halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03-06-25

0
Tuesday June 03, 2025 - 09:24:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03-06-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Guddoomiyaha aqalka sare oo la kulmay guddoomiyaha golaha federaalka ee Baarlamaanka Ruushka

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia mudane Cabdi Xaashi Abdullahi iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Ruushka ee Moscow, Intii ay halkaas ku sugnaayeen, waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Federalka e Baarlamanka Dowlada Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienko. Kulankaas ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dhisidda iskaashi dhow oo dhex mara Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Golaha Federaalka ee Ruushka.

Guddoomiye Valentina Matvienko ayaa carrabka ku adkaysay in dowladda Ruushka ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin inay taageero ka siiyaan dhinacyada milatariga, waxbarashada, tababarka ciidamada, iyo kaalmada bini’aadantinimo.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka uu yahay mid soo jireen ah oo bilowday sanadkii 1964, afar sano kadib markii Soomaaliya ay xornimada qaadatay. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee dowladdii Midowga Sofiyeet ay ka qaadatay gurmadkii abaartii 1974–1975, iyadoo la soo diray gargaar bani’aadanimo iyo diyaarado lagu badbaadinayay dadkii ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Marwo Valentina Matvienko soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhisto xiriir wanaagsan oo joogto ah la leh dowladda Ruushka iyo Baarlamaanka Federaalka ee dalkaas.

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyey kulan gaar oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday hay’adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS).

Qodobbada shirka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa:

Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS, dardar gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya, iyo horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga.

Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka amniga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kawada hadlay xaalada amni ee Gobolka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen arrimo quseeya xiriirka labada Dowladood iyo ammaanka Gobolka.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti, waxa ay labada mas'uul ay kawada hadleen, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Waxa uu Ra'iisul wasaare Xamsa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa shalay shir soconaya muddo labo cisho ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ku qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hay’adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeyb gashay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030, sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo.

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa habeen hore magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad goboleedka Galmugid ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac, oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa bulshada Galmudugu ugu baaqay in ay is diiwaan-geliyaan si codkooda ay cidda ay rabaan ugu doortaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye(Qoor-Qoor),oo daah furay ololahan ayaa dhammaan Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay is diiwaangeliyaan,waxa una u mahadceliyay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qarank iyo Soohdimaha ee soo gaaray Galmudug si ay ugu qabtaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowlad goboleedka Galmugud.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo bulshada Caasimada Dhuusamarreeb.

Somaliland oo ka digtay dabeylo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan badda Gacanka Cadmeed

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa ka digay dabeylo la filayo in ay ku dhufan doonaan Badda Gacanka Cadmeed ee ay Somaliland maamusho.

Qoraal kasoo baxay ciidanka ayaa digniin loogu diray dadka ku dalxiisa badda, kalluumaysatada, iyo cid kasta oo u dhow xeebaha.

"Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL wuxuu digniin u dirayaa dadka ka shaqeeya dhinaca badda sida kalluumaysatada, dalxiisayaasha iyo dhammaan cid kasta oo u dhow xeebaha, inay ka feejignaadaan dhibaatada ka dhalan karta dabeylaha ku kacsan qaar kamid ah xeebaha dalka,” ayaa lagu yidhi digniinta ciidanka.

Sidoo kale, saadaashu waxay sheegtay in heerkulku gaadhi doono 41°C, taasoo ka dhigan in sannadkani yahay mid kamid ah sannadihii ugu kululaa ee ay arkaan dadka ku dhow deegaanka xeebaha Somaliland.

Warbixintu waxay sheegtay in xawaaraha dabeyshu noqon doono 14km/h ilaa 45km/h, taasoo muujinaysa in dabeyluhu aad u xoog badan yihiin, isla markaana khatar galin karaan dadka iyo doonyaha.

Mawjadaha badda ayaa sare u kici doonaan ilaa 1.9 mitir, taasoo ay sababayaan dabeylaha iyo xaaladda cimilada oo xun guud ahaan. Tani waxay khatar gaar ah gelinaysaa cid kasta oo isticmaasha gaadiidka badda.

Sidoo kale, heerkulka xeebaha gaar ahaan qaybta bari wuxuu gaadhi doonaa inta u dhaxaysa 32°C ilaa 41°C, halka guud ahaan heerkulka magaalooyinka iyo deegaanada Somaliland uu aad uga sarreeyo marka loo eego sannadihii la soo dhaafay.

Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo wajahaya mushaar la'aan dhowr bilood ah

Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Puntland ayaa wajahaya mushaar la’aan ba’an, iyadoo aysan wax mushaar ah qaadan muddo afar bilood ah sanadkan 2025.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo la hadlay HOL ayaa u sheegay in sanadkan oo dhan kaliya ay heleen mushaarka bishii February, kaas oo la bixiyay bisha March. Taas micnaheedu waa in ay afarta bilood ee ugu dambeysay ku shaqeynayeen iyagoo aan wax mushahar ah helin.

Intaas kaliya maaha, isku darka muddada mushaar la’aanta ah ee shaqaalaha rayidka Puntland tan iyo sannadkii hore ayaa gaaraya illaa 10 bilood.

Mushaar la’aanta joogtada ah ayaa saameyn xooggan ku yeelatay shaqada hay’adaha dowladda, iyadoo ay jiraan xafiisyo badan oo hakad galay ama si gaabis ah u shaqeynaya. Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli maamulka Puntland uu horay u joojiyay shaqaaleysiinta cusub tan iyo sanadkii hore.

Go’aankaasi waxa uu ka dambeeyay amar kasoo baxay Madaxweynaha Puntland, kaddib markii la ogaaday in qaar kamid ah wasiirrada xukuumaddiisa ay si qarsoodi ah dad ka tirsan qoysaskooda ugu darayeen liiska shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo baarlamaanku wax ka weydiiyay mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda ayaa ku sababeeyay hoos u dhac dhaqaale oo yimid, isagoo sheegay in hoos loo dhigay kabkii miisaaniyadeed ee ay Puntland sanad walba ka heli jirtay Bangiga Adduunka.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa, xilli sidoo kale hay’adaha caalmaiga ah ee Puntland ka howlgalla ay fasaxayeen boqolaal kamid ah shaqaalahooda, kaddib markii taageeradii dhaqaale laga jartay hay’adaha ay la shaqeynayeen.

AFRICOM oo ka digtay kororka xawliga ah ee kooxda Daacish ee Afrika

Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Somalia ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika.

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil ay si xawli ah u kordheen saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu uga digay in haddii aan wax laga qaban kooxahan ay dhawaan heli karaan awood ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Mareykanka.

In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin in Mareykanku yareynayo tirada ciidamadiisa ku sugan Afrika, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda sugidda amniga ay tahay mid ay tahay in ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u qaataan.

"Istaraatiijiyaddeennu waxay ku dhisan tahay iskaashi. Waa yool wadaag ah oo lagu sugaayo amniga dalalkayaga iyo kuwa saaxiibadeenaba,” ayuu yiri. "Waa dhisidda awood waarta, ma aha ku tiirsanaan. Waa maalgashi lagu sameynayo awoodda Afrika ee xalinta dhibaatooyinka Afrika.”

Janaraal Langley, oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka islamarkaana hoggaaminaya AFRICOM tan iyo 2022, ayaa tilmaamay in gobolka Saaxil uu hadda noqday "xuddunta” argagixisada Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ay si firfircoon uga howlgalaan dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, iyo Nigeria.

"Mid ka mid ah yoolalka cusub ee kooxaha argagixisadu waa inay helaan marin xeebeed oo ay uga gudbaan Galbeedka Afrika,” ayuu yiri Langley, isagoo la hadlayay weriyeyaasha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladdan ay si weyn u kordhin karto halista ah in weerarro lagu qaado xeebaha Mareykanka.

"Waxaan luminay awooddii aan si dhow ula socon jirnay dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada,” ayuu yiri.

Jimcihii la soo dhaafay, Janaraal Langley wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay taliyayaal ciidan oo Afrikaan ah, shir looga hadlayay xaaladda amni ee qaaradda Afrika.

Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya, Langley wuxuu sheegay in AFRICOM ay laba jibbaartay weerarrada cirka ah ee ay halkaas ka fuliso sanadkan. Wuxuu xusay in in ka badan 25 weerar la qaaday, taasoo ka badan tiradii sanadkii hore oo dhan.

Si kastaba, wuxuu hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.

Dhagarqabe ka tirsaa Al-shabaab oo iska soo dhiibay Koofur Galbeed

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaanka Burjaad ayaa shalay waxaa isku soo dhiibay Buubaay Ganuun Salad, o ka tirsanaa horjogayasha kooxda Al-shabaab.

Buubaay ayaa isku soo dhiibay isagoo wata qori nooca AK-47 ah iyo booshkiisii, kaddib markii uu sheegay in uusan u dulqaadan karin dhibaatada iyo cadaadiska ay kooxda Al-shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa soo dhaweeyay go’aankiisa, iyagoo ku boorriyay xubnaha kale ee Al-shabaab in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee dowladda.

Diyaarad ku burburtay Gobolka Shabellaha Dhexe

Diyaaraddan ayaa casir liqii shalay ku burburtay tuulada Maqdis oo hoostagta deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in tuulada ay diyaaraddu ku dhacday ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa waxay sheegtay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa helicopter ay soo rideen maleeshiyadeeda, ka dib markii ay ku beegsadeen hawada deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad, waxayna kaloo sheegtay in diyaaraddu ay ahayd mid uu leeyahay Ururka Midowga Afrika.

Shabaabka ayaa war ay soo saareen ku sheegay in diyaaradda oo ka diiwaan-gashaneyd dalka Uganda ay wadday hawlgal ka dhanka ah dadka rayidka, ka hor inta aan la soo ridin.

"Mujaahidiinta oo adeegsanaya hub ku munaasab ah ayaa diyaaradda helicopter-ka ah ku beegsaday hawada deegaanka Xawaadley.” Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "Waxaana burburkeeda gacanta ku dhigay Ciidanka Mujaahidiinta.”

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ay isku soo beegmeen soo dhicista diyaaradda iyo la wareegitaanka Shabaabka ee deegaankaasi Xawaadley.

Qabsashada Al Shabaab ee Xawaadley ayaa ka dambeysay, ka gadaal markii Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Militariga Somaliya ay isaga baxeen deegaankaasi.

Ma cadda inta qof ee saarneyd diyaaraddaasi iyo haddii ay dhamaantood ku dhinteen dhacdadaasi iyo haddii kaleba.

La wareegitaanka Al Shabaab ee Xawaadley ayaa ah dhibaato kale oo soo korortay, iyadoo shaqo badan ay sugeyso Dowladda Federaalka, si ay ciidamadeeda dib ugu la wareegaan deegaankaasi.

Xawaadley ayaa ku taala meel istiraatiiji ah, marka aad eegto in buundadeeda ay gobolkaasi ku xiriiriso Gobolada Koonfureed ee dalka.

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Al-shabaab ISIS-Somalia

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu begsaday koxda Al-shabaab ISIS-Somalia.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-shabaab ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Al-shabaab ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Qabsashada Al Shabaab ee Xawaadley oo jug kale ku ah Hirshabelle

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa shalay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Burundi ee qaybta ka ah ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay sanado ka dib isaga guureen deegaankan muhiimka ah ee Xawaadley.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamadu ay aadeen dhinaca deegaanka Garsaale, kaas oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Shabaabka oo aad mooddo in ay si dhow ula socdeen in Militariga Burundi ay ka bixi doonaan deegaankaasi ayaa si dhakhsa ah ula wareegay Xawaadley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabka oo dheg la qabto aan lahayn ay si degdeg ah ula wareegeen deegaankaasi.

Ma cadda baahida keentay in ciidamadu ay isaga soo baxan deegaankaasi, waxaye imaaneysaa, xilli Burundi aysan qayb ka ahayn dalalka Midowga Afrika ee la ogolaaday inay ciidamo ku yaboohaan hawlgalka cusub ee AUSSOM oo bedelaya ATMIS.

Militariga Burundi ayaa qayb ka ahaa labadii hawlgal ee ka horreyay AUSSOM ee kala ahaa AMISOM iyo ATMIS.

Waqtiga ATMIS ayaa dhammaaday bishii December, inkastoo Hawlgalka ATMIS uu si ku-meel-gaar ah uu Dowladda Federaalka uga la sii shaqeynayay howlaha sugidda amniga, illaa iyo inta laga gaarayo bishan June oo dalalka xubnaha ka ah hawlgalka cusub ee AUSSOM ay soo dhameystirayaan ciidamadooda ka midka noqonaya hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Tallabada ay Al-Shabab kula wareegtay deegaanka Xawaadley ayaa jug kale ku ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Hirshabelle ayaa muddooyinkan la kacaa-kufeysay, sidii Shabaabka dib looga riixi lahaa deegaanadii ay billihii u dambeeyay ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qabsashada Shabaabka ee Xawaadley ayaa dib u dhac kale ku ah diyaargarowgii ka jiray gobolkaasi ee la doonayay in ciidamadu ay dib ugu la wareegaan deegaanadii laga qabsaday billihii February, March iyo April.

Warbixinada ayaa muujinaya in Shabaabku ay si fudud kula wareegaan deegaanada, marka aad eegto waqtiga dheer ay ciidamadu ku qaadato in dhul ay ka kiciyaan Al Shabaab amaba ay dib uga saaraan goobaha qaar ee laga qabsado.

Lama oga muddada ay ciidamadu ku qaadan doonto, si ay dib ugu la wareegaan Xawaadley oo hoostagta Degmada Balcad.

Xawaadley ayaa ku taala goob istiraatiiji ah, iyadoo buundadeeda ay gobolkaasi ku xiriiriso Gobolada Koonfureed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo soo dhoweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweenayo gogosha wadatashiga Qaran ee uu todobaadkaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka" ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu Farmaajo shaaca ka qaaday in si gogoshan ay miro dhal u noqoto, inuu adkaynayo baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka.

Ugu dambeyn Farmaajo waxa uu kusoo gaba gabeeyay qoraalkiisa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga sugaayo in uu ka laabto tallaabooyin uu ku tilmaamay mid hal dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Dhammaan xubnaha Mucaaradka ayaa si wadajir usoo dhoweeyay gogosha wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya shaaciyay balse ay ku xireen sharuudo dhowr ah si ay uga qeyb galaan.

Markabka weyn Ingiriiska ee HMS Prince of Wales oo ogolaansho weydiistay Xuutiyiinta

Markabka diyaaradaha dushiisa ka haadaan ee HMS Prince of Wales ayaa ogolaansho ka helay Xuutiyiinta Yemen, si uu u maro biyaha Badda Cas.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa ogolaaday in markabka weyn ee dagaalka ee laga leeyahay dalka Ingiriiska uu soo maro Badda Cas, ka dib markii markabku uu la xiriiray Yemen, uuna aqbalay shuruudda ah in aanay qaadi karin wax weerar ah oo lagu carqaladeynayo hawlgalada Yemen ee lagu taageerayo dadka reer Gaza.

Mohammed Ali Al Houthi oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xuutiyiinta ayaa shegay in markabku u xiriir la soo sameyay Jamhuuriyadda Yemen, isla-markaana uu codsaday maritaanka Badda Cas, isagoo aan samayn doonin wax hawlgal ah.

Mohammed Ali ayaa tilmaamay in Ciidamada Yemen ay ogolaadeen in markabka diyaaradaha xambaara uu ku goosho Badda Cas, isla-markaana aan la weerarin, illaa iyo inta uu ka gaysanayo xadgudub ka dhan ah taageerada Yemen ee shacabka Falastiin.

Wararka ayaa sheegaya in markabka iyo raxan maraakiib ah oo la socotay ay si nabdoon u maren Bada Cas, halkaas oo ay uga sii gudben dhinaca Gacanka Cadmed.

Lama soo sheegin wax weerar ah ama khatar ah oo maraakiibta Ingiriiska ay la kulmeen, intii ay marayeen marin biyoodka Badda Cas.

Xuutiyiinta ayaa bartamihii bishii January ee sanadkii 2024 soo rogay amar ah inaysan maraakiibta Ingiriiska iyo kuwa Mareykanka mari marin Badda Cas, iyadoo laga jawaabayo duqaymihii Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishaasi ka bilaabeen dalka Yemen, si loo joojiyo weeraradii ay Xuutiyiinta ku beegsanayeen maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaha maamulkaasi.

Xuutiyiinta ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in ay ballaariyeen weeraradooda, isla-markaana ay bartilmaameed sharci ah yihiin maraakiibta Israel, Mareykanka & Ingiriiska iyo inaysan ka gudbi karin marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Taliska Ciidamada Badda Ingiriiska ayay bishii February ee sanadkaasi khasab ku noqotay in mid ka mid ah maraakiibtooda wax burburiya ay ka saaraan hawlgalka Badda Cas ee lagu la dagaalamayay weeraradii Xuutiyiinta Yemen.

Markabka dagal ee HMS Diamond ayuu talisku xilligaasi sheegay in uu u baahan yahay dayactir degdeg ah, ka dib sadex werar o ay gaysten Xogaga Xuutiyiinta.

Ingiriiska ayaa u muuqdo in uu haatan qaatay calanka cad ee nabadda, ka dib heshiiskii xabad joojinta ee bishii hore dhex maray Mareykanka iyo Xuutiyiinta.

Mareykanka iyo Xuutiyiinta ayaa 6-dii May gaaray heshiis xabad joojin ah, iyadoo aysan Xutiyiinta weerari doonin marakiibta Mareykanka, halka Mareykankuna uu joojinayo duqaymihii ay ciidamadiisa ka gaysanayen dalka Yemen.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dalkiisu uu joojinayo duqaymihii ay ka wadeen dalka Yemen, ka dib markii uu sheegay in iyaga iyo Xuutiyiinta ay isla qaateen heshiis xabad joojin ah.

Dowladda Cumaan ayaa waxay sheegtay in ay iyadu ka soo shaqeysay xabad joojintan, waxaana Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Badr Albusaidi uu sheegay in labada dhinacba ay aqbaleen heshiiska xabad joojinta.

Mareykanka, isaga ayaa gardarrada ku bilaabay Xuutiyiinta, markii uu weeraradooda xakameyn kari waayayna uu qaatay xabad joojintan, si Xuutiyiinta ay weerarada uga joojiyaan maraakiibtiisa mareysa Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyana looga joojiyo duqaymihii lagu hayay.

Mohammed Abdul-Salam, Madaxa Wada-xaajoodka Xuuthiyiinta ayaa 7-dii bishii May ku dhawaaqay in heshiiskan aysan qayb ka ahayn Israel, isla-markaana aysan ka tanaasuli karin weeraradooda ay ku diidan yihiin xasuuqa Gaza iyo go’doominta lagu hayo Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu ka carooday heshiiskasi, hadii Maamulka Madaxweyne Trump uu ku banneeyay garabkoda, marka ay noqoto la dagalanka ururka reer Yemen.

Koox Yahuud ah oo lagu weeraray dalka Mareykanka

Dad Yahuud ah oo dhigayay bannaanbax lagu taageerayo in la sii daayo maxaabiista Israel ee lagu haysto Marinka Gaza ayaa Axaddii lagu weeraray Magaalada Boulder ee Gobolka Colorado, sida ay xaqiijiyen Saraakiisha Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in nin ku qaylinayay ‘Falastiin ha xorowdo’ uu weeraray dadkaasi, xilli ay socod ku marayeen waddada suuqa laga dukaameysto ee Pearl ee magaaladaassi.

Ninkan ayaa dibadbaxayaasha ku weeraray walax ku qaraxday, oo sida la sheegayna ay ku dhaawacmen illaa lix qof.

Booliska ayaa sheegay in dadkaasi oo da’doodu ay u dhaxeyso 67 illaa 88 jir ay gubteen, mid ka mid ahna ay xaaladdiisu liidato.

Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtay in weerarka looga shakisan yahay in uu yahay fal argagixiso, waxayna sheegtay in tuhmanaha uu weerarku u adeegsaday walax olosha.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ciidamada amniga oo si dhakhsa ah goobta ku soo gaaray ay xireen ninkii weerarka gaystay, kaas oo ay sheegeen in uu shaar la’aan ahaa.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi uu labada gacmood ku watay dhallooyin ay ku jiraan dareeraha wax holciya ee marka la tuurana qarxa.

FBI-da Colorado oo mar dambe war soo saartay ayaa sheegtay in eedeysanuhu uu yahay nin 45 jir ah oo lagu magacaabo Mohamed Sabry Soliman.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso, isagoona codsaday in Dowladda Mareykanka ay qaaddo tallaabo wax ku ool ah oo lagaga jawaabayo weerarkaasi.

Safiirka ayaa qoraal ku sheegay in si arxan daro ah lo weeraray dibadbaxayasha Yahuudda, sida uu yiri.

"Argagixisada ka dhanka ah Yahuudda kuma eka xadka Gaza. Waxaa durba gubanaya waddooyinka Mareykanka.” Ayuu yiri Safiirku.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa isna sheegay in uu ka naxay weerarkan, waxaana uu ku sheegay naceyb cad oo ka dhan ah Yahuudda.

Dibadbaxayaasha la weeraray ayaa ahaa koox Yahuud ah oo lagu magacaabo Run for Their Lives, oo toddobaad walba qabta bannaanbax ay ku dalbanayaan in la sii daayo maxaabiista ka xiran Israel.

Waa weerarkii labaad oo hadal hayn badan dhaliyay, kana dhaca dalkaasi Mareykanka, wax ka yar muddo laba toddobaad ah.

Xamaas oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Mareykanka

Waddamda Masar iyo Qatar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen in ay sii wadayaan dadaalkooda ku aaddan "ka gudbidda khilaafaadka” si loo gaadho xabbad-joojin ka dhacda Marinka Gaza, "oo ku saleysan soo jeedinta ergega Marekanka Steve Witkoff.”

Bayaanka ayaa loogu baaqay "dhammaan dhinacyadu in ay taageeraan dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha si loo soo afjaro dagaalka” iyo "in la dhaqan geliyo qorshaha dib-u-dhiska ee uu ansixiyay shir madaxeedka Carabta ee March 4, 2025.”

Taas bedelkeeda, sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdu ay si wanaagsan uga jawaabtay soo jeedinta, ayna raadinayso in wax laga beddelo, iyada oo aan la sheegin nooca ay yihiin. Dhanka kale, Bassem Naim, oo ah hogaamiyaha Xamaas, ayaa sheegay in Xamaas ay Witkoff la gaadhay isfahan, balse Israa’iil ay diidday dhammaan qodobadii lagu heshiiyay.

Naciim ayaa beeniyay in ay kooxdu diiday soo jedinta Witkoff, isaga oo shegay in jawaabta Israa’iil ay kasoo horjeedo wixii lagu heshiiyey.

Naciim ayaa ku eedeeyay ergeyga Mareykanka in uu si buuxda ugu eexday dhanka Israa’iil.


"Alle ayaa ah xaakimkeyga kama dambaysta ah" Feeryahan Maxamed Cali markii uu diiday inuu ku biiro ciidamada Maraykanka

Waxay ahayd Abriil 28, 1967, wax yar ka hor siddeedii subaxnimo, feeryahan Muxammad Cali ayaa yimid xarunta qorista ciidamada Mareykanka.

Dagaalkii Vietnam ayaa marayey halkii ugu sareysay waxaana lagu dilay boqolaal askari oo Maraykan ah. Intaas oo kaliya kuma eka, ee dad careysan oo wadoyinka isugu soo baxay ayaa gubayay warqado laga soo diray waaxda qoraalka ciidamada Mareykanka, iyado dad bdn o kaso horjeda qoralka ay sido kale u qaxen Canada.

Feeryahan Maxamed Cali wax dan ah kama lahayn in uu u baxsado Canada, mana uusan doonayn in uu ka mid noqdo ciidamada Maraykanka.

Labo sano ka hor, Maxamed Cali ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay dagaalka ka socda Vietnam, "Damiirkaygu ma oggolaan dono inan togto walalaheyga sabolka ah iyo kuwa gaajaysan ee mariinka ah, o aan ku toogto amarka Marekanka ee awooda badan.

"Oo maxaan u toogtaa, weligood iigumay yeerin nigger (erey dadka madow loo isticmaalo), weligood ima garaacin, weligood eyga igama dabadhigin, weligood dhalashada igama qaadin, weligood hoyadey ma kufsan, weligood aabahay ma dilin... maxan u toogtaa, sidee baan u togta dadka masakiinta ah? xabsiga i geeya."

Laakiin laba sano ka dib waraysigiisii, feeryahankii feerka cuslaa waxa uu yimid xarunta ciidanka Maraykanka lagu qoro, isaga oo tagsi wata, isaga oo ku labbisan suud buluug ah oo cirka u eg, waxana hareero socday wariyayaal.

Maxamed Cali waxa uu ahaa shaqsi aad loo xiiseeyo u, waxa uu ku celcelin jiray maahmaahyo marka uu socdo, mararka qaarkood waxa uu u hadli jiray si cajiib ah oo isga u gaar ah waxa uu inta badan ku maaweelin jiray feeryahannada ka soo horjeeda ee giraanta feerka ku jra, isaga oo u shegaya sida uu u garaaci doono.

Ka hor ciyaartii Horyaalka Miisaanka Culus ee 1964-tii, Maxamed Cali waxa uu hore ugu dhawaaqay guushiisa, waxaanu yiri: "Kani wa Casey Clay, feerhahanka ugu quruxda badan aduunka shalay, feeryahan da'yar la iskama indho tiri karo, horyaln-imada miisaanka culusna waa hiigsigiia.

Xarun ciidanka lagu qoro ayaa nin caan ka ahaa ciyaaraha uu makarafoon hor dhigay o uu weydiiyey Maxamed Cali waxa uu samaynayo.

Maxamed Cali ayaa kaamirada horteeda ku dhoola cadeyay, wuxuuna yiri: 'Kama jawaabayo'

Maxamed Cali oo markaasi agteeda qaatay diinta Islaamka ayaa galay xarunta ciidamada Maraykanka ee magaalada Houston ee dalka Maraykanka. Magaca Maxamed Cal dhalashadiisa 'Cassis Clay', ayaa loo bixiyay oo loogu yeeri jiray, laakiin markii uu maqlay magacan, kama falcelinin mana soo bixin.

Sida ku cad tariikh nololeedka Maxamed Cali, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa Maxamed Cali ka saaray safka dadkii halkas ku sugnaa, wuxuuna u kaxeeyey xafiis ku yaal halkaas, wuxuna weydiiyey bal inuu garwaaqsaday 'halista ficikiisa.

Maxamed Cali waxa uu sheegay in uu arrimahaas oo dhan fahmay. Dabaded taliyihii halkas jogay aya hadana ku dhawaaqay: 'Cassis Clay, fadlan soo bax oo ku biir ciidanka Maraykanka.'

Maxamed Cali wuu diiday. Daqiiqado ka dib, Maxamed Cali ayaa ka soo baxay xarunta qorista ciidamada Mareykanka, wuxuuna hadal siiyay suxufiyiinta.

Hadalka ayaa lagu yiri: "Anigoo Muslim ah, waxaan diiday in aan ka mid noqdo ciidamada Mareykanka si waafaqsan damiirkeyga iyo waxa aan aaminsanahay.

Waxa uu intaasi ku daray, "Waxaan rumaysanahay in ogola-ashaha iqoritankan ay la mid tahay in ay ka soo horjeedo qiyamka diineed. Waxaan u arkaa Allaah inuu yahay garsooraha kama dambaysta ah ee ficillada la sameyo anigo eegaya darenkayga."

Isla maalintaas, Maxamed Cali ayaa laga qaatay shatiga feerka.

Maxamed Cali isaga oo dhacdadan buuggiisa kaga hadlayaa waxa uu qoray, "Markaan Houston ka tago, waxa aan aadi doonaa musaafuris oo aan cuni doonaa waxa ay khubaradu sheegeen oo ah in nolosheyda kusoo jiray dagaal.

Sida laga soo xigtay wargeyska Maraykanka kasoo baxa ee The New York Times, bishii Juun 20, 1967, maxkamad ku taal Houston ayaa Muhammad Ali ku heshay dambi ah inuu ku xadgudbay 'Sharciga Tababarka iyo Adeegga Caalamiga ah ee milateriga'. Qaadiga maxkamada ayaa ku xukumay shan sano oo xarig ah iyo $10,000 oo ganaax ah.

Maxamed Cali ayaa ka codsaday garsooraha maxkamadda in uu soo saaro xukunka dacwadda lagu soo oogay isaga oo aan sugin, garsooraha ayaana isla markiiba aqbalay codsigiisa.

Sida laga soo xigtay wargeyska Maraykanka, Maxamed Cali, oo markaas 25 jir ahaa ayaa yiri, "Waan u mahadcelin lahaa haddii maxkamaddu ay hadda i xukunto halkii aan sugi lahaa."

Maxamed Cali ayaa markaas laga mamnucay feerka, waxaana afarta sano ee sku xigtay isaga iyo qareenadiisa ay racfan ka qaaten xukunkasi maxkamada sare.

Markii aysii korortay dhaleeceynta dagaalkii Vietnam, Maxamed Cali wuxuu sidoo kale khudbado ka dhan ah dagaalka ka jeediyay jaamacadaha wuxuuna kusoo baxay geesi ka so horjeda dagaalka.

Mid ka mid ah khudbadahaas uu Maxamed Cali u jeediyay dadkii iskusoo baxay ayuu ku yiri "Waxa la ii sheegay in aan haysto labo fursadood, oo ah in aan xabsiga galo ama aan ka mid noqdo ciidanka, balse waxaan dhihi doonaa waxa jirta waddo kale, taasina waa cadaalad.

"Anigu ciidanka ku biiri maayo, jeelkana geli maayo.

Martin Luther King Jr. ayaa sidoo kale Maxamed Cali ku ammaanay go'aankaas wareysi uu bixiyay.

"Waxa aan arinkan kala hadlay Maxamed Cali, waxa aana u maleynayaa inuu daacad yahay, sharci ahaan waa bannaan tahay in laga soo horjeesto, si buuxda ayaan u taageerayaa go'aankiisa."

Maxamed Cali ayaa shatiga feerka dib loogusoo celiyay 1970. Sida laga soo xigtay Washington Post, "Ka dib markii uu ku tartamay laba tartan oo kaliya tan iyo markii uu soo laabtay, 29-jirka Maxamed Cali wuxuu ku dhawaaqay inuu la dagaallami doono horyaalka cusub ee Joe Frazier wuxuuna dib u soo ceshaday horyaalkiisii miisaanka culus 8 maarso, 1971, Fagaarraha Madison Square Garden ee magaalada New York.

Si kastaba ha ahaatee, Joe Frazier ayaa dhulka ku riday Maxamed Cali wareegii 15-aad ee ugu dambeeyay.

Sannadkii 1971kii, maxkamadda sare ee Maraykanku waxay laashay xukunkii Muxamed Cali, iyadoo go'aan midaysan ka qatay. Waxa malintas maxkamada ka dhacay aya ahaa wax cajiib ah.

Sida ku cad buuga 'The Brothers' ee ay qoreen Bob Woodward iyo Scott Armstrong, April 23, 1971, garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa shir qarsoodi ah yeeshay, si aqlabiyadn ah waxa ay go'aamiyeen in Maxamed Cali lagu xukumo xabsi.

Madaxa cadaaladda Warren Berger ayaa markaa u xilsaaray garsoorka John Harlan inuu qoro ra'yiga inta badan. Laakin karraaniga Garsooraha John Harlan, oo soo diyaarinayey fikradda, ayaa waxa uu ku qanciyay karraaniga kale inuu dib u eego go'aanka, wuxuuna mar kale la hadlay Garsoore Harlan.

Habeenkaas, Garsoore Harlan waxa uu dib u eegay dhammaan galka dacwadaha oo uu ku dhawaaqay subaxii xigay in uu rumaysan yahay in Waaxda Caddaaladdu ay khalad samaysay. Garsore Harlan aya ku taliyay in maxkamadu ay ka noqoto go'anka.

The Brethren ayaa qoray in argagax uu ka dhacay maxkamadda. Justice Potter Stewart ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maxamed Cali lagu sii daayey qalad farsamo oo ka dhacay waaxda cadaalada. Garsoorayaasha oo dhami mid mid ayay iskugu raaceen 28-kii June waxa la soo saaray go'aan midaysan.

Sida laga soo xigtay wararka wargeyska Maxamed Cali markii uu maqlay go'aanka isago ku sugan Chicago, wuxuu yiri, "Waxa aan u mahadcelinayaa Ilaah, sidoo kale waxa aan u mahadcelinaya maxka-mada sare o fahantay manhajkeyga cusub ee diinta.

Bishii Janaayo 1974-kii, Maxamed Cali wuxu ka adkaday George Foreman waregii sideedaad dagaal ka dhacay Congo, wuxuna mar kale noqday horyalka adunka.

The American newspaper Posta yaa qoray in "in guusha loo arkayay mucjiso, xaqiiqada ah inay Afrika ka dhacdana waxay kordhisay muhiimadeda astaaned".

Wargeysku waxa uu qoray in "sidii cajiibka ahayd ee uu Maxamed Cali uu dib ugu soo ceshaday magaciisii toddobo sano ka dib loo arkayay bandhigga ugu weyn ee xirfadda feerka.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip