Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

0
Monday August 11, 2025 - 11:17:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, dalka Aljeeriya. Munaasabadd Kooban oo ka dhacday dhismaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, dalka Aljeeriya. Munaasabadd Kooban oo ka dhacday dhismaha cusub ee xarunta Safaarada waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta caalamiga ah, oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan "Jeego". Furitaanka safaaradda ayaa qeyb ka ah socdaalka rasmiga ah ee Wasiir Cabdisalaam uu ku joogo Aljeeriya (9–11 Agoosto), taas oo muujinaysa dadaalka labada dal ee ku aaddan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip