halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-06-25

0
Sunday June 08, 2025 - 09:40:04 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-06-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Dowladda Fedaraalka oo shaacisay inuu geeriyooday Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay inuu shalay geeriyooday Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Horjoogahaan oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Rooble Nuunuule ayaa u dhintay dhaawac culus oo la sheegay inuu Daraad kasoo gaaray howlgal ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada kala aha Ceel hareri io Garas magan ee gobolka Hiiraan.

"Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagaya dhimashada mid ka mid ah horjoogayaashii Al-shabaab ugu dhagarta badnaa Nuur Cabdi Rooble Nuunuule inuu u dhintay dhaawac daraad ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ugu geysteen howlgal lagu dilay horjoogayaal kale" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in ninkaan uu horay u fuliyay weeraro dhowr ahaa oo ka kala dhacay magaalooyinka kala ah Guriceel. Dhuusamareeb, Galcad, Coosweyne, Ceel lahele, Caad. Xarar dheere iyo Aadan yabaal oo u dambeysay.

"Dowladda Somalia waxay cadeyneysa in cawaaqibta Al-shabaab u dambeysa ay noqoneyso sidaan oo kale, waxaan sidoo kale bogaadinaya guulaha ciidanka xaq u dirirka reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira Al-shabaab" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo sadaxdii maalmood ee laso dhaafay dagaalo qaraar ku dhexmarayeen deegaanka Ceel hareeri iyo nawaaxigiisa ciidanka Macawiisleeyda iyo Al-shabaab, islamarkaana horjooge Nuunuule lagu dilay dagaal Daraad ku dhexmaray Al-shabaab iyo Macawiisleyda inta u dhaxeysa Ceel hareeri iyo Garas magan.

Booliska Gobolka Banaadir oo $30,000 u balan qaaday cidii soo sheegta Kooxaha Hoobiyeyaasha kusoo tuuro Degmooyinka G. Banaadir

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir Macalim Mahdi ayaa sheegay in uu ka doonayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa daafaha Degmooyinka ah inay xog buuxda ka keenaan kuwa hoobiyeyaasha kasoo tuuro Degmooyinkaasi.

Taliyaha ayaa u balan qaaday cidii soo sheegta maclumaadka horseedi kara in la ogaado ama gacanta lagu soo dhigo kooxaha ku howlan weerarada Hoobiyeyaasha lagu soo weeraro Caasimadda Muqdisho ay siin doonaan abaal marin lacageed uu ku farxo Qofka.

Macalim Mahdi ayaa carabka ku dhuftay in abaalmarintaasi lacageed ay bixin doonaan ay gaareyso Sodon kun oo Doolaar ($30,000), waxaana uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka.

Mar ay saxaafadda ay su'aal ka weydiisay hadii abaalmarintaasi ay ciidanku wax ka heli doonaan hadii ay keenaan xogta Kooxahaasi ama ay soo qabtaan ayaa waxa uu tilmaamay in Shacab ama Ciidan cidii macluumaad sugan ka keenta Kooxaha caadeeystay weerarada Hoobiyeyaasha ah ee mararka qaar lagu soo weeraro caasimadda ay abaalmarintaasi siin doonaan.

Ugu dambeyn, taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in shacabku aysan dhag jalaq usiinin shaqsiyaad uu sheegay inay sumcad xumeenayaan xasiloonida iyo nabad galyda ka jirta caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka, (Global Platform for Disaster Risk Reduction – GPDRR 2025) kaas oo afartii sanaba mar la qabto.

Shirka oo socday intii u dhaxaysay 2 June ilaa 6 June, 2025, waxaa kasoo qeyb-galay in ka badan 2,700 oo qof oo isugu jiray madax sare iyo wafuud matalayay 133 dal, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray ka mira-dhalinta doorka muhiimka ah ee yaraynta khataraha, ka hortagga saameynta musiibooyinka iyo in bulshada loo diyaariyo wacyi ahaan wax ka qabashada iyo yareynta waxyeellada khataraha.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa laga jeediyay khudbado taabanaya hoggaaminta, isku xirka iyo horumarinta dadaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka iyo sida uu dal kasta horumar la taaban karo uga sameeyay dhinacyada la xariira maareeynta khataraha iyo xoojinta u adkeysiga aafooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah, isaga oo ka warbixiyay dadaallada iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dhanka maareynta khataraha musiibooyinka, wuxuu si gaar ah u xusay kobaca iyo dhismaha nidaamyada lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka qeybtiisa muhiimka ah ayaa lagu gaaray go’aanno wax ku ool ah oo la doonayo in madaxda dalalka madasha ka soo qeeyb-galay ay ayidaan sidii lugu gaari lahaa yoolalka u asteeysan istaraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai Framework taas oo fareysa waddamada in marka la gaaro 2030-ka uu dal kasta si buuxda u dhiso awoodaha lugu yareeynayo khataraha musiibooyinka.

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay xayiraaadda uu Maraykanka kusoo rogay dalal Afrikaan ah

Midowga Afrika (AU) ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta taban ee ka dhalan karta xayiraadaha socdaal ee uu Mareykanku soo rogay, kuwaas oo saameynaya muwaadiniinta dalal badan oo ay Afrikaan ah ku jiraan.

Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa qiray in dal walba uu leeyahay xuquuq si uu u ilaaliyo xuduudihiisa uguna xaqiijiyo amniga muwaadiniintiisa. Si kastaba ha ahaatee, waxay ugu baaqeen Mareykanka inuu adeegsado xuquuqdiisa si dheellitiran, caddayn ku saleysan, isla markaana ka tarjumaysa iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.

"AUC waxay sii waddaysaa muujinta walaaceeda ku aaddan saameynta taban ee tallaabooyinkan ay ku yeelan karaan xiriirka dadka, isweydaarsiga waxbarasho, iskaashiga ganacsi, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee si taxadar leh loo dhisay muddo tobanaan sano ah," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Sidoo kale, AUC waxay ugu baaqday maamulka Mareykanka in uu qaato hannaan la-tashi badan, isla markaana uu la yeesho wadahadal wax dhisaya dalalka ay xayiraaddu saameysey.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii fiidkii saxiixay amar lagu mamnuucayo socdaalka muwaadiniinta qaar kamid ah dalalka, isaga oo ku sababeeyay arrimo la xiriira khataraha amniga qaranka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad, amarkani oo dhaqan geli doona 9-ka Juun, wuxuu gabi ahaanba joojin doonaa gelitaanka muwaadiniinta 12 dal: Afgaanistaan, Jabuuti, Jamhuuriyadda Koongo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Liibiya, Myanmar, Soomaaliya, Suudaan, iyo Yemen.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo niyad jab ka muujisay xayiraada socdaal ee Trump

Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa muujiyey walaac iyo caro ka dhan ah xayiraadda socdaalka ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, taasoo beegsanaysa muwadiniinta 12 dal oo ay ku jirto Somalia, islamarkaana xaddideysa gelitaanka Mareykanka laga bilaabo bisha soo socota.

Dalalka ay xayiraaddu si buuxda u saameyneyso waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen. Sidoo kale, dalalka Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, iyo Venezuela ayaa wajahaya xayiraado qeyb ahaan ah.

Minnesota, oo ay ku nool yihiin in ka badan 86,000 oo Soomaali ah, ayaa ah mid ka mid ah goobaha ugu weyn ee ay Soomaalidu ku xooggan yihiin gudaha Mareykanka, waxaana hoggaamiyeyaasha bulshada ay sheegeen inaanay la yaab ku noqon xayiraaddan cusub.

"Waxaa jira cabsi iyo niyad-jab, gaar ahaan dadka weli dibadda ku sugan ee sugaya in dib loo dejiyo,” ayuu yiri Hassanen Mohamed, Agaasimaha Xarunta Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.

"Dadkaasi horey ayaa loo baaray, faraha laga qaaday, diyaarna waa u yihiin in la dejiyo, balse tallaabooyinka degdegga ah ee noocan ah waxay keenayaan dib u dhac iyo hubanti la’aan dheeraad ah,”ayuu yiri Hassanen Mohamed.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in xayiraadda cusub aysan saameyn doonin dadka horey u haysta fiisayaal socdaal ama kuwo socdaalka u oggolaanaya.

Xukuumaddii hore ee Trump ayaa markii ugu horreysay xayiraad muran dhalisay ku soo rogtay dalal Muslimiinta u badan sanadkii 2017, taasoo ay ku jirtay Soomaaliya. Siyaasaddan ayaa wajahday maxkamado iyo wax-ka-beddel, ka hor intii aanay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ansixin sanadkii 2018.

Madaxweyne Joe Biden ayaa markii uu xafiiska la wareegay 2021, ka noqday xayiraaddaas, isaga oo ku tilmaamay mid ceeb ku ah damiirka qaran ee Maraykanka.

Wareegto uu Biden saxiixay ayaa meesha ka saartay xayiraadihii saarnaa muwaadiniinta dalalka Iran, Libya, Somalia, Syria, iyo Yemen.

Soo noqoshada xayiraaddan socdaalka ee ku jirta ballan-qaadyada ololaha cusub ee Trump ayaa dib u kicisay cabsi ku saabsan dib u midoobidda qoysaska qaxootiga iyo howsha dalbashada magangelyo.

Hay’adaha bulshada ee Minnesota ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii ay u taageeri lahaayeen qoysaska ay saameynta ku yeelatay tallaaabadan, waxayna ugu baaqayaan madaxda la doortay in ay ka horyimaadaan siyaasadaha ay u arkaan kuwa takoor ah.

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Al-shabaab waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey deegaanada ku hareeraysan Jannaale, iyagoo isku fidiyey deegaanno balaaran.

Guddoomiyaha deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kula hadlay shacabka deegaanka Mushaani ayaa yiri "Cadowga Al-shabaab waxa ay dhaheen Saalada Ciida waxaan ku tukanaynaa Janaale balse deegaanadii ay joogeen ayaa shalay Saalada Ciida ku oognay.”

Ciidanka xoogga iyo kuwa difaaca deegaanka ee Macawisleyda ayaa maalmihii u dambeeyey hawlgalo xooggan ka waday gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose halkaas oo al-shabaab loogu geystay jab xooggan.

Al-shabaab ayaa jabkii ugu cuslaa la gaarsiiyey daraad ka dib markii hawlgal si gaar ah loo qorsheeyey looga dilay in ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab howlgalkan ayaa waxa si gaar ah u qorsheeyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Koox dabley ah oo magaalada Gaalkacyo ku dilay labo qof oo shacab ah

Koox dabley ah ayaa lagusoo waramayaa inay magaalada Gaalkacyo ku dilaeen labo qof oo shacab ah oo kala ahaa rag iyo dumar ahaa, kuwaas oo xilliga falku dhacayay ka yimid goob dalxiis ah oo kutaala duleedka Gaalkacyo.

Dableyda ah ayaa weerar ku qaaday gaari uu watay marxuumka iyo qofka dumarka ah ee la socday, iyagoo rasaas oodda uga qaaday, halkaasna ku dilay labadooduba.

Lama oga sababta dilkooda ka dambeysay, hase ahaatee warar aanu ka helnay ilo madax bannaan ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa ninka, iyadoo dilkuna uu salka ku hayo Aargoosi qabiil. Gacan ku dhiiglayaasha falkaan ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday.

Maamulka Gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga ayaa ku guulaysan waayay inay xal u helaan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka, kuwaas oo Gobolka Mudug aad ugusoo badanayay, tan iyo intii laga raystay dilalkii iyo qaraxyadii Gaalkaco ay ka geysan jireen ururka Alshabaab.

Dhowr bilood ka hor degaanka Bursaalax ee isla gobolka Mudug ayaa sidaan oo kale aano qabiil loogu dilay labo nin oo ganacsato ahaa, kuwaas oo mid kamid ah uu ahaa maamulihii shirkadda Golis ee degaankaas.

Dadka arrimahan u dhuun daloola ayaa sheegaya in sababaha ay usoo laalaabanayaan dilalkan ay tahay, in aan caddaaladda la marsiinin dambiilayaasha geysta falalkan, kuwaas oo marka ay falka geystaan baxsada lana soo qaban waayo, taasoo keenta in dilalka soo kordhaan.

Sida aan xogta ku helayno, madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga.

Xaalad deganaaasho ah oo shalay laga soo sheegayo deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan

Waxaa shalay xaalad deganaasho ah laga soo sheegaya deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku dhadhaw oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo xoogan ku dhexmarayeen ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Deegaanka Ceel hareeri oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ah deegaan istaraatiiji oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dagaaladii ka dhacay sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in kooxda looga dilayku dhawaad 100 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Dowladda Fedaraalka ayaa Daraad shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-shabaab looga dilay deegaanka Ceel hareeri iney kala ahayeen Abuu Anas horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed Xerow oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga kooxda.

Waxaa sidoo kale howlgalada laga fuliyay Ceel hareeri dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjoogayaasha kala ah Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo ah horjoogaha maleeshiyaadka u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha kooxda.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Hiiraan ayaa ah gobolka kaliya ee haatan uu sida tooska ah uga socdo dagaalada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-shabaab.

Waa maxay sababta Gantaalada difaaca hawada sare loo geeyay magaalada Maka xilligan Xajka?

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa baraha bulshada soo dhigtay qaar ka mid ah muuqaallada muujinaya diyaarad helikobter ah oo milateri iyo gantaalada nidaamka difaaca hawada kuwaasi oo la dhigay aag u dhaw Masjid Xaramka ee magaalada Maka oo ah magaalo barakeysan.

Sawiradan la baahiyay, ayaa wasaarada Difaaca Sacudiga waxay qortay, "Ciidanka Difaaca Cirka...ayaa isha si aan libiqsi lahayn uga haya, hawshooduna waa inay ilaaliyaan martida Ilaah."

Mid ka mid ah labada goobood oo lagu baahiyay sawirada gaar ahaan 'X' ee Wasaaradda Difaaca Sucuudigu waxay muujinaysaa nidaamyada gantaallada ka hortaga hubka la soo rido oo la dhigay hareeraha magaalada Maka , halka Sacudiga Clock Tower, oo ah dhismaha caanka ah ee ku yaalla afaafka hore ee Masjidka Xaramka, uu sidoo kale ka muuqdo gadaal.

Sawir kale ayaa muujinaya, iyada oo Diyaarad Helicopter ah ay ku wareegeyso Masjidka barakeysan ee Xaramka iyo agagaarkiisa.

Sanadkan waxaa xajka gudanaya dad gaaraya hal milyan iyo bar oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Sawirradan ay faafisay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay is weydiinayaan su'aal ah sababta ay dowladda Sacuudiga ugu baahan tahay in nidaamkan difaaca hawada lagu rakibo halkaasi xilliga xajka?

Waxaa jira dood ka socota baraha bulshada oo qaarkood ay ku andacoonayeen in Sacuudi Carabiya ay nidaamkan difaaca ugu rakibtay Maka munaasabadda Xajka si la isaga ilaaliyo weerarrada suurtagalka ah ee dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen.

Tan iyo markii uu billowday howlgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta ee uu hoggaaminayo Sacuudiga, dagaalyahannada Xuuthiyiinta ayaa marar badan sheegtay inay gantaallo la beegsadeen magaalooyinka Sacuudiga.

Geesta kale, Sacuudiga ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay horey u soo weerareen magaalada Makkah. Si kastaba ha ahaatee, Xuuthiyiinta ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in ay weerareen magaalada barakeysan ee Muslimiinta.

Maxay ka tiri dowladda Sacuudiga ?

Sacuudi Carabiya ayaa gaysay nidaamka gantaalaha ka hortaga gantaalada akle ee al soo tuuro ee loo yaqaano American Patriot agagaarka Makka si ay u ilaaliyaan xujeyda, sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Sucuudiga ee Saudi Press, Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay todobaadkan qabatay shir jaraa'id oo ay kaga warbixisay amniga iyo qabanqaabada wanaagsan ee xujeyda ee xajka. Arintaan ayaa saraakiisha sar sare ee amaanka waxa ay uga warameen talaabooyinka lagu xaqiijinayo amaanka xiliga xajka.

Shirkan jaraa'id oo uu qabtay Agaasimaha Amniga guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sarreeye Guud Maxamed Al-Bassami oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka go'an tahay in xujeyda ay helaan deegaan ammaan ah oo habeysan, si taas loo gaarona la diyaariyay nidaam amni oo wadajir ah.

Tan waxaa ku jira qabanqaabada amniga, nabadda iyo kala dambeynta, maareynta dadka, taraafikada iyo maareynta xaaladaha degdegga ah. Ujeedadoodu waa in ay helaan tas-hiilaadka ugu wanaagsan xujeyda inta lagu guda jiro xajka Maka iyo Madiina.

Habkan gantaallada ah waxa amaantiisa ay soo baxdayhorraantii 1990-meeyadii

Muxuu yahay Nidaamka Gantaalaha Patriot?

Nidaamka gantaalaha difaaca ee lagu arkay sawirada ay baahisay Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya waa nooca Patriot MIM 104. Kani waa gantaal iyo hab difaaca oo hawada ah. Waxaa soo saaray shirkadaha Maraykanka ee Raytheon iyo Lockheed Martin.

MIM Patriot 104 waa habka gantaalada riddada dheer ee loogu talagalay in uu ka hortago khataraha hawada ee kala duwan oo ay ku jiraan maraakiibta, gantaalada cruise-ka iyo gantaalada ballistic-ga.

Waxaa lagu yaqaanaa raadaarkiisa casriga ah kaas oo ay ku jiraan awoodda lagu raadinayo laguna burburiyo bartilmaameedyo badan isku mar. Nidaamkan gantaallada ah waxa uu ku shaqeeyaa muddo aad u yar, waxa kale oo uu awood u leeyahay in uu ka hortago oo khadka ka dhumiyo nidaamka elektaroonikada ah.

Nidaamkan gantaalaha ah ayaa soo jiitay indhaha khubarada milatariga isagoo si fiican uga soo muuqday dagaalkii Ciraaq iyo Kuwait horaantii sagaashamaadkii.

Wargeysyo badan oo arrimaha difaaca caalamka wax ka qora ayaa gantaalladan ku daray tobanka nidaam difaac ee ugu sarreeya difaaca casriga ah ee xilligan jira.

Xigasho BBC

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Al-shabaab Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xooga Dalka Somaliyed, iyo saaxiibada caalamiga ah. Howlgalkaasi oo Lixdii bishan Juun 2025, ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa saddex horjooge oo kale lagu dilay howlgalkaas, kuwaas oo kala ah:

1. Nuur Cabdi Rooble (Nuunle) oo ahaa horjoogaha Al-shabaab u qaabilsanaa gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Galgaduud. Dhiigya-cabkan ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarka bartilmaameedka ahaa.

2. Horjooge Caddaw oo masuul ka ahaa waxa ay Al-shabaab ugu yeeraan "dabagalka” Jabhaddooda ee Galgaduud.

3. Macallin Cumar oo ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda Al-shabaab marin-habaabinta iyo tababarka maleeshiyaadka.

Tirada guud ee horjoogayaasha Al-shabaab ee lagu dilay howlgalkaas ayaa hadda gaartay shan, kuwaas oo dhammaantood si toos ah ugu lug lahaa abaabuladii Al-shabaab ka wadeen muddooyinkii dambe gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladda horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka dhaawacmay, kuwaas oo kooxda Al-shabaab isku dayeyso in ay kala baxsadaan goobaha dagaalka.

Ma jirto meel ay uga baxsan karaan cadaaladda iyo geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, horjoogayaasha dhiig-miiratada ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.


Trump oo u digey Musk in uu dhaqaale siiyo Xisbiga Dimuqraadiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay bilyaneerkii ay hore saaxiibada ahaayeen Elon Musk inuu maalgeliyo musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga doorashada xilliga dhexe ee 2026-ka, iyadoo khilaafkoodu uu si xoogeysanayo.

Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Maraykanka ee NBC News waxa uu ku sheegay in cawaaqib xun uu la kulmi doono Musk haddii uu isku dayo inuu dhaqaale siiyo xisbiga Dimuqraadiga doorashada xilliga dhexe ee 2026ka.

"Waxa uu la kulmi doono cawaab xun haddii uu taageero xisbiga Dimuqraadiga,” ayuu yiri Trump oo aan cadeyn tallaabada uu ka qaadi doono Elon Musk iyo saameynta ay ku yeelan karto maalqabeenka ganacsigiisu ay ka faa’iideystaan ​​qandaraasyada federaalka ee Maraykanka.

Warkan ka soo yeeray Trump ayaa jawaab u ahaa hadal uu sheegay dhawaan Elon Musk taasoo uu ugu hanjabay mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga inuu talaabo ka qaadi doono oo aysan soo laaban doonin doorashada dhexe ee 2026.

Donald Tump ayaa wareysiga uu siiyay shabakada CBS News waxa uu ku sheegay in uu filayo in xiriirkii kala dhexeeyay Musk uu soo idlaaday.

Hase yeeshee, Maalqabeenka Musk ayaa tirtiray dhowr qoraallo oo uu ku qoray bartiisa X taasoo la xiriiray khilaafka kala dhexeeyay Trump.

Ruushka oo markii labaad duqeyn ka fuliyay dalka Ukraine

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Ruushka uu duqeymo ka fuliyay dalka Ukraine, kuwaasoo isugu jira gantaallo, iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu ku garaacay 215 gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxaana difaaca cirka ee Ukraine ay soo rideen oo ay baabi’iyeen 87 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo 7 gantaal.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay 17 kalena, oo ay ku jiraan laba carruur ah, waa lagu dhaawacay magaalada waqooyi-bari ee Kharkiv, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay duqa magaalada Ihor Terekhov.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee magaalada tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee uu ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Duqa magaalada Kharkiv ayaa intaa ku daray in 48 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay Iran samaysay, laba gantaal iyo afar bambaanooyin la hagayey lagu garaacay ka hor waaberiga magaalada oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, oo ku taalla meel 50km (30 mayl) u jirta xudduudda Ruushka.

Kor u kaca weerarada Ruushka ayaa daba socda howlgal ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine dhamaadkii todobaadkii hore kaas oo waxyeelo u geystay diyaarado military oo ku sugnaa saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka ee ka dambeeya jiidda hore, oo ay ku jirto Siberiya.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballan qaaday in uu ka aargoosan doono weerarkaas oo la sheegay in Kyiv uu qorsheeyey muddo 18 bilood ah iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si qarsoodi ah lagu geliyay dalka Ruushka.

Saameynta dhaqaale iyo midda shakhsiyadeed ee Musk ay ku yeelanayso Khilaafka kala dhaxeeya Trump

Markii uu Elon Musk dhowaan ku dhawaaqay inuu ka baxayo siyaasadda, maalgashatada ayaa rajeynayay in taasi ay la micno tahay inuu kor u qaadi doono ku lug lahaanshihiisa shirkado badan oo teknoloji ah oo uu maamulo.

Khilaafkii ka dhex qarxay isaga iyo Donald Trump iyo baahintiisii ereyada adag ayaa soo jeedinaya isbeddelada mudnaanta u leh Musk, inaysan noqon karin badbaadada ay rajaynayeen.

Baddelkii uu Musk ka yara jeesan lahaa indhaha dadweynaha oo uu diiradda saari lahaa kor u qaadida hantida Tesla iyo ganacsigiisa kale, wuxuu hadda arkay in uu hanjabaad qaadicitaanka ah uu kala kulmay mid ka mid ah macaamiishiisa ugu waaweyn oo ah dawladda federaalka ee Trump hogaamiyo.

Saamiyada Tesla ayaa khamiistii loo diray hoos u dhaca xorta ah ee 14%, sida uu baraha bulshada ka sheegay madaxweyne Donald Trump.

Wax yar ayay dib u soo kabteen jimcihii ka dib markii calaamadaha qaar ay soo yara dageen.

Si kastaba ha ahaatee, maalgashatada iyo falanqeeyayaasha ayaa muddo bilo ah caddeynayay inay rabaan Musk uu telefoonkiisa damiyo oo uu ku soo laabto shaqada, hase ahaatee xaalku aad ayuu uga fogyahay.

Hoos u dhaca Tesla

Qaar ayaa ku doodaya dhibaatooyinka ganacsi ee Musk ay aad uga qoto dheer yihiin dood iyo doorka muranka dhaliyay ee maamulka Trump oo u keentay dhamaad cajiib ah.

Saxafiga ruug-caddaaga ah ee teknoolajiyada Kara Swisher ayaa u sheegtay BBC "Tesla waa u dhammaatay. Waxa ay ahayd shirkad baabuur oo aad u wanaagsan. Waxay ku tartami karaan tagaasida iskood isku wada , laakiin waa ay dambeeyaan."

Tesla ayaa muddo dheer isku dayaysay la tartamida shirkadda xifaaltanku ka dhaxeeyo ee Waymo oo ay leedahay Google-parent Alphabet, taas oo tagaasideeda darawal la'aanta sanado badan ay dhex marayeen waddooyinka San Francisco, oo haddana ka shaqeeya dhowr magaalo oo kale.

Waxa uu bulshada bartiisa X kula wadaagay asbuucii hore in samaynta baabuurta korontada ay tijaabisay shirkada ee Model Y iyada oo aan wax darawal ah la socon.

Ross Gerber oo ah madaxweynaha iyo maamulaha shirkada maalgelinta ee Gerber Kawasaki ayaa sheegay Musk uu yahay "Qof awood leh marka uu sheey diiradda saaro,"

Gerber oo ka mid ah maalgashatada Tesla ayaa dib u soo ceshtay hantidiisa tan iyo markii uu Musk u galay siyaasadda garabka midig. Wuxa uu ugu yeeray Khamiista "maalin aad u xanuun badan."

"Waa waxa ugu doqonimisan ee aad samayn karto inaad ku fikirto inaad leedahay awood ka badan tan madaxweynaha Maraykanka," Gerber ayaa yiri, isaga oo ka hadlayay khudbadaha baraha bulshada Musk ee ka dhanka ah Trump.

BBC-du waxa ay la xiriirtay X, Tesla, iyo SpaceX iyada oo raadinaysa falcelinta Musk laakiin ma aysan helin jawaab.

Dhibaatada gaarka ah ee Musk ayaa ah kahor inta uusan caddow ka dhex abuuran Trump inuu horay u lahaa mid kale oo ah olole ka dhan ah shirkadiisa gawaarida oo ka socday baraha bulshada oo loogu magac daray #TeslaTakedown, taasi oo socotay asbuuc kasta tan iyo markii Trump xilka uu la wareegay.

Bishii Abriil, Tesla ayaa sheegtay in 20% hoos u dhac ku yimid iibka baabuurteeda gaar ahaan saddexda bilood ee ugu horreeya sanadka. Faa'iidada ayaa hoos u dhacday in ka badan 70%, qiimaha saamiguna waxa uu wajahay hoos u dhac.

Arrin kale oo ka mid ah boqortooyadii Musk ee kicisay carada dadkiisa waa X oo ka mid ah baraha bulshada oo mar loo yiqiin Twitter.

"Waxa uu iibsaday Twitter-ka si uu saameyn u yeesho oo uu awoodo inuu gaaro boqolaal milyan oo qof," ayuu yiri Donovan.

Heerka sare ee uu joogo Musk ee ka soo horjeeda Trump ma laga yaabaa inay ka caawiso inuu dib u hanto indhaha dadka ka soo horjeeda isaga, ee sababta ay u ahayd xiriirkii hore ee madaxweynaha?

Patrick Moorhead oo ah falanqeeye ayaa qaba inay taasi dhici karto. "Waxaan nahay waddan cafis badan," Moorhead ayaa ku yiri wareysi telefoonka ah.

"Waxyaabahani waxa ay qaataan wakhti," ayuu ku jawaabay, laakiin "ma ahan wax aan horay loo arag".

Swisher ayaa la mid dhigtay astaanta gaarka ah ee Musk middii aasaasihii Microsoft Bill Gates in ka badan labaatan sano ka hor.

Waxa ay sheegtay in Gates uu hagaajiyay sawirkiisa, iyada oo mar loo arki jiray qof kibir badan oo isla weyn.

"Wax buu bartay. wuu koray. Dadku way isbedeli karaan," ayay tiri Swisher oo intaa ku sii dartay, in Musk uu "si cad u dhibtoonayo."

Shirkada Space oo meesha ka baxda

Dhibaatada Musk ee mustaqbalka isaga iyo shirkaddiisu ma aha oo kaliya waxa uu sameeyo, laakiin waa mid uu sidoo kale uu go'aan ka gaari karo Trump.

In kasta oo Trump uu wakhtigii la soo dhaafay u baahnaa Musk si uu ugu yaraan uga caawiyo maalgelinta tartankiisa madaxtinimo, ma cadda inuu hadda sameeyo.

Noah Smith, oo ah qoraaga Noahpinion Substack, ayaa sheegay in faa'iidada aadka u badan ee Trump ee lacagaha loo yaqaan 'cryptocurrencies' - sidii aan fiicneyn iyo sidii ay ahaydba - laga yaabo in ay xoreeyso, isaga oo ku xiranaa Musk si uu u fuliyo rabitaankiisa.

"Malahaygu waa in tani ay ahayd si uu uga baxo Elon hoostiisa," ayuu yiri Smith.

Hadalkii ugu halista badnaa ee Trump ee uu soo jeediyay ayaa ahaa in la dhimo qandaraasyada dawladda ee Musk, kuwaas oo lagu qiyaasay 38 bilyan oo doolar.

Qayb weyn oo lacagtaasi ka mid ah ayaa aada shirkadda gantaalaha Musk ee SpaceX - oo u muuqata inay khatar gelayso mustaqbalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo ay jirto digniinta Trump waxa laga yaabaa in ay ka yara qoto dheer tahay sida ay u muuqato.

Taasi waa sababta oo ah dayax gacmeedka SpaceX ee Dragon ayaa dadka iyo xamuulka geynaya Saldhigga Hawada Caalamiga ah halkaas oo saddex cirbixiyeennada NASA hadda lagu dhejiyay. Waxay muujineysaa in SpaceX ay si aad ah ugu milantay hawada Mareykanka iyo qalabka amniga qaranka, taasi oo ah in hanjabaadda Trump ay adkaan karto in la fuliyo.

Way caddahay saaxiibtinimadii Musk iyo Trump inay dhamaatay. Waa hubaal in ay isku tiirsan yihiin. Wax kasta oo mustaqbalka ganacsiyada Musk uu yahay waxa ay u muuqataa in Trump - iyo talaabooyinka maamulkiisa uu qaado ay tahay mid ay ku sii wadi doonaan inay wax weyn ku yeeshaan waxa laga yeelayo.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip