halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-07-25

0
Sunday July 13, 2025 - 08:26:41 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-07-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Somalia ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka noqotay ayaa sare u qaadi doona shuruucda looga hortago af-duubka Diyaaradaha, Weeraradda Garoomada loo geeysto iyo khataro kale oo ay Duulista Rayidka wajahdo.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay si gaar ah ugu mahad-celineeysaa U.S. Embassy Mogadishu oo qeyb weyn ka qaadatay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiisyadan.

Duqa Muqdisho oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis kadib wareegto goordhow kasoo baxday xafiiska.

1- Mudane Mustaf Maxamed Macallin waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xog’haynta Guud ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Maxamed Afrax Xusuleey.

1- Mudane Zakariye Bashiir Muude, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Maxamed Xasan Casir.

2- Basiima Ilyaas Muuse, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumeeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilalkii laga qaaday Md. Mustaf Maxamed Macallin iyo Md. Cabdiqani Axmed Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadantinimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Gudomiyaha Hay’adda Maareynta Musiboyinka Qaranka e (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle oo ku kulmay xarunta dhexe ee hay’adda ayaa kawada hadlay xaaladaha adag ee bani’adanimo ee ka jira qaar ka mid ah deeganada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya.

Madaxwene ku-xigenka Galmudug ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhaqsi leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadannimo.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, iyagoo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Madaxweyne Cali Daahir Ciid ayaa soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, isagoona muujiyay in hay’adda SoDMA ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug, si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, wuxuuna sheegay in dadaalladaas lagu taageeri doono iskaashi caalami ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa ka Qaybgalaya tababar ku saabsan Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda Casriga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo isugu jira Agaasimayaal Guud iyo Maareeyayaal ka kala socda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dekedaha ee Maamul Goboleedyada dalka.

Saraakiishan ayaa dalka Shiinaha u yimid si ay uga qaybgalaan tababbar muhiim ah oo la xiriira Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda casriga ah, kaasoo ka dhacaya magaalada Tianjin ee Jamhuuriyadda Shiinaha.

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: muhiimadda uu tababbarkani u leeyahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dekedaha Soomaaliya, iyo sidoo kale fahamka fursadaha maalgashi ee ku xeeran kobcinta kaabayaasha dekedaha dalka.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in safaaraddu sii waddo taageerada iyo fududeynta xiriirka u dhexeeya hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha. Waxay si gaar ah uga hadashay muhiimadda tababarada kor u qaadaya xirfadaha shaqalaha, iyo iskaashiga farsamo ee xoojinaya awoodda hay’adaha Dowlada Soomaaliya.

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Safaraadda Soomaaliya ee Ankara Marwo Caasha Maxamed Maxamuud ayaa ka qayb gashay xaflada qalanjabinta ardayda wax ka barata Jaamacada Ostim Teknik ee magaalada Ankara dalka Türkiye.

Ardayday qalin jabisay ayaa ahaa kumaanan Arday oo iskugu jiray kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadu bixiso. Waxaana ka mid ahaa 78 arday oo Soomaali ah.

U qeybsanaha ayaa hambalyo u dirtay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabiyay Jaamacada Ostim,Waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan iyo horumar.

Isimmada Dhaqanka SSC-Khaatumo oo ku kala qeybsamay shirweynaha dhameystirka Dowlad Goboleedkaas

Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, iyadoo shirkaasi la filayo inuu rasmi ahaan ka furmo magaalada Laascaanood maalinta berri ah.

Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo musharraxiinta mucaaradka ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood ku sheegay in aan lagu dhaqmi karin talo meel kale laga keenay. Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay 15-kii sano ee la soo dhaafay ku jireen xukun dibadda laga keenay, taasina aysan mar dambe la aqbali karin.

"Waxaan 15 sano ka dagaalamayay talo meel kale ka timid, mana oggolaan karo in reer walaalahay ah aan ku sameeyo wixii aan ka soo horjeeday. Ma noqon karo mid qeyb ka ah arrintaas. Warsangeli waa walaalaheen, waa deriskeenna, dan baynu ka leennahay, daruufahuna waa inaga dhaxeeyaan. Uma qalmaan in aan nidhaahno annagaa idinka xulanayna,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaadku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in aanay jirin cid qasbi karta rabitaanka dadka SSC-Khaatumo, isagoo ku baaqay in talo qaran oo dhab ah la sameeyo. Wuxuu cabsi ka muujiyay in dib loogu celiyo SSC xaaladihii hore ee dhibaatooyinka ahaa, taasoo uu sheegay in aysan ka soo kaban karin.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa habeen hore kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Isimmada Sool iyo Sanaag, isaga oo kala hadlay qabanqaabada shirka berri furmaya. Isimmadaasi waxay taageersan yihiin in shirweynaha la qabto, wixii tabasho ahna si nabad ah dib loo eego.

Sidoo kale, xildhibaanada baarlamaanka SSC ayaa isna habeen hore shir ku yeeshay Laascaanood, iyaga oo ka doodayay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda shirweynaha. Ilaa iyo hadda wax go’aan rasmi ah lagama soo saarin kulankooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira cabsi laga qabo in carqalado amni ay dib u dhigaan shirka berri, iyadoo musharraxiinta qaar ay si weyn uga soo horjeedaan qabsoomidda shirkan.

Shirweynihii lagu dhameystiri lahaa maamulka SSC Khaatumo oo mar kale khilaaf u baaqday

Shirka lagu waday in lagu qabto magaalada Laascaanood si loo dhameystiro dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, oo ay taagerayso dowlada federaalka Soomaaliya, ayaa markale dib u dhacay maantoo Sabti ah.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle oo saxaafadda kudlay magaalada Laascaanood, ayaa ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay "huwan" inay wadaan qorsheyal lagu carqalad-eynayo qabsoomidda shirka.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in maamulka SSC-Khaatumo ay ka go’an tahay in shirka la qabto, loona midobo sidii loo dhameystiri lahaa maamulka, iyadoo la mideynayo labada gobol ee Sool iyo Sanaag.

"Nimanka siyaasiyiinta ah hadala-dooda waxaa ka muuqda aragtiyo meel kale laga soo xambaaray. Qolada mucaaradka waxaad mooddaa inay si ‘huwan’ u yihiin,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Warar la helayo ayaa tilmaamaya in khilaafaad ka dhex aloosan hoggaanka SSC iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay qayb weyn ka yihiin dib-u-dhaca shirka markii labaad, taas oo laga cabsi qabo inay sii xoojiso kala qaybsanaanta siyasaded e hareysay dhamestirka maamulka SSC.

Dhanka kale, isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa iyaguna isku khilaafay shirweynaha lagu dhamestirayo maamulka. Isimada ayaa u kala jabay laba garab: kuwa taageersan hogaanka maamulka SSC io kuwo taabacsan siyasiyinta iyo musharrixiinta mucaaradka.

Habeen hore, Garaad Jaamac Garaad Cali — oo ah garaadka guud ee deegaannada SSC — ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Lascanod ku sheegay in aan la aqbali karin talooyin iyo qorsheyaal meel kale laga keenay.

Wuxuu xusay in shacabka SSC ay 15-kii sano ee la soo dhaafay ku jireen xukun dibada laga so ababulay, tasina aysan mar dambe surtagal noqon karin.

Maxkamad laashay heshiis dil looga badbaadin lahaa maxaabiis ku jira Guantanamo Bay

Maxkamad ku taal Mareykanka ayaa diiddey codsi gorgortan oo uga yimid Khaalid Sheekh Maxamud eedeysaneyaal kale oo loo haysto in ay abaabuleen weerarkii dalkaas lagu qaaday 11-kii September 2001 ee loo yaqaan dhadadii '9/1'1.

Sida ay tabisey warbaahinta Mareykanka, Khaalid Sheekh Maxamud iyo labo eedeysane oo kale ayaa ogolaaday in ay qirtaan dhammaan eedaha loo haysto, iyagoo ku beddelanaya in aan dil lagu xukumin.

Maxkamadda racfaanka ayaa sida la sheegay ku kala qaybsantay arrintaas, waxayna ugu dambeyntii garssoreyaasha Washington cod 2-1 ah ku diideen codsiga oo haddii la ogolaan lahaa raggan ku xukumi lahaa xabsi daa'im.

Khaalid ayaa ku eedeysan in uu ahaa maskaxdii ka dambeysey weerro loo adeegsaday diyaarado Yurub laga soo afduubtay, ka dibna lagu dhuftay dhowr goobood oo ku yaal dalka Mareykanka, sida dhismihii Xarunta Ganacsiga Adduunka ee magaalada New, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon oo ku taal Washington. Diyaarad saddexaad ayaa ku dhacday gobolka Pennsylvania ee isla dalka Mareykanka markii ay gacanta iskula tageen afduubaal iyo qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradda.

Shilka lagu fuliyey diyaaradaha qafaalan ayaa galaaftay nolosha 3,000 oo qof, halka tiro intaas ka bandanna uu dhaawac ka soo gaarey. Waxayna saddexda qof ee ku eedeysan in ay soo maleegeen falkaas lagu hayey xabsi ku yaal Mareykanka 20-kii sano ee la soo dhaafay, dhegeysiga garnaqsigooduna wuxuu soo jiitamayey in ka badan tobano.

Dadka u dooda xaquuqda aadanaha ayaa doodaya in eedeysaneyaashani qirteen dambiga ka dib markii ay u adkeysan waayeen jirdil aad u daran, kaas oo tan iyo markii la xiray ay ku hayeen CIA-da Mareykanku.

Tusaale ahaan Khaalid Sheekh Maxamud oo lagu qabtay Yurub sannadkii 2003, waxaa in muddo ah lagu yahay xabsiyo qarsoodi ah oo ay CIA-du maamusho, waxaana la sheegayaa in la isugu daray tacaddiyo ay ka mid yihiin biyo ku hafin iyo ceego in ka badan 183 jeer. Waxaa sidoo kale la ogaadey in loo geystey cinqaabo kale oo aad loogu talaxtagey, sida in hurdada loo diidey iyo dharka laga dhigay si loogu khasbo in uu dambiyo qirto.

Qaraamada u doodaya Khaalid Khaalid iyo ragga la hal maala, ayaa sheegay in heshiiska xukun doorsiga uu ku jirey qodob dhigaya in maxaabiistu ay si daacad ah uga jawaabaan su'aalo ay weydiin lahaayeen ehelada dadkii ku dhintay weerarkii 9/11.

Laakiin sida ay tabisey warbaahinta BBC-da bahwadaagta la ah ee CBS, qaraabada dhibbanaeyaashii 9/11 ayaa ku kala qaybsamay gorgortanka.

Dadka diiddan heshiiska ayaa aaminsan maxkameyntu tahay sida ugu habboon ee xog waafi ah looga heli karo eedeysaneyaasha, islamarkaana su'aalahooda looga jawaabi karo.

Dadka taageersan heshiiska ayaa dhankpooda qaba in tani ay tahay waddada ugu fudud ee lagu soo laalaabi karo boggan muddada soo jiitamayey.

Maxaabiista 9/11 ayaa hadda lagu hayaa xabsi Mareykanku ku leeyahay jasiiradda Guantanamo Bay ee dalka Cuba. Waxaana gorgortanka fashilmay oo soo socdey muddo10 sano ah labo sano ka hor gaarey garsoor iyo dacwo oogeyaal ka tirsan militariga Mareykanka ee maamula Guantanamo Bay. Laakiin maadaama racfaanku diidey, waxaa muuqata in heshiiskaasi buray haatan.

Xigasho BBC

Ciidamo ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-shabaab oo gaaray magaalada Maxaas

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxaa gaaray saacadahii lasoo dhaafay ciidamo aad u tira badan.

Ciidamadan ayaa ka kala yimid degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo kasoo jeeda beesha Habargidir.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gaaray magaalada Maxaas ayaa sheegay iney qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.

"Maxaas waxaan u nimid inaan gudbo abaalkii Xawaadle uu inoo galay sanadkii 2008-dii xiligaas oo Gurceel iyo Dhuusamareeb laga xureynaayay Khawarijta Al-shabaab way nala dhinteen waagaas anagaba waxaan diyaar u nahay inaan la dhimano sidaas ayaan u nimad maxaas, waana waajib cidii kula dhiman jirtay markeeda inaad la dhimato" ayuu yiri sarkaal ka mid ah ciidanka Habargidir ee gaaray Maxaas.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayay kolonyo gaadiid dagaal ah oo gudaha u galaya magaalada Maxaas, islamarkaana halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweynayeen dadka ku nool Maxaas.

Ciidanka ayaa lagu wadaa iney xoojiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo haatan wada abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan in kooxdu kaga xureeyaan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Sababihii kallifay shilkii diyaaradda Air India oo wax laga ogaadey

Baareyaasha ku mashquulsan ogaanshaha cilladihii keenay burburka diyaaraddii Air India ee 12-kii Juune sanadkan 2025-ka ku dhacday magalada Axmedabad ee dalka Hindiya, ayaa helay caddeymo horudhac ah oo la xiriira sababtii keentay shilka.

Diyaaraddan oo nuuceedu ahaa 787 Dreamliner, islamarkaana ay saarnaayeen dad ka badan 240 qof, ayaa soo dhacday ilbiriqsiyo ka dib markii ay ka kacday garoonka magaalada Axmedabad, waxaana halkaas ku naf waayey dhammaan rakaabkii saarnaa, marka laga reebo 1 nin oo si layaab leh ku bedbaadey.

Baareyaashu waxay ogaadeen in markii ay diyaaraddu dhulka cagaha ka qaaddayba uu is damiyey furaha laga maamulo qulqulka shidaalka diyaaradda, taas oo kalliftay in matoorradu diyaaraddu aqsoobaan, sidaasna ay ku dameen.

Cod uu duubay sanduuqa madow ee kaydiya xogta wax kasto oo ay ku wada hadlaan duuliyeyaasha diyaaradda ayaa duubay mid ka mid ah duuliyeyaasha oo wadaygiisa weydiinaya sababta uu u damiyey qulqulka shidaalka diyaaradda, taas oo qofka su'aasha la weydiiyey ku jawaabayo in uusan damin. Cod duubuhu ma kala caddeyn sida cododkan loo kala leeyahay. Waxaase la og yahay in markii diyaaraddu kacaysey uu shukaanta hayey la-duuliyahu, Halak Kaptankuna uu hubinayey habka duullimaadka diyaaradda.

Sida ka muuqata xogta la duubay, fureyaasha shidaalka ayaa mar kale la daara, waxaana si iskiisa dib ugu shidmay mid ka mmid ah matoorrada diyaaradda oo sida xogta ka muuqata si buuxda u shaqeynayey markii diyaaraddu dhaceysey, halka kan kalena uu shidmay laakiin uusan weli helin itaal uu ku qaado diyaaradda.

Duullimaadka Air India ee lambarkiisu ahaa171wuxuu hawada ku jirey in ka yar 40 ilbirisi ka hor intii uusan ku soo dul dhicin xaafad isku raran ah oo ku taal magaalada Axmedabad ee dhacda galbeedka Hindiya. Wuxuuna shilkaas noqday mid ka mid ah masiibooyinkii diyaaradeed ee ugu xumaa ee dalkaas soo mara ayn ku naf waayeen 260 qof oo isugu jiray rakaabkii iyo dad dhulka joogay.

Baareyaasha shilkan diyaaradeed oo weli jarribaya burburka diyaaradda iyo xogaha laga duubay wixii ka dhex dhacay diyaaradda shirkeeda ilbiriqsiyadii ay hawada ku jirtey, ayaa ogaadey in diyaaraddu sare u kacday 625 cagood, ka dibna ay halhaleel u hoobatay ka hor intii aysan afka dhulka la gelin ilbirisigii 50-aad ee duulisteeda.

Baaritaankan oo ay hoggaaminayaan mas'uuliyiin Hindi ah, waxaa sidoo kale qayb ka ah wakiillo ka socda shirkadda Air India, hay'adda duulista hawada ee Hindiya, shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing iyo shirkadda matoorka diyaaradda sameysay ee General Electric, ku waas oo dhammaantood jawaabo u raadinaya wixii ka qaldamay duullimadkii 171.

Baareyaashu waxay intaas ku dareen in gaanjada laga maamulo shidaalka oo ah carrab kor ama hoos marba dhankii la rabo loo geddiyo uu sidoo kale leeyahay dabool lagu gambiyo ka dib marka la furo ama la xiro, si loo xaqiijiyo in gacantu aysan si lamafilaan ah ugu dhicin. Hannaankan lagu sugayo amniga qulqulka shidaalka u kala goosha haamaha iyo matoorka oo ah mid soo jirey tan iyo 1950-meeyadii, ayaa ah mid la isku halleyn karo.

"Macquul ma aha in labada furaba si kedis ah isku mar hal gacan ugu dhacdo. Waana sababta loo kala duwey Meesha ay ku yaallaan iyo masaafada ay isku jiraan," ayuu yiri mid ka mid ah dadka aqoonta u leh arrintan oo BBC-da u warramay isagoo diidey in la magacdhabo.

Haddii ay dhaboobaan caddeymaha horudhaca ah ee tibaaxaya in diyaaradda Air India ay shidaalka goosatay waxyar ka dib marki ayi kacday, waxaa caddaaneysa in gacan bini'aadam ay ka dambeysey shilkan. Gaar ahaan waxaa la tuhmayaa in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddu uu mas'uul ka ahaa daminta furaha shidaalka kas iyo kama' mid ay noqotaba.

"Haddii mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddu uu mas'uul ka ahaa daminta furaha shidaalka quudiya matoorka, kas ama kama', waxay su'aashu tahay maxaa ku kallifay habacsanaanta intaas le'eg," ayuu is weydiiyey Shawn Pruchnicki oo ah baare hore oo ku xeeldheer shilalka diyaaradaha, haddana ka tirsan khuburada duulista hawada ee jaamacadda Ohio State.

Shawn Pruchnicki oo sii hadlayey ayaa meesha ka saaray in si kama' ah wax ku dhaceen, marka la eego inta tillaabo ee u baahan in giijiyo marka ay timaado sugidda amniga duullimaadka.

"Ma kasbay ahayd mise khalad ka dhashay isku dhexyaac? Taasi iima muuqato, duuliyeyaashuna ma soo warin wax kharul caadi ah oo soo wajahay. Xaaladaha degdegga ah qaarkood wey dhici kartaa in duuliye taabto badhan khalad ah ama uu amar khaldan bixiyo, laakiin halkaan waxaasoo dhan kama muuqdaan. Iskaba daa in fureyaasha shidaalka si kutalogal la'aan ah loo damiyey.

Isku soo duuboo khaladaadka caynkan ah sida badan kama dhacaan diyaaradaha dhexdooda", ayuu BBC-da u sheegay Pruchnicki.


Macawiisleeyda Hiiraan oo howlgal qorsheysanaa ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysnaa oo ciidanka Macwisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen fariisin kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Dhurwaale ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo dhacay galinkii dambe ee Daraad ayaa lagu dilay ilaa Lix xubnood oo ka mid ahaa Maleshiyaadka Al-shabaab ee ku suganaa deegaanka Dhurwaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan.

Ciidanka Macawiisleeyda ee howlgalkaan fuliyay ayaa sidoo kale la sheegay iney kooxda ka furteen qoryahii ay wateen xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa ee howlgalka lagu dilay.

Sarkaal ka tirsan ciidankaan howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay mudo qorsheynayeen, islamarkaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.

Howlgalkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu Isniintii lasoo dhaafay weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday kula wareegtay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.


PUNTLAND

OGAYSIISKA DIGNIINTA – ASTAANTA GANACSIGA

Waxaa si rasmi ah laguugu wargelinayaa in astaanta ganacsiga ee kore (ISUZU logo (2012)) is the trade mark of: ISUZU MOTORS LIMITED, a company organized and existing under the laws of Japan of 2-5, Takashima 1-chome, Nishi-ku, Yokohama-shi, Kanagawa, 220-8720 JAPAN waxaana loo adeegsadaa alaabooyinka hoos ku xusan ee ku jira Fasalka 12aad:

Fasalka 12aad: Baabuurta; baabuurta adeegga (sports utility vehicles); baabuur koronto ku shaqeeya; gaadiidka xamuulka ah; kuwa yaryar ee xamuulka qaada; gaadiidka "pickup" ah; daboollada gaadiidka "pickup"-ka ah; matoorada jiidista; matoorada aan korontada ku shaqeynin ee loo adeegsado gaadiidka dhulka, marka laga reebo qaybahooda; usha dhexe, xargaha ama tiirarka – qaybo makaaniko oo gaadiidka dhulka ah loogu talagalay; qalabka lagu xiro biraha iyo matoorada – qaybaha gaadiidka dhulka ah; nidaamyada gudbinta awoodda iyo gear-ka – qalabka gaadiidka dhulka ah; mishiinnada nuugta gariirka iyo ruxitaanka; bareegyada – qalabka gaadiidka dhulka; qalab makaanik ah oo gaadiidka dhulka loogu talagalay; alaarmiyada ka-hortaga xatooyada ee gaadiidka; matoorada AC ama DC ee gaadiidka dhulka (marka laga reebo qaybahooda); bumper-ka gaadiidka; matoorada awoodda siiya qalab kale (power take-off); daboollada hore ee baabuurta (hoods); fenders ama difaacyada buufiska iyo wasakhda (mudguards); daboollada taangiyada shidaalka ee baabuurta; baabuurta iyo dhammaan qaybaha iyo agabkooda.

Waxaa sidoo kale lagu wargelinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof ama shirkad kasta oo si sharci-darro ah u isticmaasha astaanta ganacsigan, ama isticmaasha nuqullo la mid ah, ama si kale u xadgudba xuquuqda shirkaddan.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip