HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 28--8-2025

0
Thursday August 28, 2025 - 08:46:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 28--8-2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay agaasimaha hay’adda sirdoonka Suudaan

Madaxweynaha JFS nudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Mada xtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan, G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho ku yimid magaalada Muqdi -sho.

Korneyl Mufaddal ayaa Maxaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya soo gaarsii yey dhambaal uu ka siday Guddoomi yaha Golaha kumeel gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax Al-Burhan, kaas oo ku saabsanaa dib u xaqiijinta sida ay Sudan uga go’an tahay sii xoojinta iskaa shiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasi maha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Su gidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wasiir dowlaha arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay qasriga Madax tooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaami nayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibad da ee Isutagga Imaaraadka Carabta mu dane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eega y dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu guda jiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gud biyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaa raadka Carabta, isla markaana tilmaa may dadaallada socda ee lagu xaqiiji nayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horu marka dalka.

R/wasaare Xamsa oo tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, Ningxia.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaa mulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiin -aha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horum arka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara. Wuxuu xusay in casharrada iyo khibrad aha laga dhaxli karo Ningxia ay Sooma aliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

"Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumar san iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaano ka tirssn Shabeellaha Hoose

Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Komandooska Gorgor ayaa shalay si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow ee gobolka Shabeel laha Hoose.

Deegaanadan, oo ay horay u joogeen alshabaab, ayaa saaka waxa si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad.

Ciidamada ayaa sidoo kale ka soo saaray miinooyin culus goobihii ay saa kay kala wareegeen alshabaab, iyagoo sugay amniga tuulooyinkii la qabtay.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maal mihii u dambeeyey waxa ka socday gul uf dagaal oo lagu cirib tirayey kooxda alshabaab.

Guddoomiyaha Gudidda Difaaca aqalka Sare oo furay tababar ku saabsan habraaca dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa shalay daah furay tababar ku saab san xoojinta iyo fahamka habraacyada dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca dowladda Federaal ka Soomaaliya, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare BJFS.



Guddoomiye Aadan Cabdinaasir ayaa tilmaamay in tababarkan oo soconaya muddo labo maalin ah lagu qaadan doo no casharro ku saabsan shaxda qaab dhismeedka iyo jaangoynta Miisaaniyad sanadeedka Hay’adaha dowladda iyo habka dabagalka iyo isla-xisaabtanka ay ugu sameeyaan Sanatarradu arrimaha miisaaniyadda gaar ahaan kaalinta guddiga amniga iyo difaaca Aqalka Sare ay ula socdaan dheeli tirka Miisaany adda hay’adaha amniga dalka, kuwaas oo ku howlan xoojinta amniga dalka iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada.

Xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xaaji Geedi oo isna madasha ka hadlay ayaa ku boo rriyay ka qayb galayaasha in ay kaalin tooda ka qaataan kulankan muhiimka ah, soona bandhigaan aragti, falanqayn iyo dood wax ku ool ah oo wax ku kordhinaysa fahamka miisaaniyadda iyo horumarinta qaybaha hay’adaha Amniga dalka.

Wasiirka Macdanta iyo Betroolka XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah shirkadaha soo saara shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dow ladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Mohamed, ayaa hoggaa miyay wafdiga dowladda ee ka qeybga lay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta (IMAGE) oo sanad kan lagu qabtay magaalada Houston ee dalka Mareykanka.

Shirkan caalamiga ah ayaa isu keenay khubaro, ganacsato, iyo madax ka soc da shirkadaha waaweyn ee tamarta iyo shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah ugu bandhigtay fursadaha ballaaran ee maalgashiga ku jira batroolka iyo gaaska dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay di yaar u tahay iskaashi iyo maalgashi huf an oo caalami ah, isaga oo xusay in dow ladda Soomaaliya ay ka go’an tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi waara si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran oo shacabka Soomaal iyeed ka faa’iidaystaan.

Kulamo gaar ah oo dhinaca shirweyn aha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa ay la yeesheen madax ka tirsan shirkado Maraykan ah oo ku takhasusay batroo lka iyo gaaska, kuwaas oo lagu gorfee yay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ganacsi iyo farsamo ee Soomaaliya iyo shirkadahaas.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo badan, isla markaana ay furan yihiin dhammaan fursadaha maalgashi ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta xeer-nidaamiyaha xargaha Fiberka oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa shalay qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu keenay shirkadaha xarumaha xargaha fiber-ka badda maamula, shirka daha Isgaarsiinta, iyo kuwa internet ya da si looga hadlo waajibaadka u hoggaa nsanaanta, foomka warbixinta sannad laha, marxaladaha warbixinta u hogga ansanaanta iyo taariikhaha muhiimka ah ee soo gudbinta, rukhsadaha iyo oggola anshaha xargaha fiberka badda.

Maareeyaha guud mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo ka hadlay sida Hay’addu uga go’an tahay hirgelinta u hoggaansanaa nta iyo fursadaha la xiriira xeernidaamiy ahan: "Soomaaliya shalay waxay leeda hay qaab-sharci casri ah oo cad, annag ana waxaannu ka filaynaa in rukhsadla yaashu si buuxda u gutaan waajibaad kooda,” ayuu yiri. "Xeernidaamiyahani waxa uu abuurayaa fursado dhaqaale, waxa uu dalkeenna ka dhigaa xarun istaraatiiji ah oo isku xira Bariga iyo Bart amaha Afrika, isla markaana waxa uu xoojinayaa dhaqaale dhijitaal. Mas’uuli yaddeennu waa ilaalinta hurgelinta xeer-nidaamiyahan iyo hubinta u hoggaansa naanta.”

Kulanku waxa uu daba socday ansixin tii Golaha Wasiirrada ee 12 Juunyo 2025 ee Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda, kaas oo dejiyey hanaanka maam ul ee ku saabsan helitaanka bandwidth-ka caalamiga ah, isla markaana xoojiyey jidka dalkeenna ee ku aaddan isku-xirnaan adkaysi leh iyo tartan caafimaad qaba oo suuqa isku-xirka ah.

Aqoon isweydaarsi ku saabsan hanaanka xafiiska Qaran ee isbadalka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehlinayo Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa shalay daah-furay kulan aqoon-is-weyd aarsi ah oo diiradda lagu saarayo Tijaab ooyinka Maaliyadeed ee qorshaha Isbeddelka Cimilada Soomaaliya iyo hirgelinta sanduuqa dhaqaalaha ee Cim ilada Qaranka.

Labada Wasiir oo furitaanka shirka khu dbado ka jiidayay ayaa muujiyay doorka muhiim ka ah ee Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay qorshaha iyo ka hortag idda saameynya xiliyada isbaddelka cimi lada, Wasiir Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa diiradda ku saaray hadal jeedintiisii furitaanka aqoon-is-weydaarsiga muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si wax ku ool ah u hesho dhaqaalaha wax looga qabanayo isbaddelka cimilada, isagoo tilmaamay in arrintani ay tahay mudnaan istiraatiijiyadeed oo dalka u dagsan.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in looga baahan yahay ka qeyb galayaasha kulanka in ay soo saaraan natiijo Dowladda Soomaa liya u horseedi karta guul iyo ka hartagi dda aafooyinka dabiiciha .

Aqoon-is-weydaarsigan oo socon doo na muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeyn doonaa horumarinta qorshaya asha iyo istaraatiijiyadda xal u heliyadda saameeynta dhaqaalaha ee isbaddelka cimilada Soomaaliya, iyadoo hannaanka uu hormuud ka yahay Xafiiska Sanduuq a Waran ee Dhaqaalaha Isbeddelka Cimilada.

Daraawiishta Puntland oo hub kala wareegtay maleeshiyaadka Daacish

Ciidanka Daraawiishta Puntland ee kuj ira howlgalka Togga Baalade’e ee Buur aladeyda Calmiskaat ee GobalkaBari, gaar ahaana aaga Kaldorraadaal ayaa shalay gacanta kudhigay hubkii ugu bad naa oo noocyo kale duwan leh, Agabyo rasaas oo noqonayaa kii ugu badnaa ee hal aag looga qabto cadowgan, una muuqda in uu yahay kii ay ugu talogal een kooxahooda wali kujira godadka Baalade’e.

Ciidanka ayaa Sidoo kale dilay sadex kamid ah xubnaha Argagixiso ee hal kaas kusugnaa, iyadoo la xaqiijiyey in dhaawacyo ay halkaasi ka jiiteen,Hub kan ayaana noqonaya mid leh qoryo ay kujiraan boobayaasha culus, Hoobiya yaal iyo Saanad aan cadad tiro lahayn.

Ciidamada ayaana wali wada howl galladooda Sifaynta ee Kooxdaani yar ee ku Dhuumaalaysanaysa Aagaga Tog ga Baallade oo ay ku juran furxadkii ugu Danbeeyay ee Kooxdaani khawaariijta ah.

Sidoo kale wax yar 24saac ayaa ka hartay Waqtigii 72da saac ahaa ee ay Puntland u qabatay inay isku soo dhii baan Kooxdaani yar ee ay ku harera ysan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joog tada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jam huuriyadda Shacbiga Shiinaha ay tahay mid xooggan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah.

Wuxuuna caddeeyay in go’aanka Soomaaliya ee ah in ay sii xoojiso kalsoonida siyaasadeed ee labada dal iyo ku adkaysiga mabda’a Midnimada Shiinaha (One-China Principle) uu yahay mid cad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ugu diyaar tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida kalluumeysiga, beeraha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumari nta awoodda bini’aadamka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa iftiimiyay in horumarka Soomaaliya ku tallaab satay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan cafinta deymaha, dib-u-habey nta dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ay Soomaaliya ka dhigayaan mid lagu kalsoonaan karo dhan walba.

Mudane He Wei, ayaa dhankiisa bogaa diyay adkaysiga Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyay kulamadii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madax weynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

NISA oo sheegtay in horjoogayaal iyo maleeshiyaadkooda ku dishay Galgaduud iyo Hiiraan.

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shee gay in duqeymo qorshaysan oo ay fuliy een ciidanka saaxiibada caalamiga ah iyo hay’addu ay ka dhaceen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan alshabaab Al-shabaab.

Duqeyntii ugu horreysay ayaa ka dhac day deegaanka Xaawo Gadiid ee gobol ka Hiiraan, halkaas oo si toos ah loo weeraray guri ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan alshabaab. Howlgalkan waxaa lagu dilay laba horjooge oo lagu kala magacaabi jiray Cumar Faaruuq iyo Cabdirisaaq, waxaana sidoo kale la laayay maleeshiyaad ilaalada u ahaa.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, waxaana lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab, kaas oo ku sii jeeday inay ku qaadaan weerarro qaraxyo ah. Gaarigaasi ayaa gabi ahaanba la burburiyay, iyadoo la xaqiijiyay in ay ku jireen saanad ciidan iyo walxaha qarxa.

NISA ayaa baahisay muuqaal muuji naya sida ay u dhaceen howlgaladan qorsheysan, kuwaas oo lagu xaqiijiyay dilka horjoogayaasha iyo maleeshiyaad kii la socday, isla markaana lagu burbur iyay hub iyo qaraxyo ay khawaarijtu ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA ayaa ku celisay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah alshabaab si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka iyo badbaadada dalka.

Kumanaan Israa’iiliyiin ah oo Banaanbax ka dhigay fagaaro ku yaala Tel Aviv.

Tobanaan kun oo qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla magaalada Tel Aviv – oo inta badan loo yaqaan fagaaraha la haysto – iyagoo ku baaqaya in Israa’iiliyiinta weli lagu haysto Qaza ay dib ugu laabtaan.

Dibadbaxan ayaa daba socday isu soo baxyo maalin socday oo lagu xiray waddooyinka waaweyn, waxaana dad badan ay isugu soo baxeen guryaha wasiirro ka tirsan dowladda.

Waxa ay hareeyeen xafiiska raysal wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo shirka golaha wasiirada uu ka dhacay halkaasi.

Dibad-baxayaashu waxay dalbadeen in la joojiyo dagaalka ay kula jiraan Xamaas.

Laakin shirka wasiirada ayaa la sheegay in uu ku dhamaaday cod la’aan ama xitaa aan laga doodin hindisaha xabbad joojinta ee qeyb ka ah oo ay soo bandhigeen wada xaajoodyada gobolka oo Xamaas soo dhoweeyeen

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa shalay qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu keenay shirkadaha xarumaha xargaha fiber-ka badda maamula, shirka daha Isgaarsiinta, iyo kuwa internet yada si looga hadlo waajibaadka u hog gaansanaanta, foomka warbixinta sann adlaha, marxaladaha warbixinta u hogg aansanaanta iyo taariikhaha muhiimka ah ee soo gudbinta, rukhsadaha iyo oggolaanshaha xargaha fiberka badda.

Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo ka hadlay sida Hay’addu uga go’an tahay hirgelinta u hoggaansanaanta iyo fursadaha la xiriira xeernidaamiyahan: "Soomaaliya shalay waxay leedahay qaab-sharci casri ah oo cad, annagana waxaannu ka filaynaa in rukhsadlayaashu si buuxda u gutaan waajibaadkooda,” ayuu yiri. "Xeernidaamiyahani waxa uu abuurayaa fursado dhaqaale, waxa uu dalkeenna ka dhigaa xarun istaraatiiji ah oo isku xira Bariga iyo Bartamaha Afrika, isla markaana waxa uu xoojinayaa dhaqaale dhijitaal. Mas’uuliyaddeennu waa ilaalinta hurgelinta xeer-nidaamiyahan iyo hubinta u hoggaansanaanta.”

Kulanku waxa uu daba socday ansixintii Golaha Wasiirrada ee 12 Juunyo 2025 ee Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda, kaas oo dejiyey hanaanka maamul ee ku saabsan helitaanka bandwidth-ka caalamiga ah, isla markaana xoojiyey jidka dalkeenna ee ku aaddan isku-xirnaan adkaysi leh iyo tartan caafimaad qaba oo suuqa isku-xirka ah.

eshiis la ahaato jaarkeeda.

 

Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay magaalada Houston ee Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Sooma aliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Houston ee Mareykanka ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta.

Wasiirka ayaa intuu socday shirkan caalamiga ah kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sar sare iyo madaxda shirkadaha Maraykanka ee ka shaqeeya tamarta iyo shidaalka, isaoona kala hadlay sidi kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo maalgashiga ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

"Waxa sharaf ii ah inaan hoggaamiyo wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta ee sanadkan ka dhacaya magaalada Houston ee Mareykanka, si aan ula wadaagno dhammaan ganacsatada caalamka fursadaha dhanka shidaalka iyo gaaska ee dalkeenna Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay wasiirka in Kulamada gaar gaarka ahaa uu la qaatay masuuliyiinta iyo shirkadaha iney ahayeen kuwa diirada lagu saaray fursadaha balaaran ee ku jira maalgashiga Batroolka iyo Tamarta Soomaaliya, islamarkaana ay isla garteen dhinacyadii uu la kulmay muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi iyo taageero farsamo oo dheeraad ah si loo xaqiijiyo horumar waara.

"Dhammaan saaxiibada aan la kulannay waxaan kala hadalnay in dalkeenna u furan yahay maalgashiga, ayna naga go’an tahay hufnaanta si aan u soo jiidanno maalgashadayaasha, taasi oo fursad weyn u abuuri karta dha mmaan shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa mar kale muujisay go’aankeeda ku aaddan daah furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi hufan oo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya: "Ma ka cabsaneyno joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto in ciidamada Masar la keeno Soomaali ya si ay uga qeyb qaataan howlgalka na bad ilaalinta ee Midowga Afrika.

"Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awood naa inaan is difaacno,” ayuu yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleyman Dede fo, oo wareysi siiyay Universal Somali TV.

Safiirku wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya uusan wax faa’iido ah u yeelan doonin xaaladd a amni ee Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowla dda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay inay dal kasta oo ay saaxiib la tahay ciidamadoodu yimaadaan Soomaaliya. Wuxuuna sheegay Itoobiya in aysan wax diidmo ka qabin arrintaas.

"Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu raaciyay.

Suleyman Dedefo ayaa intaas ku daray in waxa laga filan karo joogitaanka ciidamada Masar ay noqon karto in ay loolan siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah la galaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Hadalka Safiirka Itoobiya ee Soomaa liya ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan Dowladda Masar ay Soomaaliya usoo dirayso cutubyo kamid ah ciidamadeeda si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AUSSOM.

Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyaha webiga Niil. Itoobiya ayaa biyo xireen weyn ka dhisatay dalkeeda, iyadoo Dowladda Masar ay kasoo horjeeddo qorshahaan, una aragto mid ku khatar ku ah biyaha webiga Niil ee dalkeeda.

 

 

Boqortooyada Qatar oo 3 Milyan oo Dollar ugu Deeqday Somaliland

Dowladda Boqortooyada Qatar ayaa 3 milyan oo dollar ugu deeqday dadka reer Somaliland ee abaaruhu haleeleen, kadib markii roobkii guga ee la filayay aanu imaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Cabdillaahi Daahir Jaamac Baashe, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga abaaraha, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay deeqda ay soo gaadhsiisay xilli aad loogu baahnaa.

"Waxaan halkan amaan ballaadhan uga soo jeedinaynaa mahadnaq ku socda dowladda Qatar, oo runtii gargaar weyn oo walaalnimo ah nasoo gaadhsi isay, kaasoo aynu ka filaynay, dadka reer Somaliland ee abaaruhu haleeleen. Dowladda Qatar, oo aan walaalo nahay, waxay ugu deeqday gurmadka abaaraha 3 milyan oo dollar," ayuu yidhi Wasiir Baashe.

Deeqdan ayaa imanaysa kadib safar uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, dhawaan ku tagay dalka Qatar, isaga oo la kulmay qaar kamid ah madaxda ugu saraysa dalkaas, isla markaana ka codsaday mashaariic horumarineed iyo taageero dhaqaale.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha aan xidhiidh hore la lahayn Somaliland, iyadoo xukuumadu sheeg tay inay doonayso inay xidhiidh dhaw la samayso Qatar, oo saaxiib dhaw la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa la safatay Imaaraatka iyo Sacuudiga sannadkii 2017, markaas oo qaar kamid ah waddamada Khaliijka iyo xulufadoodu xidhiidhka u jareen dowladda Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada ah.

Taasi ayaa sii xumaysay xidhiidhka Somaliland iyo Qatar. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu dhexdhexaad ka noqotay xurguftii Qatar iyo Khaliijka iyada oo aan dhinacna la safan.

Somaliland ayaa wakhtiga Imaaraatka la saxeexatay heshiiskii ay shirkadda DP World ku samaysay dib u dhiska Dekedda Berbera, madaarka, iyo waddada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale, mashaariicdaas oo ku baxday lacag ku dhow milyan badhkii.

 

Madaxweyne Cirro: Waxaan jeclahay in Madaxweyne Ismaaciil noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland yimaadda

Madaxweynaha Somaliland, Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu rajaynayo in Madax weynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geel -le, noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland yimaadda.

Madaxweyne Cirro, oo kulan la qaatay Wasiirka Maalgashiga Jabuuti, oo booqa sho ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay rabto inay heshiis la ahaato dhammaan madaxda gobolka.

"Madaxweynayaasha gobolka, Somalil and waxay doonaysaa inay saaxiib la noqoto, Jabuutina ugu horreyso. Waxaa nan jeclahay in Madaxweyne Ismaaciil noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland yimaadda haddii Alle idmo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa kale oo uu daaha ka qaaday in la bilaabayo dhismaha waddo dheer oo Somaliland ku xidhi doonta dalka Jabuuti. "Wadada laamiga ahna waxa la bilaabi doonaa Sebtembar, taas oo isku xidhi doonta Boorama iyo Lawyocaddo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti ayaa soo wanaagsanaanaya kadib xurguf soo kala dhexgashay sannadkii 2024, kadib markii Jabuuti ay martigelisay koox u ololeysa in gobolka Awdal noqdo maam ul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, taas oo Somaliland si adag uga cadhootay.

Dhanka kale, Jabuuti waxay ka cadhoo tay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray madaxda Somaliland iyo Itoobiya horraantii sannadkaas, heshiis oo ay Jabuuti u aragtay khatar dhaqaale, iyadoo olole weyn u gashay sidii loo burburin lahaa.

Haddaba, Madaxweyne Cirro ayaa dib u soo celiyay xidhiidhka labada dhinac kadib markii la doortay, isaga oo sheegay inuu doonayo in Somaliland h

Kenya oo sheegtay inay 5 Dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ku dileen keynta Boni

Ciidanka Difaaca Kenya ayaa Talaada dii sheegay in ciidamada gaarka ah ee dalkaasi ay dileen shan dagaalyahan oo ka tirsan al Shabaab intii lagu guda jiray howlgal sirdoon ku saleysan oo ka dhacay kaynta Boni ee Gobolka Lamu.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Lakta Mangai, ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub iyo sahay kala duwan, oo ay ku jiraan qoriga AK-47, hubka RPG-ga leh madaxyadooda, rasaas, baalayaas ha qoraxda, teendhooyin, iyo agab loo adeegsado sameynta qaraxyada laga farsameeyo (IEDs), sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Kenya.

Sidoo kale wararka waxa ay intaa ku darayaan in Dagaalyahanno kale oo dhowr ah ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah

Saraakiisha Kenyan ka ah ayaa tilmaa may in howlgalka socda ee loogu magac daray "Hawlgalka Amani Boni” (OAB), kaas oo lagu bartilmaameedsanayo in la ga saaro dagaalyahanada al Shabaab kaynta Boni ee ay muddo dheer u adeegsadeen saldhig kaddib marka ay ka gudbaan xadka Soomaaliya.

"Howlgalkaan waxaan ku dooneynaain lagu soo celiyo nabadda iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada gobolka Boni, si qoysasku u noolaadaan iyaga oo aan cabsi qabin,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ciidamada Kenya.

Denmarka oo u yeertay diblomaasiga Maraykanka ugu sarreeya dalkeeda ka dib eeda faragalinta Greeland

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denm -ark ayaa u yeeray diblomaasiga ugu sarreeya dowlada Maraykanka ee ku su gan Copenhagen, ka dib eedo la xiriiro in muwaadiniin Maraykan ah ay howlg alo qarsoodi ah ka wadaan Greenland.

Warbaahinta guud ee dalka Denmark ee magaceeda loo soo gaabiyo DR oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in ujeedadu ahayd in bulshada Greenland lagu soo dhex dhuunto, ayna qayb ahaan dadka Danmark geeyaan Maraykanka, inkasta oo aan la caddayn cidda ay u shaqaynayeen.

Sirdoonka Denmark ayaa ka digay Greenland inay bartilmaameed sadeen noocyo kala duwan oo dad wada olole saamayn leh oo ka dhan ah joogitaanka Denmark ee Jasiirada uu sida weyn u danaynayo Trump inuu la wareego.

Canshuurihii ciqaabta Hindiya ee Donald Trump oo dhaqan galay

Konton boqolkiiba canshuuraha Maray kanku uu ku soo rogay badeecadaha Hindiya ayaa dhaqan galay. Donald Trump ayaa sheegay inuu ku ciqaabayo dalka caalamka ugu dad badan iibkeeda shidaalka Ruushka.

Waxaa la filayaa inay noqon karto dhaa wac weyn oo soo gaaray dhaqaalaha Hindiya, gaar ahaan qaybteeda wax dhoofinta. Sida dharka.

Delhi ayaa sheegtay canshuuraha ay yihiin kuwo aan loo qiil dayin, iyada oo ku dooday shidaal soo dhoofinta Ruush ka inay riixayso baahida ammaan ee tamarta. Xilli ay soo baxayaan warbixina da kordhaya ee la xiriira kala duwanaa nta kala dhaxaysa Trump.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa asbuucan sheegay dalku uu wajahayo cadaadid dhaqaale iyo xoojin ta adkaysigeeda.

Nin toogasho ka geystay Australia oo weli la baadi goobayo

Booliska dalka Australia ayaa shee -gay in nin aad u hubeysanaa oo Isniintii la soo dhaaafay toogasho ku dilay labo askari oo boolis ah uu weli baxsad ya hay.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheeg ay Dezi Freeman, ayaa lugihiisa ku baxsaday, kadib markii uu rasaas ku furay askartaasi oo tegay gurigiisa oo ku yaalla magaalladda Porepunkah ee Waqooyiga magaalladda Melbourne, si ay u fuliyaan amar lagu baadi-goobayo fal-dambiyeedyo galmo oo lagu eedeeyay ninka dilka geystay.

Sarkaal saddexaad oo dhaawac culus uu soo gaaray ayaa maray qalliin.

Booliska ayaa baaritaankooda diirada ku saaraya meel duur ah oo ciriiri ah oo ka tirsan dalkaas, waxayna dadka aaggaas ugu baaqeen in aysan banaanka u bixin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip