loo soo xulay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, markii ugu horeysay ee la furayey bishii October sanadkii 1983-dii.
Tacsi taa lamid ah waxaa diraya Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlw-adenada Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Mareykanka: Wafdi ka socday XFS oo lagu soo dhoweeyay Gobolka Minnesota
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Miyabulis oo caasimad u ah Gobolka Minesota ee Dalka mareykanka.
Wasiirka oo safar shaqo ku maraya dalkaasi waxaa safarkiisa ku wehelinaya Maareeyaha heya’dda Batroolka Eng C/Qadir Adan, iyado garonka diyaradaha ay ku soo dhoweeyeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Miyabulis .
Wasiirka Batroolkka oo la hadlay qaar kamid ah maamulka jaaliyadda ayaa ka warbixiyay xaaladda iyo halka ay marayaan mashaariicda ku saabsan shidaal qodidda Soomaaliya.
Soo dhoweynta kadib wasiirka iyo maamulka jaaliyadda Soomaalida waa isla garteen in maalinimada Axadda ee soo socota la yeesho kulan dadweyne oo si guud looga hadlaayo xaaladda dalka iyo sidoo kale arrimaha jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan Dalka mareykanka.
IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta
Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa soo dhoweeyay heshiiska hannaanka doorashooyinka ee ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta .
Bayaan ka soo baxay xafiiska xoghayahaa ayaa heshiiskaan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga goan tahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin waddo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.
Xoghayaha Fulinta ee IGAD waxa uu ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadaan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskaan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda isu-tanaasulku ay tahay in la gaaro xal waara.
"IGAD waxa ay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka, si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu
Hey’adda SODMA iyo ururro kale oo ka hadlay mideynta gargaarka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamud Macalin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah waxaa uu la qaatay hoggaamiyeyaasha sare ee Isbahaysiga Hay’adaha aan dawliga ahayn ee Soomaaliya (Somalia NGO Consortium).
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya SODMA iyo hay’adaha NGO-yada, si loo mideeyo dadaallada gargaarka bani’aadanimada ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin ayaa Sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka, si loo yareeyo caqabadaha isku duwida gargaarka ee marar badan dhaca.
Mudadii uu socday kulankaasi waxaa la isla gartay qodobadaan: -
1- gartay in la horumariyo Siyaasadda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, si loo xalliyo caqabadaha isku-duwidda gargaarka.
3- in la abuuro xarun lagu ururiyo maclumadka la xiriira hawlaha gargaarka iyo in la sameeyo khariirad muujineysa meelaha ay ka hawlgalaan hay’adaha NGO-yada.
3- in la qabto kulamo joogto ah oo heer sare ah oo dhex mara SODMA iyo hogaanada waddanka ee hay’adaha NGO-yada, si loo sii ambaqaado iskaashiga.
Hay’adda Socdaalka XFS oo hirgalisay adeegga E-VISA oo lagu dalban karo qaab elektaroonik ah
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo lagu soo dalban karo qaab elektaroonik ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee Hay’adda www.evisa.gov.so.
Xafladdii daahgurka waxaa ka hadlay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Sibteembar ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkan casriga ah uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, oggolaanshaha iyo la socodka dadka soo galaya iyo sidoo kale xoojinta hufnaanta dhaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow oo hadlay ayaa xusay in shalay ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka.
Waxa uu Agaasimaha Guud uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta adeegyada socdaalka.
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dalku galka Mudane Isxaaq Xassan Taakow ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha online-ka, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalku galka meelkasta oo ay joogaan.
Tallaabadaan waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektarooniga ah.
Ciidanka Puntland oo soo bandhigay hub iyo saanad laga soo qabsaday Daacish
Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo bandhigay hub fara badan oo ay ku jiraan kuwa culus sida lidka diyaaradaha iyo saanado kale, kuwaas oo laga soo bixiya godad.
Hubkaan ayaa lagu soo saaray godad ku yiillay aagga Togga Baallade ee buuralayda Calmiskaadmhalkaasi oo inta badan lagu jabiyay cadowga nabad-diidka ah.
Bandhigga hubkaan ayaa yimid xilli ay socdaan howlgallo ciidan oo ay wadaan Daraawiishta Puntland, kuwaas oo lagu baacsanayo firxadka Al-shabaab Daacish.
Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa todobaadka soo socda ka qeyb galaya dhoola-tus militari oo ka dhici doona magaalada Beijing, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, taasoo noqon doonta booqasho taariikhi ah.
Booqashada madaxdaan ayaa imaaneysaa maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Kim,yaas oo qeyb ka ah dadaal Aqalka Cad uu ku doonayo inuu heshiis ka gaaro dagaalka Ukraine.
Putin iyo Kim ayaa ka mid noqon doona 26 madax oo kale oo la filayo inay ka qeyb galaan dhoolatuska bandhiga Maalinta Guusha Shiinaha oo ku beegan3-da Sebtembar.
Dhoola-tuska ciidan ayaa sidoo kale ku soo beegmay xuska 80-sano guuradii kasoo wareegtay markii Japan ay si rasmi ah isu dhiibtay dagaalkii labaad ee aduunka ,isla markaana la soo afjarida colaada.
Shiinaha ayaa laga yaabaa in ay soo bandhigaan hubkoodii ugu dambeeyay oo ay ku jiraan boqolaal diyaaradood, taangiyo iyo hababka lidka diyaaradaha. Tallaabadaan waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo qaab dhismeedka cusub ee ciidankooda si buuxda loogu soo bandhigo dhoolatus.
Xildhibaan Mustafa Bakhri: Masar: Joogitaanka Ciidamadeenna Soomaaliya waa Sharci, Itoobiya Waxba Kama Sheegan Karto
Xildhibaan Mustafa Bakhri oo katirsan Baarlamaanka dalka Masar ayaa sheegay in ka qeybgalka ciidamada Masar ee howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya uu yahay arrin caadi ah oo uu go’aamiyo Midowga Afrika, balse aanay Itoobiya waxba kaga hadli karin.
Mustafa Bakhri wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ka qaybgalkeeda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya aanu xiriir la lahayn khilaafka biyo-xireenka kala dhaxeeya dalka Itoobiya.
Bakhri ayaa intaas ku daray in ciidamada Masar ee Soomaaliya imaan doona ay gargaar ku yihiin dowladda Soomaaliya si ay ula dagaallanto kooxaha argagixisada ayna taageran xasilloonida.
Sida uu sheegay, joogitaankaasi wuxuu ku imaan doonaa casuumaad ka timaadda Muqdisho iyo oggolaanshaha Midowga Afrika, taas oo siinaysa sharciyad buuxda.
Waxa uu dhaliisha Itoobiya ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo lagu doonayo in xiisadda la kiciyo. Wuxuu xusay in joogitaanka Masar uu ku dhisan yahay heshiisyo sharci ah oo ay Qaahira iyo Muqdisho kala saxeexdeen, isla markaana qayb ka ah qaab-dhismeedka Midowga Afrika.
Bakhri waxa uu sheegay in Itoobiya aysan dooneynin in Masar door muuqda ka qaadato gobolka, isagoo xusay in suuragal tahay in ciidamada Itoobiya iyo Masar isku dhacaan haddii xaaladdu kacsato.
Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Didefo, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Soomaaliga ah ee Universal ku sheegay in dalkiisu ka xun yahay qorshaha lagu keenayo ciidamo Masri ah gudaha Soomaaliya.
Dabley hubeysan oo shalay afduubatay Gaari ay leedahay dowladda Hoose ee Mandhera
Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ayaa sheegaya in dabley hubeysan afduubteen gaari ay leedahay dowladda Hoose ee Mandera gaar ahaan Waaxda Enforcement.
Afduubta gaariga ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Mandhera, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano green view, mana la oga ilaa hada halka ay la aadeen gaarigaas dableyda afduubtay iyo sababta ka dambeysa afduubka.
Dableyda afduubka geystay ayaa la sheegay iney ahayeen labo nin oo hubeysan, kuwaas oo la tilmaamay in si nabad ah darawalkii gaariga waday uga dajiyeen, dabadeedna ay la baxsadeen gaariga.
Nooca gaariga la afduubtay ayaa lagu shergay inuu yahay Cagaar, 09 CG, 084A, waxaana warbaahinta u xaqiijiyay afduubka gaariga Taliyaha Waaxda ciidanka dowlada Hoose ee Mandera, Xuseen Cabdullahi.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan ciidamadu wadaan howlgal lagu baadi goobayo gaariga sidii dib loogu soo celin lahaa gaariga dowladda Hoose ee Mandhera leedahay.
Faahfaahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Habeen hore Xaafadda Booysenpark ee Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi in lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Aadan Muxumad, kaasoo burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku dileen dukaan uu ka shaqeeynayay marxuumka, waxaana xusid mudan in goobta si deg deg ah uga baxsadeen burcada dilka geystay.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan dhacdada dilka ah iyo burcada ka dambeeysay, walow aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka Marxuumka.
Si kastaba ha ahaate magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dil, dhaawac iyo boob loogu geysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh ganacsiyada.
Ugu dambeyntii dowladda Koonfur Afrika waxay sheegtaa mar waliba iney wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda, mana jirto qorshe cad oo ay uga hortageyso dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida ku nool dalkaas.
Wanlaweyn oo lagu soo gaba gabeeyey tababbar loo qabtay Shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha
Waxaa shalay si rasmi ah loogu soo gaba gabeyey Degmada Wanlaweyn tababar loo qabtay shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doora-shoyinka. Tababarkaan, oo socday muddo lix maalmood ah, waxaa ka faa’iideystay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo si hufan loogu soo xulay howsha diiwangelinta codbixiyayaasha Degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoos yimaada ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Farxiyo Maxamed Yuusuf, oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa tababarka soo xirtay, iyadoona sheegtay in dhalinyarada ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadka qaran ee loo idmaday.
Dhalinyarada shalay tababarka loo soo xiray ayaa la kala geyn doonaa xarumaha ay ku shaqeyn doonaan, iyadoo maalinta Sabtiga ah la filayo in gudaha Degmada Wanlaweyn si toos ah looga furo goobaha loo asteeyey in lagu diiwaangeliyo doorashada qof iyo codka ah.
SOMALIA
OGEYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA
______________________
OGEYSIISKAN WAXAAN KU SHEEGAYNAA in calaamadda ganacsi ee kor ku xusan ay tahay calaamadda ganacsi ee:
Martell & Co, Place Edouard Martell, 16100 Cognac, France
Lana isticmaalo iyadoo lagu xidhayo:
Cabitaanno dhammaan noocyadoodaba.
Sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof ama shirkad kasta oo isticmaasha calaamadda ganacsi ee kor ku xusan ama waxyaabo lagu dayasho ah, ama si kale u xadgudba xuquuqda shirkaddaas.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-08-25
....