
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-06-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wada tashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.
Dhankooda, hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.
Guddoomiyaha aqalka sare oo ka qaybgalay fadhiga aqalka sare ee Ruushka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo wali ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka ayaa shalay ka qayb galay kulanka guud 591aad ee golaha Federaalka (Aqalka Sare) ee dowladda Ruushka.
Guddoomiyaha oo shalay khudbad ka jeediyey kulanka ayuu kaga hadlay adkaynta labada Baarlamaan iyo kan labada dal ay leeyihiin, isagoo si kooban u sheegay taariikhda xidhiidhkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Midowga Sofiyeet. Sidoo kalena Guddoomiyuhu wuxuu xusay sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka wanaagsan oo ay wada lahaayeen labada dowladood isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada shaqaynta kor u qaadida xidhiidh wax ku ool ah oo ay la yeelato Dowladda Ruushka iyo in labada Baarlamaan isdhaafsadaan guddi saaxiibtinimo si looga wada faa’iidaysto khibradaha, shaqooyinka iyo dajinta-sharci ay wadaagaan.
Dhanka kale Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Ruushka in ay ka cafisay lacag boqolaal milyan oo ay ku lahayd Soomaaliya ayna muujinayso mowqif saaxiibtinimo iyo sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Marwo Valentino Metvienko casuumadda qiimaha badan leh isla markaana ay sharaf u tahay in shalay uu hor taaganyahay golaha Federaalka (Aqalka Sare) ayna tahay talaabo wanaagsan oo u horseedi karta in labada Baarlamaan xidhiidh toos ah oo wada shaqayneed yeesheen.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday masajidka cathedralka ee Moscow
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Cabdi Xaashi Abdullaahi iyo wafdigiisa ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa booqday shalay masajidka cathedralka ee Moscow, waxaana ku soo dhaweeyay imaamka iyo khadiibka masajidka Mudane Ildar Galeev.
Guddoomiyaha iyo xubnaha safarkiisa shaqo ku wahelinaayey waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masjidka isla markaana uga mahadceliyay imaanka sida wanagsan ee milgalaha leh ee ay u soo dhaweyeen maamulka masjidka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kula dardaarmay maamulka masjidka sidii dadka loo soo bandhigi lahaa wanaagga ay leedahay diinta islaamka isla markaana loo bari lahaa bulsho weynta Ruushka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad oo Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada ee XFS ay soo qaban qaabisay.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirweynaha qaran ee isbedalka cimillada ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in xal waara loo helo saameynta togan ee isbedalka cimilladu ku yeelatay dalkeena.
Shirkaan oo Muqdisho ka socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha isbedalka cimillada, waxaana ka qeyb gelaya wasiirro ka tirsan XFS, masuuliyiin ka socota wasaaradaha deegaanka ee dowlad goboleedyada, xubno ka socda beesha caalamka, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada XFS Bashiir Maxamed Jaamac "Waa shirweynihii ugu horeeyey ee noociisa Soomaaliya lagu qabto, waxaana isugu keenay hay’adaha beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha deegaanka, qorshe qaran ayaan ka dhiganay isbedalka cimillada.”
James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda, isagoo xusay taageerada QM ee dadaallada Soomaaliya ee la xiriira cimilada, deegaanka, iyo horumar waara. Wuxuu si gaar ah u xoojiyay doorka dhalinyarada iyo muhiimadda iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro yoolalka SDGs iyo NDCs.
Arrimaha la xiriira isbedalka cimillada ayaa adduunka oo dhan laga dareemayaa waxa uuna saameyn dhan kasta ah ku yeeshay bulshooyinka aduunka haba ugu darnaadeene dowladaha u nugul isbaddalka cimilada oo ay Soomaaliya ku jiro, waxaana socda dadaalo lagula falgalayo isbeddalladan.
Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya oo sheegay in Ruushka uu cafiyay Malaayiin deyn oo lagu lahaa Soomaaliya
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in Ruushka uu cafiyay Malaayiin deyn oo lagu lahaa Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey madaxda Ruushka sida ay dalkiisa uga cafiyeen 700 oo milyan oo dollar oo deyn dibadeed ah, isagoo ku tilmaamay inay tahay deeqsinimo taariikhi ah.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan si qoto dheer uga mahadceliyo, go'aanka muhiimka ah ee uu Ruushku ku cafiyay qayb muhiim ah oo ka mid ah deymaha dibadda ee Soomaaliya looga leeyahay, deeqsinimadan taariikhiga ah, oo ay u taagan tahay cafinta 700 oo milyan oo dollar oo deyn ah, kaliya ma ahan mid culeyska dhaqaale naga yareynaya, laakiin sidoo kale waa muujin awood leh oo muujinaysa wadajir iyo saaxiibtinimo." ayuu yiri Cabdi Xaashi oo ka hor hadlaayay Golaha Sharci dejinta Ruushka
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in tallaabadan ay qaaday Moscow ay xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay mabaadi’da iskaashiga iyo horumarka loo siman yahay, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay daneyneyso khibradda hay’adaha sharci-dejinta Ruushka ee ku aaddan dhismaha haykalka dowladnimo ee federaalka ee dalka.
Waxa uu yiri, "Waxaa jirta karti weyn oo lagu dhisi karo iskaashi ka shaqeeya danaha labadeena dal."
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Ruushka, guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay Vyacheslav Volodin, guddoomiyaha golaha wakiilada ee dowladda Ruushka.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta baarlamaannada Soomaaliya iyo Ruushka iyo is dhaafsiga khibradaha la xiriira horumarinta sharci dejinta iyo matalaadda shacabka.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in la sameeyo guddi saaxiibtinimo oo dhexmara dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka si kor loogu qaado xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho rasmi ay ku jooga Boqortoyada Sacuudiga, ayaa magaalada Makkah wadahadal kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Salman bin Yousef Al-Dosari.
Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo dhiggiisa Mudane Salman bin Yousef Al-Dosari ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dad ee dhanka Warbaahinta iyo isdhaafsiga khibradaha.
Wasiirka Shaqada XFS oo Geneva kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Switzerland ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.
Kulankan oo Wasiirka ay ku wehlisay Safiirka Soomaaliya u fadhisa Geneva Amb Khadra Ducaale ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo la dhaqan gelinayo heshiiskii ay horey labada wasaaradood u kala saxiixdeen sanadkii 2016 kaasi oo aanan weli dhaqan gelin.
Wasiirka Shaqada Dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii labada wasaaradood ay kala saxiixdeen 2016 kaasi oo wax badan ka tari doona horumarinta shaqooyinka iyo kor u qaadista tayada iyo qibradda shaqaallaha Soomaaliyeed, ayadoo dhankooda ay soo magacaabayaan guddi farsamo oo shaqooyinka loo baahan yahay dardar geliya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo kulanka ka hadlay dhankiisa ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyey taageerrada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin waxaana uu Wasiirku ka sheekeeyey xaaladda shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo taasi oo ah baahi deg deg ah, waxaana uu ballan qaaday in dhanka Soomaaliya ay diyaar la yihiin tallaabooyinka looga baahan yahay.
Kulankan ayaa qeyb ka ah shirar gaar gaar ah oo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula qaadanayo madaxda dalalka iyo hay’adaha kala duwan ee Geneva u jooga ka qeybgalka shirka 113aad ee Ururka Shaqaallaha Aduunka ayadoo Wasiirka uu berrito khudbad ka jeedin doono shirkan.
SoDMA oo muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saarayay ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo iyo sidii looga shaqeyn lahaa xaqiijinta in gargaarku si hufan, caddaalad ah, loona siman yahay uu ku gaaro dadka ay dhibaatadu saameysay.
Kulankan oo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen maamulka gobolka Banaadir, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha ka jira habsami u socodka gargaarka, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo nidaamka bixinta gargaarka.
Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta howlaha gargaarka, iyagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola dagaallamo musuqmaasuqa iyo ku takrifalka ku xeeran hawlaha gargaarka bini’aadannimo. Waxaa sidoo kale lagu booriyay bulshada in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta iyo kormeerka hannaanka gargaarka.
SoDMA waxay markale caddeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo dadaal xooggan ku bixinaysa in gargaar kasta lagu bixiyo si waafaqsan mabaadi’da bini’aadannimo, xeerarka caalamiga ah, iyo sharciyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu heshiiyay in la dhiso gudi farsamo oo ka shaqeeya ka hortagga ku tagrifalka gargaarka bini’aadannimo, lana xoojiyo wada shaqeynta dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.
Fasaxa maalmaha ciidda Carafo
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay dhammaan shaqaalaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ku wargelinaysaa inay yihiin fasax rasmi ah oo saddex maalmood ah munaasabadda Ciidda Carafo (Ciiddul Adxaa, 2025). Fasaxa wuxuu bilaabanayaa Sabtida, 07 Juun, wuxuuna ku eg yahay Isniinta, 09 Juun 2025.
Sida uu qabo xeerka shaqada, haddii Fasaxa maalinta ciidda ay ku aadan tahay maalin Jimco ah, waxuu fasaxa ciidu ka bilaabmayaa maalinta xigta ee Sabtiga ah. Sida ku cad Sharciga Shaqaalaha Soomaaliyeed LR.36. Qodobka 65aad Fasaxyada Qaranka. Faqradiisa (4.KH) in ay fasax yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan u rajeynaynaa dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed in ay kula ciidaan Xaasaskooda iyo Caruurtooda Farxad iyo Nabad.
Taliyaha Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil baaarayaal ah
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Abdullaahi ayaa Saraakiil Baarayaal ah oo ka kala socdo Maamul Goboleedyada Dalka u soo xiray Tababar lagu hormarinayo Xirfadooda.
Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in Baarayaashan lagu Tababaray Cilmiga Fooraansi sayniska, maareynta goobta Dambiyadu ka dhacaan, habka Waraysiyada looga qaado dhibanaha iyo Markhaantiga iyo sida loo adeegsado dhijitaalka marka cadeymaha la soo bandhigayo.
Taliyaha ayaa Baarayaasha kula dardaarmay in wada shaqeynta dhexdooda xoojiyaan cilmiga la barayna ku howlgalan, saaxiibada shaqo wadaaga ay yihiina la wadaagaan aqoonta ay soo faa’iideen.
Turkiga oo diyaarado nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak ku taageeray Soomaaliya
Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca ee ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab todobaadkan, kadib markii uu Sabtidii khadka telefoonka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya.
Ilo-wareedyo arrintan la socda ayaa Middle East Eye u sheegay in Ankara ay toddobaadkan dawladda Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee T129 Atak si ay u dardargeliso dagaalkeedi ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.
Ankara ayaa sidoo kale isku mar ku wareejisay ciidamada badda Soomaaliya labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, taasoo qeyb ka ah heshiis dhanka difaaca ah oo ay kala saxiixdeen labada dowladood bishii February 2024-kii, kaas oo dhigaayay in xukuumadda Ankara ay Soomaaliya ka taageereyso tababarka iyo soo saarida ciidamo awood badan oo kuwa badda Soomaaliya.
Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu tababarayay dhowr duuliye oo Soomaali ah si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha helicopter-ka ee Atak, Diyaaradahan Helicopters-ka ah ee la keenay Muqdisho ayaa ka dambeeysay ka dib markii Duuliyayaashu ay dhameysteen heerkii ugu dambeeyay ee tababarka.
Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto, lana sii ballaarin doono, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.
Dagaal culus oo goordhaw ka qarxay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo deegaanka Ceel hareeri oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidanka Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku biloowday ku qaadeen fariisin ciidamada Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Ceel hareeri, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaraya dagaal aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleeyda Xawaadle ay iska caabin xoogan kala hortageen weerarka kooxdu ku qaaday fariisinkooda deegaanka Ceel hareeri.
Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Ceel hareeri, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo duuleedka deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan.
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii deegaanka Ceel hareeri sidaan oo kale dagaalo qaraar ugu dhexmareen Al-shabaab iyo ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle, waxaana dagaaladaasi lagu jebiyay Al-shabaab oo looga dilay in ka badan 70 xubnood oo ka mid ahaa dagaalanayaashooda.
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo qaraar oo shalay ka dhacay gobolka Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo shalay ku dhexmaray deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid markii hore ku bilawday weerar qaraxyo ah oo ay kooxdu ku qaaday fariisin ciidanka Macawiisleeyda ku leeyihiin deegaanka Ceel hareeri ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo mudo laba jeer ah la isku noqday.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka shalay jab xoogan ku gaarsiiyeen xubnaha Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Ceel hareeri.
"Al-shabaab shalay waxay nagu soo weerareen laba baabuur oo qaraxyo ah midka koowaad waxay la rabeen Ceel biyoodka deegaanka iney ku qarxiyaan waase laga hortagay midka labaadna wali deegaanka ayuu dhinac uga jiraa" ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle.
Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalkaan in dagaalka shalay ay Al-shabaab uga dileen 21 xubnood oo meydadkooda wali yaalaan gudaha deegaanka, islamarkaana dhankooda uu xusay iney ka dhinteen laba askari.
Si kastaba ha ahaate dagaalkii koowaad ee shalay ayaa lasoo wariyay in kooxdu kula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceel hareeri, hayeshee wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Macawiisleyda Xawaadle ay dib dagaal culus kula wareegeen gabal dhacii shalay gacan ku heynta deegaanka Ceel hareeri oo ah deegaan hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Puntland oo beenisay inay ku lug leedahay colaadda ka taagan dalka Suudaan
Puntland ayaa beenisay eedeymaha sheegaya in ay door ku leedahay hurinta colaadda ka taagan dalka Suudaan, iyo wararka lala xiriirinayo Dowladda Imaaraatka Carabta in ay raadaarro ku rakibtay magaalada Boosaaso si ay ula socoto gantaallada kooxda Xuutiyiinta, si loo adkeeyo amniga xarumaha ay Imaaraadku ku leeyihiin Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in dacaayadahan ay ka dambeeyaan dalal uu ku eedeeyay inay boobayaan kheyraadka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusay in Dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay saaxiib dhab ah oo taageera horumarka Puntland iyo shacabkeeda.
"Waddamo xiriir muddo kooban ah laleh Soomaaliya ayaa shalay wada olole lagu wiiqayo xiriirka Puntland iyo Imaaraatka Carabta. Waxay adeegsanayaan dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo raba in ay fursad uga helaan boobka kheyraadka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.
Lugatoor ayaa intaasi ku daray in Puntland ay si fiican u garanayso cidda wax u taraysa, isagoo ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay mideysnaadaan oo ay garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Dhawaan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan ayaa si rasmi ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gudbisay cabasho ka dhan ah maamulka Puntland, cabashadaas oo ah in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka sokeeye ee ka socda Sudan.
Warqad rasmi ah oo loo diray Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ilo xog-ogaal ah oo maxalli ah iyo kuwa caalami ah ay muujinayaan in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo ah malayshiyaad si weyn loogu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gudaha Sudan.
Warqadda waxaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday xarun isugu jirta safarro iyo sahay ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada RSF, iyadoo la tuhunsan yahay in taageeradaasi ay kasoo jeeddo dalal shisheeye, oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta.
In ka badan 35 xubnood oo Daacish looga dilay howlgalo laga fuliyay gobolka Bari
Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish ka fuliyay inta u dhaxeysa deegaanka kala ah Miiraale iyo Baalade ee gobolka Bari.
Hawlgalada oo ahaa kuwa qorsheysanaa oo saacado badan qaatay ayaa lagu dilay in ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo la tilmaamay in ciidamadu uga daba tageen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgaladaan ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydad u badan ajaaniib oo ka tirsan Daacish oo laga dilay goobaha ay firxadka ku tageen ee u dhaxeeya Miiraale iyo Baalade.
Waxaa sidoo kale Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ay sheegeen in howlgalada ku burburiyeen keyd hub iyo saanad ciidan oo kooxda Daacish lahayd.
Ugu dambeyntii howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ciidanka Puntland ay kordhiyeen weerarada ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana xusid midan in ciidanka Puntland todobaadkii lasoo dhaafay ay si buuxdo ula wareegeen taliskii ugu weyna ee kooxda Daacish ku laheyd Togga Miiraale.
Alshabaab oo soo bandhigtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Burundi ee ka baxay Xawaadley
Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay lahaayeen ciidamada Burundi, kuwaas oo dhawaan isaga baxay tuulada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Diyaaraddan oo lagu daabulayay ciidanka Burundi ee ku sugnaa Xawaadley, ayaa la sheegay in ay cilad farsamo qabsatay, taasoo keentay in si degdeg ah loogu dajiyo meel u dhow dhul ay Al-Shabaab maamulaan.
Askartii la socotay diyaaradda iyo kabtankii waday ayaa ka cararay goobta markii ay si nabad ah diyaaraddu u degtay, taasoo fursad siisay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab inay si sahlan ula wareegaan.
Tani waa diyaaradii ugu horreysay oo aan burbur xooggan soo gaarin oo ku dhacda gacanta kooxda Al-Shabaab, waxaana aan la hubin in ciidamada Burundi ay awoodi doonaan inay dib u qabsadaan.
Al-Shabaab ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku sugan yihiin meelo ku dhow dhow degmada Jowhar, oo ah caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Maamulka Hirshabeelle oo lagu tiriyo maamul tan iyo sidii loo dhisay aan awood u yeelan inuu maamulo degaanadiisa ama ka difaaco Alshabaab ayaa ku tiirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kaste ha ahaatee, diyaaraddan ku dhacday aagga Xawaadley ayay warar is khilaafsan kasoo baxayaan. Alshabaab ayaa sheegtay inay soo ridday, halka howlgalka AUSSOM uu sheegay in diyaaraddan cillad farsamo awgeed ay ugu degtay aagga Shabaabku maamulaan.
Elon Musk oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Trump
Maalqabeenka Maraykanka ah ee Elon Musk ayaa cambaareeyay saxiixa madaxweyne Trump ee nidaamka cashuuraha oo uu ku tilmaamay in uu yahay wax laga yaqyaqsado.
Aqalka Wakiillada bishii hore waxaa ansixiyay miisaaniyadda cashuur goynta oo gaadhaysa trillion Doollar iyo kharashaad badan oo ku baxaya difaaca yo weliba nidaamyo dawladda Maraykanka u oggolaanaya in ay amaahato lacago badan.
"Ceeb baa u sugnaatay kuwii u codeeyay,” ayaa Musk uu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa X isaga oo ka hadlaya nidaamka ajandaha madaxweynaha marka labaad soo laabtay ee Trump.
Maalqabeenkan Maraykanka ah ayaa si lama filaan ah uga tagay maamulka todobaadkii hore kaddib markii 129 maalmood uu ka shaqaynayay siu u u dhimo kharashaadka kooxdiisa, oo loo yaqaan Doge.
Dowladda cusub ee Kanada oo hirgalineysa sharciyo adag oo xakameynaya soo galootiga
Dowladda Kanada ayaa soo jeedisay sharci cusub oo xaddidaya qaybo ka mid ah hanaanka sheegashada magangalyada isla markaana siinaya hay'adaha dowladdu awood dheeraad ah oo ay ku joojin karaan hab-socodka codsiyada soo galootiga.
Wasiirka socdaalka ee Kanada, Lena Diab, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee la yiraahdo Strong Borders Act (Sharciga Xuduudaha Adag) uu ujeeddadiisu tahay in lagu xakameeyo dambiyada abaabulan iyo qulqulka daroogada iyo hubka sharci darrada ah, iyadoo sidoo kale la xoojinayo "daahfurnaanta iyo hufnaanta" nidaamka socdaalka ee dalkaas.
Sharcigani waxa uu bixinayaa awood dheeraad ah oo ay boolisku ku kormeeri karaan xuduudda Kanada la wadaagto Mareykanka.
Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu mamnuuco in qof degganaa Kanada in ka badan hal sano uu dalbado magangelyo. Laakiin dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in sharcigan, oo oggolaanaya in la ballaariyo awoodda dowladda ee baaritaanka taasoo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta.
Sharcigan la soo jeediyay ayaa yimid iyadoo cadaadis xooggan la saaray Kanada – waddan si taariikhi ah ugu furfurnaa martida cusub – si loo xadido tirada muhaajiriinta, maadaama adeegyada dadweynuhu ay aad ciriiri u noqdeen, islamarkaana ay jirto dhibaato ba'an oo guryo la'aan ah.
Dowladdii hore ee Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau waxay ku tiirsanayd bartilmaameedyo socdaal oo aad u ballaaran si kor loogu qaado dhaqaalaha, taasoo keentay in si weyn kor ugu kacdo tirada dadka ku imanaya Kanada shaqo ku-meel-gaar ah iyo waxbarasho ahaan.
Sidoo kale, waxaa sare u kacay tirada codsiyada magangalyo doonka, iyadoo dadku ay sugayaan illaa laba sano si dacwadooda loo dhageysto sababo la xiriira dib-u-dhacyo iyo xad-dhaafka codsiyada.
Ra'iisul Wasaare Mark Carney, oo ku guuleystay doorashadii federaalka bishii Abriil, ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono heerka socdaal ee aan la xamili karin ee dalka.
Sida uu hadda qabo sharciga socdaalka ee Kanada, qofka magangalyo doonka ah wuxuu dalban karaa magangelyo marka uu yimaado albaabka laga soo galo dalka, sida garoonka diyaaradaha, ama marka uu horeyba u joogo gudaha Kanada – iyadoo aan la xaddidneyn muddada uu ku sugnaa dalka ka hor inta uusan codsan magangelyada.
Xannibaad lagu soo rogayo lacag dirista
Xeerarka cusub waxay mamnuucayaan sheegashada magangelyo ee dadka ku sugnaa Kanada in ka badan hal sano, taasoo keeni karta in dadkaa la tarxiilo.
Waxay sidoo kale waajibinayaan in dadka Kanada ka soo galaya xadka Mareykanka iyaga oo hoos imaanaya Heshiiska heshiis hore u jiray oo qasab ka dhigaya in muhaajiriintu magangelyo ka codsadaan waddanka ugu horreeya ee tageen (ha ahaado Mareykanka ama Kanada) — ay gudbiyaan codsiga magangelyo muddo 14 maalmood ah si loo tixgeliyo.
Dadka aan la iman codsigooda muddadaas la cayimay weli waxaa la siin karaa qiimayn khatar ah si loo go'aamiyo in noloshoodu khatar ku jirto haddii dib loogu celiyo halkii
Sharcigan waxa uu sidoo kale siinayaa dowladda awood ay ku joojin karto gebi ahaanba hab-socodka codsiyada cusub xilliyada ay jiraan arrimo la xiriira caafimaadka dadweynaha ama amniga qaranka.
Sharcigan baaxaddiisu weyntahay ayaa ka kooban 127 bog wuxuu kaloo ballaarinayaa awoodda dowladda ee baaritaannada dambiyadeed.
Waxaa intaa dheer, sharcigu wuxuu soo rogayaa xannibaado ku saabsan lacago dirista caddaanka ah ee ka badan 7,300 oo doallar iyo dhigaalka lacagta caddaanka ah ee uu qof dhigto anooknkiisa.
Ka jawaabista waxyaabaha dhibka ku ah Mareykanka
Jenny Kwan, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee bidix u janjeera, ayaa sheegtay in sharcigan cusub uu yahay "mid dad badan oo reer Kanada ah ay ka naxeen."
Qayb weyn oo ka mid ah sharcigan cusub waxay la xiriirtaa xakameynta qulqulka daroogo halis ah iyo hubka sharci darro ah oo ka gudba xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Kanada,.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa u adeegsaday arrintaan marmarsiiyo uu ku saaro cashuur dheeraad ah Kanada taasoo siyaabo kala duwan looga falceliyay.
Gary Anandasangaree, wasiirka amniga gudaha ee Kanada, ayaa sheegay inuu wargelin siin doono Tom Homan, oo ah madaxa xuduudaha Mareykanka, si uu uga warbixiyo sharcigan cusub.
Wuxuu qirtay in sharcigan uu wax ka qabanayo arrimo ay Mareykanku ka cawdeen oo uu ugu yeeray "waxyaabaha dhibka ku ah Mareykanka", isla markaana ay u badan tahay inuu saameyn ku yeesho wadaxaajoodyada ganacsi ee Kanada iyo Mareykanka dhexmara.
Laakiin wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in sharcigan "uusan si gaar ah ugu wajahneyn Mareykanka," balse uu sidoo kale ku saabsan yahay ilaalinta xuduudaha Kanada.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda dadka ayaa si adag u cambaareeyay xeerarka cusub. Shabakadda Migrant Rights Network waxay ku tilshalayy tallaabooyinka la soo jeediyay inay yihiin "anshax xumo", waxayna sheegeen in sharcigu "si ba'an u xaddidayo ilaalinta qaxootiga, isla markaana uu fursad u furaayo tarxiil ballaaran."
Xigasho BBC


0 



halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-06-25
.......