HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 10 JUNE 2025

0
Tuesday June 10, 2025 - 08:27:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 10 JUNE 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo Geneva kula kulmay madaxda hay’ado caalami ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay qeyb ka aha ayeen madaxda Soomaaliya ku matal aysay shirweynaha heerka caalami ah ee yareynta khataraha musiibooyinka, kal-fadhigiisii siddeedaad ee waddama da Carabta ayaa ka qeybgalay falan qeyn lagu lafa-gurayay arrimaha yare ynta khataraha musiibooyinka, shirkan oo maalmahan ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiyuhu waxa uu halkaas kulan doceedyo la qaatay wufuud kala du wan oo ka socday hay’adaha hoos ku xusan:

1. Ku xigeenka madaxa Bangiga Ad duunka, ahna madaxa xafiiska bangiga u qaabilsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

2. Madaxa Sanduuqa Magdhawga Khasaaraha ay Musiibooyinku Gey staan (FRLD).

3. Madaxa Xarunta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Musiibooyinka (Anticipa -tion Hub).

4. Madaxa CADRI, iyo sidoo kale madax ka tirsan UNDP, IOM, FAO, iyo mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah.

Masuuliyiinta hay’adahaas iyo wafdiga Soomaaliya waxay kulamadooda gaar-gaar ah diiradda ku saareen sidii loo horumarin lahaa xiriirkooda iskaashi iyo wax wada qabsi, iyo sidoo kale sidii Soomaaliya gacan uga geysan lahayd dadaallada heer caalami ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka.

Mas’uuliyiintaasi waxay si weyn u amaaneen doorka firfircoon ee ay Xuk -uumadda Soomaaliya – gaar ahaan hay’adda SoDMA – ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo awoodaha dowliga ah ee lagula tacaalayo khataraha musiibo oyinka soo noqnoqda.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in Xukuumadda Fe -deraalka Soomaaliya dardar-geliso fulinta Istraatiijiyaddeeda Qaran ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka. Mas’uuliyiinta caalamiga ah ayaa dhankooda ballanqaaday inay SoDMA ka gacan siin doonaan hirgelinta qorshahaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mu dane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Mu -ungaab), ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe, kaas oo ay sanad kan u fadhiisteen 41,639 arday. Tani waxay tahay sanadkii 6-aad oo uu Maa mulka Gobolka Banaadir si madaxb annaan u qaadayo imtixaanka.

Mudane Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ka go’an yahay kor u qaadista tayada iyo tirada waxba rashada si ardayda Gobolka Banaadir ay u helaan waxbarasho tayo leh. Wa xa uu sidoo kale ballan qaaday in la kordhin doono helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah, isaga oo guul iyo rajo wanaagsan u rajeeyay ardayda maan ta u fadhiisatay imtixaanka.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray waalidiinta soo dadaalay si caruurtoo du ay heerkaan u gaaraan, wuxuuna ammaan u jeediyay hay’adaha amniga ee sugaya amniga goobaha imtixaa naadka.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Gud doomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaa sadda ee Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, saraakiil ka tirsan qeyba ha imtixaanaadka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaa dir.

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaam ka ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaa liya ay kaalinta afaraad ka gashay do wladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda sannadkan. Wasiirka ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay da daal xooggan oo ay bixiyeen Wasaa radda Awqaafta iyo Madaxda sare ee dalka.

"Dowladaha ugu wanaagsan ee Xuje yda daryeela ayaan ka mid noqonay, abaalmarin ayaa nala siiyay,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo xusay in tani ay muujinayso horumarka iyo isbeddelka ka socda adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow waxa uu intaasi ku daray in abaalmarintan ay ta hay mid shacabka Soomaaliyeed oo dhan farxad u leh, maadaama Sooma aliya lagu abaalmariyay kaalinteeda muhiimka ah ee daryeelka Xujeyda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Muungaab oo amar ku bixiyay in la baneeyo Xarumaha Waxbarashadda ee Gobalka Benaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay Imtixa anka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025, imtixaan ay u fadhiisteen 41,639 arday oo ka kala socday dhammaan degmooyinka gobolka.

Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday mid ka mid ah xarumaha imtix aanka, iyadoo uu Guddoomiyuhu kula dardaarmay ardayda inay si daacad nimo leh u galaan imtixaanka, ayna muujiyaan dadaal iyo akhlaaq wanaag.

Tani ayaa noqoneysa sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qaban-qaabinayo imt ixaanka dugsiyada dhexe, taas oo muu jinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo isla xisaabtanka nidaamka waxbar asho ee gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ay aa amar ku bixiyay in la baneeyo dham maan xarumaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir, si loo sugo hufnaanta iyo amniga imtixaanka, ayna ardaydu si nabad ah ugu gudbaan imti xaankooda.

Waxaa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horuma rinta waxbarashada.

Madaxda Hore ee Dalka oo Ka Horyimid Shir uu Madaxweyne Xasan Sheekh Iclaamiyay

Madasha Samata-Bixinta Soomaali yeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah u shaacisay inaysan ka qeyb geli doonin shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iclaamiyay in la isugu yimaado 15-ka bishan Juun.

Bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay Madasha ayaa lagu caddeeyay in inka stoo ay 1-da Juun si niyadsami leh u soo dhoweeyeen gogosha Madaxwey naha, haddana uu fashilmay rajadii laga qabay qabsoomidda shir loo dhan yahay, maadaama aan si qeexan loo caddeyn ajandaha rasmiga ah, aan la cayimin cidda saxda ah ee ka qey bgelaysa, islamarkaana uusan jirin han naan wada-tashi qaran oo hufan.

"Gogosha uu Madaxweynaha soo jee diyay waxay abuurtay walaac, kalsooni darro iyo kala fogaansho siyaasadeed, taasoo dhaawacaysa dadaalladii lagu xoojinayay midnimada siyaasadeed iyo in xal waara laga gaaro khilaafaadka jira,”ayaa lagu yiri bayaanka.

Madasha Samata-Bixinta waxay hoo sta ka xariiqday in shir kasta oo qaran lagu magacaabo uu u baahan yahay hannaan loo dhan yahay oo ku saley san wada-tashi dhab ah, si loo helo natiijo lagu kalsoonaan karo, oo ay ka tarjumeyso danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Madasha wa xay mar kale muujisay diyaar garowg eeda ku aaddan ka qeyb qaadashada gogol siyaasadeed oo dhab ah, oo wax looga qabanayo kala aragti duwana anta taagan, isla markaana looga hort agayo khataraha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka horyaalla.

Ciidanka Kenya oo rasaas ku furay xerada Qaxootiga ee IFO oo ay ku jiraan Soomaalida.

Ugu yaraan afar qof oo qaxooti ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii cii damada booliska ee ilaalo ka hayay xa run lagu qaybinayay gargaar ay fureen rasaas, xilli rabshado ay ka dhasheen isbuurasho ka dhacday xerada qaxoot iga ee Ifo, hoos taga Dadaab, gobolka Garissa.

Falkan ayaa waxaa uu ka dhacday xarun loogu talagalay qaybin gargaar oo la xiriiray munaasabadda Ciidul Adx aa, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad lagu qiyaasay 700 oo qof. Sida ay sheegeen booliiska, dadkii goobta isugu yimid ayaa aad uga badnaa tiradii loogu talagalay.

Warbixin ay booliisku siiyeen warbaa hinta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dadkii isugu yimid goobta ay ku hanjabeen in ay weerarayaan ciidankii ilaalo ka hayay xarunta, taasoo keen tay in boolisku furaan rasaas si ay u ka la eryaan dadka, sida ay sheegeen sar aakiisha amniga.

Rsaasta ayay fureen ciidamada ayaa sababtay dhaawaca afar qof oo Soo maali ah, kuwaas oo loo qaaday Isbita alka Laanqeerta Cas ee Dadaab, ka hor inta aan loo wareejin Isbitaalka Garissa County Referral Hospital si loo sii daaweeyo.

Booliska ayaa sheegay in baaritaan dhameystiran lagu wado dhacdadaas, si loo ogaado sida saxda ah ee ay u dhacday, cidda kicisay rabshadda, iyo in askarta falka sameysay ay la kulmi doonaan tallaabo haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xeryaha qaxootiga ee Ifo oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla go bolka ayaa hoy u ah in ka badan 200,000 oo qaxooti Soomaali ah, taa soo mararka qaar keenta caqabado dhinaca maamulka iyo sugnaanta amni ga ah, gaar ahaan xilliyada loo qaybina yo gargaarka bani’aadamnimo.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u jawaabay madasha samatabixinta

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay war saxaafadeedkii saakay ay soo saa reen madasha samatabixinta Soomaa liyeed ee Mucaaradka ku ah Dowladda, waxaana wasiiradaan ay mucaaradka ku eedeeyen inay yihiin kuwa diidan ka qeyb galka Shirka.

Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumad da Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in Mucaaradka Mar wal iba ay sheegaan in madaxweynaha Soomaaliya uu albaabadu ka xirtay balse markii gogol wadahadal loo fidi yayna ay kala hor imaanayaan diidmo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay Dalka dibadiisa ay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka uu san ku ciidin halkaasna ay kasoo saa reen warsaxaafadeedkii shalay ay ku dhaliileen inuusan Madaxweynaha jiha sax ah kuwadin gogoshadii uu ku dha waaqay ee la doonayay in ay ka qeyb galaan dhammaan saamileeyda Siyaa sadda dalka.

"Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirina yaan, waana ku hor cabaadayaan mar ka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan, Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihi in!.! Waa niman ayaga in la samata bixiyo u baahan!" ayuu ku yiri Wasiir Fiqi.

Wasiiradii ka jawaabay hadalkii maan ta kasoo yeeray Mucaaradka waxaa kamid ah Wasiirka gaadiidka Soomaal iya Cabduqaadir Maxamed Nuur waxa ana uu sheegay in ajendaha ay mucaa radka wadaan uusan ahayn mid Soomaali ah.

"Horeyna aadi meyno, halkaana joogi meyno ahaa warka mucaaradka, horey waxaan u sheegey ajanduhu ajende Soomaali inuusan ahayn, Dalka horu markiisa Maxadweyne ayaa u dooran" ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxa med Nuur.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa shalay sheegay in Madaxwey naha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud uu wali ku taagan yahay jidkii sa babay khilaafka Siyaasadeed ee Soo maaliya, dhinaca kale waxa ay shee geen in ay weli Madaxweynaha ka dho wrayaan gogol wada-xaajood ah oo loo dhanyahay.

Qaramada Midoobey oo dunida ku boorrisey in la sii wado gargaarka Qasa

"Ayadoo la dalbanayo in doonta Madleen si degdeg ah loo sii daayo, haddana waxaa loo baahan yahay in la sii wado gurmadka lagu tiigsanayo dad ka tabaaleysan. Deked kasta oo ku taal badda Mediterranean-ku waa in ay dirtaa doomo la isku garab taagayo Qa sa, haddii ay garbo siman u shiraa cdaan lama joojin karo” ayey ku tiri Albanese hadal kooban oo ay ku qor tay barta X.

Wakiilka Wakiilka Gaarka ah ee QM waxay sidoo kale dowladda UK ugu baaqday in ay sharraxaad "degdeg ah ka dalbato Israa’iil islamarkaana ay xaqiijiso sii deynta doonnida iyo dadka saran”.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij tababar iyo booqasho waxbarasho ah oo ay ku tageen magaalooyin kala duwan oo dalka Shiinaha ah, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa kor u qaadidda fahamka ku aaddan istaraatiijiyadaha horumarineed ee Shiinaha iyo xoojinta xirfadooda diblumaasiyadeed.

Intii uu safarkoodu socday, waxay fursad u heleen in ay si toos ah u arkaan wax ka mid ah hal-abuurka horumarka Shiinaha: laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha ee casriga ah, illaa nidaamyada casriga ah ee adeegyada bulshada iyo siyaasadaha lagu horumariyay wax-soosaarka iyo maareynta kheyraadka. Waxay sidoo kale la kulmeen mas’uuliyiin, booq deen xarumo cilmi-baaris iyo teknoolo jiyadeed, iyaga oo helay faham qoto dheer oo ku saabsan sida qorshe iyo isku-duubni loo beddelo yool horumarineed oo dhab ah.

Intii ay joogeen magaalada Beijing, dib lumaasiyiintan ayaa kulan dhiirrigelin leh la yeeshay Danjiraha Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya ee Shi inaha, Dr. Hodan Osman. Kulankaas ayaa noqday fursad ay dhalinyaradu ku wadaagaan waayo-aragnimadooda, halka safiirkuna ay ku boorrisay in aqoonta iyo aragtiyaha ay kasbadeen ay dib ugu celiyaan dalkooda hooyo si ay door muuqda uga qaataan horum arka Soomaaliya.

Safiirku waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in jiilka cusub ee diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ay noqdaan codka isbeddelka, una adeeg aan dalkooda iyagoo ka duulaya aragti iyo waayo-aragnimo caalami ah. Wa xay sidoo kale bogaadisay doorka ay dowladda Shiinaha ka ciyaareyso dhi sidda is-dhaafsiga bulshada iyo xoojin ta awoodda dhallinyarada Soomaal iyeed.

Barnaamijkani waxa uu astaan u yah ay iskaashi miro-dhal ah oo u dhax eeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo adkaynaya xiriirka laba gees oodka ah iyo ka go’naanta labada dal ee ku wajahan horumarinta mustaqbalka ay wadaagaan.

Faahfaahino kasoo baxaya dil dalka Koonfur Afrika loogu geystay Muwaadin Soomaaliyeed

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay Muwaa din Soomaaliyeed lagu dilay Xaafadda Hillbrow ee magalada Johannesburg.

Muwaadinka la dilay muwaadin ayaa lagu magacaabi jiray Kamaal Xasan oo loo yaqiinay Cabdi Taajir, kaasoo ka mid dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas uga dhex shaqeysta gawaari da dadweynaha qaada ee Uber.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in bur cada hubeeysan ay ku dhax toogteen, isagoo ku jiray gaarigiisa xili uu ku guda jiray howlahiisa shaqo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday burcada dilka geysatay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas oo gaaray goobta ayaa sameeyay baari taano la xariira dilka, hayeshee wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ay samyeen.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan si joogta ah loogu dilay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dal kaas, mana jirto cid wax ka qabata dhi baatada lagu haayo ee ah dilka, dhaa waca, iyo boobka loo geysto hanti dooda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaa mka Xukuumada Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaa lada Makka kula kulmey Madaxa Arrim -aha Diinta (DIYANET) ee Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Prof. Dr. Ali Erbash.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaa mka Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyey mas’ uuliyiinta Turkiga taageerada shuruud la’aanta ee dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Milliteriga iyo Difaaca ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo ay Soomaaliya ka jirtey abaar ba’an oo saameysey dadka iyo duunyada.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Arrim aha Xajka Turkiga ee magaalada Mak ka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda DIYANET- ka ee Dalka Turkiga iyo sidii looga taageeri lahaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dhisid da Hay’adda Awqaafta, Sanduuqa Diiwaanka Zakada iyo tababarada khu barada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaaadanaya aasaaska iyo dhisidda hayadaha Awqaafta iyo san duuqa Zakada Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee Xukuu mada Federaraalka Soomaaliya ay hiig sanayso shanta sano ee soo socota.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudiga.

Faransiiska oo doonaya in la aqoonsado dowladda Falastiin

12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israa’iil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirta Rima Hassan oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub.

Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoo -bey ee New York.

Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israa’iil. Hindisahaas oo Israa’iil ay si adag u diiddan tahay.

"Waa in aan hadalka ficil ku darnaa. Waana in aan qaadnaa tillaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo daga alka Qasa iyo colaadda guud ee u dhe xeysa,” ayey tiri Anne-Claire Legendre oo ah la taliyaha Madaxweyne Emman -uel Macron ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in „daruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nool eeyo rajada dowlad Falastiin ay yee lato”.

 

Itoobiya oo ku dhow dhameystirka saldhig cusub oo ciidan badeed ah oo laga dhisayo Addis Ababa

Itoobiya ayaa dhameystir ku dhow sal dhig cusub oo ciidankeeda badda ah oo laga dhisayo xaafadda Janmeda ee magaalada Addis Ababa.

Inkastoo Ethiopia aysan lahayn marin badeed, haddana dhismaha saldhig gan, oo haatan maraya 95%, ayaa ka tarjumaya hiigsiga dheer ee dowladda Itoobiya ee ku aaddan dhisidda awood ciidan badeed iyo marin-u-helidda bad aha mustaqbalka.

Saldhiggan cusub, oo ku fadhiyo dhul cabbirkiisu yahay saddex hektar, waxa uu ka kooban yahay dhismayaal dhowr dabaq ah, xarun caafimaad, hoolal shi rar, iyo goob ciyaareed.

Mas’uuliyiinta difaaca Itoobiya ayaa ku tilmaamay saldhiggan inuu yahay talla abo istaraatiiji ah oo lagu aasaasayo ciidan badeed oo ka howl gala dekeda ha dalalka ay Itoobiya heshiisyo laba geesood ah la leedahay.

Bishii Maarso ee 2025, Itoobiya waxay heshiis iskaashi ciidan badeed ah la saxiixatay dowladda Ruushka, kaasoo ay ku jiraan tababaro iyo taageero fars amo. Wafdi sare oo ka socda ciida mada Itoobiya ayaa booqday magaa lada Moscow si loo dhameystiro qodo bada heshiiskaas.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoo biya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisu ay sii xoojinayso dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo marin badeed si sharci ah iyo wada-hadal ku saleysan.

Wareysi uu siiyay telefishinka EBC, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku muujiyay sida ay Itoobiya uga murugooto lumin ta dekeddeedii. Wuxuu sheegay in Itoo biya aysan lahayn deked muddo ku dhow 30 sano, taas oo keentay caqa bado badan oo dhanka horumarka iyo isku xirnaanta ganacsiga ah.

"Itoobiya muddo soddon sano ah deked ma lahayn, mana aha baahida aan u qabno marin badeed arrin cus ub,” ayuu yiri Abiy Axmed, isagoo cara bka ku adkeeyay muhiimadda ay leeda hay in Itoobiya hesho marin badeed si ay u xaqiijiso masiirka dhaqaale iyo difaac ee mustaqbalka dalkiisa.

Nin Pakistani ah oo lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay Xeebaha Soo -maaliya oo lasoo taagay maxkamad ku taala Mareykanka

Xeerbeegtida Gobolka Virginia ee da lka Mareykanka ayaa nin Pakistani ah ku kusoo oogtay Dacwad ah inuu hub uu kasoo raro Iraan uu u gudbin jiray Xuutiyiinta kadib markii lagu soo qab tay howlgal ay ciidamada badda Marey kanka ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

Mohammed Bahlawan ayaa ka mid ahaa afar qof oo ay ciidamada Mare ykanka ku qabteen howlgal ay bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii ku qaa deen markab marayay xeebaha Soo maaliya, kaasoo sababay dhimashada labo askari oo ka tirsan ciidamada bad da Mareykanka.

Waxaa la xukumi doonaa ninkaan 22-ka September wuxuuna wajihi doonaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah.

Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Bahlawan wuxuu la sha qeeyay laba nin oo Iranian ah oo wala alo ah oo lala xiriiriyay ciidanka Ilaal ada Kacaanka si ay hub uga soo tahrii biyaan Iran una gudbiyaan Xuutiyiinta, Waxa uuna ahaa kabtankii markabka oo ay u daateen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

Xeerbeegti heer federaal ah ayaa Bah lawan ku eedeeysay inuu maleegayay inuu taageero agab ah u fidiyo argagix isada, caawinta barnaamijka hubka wax gumaada ee Iran, iyo inuu diyaar iyay qorshaha qaadista walxaha qarxa, iyo eedo kale.

Gantaalada ballistic-ga ah ee Iran iyo gantaalada lidka maraakiibta ayaa laga helay markabkii uu saarnaa dushiisa, kuwaas oo la mid ah hubkii ay Xuutiyi intu ku weerareen maraakiibta ganacsi ga iyo kuwa Maraykanka.

Siyaasiyiin Puntland ah oo magaalada Garowe uga dhawaaqay Gole mucaarad ah

Siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxwey naha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garowe kaga dha waaqay Golaha Caddaaladda iyo Dimu qraadiyadda Puntland, iyagoo u door tay guddoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre.

Golahan ayaa la sheegay inay ujeedd adiisu tahay, wax ka qabashada xaala daha adag ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka taagan Puntland. Wa xay ku baaqeen in la bilaabo hannaan dimuqraadiyadeed oo dhab ah, si looga hortago jahawareer siyaasadeed oo hor leh.

Guddoomiyaha Golahan, Guuleed Saa lax Barre, ayaa sheegay in golahani uu diyaar u yahay inuu ka hadlo wax kas ta oo ka khaldan nidaamka dowladni mada Puntland, isla markaana u baa han in la saxo. Wuxuu xusay in nasiib darro ay tahay in maamulka Puntland uusan diyaar u ahayn isbeddel iyo si xid, isagoo eedeeyay in dadka aragti ka duwan maamulka lagu hayo cab burin, xarig iyo sumcad dil.

"Waa muhiim in la helo isla xisaabtan dhab ah. Waxaa laga maarmaan ah in la joojiyo caga juglaynta iyo cadaa diska lagu hayo shacabka,” ayuu yiri Guuleed Saalax Bare.

Goluhu wuxuu sidoo kale taageeray ilaalinta midnimada iyo wadajirka um madda Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in wax ka beddelka dastuurka lagu salleeyo wadatashi guud oo ay dhammaan dhinacyadu ku lug leeyihiin.

Ku dhawaaqidda Golahan ayaa kusoo aadaya, xilli ay Puntland ka jiraan xisb iyo siyaasadeed oo mucaarad ah, inka stoo lagu dhaliilo inay ku dhex milm een maamulka Puntland, iyagoo qaar kamid ah madaxda xisbiyada mucaa radku ay xilal ka hayaan Xukuumadda Puntland.

Xamaas oo falka Isra’iil ku qabsatay doonta Madleen ku tilshalayy xadgudub qaawan oo ka dhan ah xeerka caalamiga ah

Ururka Xamaas ayaa cambaareyn du sha uga tuuray falkii Israa’iil ku qoor ateysatay doon ay saarnaayeen koox miigganeyaal caalami ah oo doonayey in ay gargaar bini’aadamnimo gaarsii yaan dadka ku tabaaleysan marinka Qasa.

Kooxda hubeysan ee Xamaas ayaa war ay soo saartay ku dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo 12 qof oo isugu jira samefaleyaal, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad caan ah oo u ololeeya xaquuqda dadka reer Falastiin.

Warka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay mas’uuliyad buuxda ka saaran tahay ammanka iyo bedqabka dadkaas, islamarkaana lagula xisaabtami doono wixii soo gaa ra.

Xamaas waxay dhanka kale ugu baaq day Qaramada Midoobey iyo ururrada kale ee caalamiga ah in ay cambaa reeyaan "dambigan”, islamarkaana ay jabiyaan go’doominta lagu hayo dadka reer Falastiin ee Qasa ku caddiban..

Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis is dhaafsanaya, xilli weerarro culus ay dhexmarayaan

Is-weydaarsi dhanka maxaabiista ah ayaa haatan socda oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, sida ay xaqiiji yeen dowladaha Moscow iyo Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in is-weyda arsigu uu mari doono "marxalado dho wr ah" maalmaha soo socda, isagoo in taas ku daray in la soo celinayo kuwa dhaawacmay, ee si xun u dhaawacm ay iyo askarta da'doodu ka yar tahay 25 sano.

Zelensky ayaa ku qoray bartiisa Teleg ram: "Hannaanku waa mid aad u adag, faahfaahin xasaasi ah ayaa jirta, wad ahadalladuna waxay si joogto ah u soc daan maalin kasta."

Ruushkuna wuxuu sheegay in "tirro la mid ah tiradaas" oo ah maxaabiis da gaal loo celiyey Ukraine, inkasta oo ay san labada dhinac midna bixin tiro ras mi ah oo la is-weydaarsaday.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in "kooxdii ugu horreysay ee ciidamo Ruush ah oo da'doodu ka yar tahay 25 sano dib loogu soo celiyey dhulka uu xukumo maamulka Kyiv" ka ddib heshiis ay labada dal ee daga allamaya gaareen toddobaadkii hore intii lagu jiray wadahadallo ka dhacay Turkiga.

Sida ay horeyba u dhacday is-weyda arsiyo hore, Moscow waxay sheegtay in askarta Ruushka ee la sii daayay ay helayaan gargaar caafimaad iyo mid nafsiyeed oo lagu siinayo dalka Bela rus.

Dhinaca Ukraine, qoysaska maxaabii sta dagaalka iyo kuwa la la'yahay ayaa isugu yimid gobolka Chernihiv, oo ku dhow xuduudda Belarus, si ay u soo dhaweeyaan maxaabiista la sii daayey, waxayna sidoo kale raadinayeen warar ku saabsan dadkooda wali ku jira gacanta Ruushka.

Toddobaadkii hore, Moscow iyo Kyiv waxay isku jeediyeen eedeymo ah in midba midka kale uu carqaladeeyay qorshaha dib loogu soo celin lahaa meydadka askartii dhimatay.

Dhammaadkii bishii May, Ruushka iyo Ukraine waxay is-weydaarsadeen min 390 askari iyo dad rayid ah , taasoo ahayd is-weydaarsigii ugu ballaarnaa tan iyo markii Ruushku weerarka buuxa ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Dhinaca kale, dagaalku wuu socday, iyadoo Moscow ay hawada u dirtay 479 diyaaradood oo nooca drones-ka ah tiradii ugu badnayd abid kuwaas oo lagu weeraray meelo ay ka mid yahay gobolka Rivne ee galbeedka Ukraine, oo horey u ahaa mid aan lagu beegsan weerarro culus sida gobollada kale.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ay beegsadeen saldhigga Dubno ee Rivne, taasoo ay ku tilshalayy "mid ka mid ah weerarrada aargudashada ah" oo ay uga falcelinayaan weerarkii drones-ka ee Ukraine ku qaaday garoomada diyaaradaha militari ee Ruushka 1-dii bishaan Juun.

Weerarradaas aya asababay burbur magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Ukraine, hase yeeshee lama soo sheegin wax khasaare ah oo nafeed.

Ruushku wuxuu dhowaan sare u qaaday weerarradiisa Ukraine, iyadoo toddobaad kasta ay kordhayaan tirada weerarrada drones-ka.

Mas'uuliyiinta Kyiv ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig kale oo militarih oo ku yaalla gobolka Nizhny Novgorod ee Ruushka, kaasoo qiyaastii 650-km u jira xuduudda Ukraine.

Ukraine waxay sheegtay in saldhiggaas lagu kaydiyo diyaaradaha rida gantaallada xawaare sare leh (hypersonic missiles), islamarkaana ay waxyeello u geysatay "laba diyaaradood oo Ruushku leeyahay".

Waxay sidoo kale weerar ku qaadeen warshad walxaha elektaroonik ah soo saarta oo Kyiv ay sheegtay in lagu sameeyo qalabka hagaya drones-ka iyo bambooyinka cirka laga tuuro.

Muuqaal ayaa muujinaya qarax ka dhashay mid ka mid ah drones-ka weerarka geystay iyo dab weyn oo qabsaday warshadda. Wax-soo-saarkii warshaddaasi ayaa la joojiyay la joojiyey.

Aroosad la xiray ka dib markii lagu tuhmay geerida ninkeeda

Booliska Hindiya ayaa sheegay in haweeney dhuumatay ka dib markii ninkeedi six un loo diley hadda gacanta lagu hayo ka gadaal markii ay hay’adaha amniga isku soo dhiibtey.

Labada reerood ee lammaanaha ayaa maleeyey in aroosadda la diley ama la afduubtay, ka dibna waxay billaabeen in aad qaadaan olole ballaaran oo lagu baadi-goobayo.

Booliska ayaa hadda aaminsan in Sonam Raghuvanshi oo 25 sano jir ah iyadu ka dambeysey dilka saygeeda, ka dib markii ay rag u kireysatay oo lagu magacaabi jirey Raja oo 30 sano jir ahaa, intii ay ku jireen safar ay ugu ambabaxeen gobolka ku yaal waqooyiga galbeed ee Meghalaya. Afar nin ayaa loo xiray dilka Raja.

Devi Singh oo ah aabbaha Sonam difaacay gabadhiisa, wuxuuna sheegay "in gabadhiisu ay ceeb ka saliim tahay, dambiga wax laga saara yana uusan marna ka suurtoobin".

Lammaanaha cusub wuxuu arooskoo du ka dhacay Indore oo ka tirsan gobol ka bartamaha Hindiya ku yaal ee Ma dhya Pradesh 11-kii May, ka dibna wa xay doorteen in ay bisha malabka ku soo qaataan gobolka Meghalaya, maa daama loo sheegay in uu leyahay "doo xooyin qurxoon leeyahay oo dalxiiiska ku habboon”, sida uu BBC-da u she gay Sachin Raghuvanshi oo ah Raja walaalkis.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadaha Trump oo hareeyey magaalooyin ka tirsan Mareykanka

Mudahaarad rabshado wata oo looga soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ayaa maalintii 3-aadka socda magaalada Los Angels ee gobolka California.

Mudaharaadkan looga soo lagu diidan yahay amar ka soo fulay Madaxweyne Trump, kaas oo ciidamada laanta socdaalka iyo furdooyinka Mareykanka ee loo yaqaan ICE lagu faray in ay galaan magaalooyin u kal nugul dadka soogalootiga ah oo Los Angels ka mid tahay.

Rabshadaha ayaa la sheegaya in ay billowdeen markii ciidamada ICE ay ku qamaameen goobo shaqo iyo guryo lagu tuhmayey in ay ku dhuumanayeen dadka aan diiwaanka dowladda ku jirin.

Dadweyne ka careysan tillaabooyinka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah oo badankoodu ka soo jeeda Maxico, ayaa durba billaabay tuuryo iyo gacan ka hadal. Tillaabadan ayaa kallifyay in madaxweyne Trump uu u yeero labo kun oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka siu u ugu maquuniyo dadka isku gudbey raafka.

Laakiin waxaa tillaabada ka xanaaqay madaxda Dowlad-goboleedka California oo uu ugu horreeyo guddo omiyah gobolkaas, Gavin Newsom iyo Duqa Los Angels Karen Bass oo madxweynaha ku eedeeyey in xadduudkiisa ka soo tillaabay maadaama uu dalbaday ciidan aan loo baahneyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip