
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-06-25
Shirka wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha JFS oo barri ka furmayo Muqdisho
Waxaa maalinta barri ah oo ku beegan 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madashaan waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda, waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka.
Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh: Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka, ayna dhageystaan argtiyadooda waxa ay dhibsanayaana ay dhowraan, si looga fogaado in lagu adkeeyo arrimo aysan raalli ka ahayn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in ay la tashato qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada, siyaasiyiinta, iyo shacabka guud ahaan. Wuxuu xusay in talada dalka ay u furnaan karto dhammaan dadka Soomaaliyeed, balse go’aannada ugu dambeyna ay yihiin kuwa ay gaaraan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda.
"Madaxda dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in dowladdu ay xil iska saarayso dhegeysiga iyo tixgelinta dareenka shacabka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad horumarineed oo muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii Soomaaliya ula tartami lahayd dowladaha kale ee gobolka.
"Shalay waxaan gaarnay heer aan kheyraadkeena soo saari karno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in taasi ay ka mid tahay guulaha muuqda ee dowladdu ku tallaabsatay.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo Agaasimihii hore, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoo-minayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyan Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.
Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka "One Health”
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saaray "One Health” – habka iskaashiga ah ee lagu wajaho caafimaadka aadanaha, xoolaha, deegaanka iyo deegaanka dabiiciga ah.
Wasiir Cali Xaaji ayaana si faahfaahsan uga hadlay dadaallada dowladda Soomaaliya ay wado ee lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda "One Health” ee dalka. Isagoo xusay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya Wasaaradaha caafimaadka, deegaanka, xanaanada xoolaha iyo hay’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto khataraha caafimaadka bulshada ka imaan kara cudurrada ka dhasha xoolaha ama deegaanka.
Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la dhiso hannaan mideysan oo wax looga qabanayo khataraha caafimaad ee ka dhasha cudurrada xoolaha, deegaanka iyo isbeddelka cimilada, iyadoo laga duulayo aragtida One Health.
Wasiirka Gaashaanshigga XFS oo ka qeyb galay Qado sharaf loo sameeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Markabka "Oruc Reis”
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga, Danjire Alper Aktas, u sameeyay madaxda iyo shaqaalaha markabka sahanka shidaalka ee "Oruc Reis,” kaas oo si guul leh u soo gabagabeeyay hawshii loo igmaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u aragtaa dhammaystirka guusha leh ee hawlgalkan oo socday muddo 234 maalmood ah mid astaan u ah iskaashiga istiraatiijiyadeed ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale, waa guul muujinaysa awoodda iyo horumarka ay gaareen hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Turkiga oo suurtageliyay in mashruucan muhiimka ah uu si nabadgelyo ah uga fushay xeebaha dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay, "Guusha hawlgalkan sahanka ahi ma aha oo kaliya mid dhaqaale, balse waa tiir adag oo loo taagay madaxbannaanideenna qaran iyo awoodda aan u leenahay inaan ilaashanno kheyraadkeenna. Waxay caddeyn u tahay in amniga iyo horumarku ay mataano yihiin. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Danjire Aktas, iyo dhammaan shaqaalaha markabka Oruc Reis ee ka soo dhalaalay shaqadan taariikhiga ah.
Markabka Oruc Reis ayaa shalay ka ambabaxaya dekedda Muqdisho, iyadoo xogta muhiimka ah ee uu soo ururiyay loo gudbin doono falanqeyn. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale ballan qaadaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta dhammaan hantida iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-06-25
..........