HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 27-08-2025

0
Wednesday August 27, 2025 - 08:34:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 27-08-2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Kenya oo dib usoo cusboonaysiisay dhex dhexaadinta Xasan sheikh iyo Axmed Madoobe

Dowladda Kenya ayaa ku howlan dhexdhexaadinta Dowladda Federaal ka Soomaaliya iyo maamulka Jubba -land xilli xiisadda iyo khilaaf siyaasa deed ee ka dhex taagan uu marayo meel adag.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya oo ay saamayn ku yeesheen xiisadaha ka taagan gobolka Gedo ay waddo qorshe keeni kara kulan fool-ka-fool ah oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Axm -ed Madoobe.

Dhexdhexaadintan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu wajahayo khilaaf ka taagan wax ka beddelka lagu samee yay qodobo kamid ah dastuurka iyo ha bka doorashada. Khubarada la socda arrimaha Soomaaliya ayaa ka digaya inay tallaabooyinkan wiiqi karaan xasi lloonida nidaamka federaalka.

Warar soo baxay toddobaadkan ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay dha waan ku wada hadleen taleefan, balse madaxtooyada Soomaaliya ayaa shee gtay in wararkaas ay yihiin "been abu -ur.”

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jub -baland ayaa xaqiijiyay in Kenya ay doonayso dhexdhexaadinta, hase yee shee weli aysan ka helin aqbalaad la bada dhinac Villa Soomaaliya. Waxay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya inay faafinayso warar marin habaabin ah oo lagu jahwareeriyo shacabka.

Iyadoo doorashooyinka dalka uga ha rsan yihiin wax ka yar laba sano, falan qeeyayaasha siyaasadeed ayaa shee gaya in heshiis iyo is-afgarad dhex ma ra dowladda federaalka iyo Jubbaland uu muhiim u yahay xaqiijinta hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Guddoomiyaha SoDMA oo Balcad ka daah-furay mashruuc samafal

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Max -amuud Macallin Cabdille, ayaa shalay degmada Balcad ka daah-furay mash ruuc raashin qeybin ah oo socon doo na saddex bilood, kaas oo ay ka faa’ii deysan doonaan 5,705 qoys (qiyaastii 34,230 ruux) oo ku nool magaalooyin ka Balcad iyo Jalalaqsi ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaa -sim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaw eeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideys taan gargaarka, si loo yareeyo saame -ynta xaaladda bani’aadantinimo ee deegaanka.

Mashruuca ayaa lagu talagalay in lagu yareeyo dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana xafladda furi taanka goob-joog ka ahaa Wasiiru-dow laha Wasaaradda Gargaarka Hirsha beelle, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa shee gay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada hay’adda ee taageerada bulshada nugul, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo dhaqan ka ayaa ku amaanay SoDMA kaalinta ay ka qaadaneyso samata-bixinta bul shada, iyagoo xusay in tallaabadani as -taan u tahay baahida loo qabo iskaa shi bani’aadantinimo oo joogto ah.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay hoggaanka gobolka Ningxia ee Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay kulan la yeeshay Hoggaamiya ha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka mudane Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu sa aray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey martigelinta iyo soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado ba dan oo maalgashi, sida beeraha, kal luumeysiga, tamarta iyo xoolaha. Isa goo tilmaamay in fursadahan ay u fu ran yihiin shirkadaha iyo maalqabeen nada Shiinaha si ay u maalgashadaan.

Dhankiisa, hoggaamiyaha gobolka Nin gxia, ahna xoghayaha guud ee Xisbiga gobolka, mudane Li Yifei ayaa Soo maaliya ku sifeeyay dal hodan ah oo leh fursado badan oo aan weli si buux da loo maalgashan. Waxaa uu caddee yay in Ningxia ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso shirkadaha iyo maalqabee nnada deegaanka si ay u booqdaan Soomaaliya, una sahamiyaan fursada ha jira, isla markaana loo xoojiyo iskaa -shiga labada dhinac.

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa shalay kormeeray waddada Buun -dooyinka oo isku xirta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir. Kormeerkan ayaa yimid kadib markii Duqa Muqdisho uu dha waan bixiyay lacagtii dib-u-dhiska wad dadan, oo hakad ugu jirtay kharash la’ aan.

Mudane Cabdimajiid ayaa la kulmay shirkadda dhismaha waddada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda waddadan u leedahay isu-socodka gaa diidka iyo bulshada. Wuxuu shaqaala ha ku boorriyay inay dardargeliyaan hawlaha si waddadu ugu dhammaato waqtigeeda, loona yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho.

Waddadan ayaa markii hore dhismah eeda la billaabay balse waxa ay hakad gashay muddo todoba bilood ah, kadib markii maamulka hore uu bixin waayay kharashka dhismaha. Si kastaba, dib ayaa loo billaabay shaqada horraantii bishan kadib markii Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu bixiyay lacagtii shirkadda dhismaha ay ku lahayd dowladda hoose.

Waxaa xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u maal geliyay waddooyin badan oo muhiim ah, iyadoo dhaqaalaha lagu dhisay la ga soo jaray lacagihii si’ aan sharci ahayn ugu bixi jiray boqolaal qof oo aan u shaqeynin maamulka gobolka Banaadir.

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaali ya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mudane Maxamed Isxaaq Daar.

Labada dhinac waxay ka wada had leen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee siyaasadda, dhaqaa laha, amniga, caafimaadka, iyo waxb arashada. Wasiir Cabdisalam ayaa ku amaanay taageerada Pakistan ee arda yda Soomaaliyeed, wuxuuna soo jeedi yay in la ballaariyo taageerada dhinac yada amniga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Waxay isla meel dhigeen in la is dhaa fsado khibradaha la xiriira amniga, cii damada, iyo caafimaadka, sidoo kale na la fududeeyo isu socodka muwaadi niinta labada dal iyo nidaamka fiisaha.

Wasiir Maxamed Isxaaq Daar ayaa dhankiisa cadeeyay sida Pakistan uga go’an tahay taageerida xasilloonida So omaaliya iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Taliyaha ciidanka dhulka iyo saraakiil Turki ah oo Shabeelaha hoose gaaray

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar iyo Jeneraal Sebahattin Kalkan tliyaha Ciidanka Turkiga ee fadhigoodu yahay Turkisom Muqdisho ayaa gaa ray deegaano ka tirsan gobolka Shabe llaha hoose.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidama da ee ku sugan deegaanka Number 50 ee gobolka Shabellaha hoose.

Intaa ka dib, Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka iyo Janeraal Sebahattin waxay booqdeen halka laga dhisayo isbitaalka deegaanka Number 50, iya ga oo bogaadiyay mashruuca dhisma ha iyo faa’iidada uu u leeyahay bulsha da deegaanka.

Mucaaradkii isaga baxay Golaha Samatabixinta oo Beesha Caalamka la kulmaya

Xubnihii mucaaradka ahaa ee dha waan isaga baxay Golaha Samatabi -xinta oo kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Maxamed Mursal C/rax man, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Geele Maxamuud ayaa shalay lagu wadaa in kulan la yeeshaan waki illada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa filayo in uu noqon doo na mid si dhow loogu eegayo mustaqb alka siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda.

Wakiillada Beesha Caalamka iyo dala lka deriska ah ayaan weli si cad u muu jin mowqifkooda ku aaddan heshiiskan cusub, waxaana la saadaalinayaa in kulanka shalay uu go’aamin doono heerka taageero iyo kalsooni ee caa lamku siinayo geeddi-socodkan.

Kulankan ayaa imaanaya saacado kaddib markii dorraad ay Xubnahaan ay gaareen heshiis siyaasadeed oo ras -mi ah oo ay la galeen Dowladda Fede raalka Soomaaliya, heshiiskaas oo dib loogu noqonayo hannaankii hore ee doorashooyinka Teendhada lagu maamuli jiray.

Heshiiskan ayaa siyaasadda dalka ee Xiligaan ku soo kordhiyey wajigii ugu cuslaa, iyadoo ay jiraan siyaasiyiin weli ku haray Madasha Mucaaradka oo si cad uga soo horjeeda qodobadii lagu heshiiyey.

Arrintan ayaa kusii sii xoogeysatay ka la aragti duwanaanta mucaaradka dhe xdiisa, xilli dowladda federaalkuna ku tilshalayy tallaabadan mid ka tarjumay sa midnimo iyo wada shaqeyn siyaasa deed oo gudaha ah.

Xubnaha mucaaradka ee heshiiska qaatay ayaa ku adkaystay in tallaaba dan ay muujinayso rabitaankooda ku aaddan in dalka lagu hoggaamiyo nidaam furan oo siyaasadeed, halka mucaaradka kale ee weli diidan ay ku doodayaan in heshiisku yahay marin habaabin dib loogu celinayo habkii la isku hayey ee doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaan ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama uu dib u furay dooddii ku saabsan habka doora shooyinka iyo doorka mucaaradka oo weli dowladda federaalka dhaliil adag u jeedinaya.

Musharixiinta isbadel doonka iyo Firdhiye oo ku tartamaya doorashada

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay kulan muhiim ah oo ay yeesheen musharrixiinta isbeddel-doo nka Woqooyi Bari, kuwaas oo qorshey naya inay u midoobaan doorashada madaxtooyada ee toddobaadka soo socda ka dhici doonta magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in 8 mushar rax oo magaalada ku sugan ay ka wa daan olole siyaasadeed oo xooggan, iyagoo ku loolamaya kursiga madaxti nimada maamulka Woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Siyaasi Axmed Karaash, ayaa lagu tilmaamay mid lagu dhisayo is-afgarad iyo istiraa tiijiyad mideysan, si musharrixiinta isbe ddel-doonka ay codkooda ugu midee yaan hal musharrax oo leh fursad adag.

Dhinaca kale, Loolan siyaasadeed oo kulul ayaa ka socda magaalada Laasc aanood, iyadoo siyaasiyiinta iyo hogg aamiyaha maamulka Firdhiye, ay si buuxda ugu hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen taageerayaashooda.

Waxaa shalay magaalada Laascaa nood si rasmi ah uga bilaaban doonto diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Woq -ooyi Bari, halka doorashadu qorshay san tahay inay dhacdo 30-ka bishan.

Dowladda Soomaaliya oo 700 kun oo dollar ku wareejisay guddida abaaraha Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 700,000 (toddoba boqol oo kun) oo dollar ku wareejisay guddida abaa raha ee Somaliland, xilli ay xukuumad da Somaliland waddo gurmad gargaar loogu fidinayo dadka ay abaaruhu saa meeyeen ee gobollada Awdal iyo Salal.

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka tirsan guddida abaaraha ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay waajib ku ta hay in ay isku-gurmadaan marka qayb ka mid ah ay masiibo haleesho, isaga oo u mahadceliyay dowladda Soomaal iya.

"700,000 oo dollar ayay inoo soo dir tay abaaraha, waana wax aynu dha qan u lahaan jirnay had iyo jeer marka abaaruhu meel ka dhacaan in aynu is ku-gurmanno. Waanu ugu mahadnaqa yna, waanu ugu ducaynayna,” ayuu yidhi Sheekh Geedi.

Dr. Siciid Maxamed Faarax oo isna ka tirsan guddida ayaa sheegay in dad ka Muslimiinta ah ay ka dhaxayso wax istarka xilliyada ay dhibaatooyinku jir aan, isla markaana ay dowladda Soo maaliya uga mahadcelinayaan lacagta gargaarka ah ee ay soo gaadhsiisay. "Wax ka badan Alle ha idiinku beddelo miisaanka xasanaadka, Alle ha idiin saaro,” ayuu yidhi Dr. Siciid.

Inkasta oo Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay siyaasad ahaan aad isk aga soo horjeedaan, haddana marar badan waxa dhacda in ay iska caawiy aan ka soo kabashada masiibooyinka, iyada oo labada dhinac lacago iyo garg aar isku taageeraan.

Somaliland ayaa hore uga qaybqaa datay taakulaynta dadka ay masiibooy inka dabiiciga ahi ku dhufteen badhta maha Soomaaliya, iyada oo lacag bo qollaal kun ah iyo raashin ku taag eertay dad shacab ah oo daadad ku halakeeyeen gobolka Hiiraan sannado ka hor.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka gaysatay dib u dhis ka suuqa Waaheen ee Hargeysa, iya da oo lacag gargaar ah soo gaadhs iisay guddidii dib u dhiska suuqa kadib markii uu gubtay saddex sano ka hor.

Madasha Samatabixinta oo caddeysay mowqifkeeda kadib heshiiskii dorraad

Xubnaha mucaaradka ee ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa shalay caddeeyay mowqifkooda ku aaddan heshiiskii dorraad ka dha cay Villa Somalia ee u dhexeeyay ma daxweyne Xasan iyo 4 kamid ah xubni hii mucaaradka ee isaga baxay Mada sha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisha kuur Warsame oo kamid ah mucaarad ka ku haray Madasha Samatabixinta ayaa BBC-da u sheegay in weli ay taagan tahay Madashu, isla markaana aanu isbeddalin mowqifkooda, isaga oo ka horyimid heshiiska dorraad la ga -aray.

Warsame ayaa heshiiska ku tilmaam ay aragti u gooni ah xubnaha heshiiska la qaatay madaxweynaha, wuxuuna int aasi ku daray in weli iyagu ay diidan yi hiin hannaanka uu wax ku wado Xasan Sheekh oo ay horay isugu fahmi waa yeen wada-hadalladii dhacay.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdisha kuur ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhaliilayaan Dowladda Federaalka aanay keliya ahayn arrimaha doorasha da, balse ay diiddan yihiin qaabka ay u maamushay xiisadda ka taagan gobol ka Gedo, la macaamilka maamul-goboleedyada, ku-takrifalka hantida dadweynaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dadaalkooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay qabanayaan kulama da ka dhanka ah dowladda, inta laga gaarayo heshiis buuxa.

Heshiiska doodda dhaliyay ayaa wa xaa qalinka ku duugay Ra’iisul Wasaa rihii hore Cumar Cabdirashiid, guddoo -miyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle, kuwaas oo la heshiiyay Madax weyne Xasan, kadib markii ay dorraad kulan ku yeesheen Villa Somalia, kaas oo laga soo saaray bayaan lagu shee gay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxwey naha Jamhuuriyadda Federaalka Soo -maaliya.

"Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeenna da dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dow -lad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri ba yaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Mada sha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baar lamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

Madaxweyne Deni iyo danjire James Swan oo kawada hadlay khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha amni ga, xaaladda bani’aadantinimo iyo ho rumarinta, iyo xiriirka dowladda fede raalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in wadahadalladu ahaayeen kuwo dhinacyo badan taabanaya, oo ay ku jiraan dagaalka Daacish iyo door ka Puntland iyo Dowlad goboleedyada kale ay ku leeyihiin nabadda iyo dow -lad dhiska.

James Swan wuxuu carrabka ku adke -eyay muhiimadda midnimo iyo wada hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo sheegay in khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo do -wlad goboleedyada ay hor istaagi ka -raan is-afgarad qaran.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arrima ha la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo habka doorashada 2026 loo baa han yahay in xal siyaasadeed oo ay ku wada heshiiyaan dhinacyadu lagu gaa ro.

Danjire James ayaa horey ula soo kul may madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo ka wa da hadlay baahida loo qabo midnimo iyo wadahadal loo dhan yahay oo dhex mara hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad-gobo leedyada

Soomaaliya oo ku jirta marxalad kala guur ah ayaa khilaafaadka siyaasa deed ee jira halis ku noqon kara dib-u-heshiisiinta iyo diyaarinta doorashooyi -nka soo socda.

Ciidamada Mareykanka oo soo Gebagabeeyay hawlgal ka dhan ah ISIS-ta Soomaaliya

Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidan ka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in la soo afjaray how lgal socday muddo toddobaadyo ah isla markaana lagu beegsaday fariisimo iyo aaggag ay ku suganaayeen Daacishta Soomaaliya.

"Isagoo kaashanaya Dowladda Feder aalka Soomaaliya, ayaa la' dhammeysti ray hawlgalkan socday muddada laba to ddobaad ah oo ku dhammaaday Agoos -to 23-keedii, 2025-ka". Hawlgalkan oo ahaa weerarro cirka ah ayaa lagu beeg saday kooxda ISIS-Soomaalia ee ku sugan deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Golis oo ah meel ay ku dhuuntaan hoggaanka sare ee kooxda ISIS.

"Duqeymahan lagu beegsaday kooxda waxay caddeynayaan go'aankeena iyo sida ay nooga go'ntahay inaan ka difaac no Mareykanka iyo saaxiibadeen halista argagixisada caalamiga ah," ayuu yiri Janaraal Dagvin Anderson, oo ah Taliyaha Taliska AFRICOM. "Waxaan hambalyeynayaa ciidamada milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee qeybta ka ahaa hawlgalkan, iyo sidoo kale saaxiibadeen Soomaaliyeed oo qeyb weyn ka qaatay fulinta hawlgalkan adag.

Waxay muujiyeen heer sare oo qorshe yn iyo iskaashi ah, iyagoo beegsanaya urur doonaya inuu argagixiso u dhoofiyo Mareykanka iyo xulafadiisa."

AFRICOM, oo ay la shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijooyin ka hawlgalkan. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin doono hawlgalkan si loo ilaaliyo amniga howlgalka, aya alagu yiri warbixinta la soo saara.

Taliska Mareykanka ee Afrika ma shee gin howlgalladaan cidda sida gaarka ah loogu beegsaday iyo khasaaraha ka dha shay midna.

Sidoo kale ma cadda in Mareykanka sii wadayo howlgalladiisa Soomaaliya ee ka dhanka ah ISIS, iyo in kale maadaa ma waxa hadda la soo gabagabeyay uu yahay howgal socday toddobaadyo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Don ald Trump, ayaa sanadkana horraantiisii amar ku bixiyay in la duqeeyo buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya halkaasi oo la aaminsanyahay in ay kooxda Daacish ku xooggantahay, qoraal uu xilligaas soo dhigay barihiisa bulshada ayuu ku yiri "WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!"

Hadalkaan ka soo baxay Taliska Marey kanka ee Afrika ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada maamulka Puntland ay saacado ka hor shaaciyeen in taliyaha ciidamada booliska Puntland Jeneraal Muumin Cabdi Shire oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalka Hilaac ay gaareen jiidaha hore, gaar ahaan aagga Yucrinta iyo Goble ee Baal lade, halkaasi oo ay ciidamada difaaca Puntland ay sheegeen in ay ku go'doomi yeen xubno Daacish ka tirsan.

Ciidamada Puntland ayaa muddaba Daacish kula dagaallamaya dhul ballaa ran oo u badan dhulka buuraleyda ah, iyagoo gacan ka helaya saaxiibbada Soomaaliya.

Kooxda isku magacowday Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam waxa ay si rasmi ah u soo shaac baxday san nadkii 2014-kii markaas oo ay qabsatay qaybaha ugu badan ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ka hor intii aanay lumin ga can-ku-haynta deegaannadaasi, kaddib hawlgal uu Maraykanku hor boodayo oo lagu qaaday.

Inkasta oo khasaare laxaad leh uu soo gaadhay ururkan, haddana taasi ka ma hor istaagin in Daacish ay weli ahaato khatar amni oo aan la dhayalsan karin. Ka gadaal markii loogu awood sheegtay Bariga Dhexe, waxa ururku uu bilaabay in saldhigyo hor leh uu ka raadsado wad damo ay qaarkood ku yaallaan Afrika sida waddanka Mozambique iyo Jamhuu riyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Si gaar ah, buuraleyda Golis ee dalka Soomaaliya ayaa noqotay meel ay saldhigyo ka samaytaan Ururka Daacish oo si rasmi ah loo bartay sannadkii 2015-kii. Inkasta oo tiradoodu ay ku bilaabantay kooxo tiro yar oo beeco la galay hoggaamiyihii guud ee ururkaasi Abu Bakar Al Baqdaadi, haddana dagaa lyahannada ku soo biiraya ayaa si weyn u soo badanayay sannadihii la soo dhaa fay, gaar ahaan laga soo bilaabo 2019-kii.

Gacan-ku-haynta buuralayda muhiimka ah ee Cal Miskaad ayaa dhalisay dagaa llo dhex mara labada urur ee Daacish iyo Alshabaab, oo markii dambe Alsha baab looga adkaaday. Buuralaydaas ay aana ilaa hadda ah xarunta ugu weyn ee ISIS ay kaga sugan tahay gudaha Soom aaliya.

Markii uu talada Daacish qabtay Cabdi qaadir Muumin, oo ahaa macalin qur'aan hore u degganaa Ingiriiska iyo Iswiidhan, oo hore uga soo goostay lana dagaal lamay ururka Alshabaab ayaa kooxdu waxa ay gaadhay awood ahaan heerkee da ugu sarreeya iyada oo ajaaniib badan ay ku dhiirradeen in ay siyaabo kala duwan ku soo galaan gudaha Soomaali -ya.

Dagaalka Tigray oo mar kale qarxi kara – Maxaa soo kordhay?

Waxaa cabsi weyn laga muujinayaa in dib u bilaabmo dagaal cusub oo u dhexe eya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigray, kaas oo laga yaabo inuu markale ka qarxo waqooyiga dalka, iyadoo Eretareeya lagu eedeey nayo inay qayb ka noqon karto xiisadda.

Falanqeeyayaasha arrimaha Itoobiya ayaa tilmaamaya in maalmahii u dam beeyay ay muuqdeen dhaqdhaqaaqyo ka imanaya dhanka Eretareeya, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo abaabulka ka dhanka ah ee ay wado dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Abel Abate Demissie, oo ka mid ah khub arada u kuurgasha xaaladda Qaaradda Afrika, ayaa ku dooday in haddii dagaal cusub qarxo uu ka sii xanuun badan karo kii dhacay bishii Nofeembar 2020, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 600,000 oo qof.

Intii uu socday dagaalkii hore, waxaa barakacay ku dhowaad shan milyan oo ruux, halka uu sidoo kale dhaawac weyn u geystay xasiloonida Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika, sababo la xiriira barakaca ballaaran iyo saamaynta dha qaale iyo bulsho ee ka dhalatay.

Magaalada Mekelle, oo ah xarunta Tig ray, ayaa waxaa gaaray wufuud badan oo rayid ah kuwaas oo la kulmay madax da ismaamulka, si looga baaqsado co laad cusub loona xoojiyo dadaallada na badda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Eretaree ya Isaias Afwerki ayaa wareysi uu bix iyay ku sheegay in Abiy Ahmed uu ku hamiyo ballaarinta awoodda Itoobiya, balse ay Eretareeya ka hortagi doonto qorshahaas sida uu hadalka u dhigay.

Xiriirka labada dal oo sii xumaanayay, ayaa kasii daray wixii ka dambeeyay dhammaadkii dagaalkii Tigray, iyadoo markii dambe uu galay weji cusub oo ay astaan u yihiin eedaymo labada dhinac ah, diblomaasiyad albaabbadu u xiran yihiin, iyo isku-hub-urursi istiraatiiji ah oo laga dareemayo xuduudda lagu muran -san yahay.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo si xeeladaysan u maareeyay kulan dhex maray isaga iyo Trump

Saacado ka hor intii aanu Madaxwey naha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung, la kulmin Madaxweynaha Marey kanka, Donald Trump, ayaa fariin kasoo baxday barta bulshada ee Truth Social ku qoray.

"MAXAA KA SOCDA KUURIYADA KOOFUREED?" ayuu Trump qoray, isagoo tilmaamay "Xil ka tuuris mise Kac doon" taas oo dad badan u arkeen inay tixraac u tahay dacwadda loo haysto ma daxweynihii hore ee Yoon Suk Yeol, oo lagu eedeeyay inuu isku dayay in uu ku soo rogo xukun ciidan bishii Diseembar ee sanadkii hore, taasoo guul-darro ku dhammaatay.

Laakiin Lee wuxuu adeegsaday xee lad diblumaasiyadeed iyo xariifnimo, taa soo ka hortagtay in la kulankiisu uu noq do mid u ekaada wixii ku dhacay Volody myr Zelensky madaxweynaha Ukraine ama Cyril Ramaphosaha ee Koonfur Afri -ka.

Hase yeeshee kulankii uu la yeeshay Trump waxaa si weyn u hadheeyay ha dallo badan oo Trump kaga hadlay Kuu riyada Waqooyi, waxaana dhoola-tuskii Lee u muuqday mid aan wax badan ka beddelin arrimaha ganacsiga iyo difaaca. Halkan waxaa ku xusan seddex qodob oo waaweyn:

Qorshihii Lee ee ashalay wuu shaqee yay

Kooxda Lee waxay ka baqayeen in Tru -mp uu ku canaanto xafiiskiisa, ama uu ku khasbo inuu iska difaaco been-abuur ay faafinayaan xag-jirro dhinaca midig ah.

Fariintii kasoo baxday Truth Social wax yar ka hor kulanka waxay si dhab ah uga dhigtay cabsidooda mid rumoobay sa. Fariintaas ayaa u muuqatay inay la xidhiidho xaaladii ee ka dhalatay xukun kii ciidan ee Kuuriyada Koonfureed bishii Diseembar iyo baadhitaanada dowladdu ku waddo madaxweynihii hore Yoon Suk Yeol, xaaskiisa, iyo xubnihii dowladdiisii hore.

Xagjiriinta midig ee Kuuriyada Koonfu reed iyo qaar Mareykan ah ayaa si kulul uga soo horjeeda arrintaas.

Tani waxay ahayd xaaladda ugu cabsi badan ee mas'uuliyiinta Seoul in Lee lagu khasbo inuu iska difaaco sheekoo -yin been abuur ah. Laakiin markii kula nkii la yimid, Trump wuu xusay arrintaas, balse si fudud ayuu uga leexday isagoo sheegay inay tahay "is-faham la'aan".

Qorshihii Lee ee kulanka si cad ayuu shaqeeyay. Wuxuu markiiba ammaanay muuqaalka cusub ee qurxoon ee xafiis ka Oval-ka, isagoo Trump ku ammaanay xidhiidhka uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un.

"Waxaad tahay kan kaliya ee horumar gaarsiin kara geeddi-socodka nabadda, Mudane Madaxweyne," ayuu Lee yidhii. "Haddii aad noqoto nabadoon, anigana waxaan noqon doonaa 'garabgal' kaa caawiya."

Lee xitaa wuu kaftamay, isagoo shee gay in laga dhisi karo Trump Tower gud aha Kuuriyada Waqooyi iyo inuu halkaas ku ciyaari karo golf.

Ujeeddada ugu weyn ee kooxda Lee waxay ahayd in madaxweynahooda uu ka tago xafiiska Trump iyadoo xidhiidhku wanaagsan yahay.

Markii weriye weydiiyay Trump su'aal ku saabsan eedeymo la xidhiidha weera rada lagu qaaday kaniisadaha Kuuriya da Koonfureed, Trump wuxuu sheegay inuu "warbixin sirdoon" ka helay, balse wuxuu intaas ku daray "Taas uma ekeyn Kuuriyada Koonfureed."

Trump wuxuu sheegay inay u badan ta hay "xantaasi" inay ahayd "isfaham la' -aan". Markii Lee sheegay in dowladda ay baadhayso arrintaas, Trump wuxuu yi dhi "waxaana hubaa inay xal u heli doo naan".

Lee wuxuu iska ilaaliyay inuu yeesho xaaladdii uu ku dhacday Zelensky kooxd iisuna neef nafis ah ayayba n

Kim Jong Un oo si weyn u muuqda

Inkastoo ay ahayd kulankoodii ugu hor reeyay, Trump iyo Lee waxay si xiiso leh uga wada hadleen xidhiidhka Trump la leeyahay Kim Jong Un oo ah cadowga weyn ee Kuuriyada Koonfureed.

Madaxweyne Lee wuxuu si toos ah u bi -laabay hadalka, isagoo amaanay xidhii dhka Trump iyo Kim Jong Un, kuna boo riyay inuu ka noqdo "nabadoon" gobolk -aas.

Lee wuxuu doonayaa inuu la hadlo Kim, si uu u dhiso xidhiidh nabadeed oo waa ra, balse wuu ogyahay in fursadda Tru -mp u badan tahay dhankiisa.

Trump, oo saddex jeer la kulmay Kim xi lligii uu xilka hayay, wuxuu marar badan xusay xidhiidhkooda. Wuxuu horey u yiri: "Waan is jeclaannay aniga iyo Kim xitaa warqado ayaan isdhaafsanay."

"Waqti badan ayaan la qaatay, waxaan ka wada hadalnay arrimo laga yaabo ina anan u baahnayn inaan ka hadalno," ay uu Trump yiri Isniintii. "Si fiican ayaana isu fahanay isaga runtii."

"Waan rejaynayaa in aan Kim Jong Un la kulmo mar kale mustaqbalka dhaw," ayuu intaas raaciyay.

Laakiin su'aashu waxay tahay: Kim Jong Un ma doonayaa inuu la hadlo midkood?

Kuuriyada Waqooyi waxay marar badan diiday dedaallada Lee uu ugu jiro wada hadal, waxayna iska indho-tirtay isku da yo Mareykanku ku doonayo inuu dib u bi llaabo xidhiidhka. Inkastoo aysan si buu xda albaabka u xidhin marka la eego Tru mp, haddana waxay sheegtay in shuruu dihii hore aysan shaqeyn doonin Kuuriya da Waqooyi ma dooneyso inay ka tagto hubkeeda nukliyeerka.

Hadda waxaa laga sugayaa Seoul iyo Washington inay ka gudbaan caqaba dahaas.

Ganacsiga, Difaaca iyo arrimo aan xal loo helin

Ajandaha kulanka Lee ee Aqalka Cad waxaa ugu sarreeyay ganacsiga iyo di faaca, balse wax heshiisyo dhab ah laga ma gaadhin labadaas arrimood.

Seoul waxay ku guuleysatay in hoos loo dhigo cashuurihii Mareykanku saaray ba deecooyinka Kuuriyada Koonfureed ilaa 15%, kadib markii Trump ka hanjabay in uu ka dhigi doono 25%. Taas beddel keeda, Seoul waxay ballanqaadday inay $350 bilyan ka maalgelin doonto Marey kanka – $150 bilyan oo ka mid ahna wa xay geyn doontaa dhismaha maraakiibta.

Kuuriyada Koonfureed waa dalka labaad ee ugu weyn ee maraakiibta dhisa duni da, marka laga reebo Shiinaha, xilli dhis maha maraakiibta Mareykanka uu hoos u dhacayo.

Wax yar kadib kulanka Aqalka Cad, shi rkadda Korean Air waxay ku dhawaaq day inay iibsanayso 103 diyaaradood oo Boeing ah.

Laakin canshuuraha laga qaado badee cadaha Kuuriyada Koonfureed lama dhi mi doono mar dhow. "Waxaan u maley nayaa inaan heshiis ka gaadhay" ganac siga, Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta kulanka ka dib, isagoo aan bixin faahfaa hin dheeri ah. "Dhibaatooyin qaar ayay kala kulmeen, laakiin ma'aana beddelin fekerkayaga."

Kulanka ayaa sidoo kale wax yar ka ta ray arrimo kale oo qodax leh oo ku saab san xidhiidhka labada dal.

Isniintii, Trump waxa uu dhinac maray su'aal ku saabsaneyd in ciidamada Mare ykanka laga soo saaro Kuuriyada Koon fureed – fikraddaasi oo la sheegay in Aqalka Cad uu ka baaraandegay xilli Tru mp uu marar badan ku eedeeyay Kuuri yada Koonfureed in ay ka faa'ideys ane yso ilaalinta Mareykanka oo aysan bixin lacag ku filan oo dhanka difaaca ah.

Sidoo kale Isniintii, Trump waxa uu dul istaagay fikradda ah in uu Maraykanku loo ogolaado in uu lahaado qaybta dhul ka ee saldhigga hawada ee Osan Air Ba se, oo ku yaalla koonfurta Seoul, oo ay si wada jir ah u maamulaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Laakiin qaar ka mid ah dammaanadda in Lee uu ka helay Trump, ugu yaraan, waa isbahaysiga dhaqaale ee ka dhexe eya dalalkooda. Mareykanka iyo Kuuriya da Koonfureed ayaa "midba midka kale uga baahan yahay" ganacsi, ayuu Tru mp u sheegay saxafiyiinta isagoo jooga Lee.

"Waan jecelnahay waxay sameeyaan, waan jecelnahay alaabtooda, waan jecel nahay maraakiibtooda, waxaan jecelna hay wax badan oo ay sameeyaan," ayuu yidhi. Dhanka kale Kuuriyada Koonfuree -d waxay u baahan tahay saliid iyo gaas, Mareykankuna wuu ka ganacsan lahaa kuwa iyaga la jira, ayuu raaciyay.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip