Suxufiyiinta ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gaza.

0
Monday August 11, 2025 - 15:27:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyiinta ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gaza.

    Wariye caan ah oo ka tirsan Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ka geysatay Qasa, taasoo sidoo kale lagu dilay ilaa afar ka mid ahaa saaxiibbadii la shaqeynayay. Anas al Sharif ayaa lagu we

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye caan ah oo ka tirsan Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ka geysatay Qasa, taasoo sidoo kale lagu dilay ilaa afar ka mid ahaa saaxiibbadii la shaqeynayay. Anas al Sharif ayaa lagu weeraray isagoo ku sugnaa teendho u dhow isbitaalka al Shifa ee Qasa. Wuxuu si weyn uga soo warramayay dagaalka Israa'iil ee Qasa, gaar ahaan waqooyiga. Israa'iil ayaa ku celcelisay eedeyn ah inuu ka tirsanaa Xamaas, taasoo uu si xooggan u beeniyeen isaga iyo hay'adda uu u shaqeynayey. Dhawaan ayuu sheegay in uu wajahayo aflagaado kaga imaanaysa mas'uuliyiin Israa'iiliyiin ah. Tifaftire sare oo ka tirsan Al Jazeera oo l ayiraahdo Maxamed Moawad ayaa u sheegay BBC-da in kanaalkooda uu weli yahay mid ka mid ah kuwa yar ee ka warbixin kara xaaladda Qasa, balse ay saaxiibadood iyo qoysaskooda si joogto ah u dhimanayaan. Duqeymaha Israa'iil ayaa ilaa hadda lagu dilay ku dhowaad 200 suxufiyiin ah tan iyo markii dagaalku bilowday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip