Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hay'adda UNICEF ee Soomaaliya

0
Sunday June 22, 2025 - 17:37:01 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hay'adda UNICEF ee Soomaaliya

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey'adda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen. Kulanka ayaa looga hadlay dard

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey'adda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeega nafaqeynta caruurta, balaarinta goobaha keydka talaalka iyo in hey'adda UNICEF ay door ka qaadato horumarinta xarumaha caafimaadka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorka Hey'ada UNICEF ee Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, asigoona hoosta ka xariiqay in laga wada shaqeeyo gaarista yoolka caafimaadka loo dhanyahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip