halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 20-07-25

0
Sunday July 20, 2025 - 10:50:50 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 20-07-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxa uuna uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamicadda Carabta wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in ay dalkeenna imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamicadda Carabta kuwaas oo dalka ka hirgalin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamicadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Sabti ah ku qabilay xafiiskiisa Wasarada ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, isaga oo kala hadlay dhinacyada ugu muhiimsan xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay dhowridda xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah iyo qoto-dheereynta iskaashiga qeybaha muhiimka ah.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa lagu fallanqeeyay kor-u-qaadidda dadaallada wadaagga ah ee dhinacyada horumarinta, waxbarashada iyo amniga, si la mid ah sare-u-qaadida xiriirka diblomaasiyadeed. Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen ka go’naanshahooda hore-u-dhaqaajinta dano wadaagga iyo iskaashiga si loo taageero koritaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaa-ndhiga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa shalay si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiyada ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, isagoo uga mahadceliyay doorkooda firfircoon iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka.

"Sharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan. Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka — oo ay ka mid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada iyo qalalaasaha siyaasadeed — isagoo ku baaqay in dalalka xubnaha ah ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas iyagoo mideysan.

Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiirka ayaa caddeeyay kalsoonida uu ku qabo talooyinka kasoo baxay shirarkii hore ee khubarada iyo taliyeyaasha, wuxuuna xusay in shirkan shalay uu fursad yahay lagu ansixinayo qorshayaal muhiim u ah mustaqbalka EASF.

Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah dadaalkooda joogtada ah, isagoo rajo ballaaran ka muujiyay in shirka Muqdisho uu noqon doono mid lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda guud ee gobolka Afrikada Bari.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM oo si hagar la’aan ah u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee lasoo dhaafay. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen miro-dhal muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo marag u ah in iskaashiga dhab ah uu keeni karo guulo la taaban karo.

Munaasabadda Xarig-jarka laanta Hay’adda NIRA ee Hirshabeelle

Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa shalay lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Xeer-ilaaliyaha Guud, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa tilmaamay laanta ay ka hirgeliyeen Hirshabeelle inay si weyn ugu adeegi doonto bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa goobta lagu guddoonsiiyey aqoonsiga rasmiga ee muwaadinimo.

"Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay howlwadeennada NIRA ee Hirshabeelle inay si hufan ugu adeegan shacabka aqoonsiga u soo doonan doono.

Gaari Jiirey dad ku caweynayay magaalada Los Angeles

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari uu jiiray ama dardaray dad ku sugnaa degmada Santa Monica Boulevard ee magaalada Los Angeles.

Toddobo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda ay liidataa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Waaxda Dab-damiska ee LAFD (LAFD).

Shilkan ayaa dhacay 02:00 wakhtiga maxaliga ah (09:00 GMT) waxana uu ka dhacay meel u dhaw goob lagu caweeyo oo ku taal North Vermont Avenue.

Illaa hadda ma cadda sababta keentay in gaariga uu dhexda u galo dadka faraha badan.

Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa badankood ah haween doonayay inay galaan gudaha goobta lagu caweynayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip