
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-06-25
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Dowladood
Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa daraad oo Isniin aheyd khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Wakaalladda Wararka Qatar ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo heer gobol iyo heer caalami ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee dhinacyada kala duwan si loogu adeego danaha labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.
Amiirka dalka Qatar ayaa u balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya inay xoojin doonto Qatar taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Dhowaan warar soo baxayay ayaa sheegayay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Qatar martigelinta shir weyne lacag loogu uruurinayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo uu Mareykanka ka caga jiidaayo inuu bixiyo maalgelinta howlgalkaasi.
Qatar waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamada Soomaaliya taageera, waxaana dhowaan ay balan qaaday inay 10,000 Shaqaale Soomaali ah ay shaqa abuur dalkeedi ugu sameeneyso si loo yareeyo Shaqa la'aanta ka taagan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Ingiriiska
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya danjire Charles King.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo amniga.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Safiir Charles King. Danjiruhu wuxuu dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweynta milgaha leh iyo qaabilaadda diirran ee loo sameeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay ururrada bulshada rayidka ah
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa horudhac u ah gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay 15ka Juun 2025.
Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka.
"Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda.”
Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay wadatashi dhab ah oo ku dhisan xeerinta danta guud, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sii xoojiyo isu diyaarinta gogosha.
Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shalay booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.
Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Ruushka ayaa booqday daljirka daahsoon dhigayna ubax kaas oo ku yaalla darbiga Kremlin-ka caasimadda Ruushka una taagan astaan xusuus iyo ixtiraam loo hayo askartii geeryootay.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daraad kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha golaha Federaalka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka Marwo Valentino Matvienko waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka soo jireenka ee labada dal iyo dhisidda xiriir wada shaqayneed oo dhax mara Aqalka Sare iyo Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Ruushka.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Inta ay ku suganyihiin dalka Ruushka waxay sii wadi doonan kulamada ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dowlada Ruushka iyo booqashooyinka goobaha taariikhiga ah.
Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ah labo dowladood oo uu ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, kaas oo soo jiray qarniyo badan.
Wasaaradda arrimaha Islaamka oo hubinaysa tayada adeegyada xujeyda Soomaaliyeed la siinayo
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dowladda FS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo madaxa xafiiska bixinta adeegyada xujeyda Soomaaliyeed ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa kormeer ku sameeyay goobta lagu diyaariyey basaska casriga ah ee qaadi doona xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada barakeysan ee Makka.
Basaskan casriga ah ee uu Wasiirku kormeeray ayaa loo diyaariyey in ay xalay u daabulaan xujeyda Soomaaliyeed magaalada Minna, halkaas oo ay ka bilaaban doonaan acmaasha ugu muhiimsan ee Xajka, kuwaasoo ay ka mid yihiin gudashada waajibaadka Minna iyo Carafa, oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta siddeedaad ee bisha Dul-xijjah.
Wasiir Roobow "Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka ma’suuliyiinta dalka Sacuudiga lagu daray luuqada Soomaaliga.
Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ballaaran ee ay xujeyda Soomaaliyeed u leedahay in lagu soo kordhiyo khudbadaha halkaasi laga jeedin doona luqadda Soomaaliga si ay u fahmaan xujeyda Soomaaliyeed.
Mudane, Rooboow oo magaalada Makkah ee dalka Sacuudiga kula hadlay shirkadaha Xajka ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Xajku yahay cibaado ay tahay in loo qabto si ixtiraam, dulqaad iyo si adeeg wanaagsan leh.
Wasiirka wuxuu ku dhiirrigeliyay shirkadaha in ay xoogga saaraan badbaadada iyo daryeelka xujeyda, fulinta jadwalka raridda si waqtiyeysan iyo ka shaqeynta sumcadda wanaagsan ee Soomaaliya.
Dr. Khadar Daahir Suleymaan oo ka mid ah madaxda shirkadaha Xajka ayaa sheegay in ay xoojinayaan dhanka farsamada ee fulinta howlaha raridda xujeyda, qorshaha isuduwidda safarrada xujeyda inta u dhaxeysa Maka, Mina, Carafa, ka hortagga ciriiriga, isdhexyaaca, la shaqeynta maamulka Sacuudiga iyo la socodka nidaamka cusub ee elektaroonigga ah ee la adeegsanayo sanadkan.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in la sameynayo nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shirkadaha, lagana hortagayo wixii cabasho ah ee horey uga imaan jiray howlaha Xajka.
Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho
Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortaga qaraxyada macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.
Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.
Wafdi ka socda Soomaaliya oo Geneva uga qaybgalaya shirweynaha shaqaalaha caalamiga ah ee ILO
Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhiban Yusuf Mohamed ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeybgalaya Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah ee socon doona inta u dhaxaysa 2-da ilaa 14-ka June 2025.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labor Organisation) ayaa waxaa isugu yimid Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo wufuudda dawladaha ee ka kala socda 187-da dawladood ee xubnaha ka ah ILO, waxaa lagaga hadlaya arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan: mabaadi’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada, ilaalinta khataraha noolaha ee deegaanka shaqada, shaqo hufan iyo daryeelka bulshada.
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS ayaa ah wafdi sedex-geesood ah (Dowladda, wakiilada Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha), wuxuuna Wasiirka shirar gaar ah la yeelan doonaa Wasiirada dhiggiisa ee kasoo qeyb-galeya shirka.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa khudbad ka jeedin doono shirka oo ku saabsan sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhaqangellinta heerarka shaqo ee caalamiga ah iyo horumarinta xaaladaha shaqada iyo ilaalinta bulshad.
Ciidamada Kenya oo afar Al shabaab ku dilay degaano hoostaga Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya
Wararka ka imaanaya degaanada Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka taqaluseen Afar nin oo ka tirsan kooxda Al shabaab kadib is rasaaseeyn ciidanka iyo Kooxdaasi ku dhex martay deegaanka Najo iyo Guracho ee ismaamulka Garissa.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Iska horimaadkaan uu dhacay ka dib markii koox si gaar ah u tababaran oo ciidanka Dowladda Kenya ay Hawl-gal Gaar ah ka fuliyeen saldhigyo qarsoon oo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen.
Howlgalkaan waxaa daba socday warbixino sirdoon oo si wanaagsan loo qorsheeyay, sida ay sheegeen booliisku.
Maleeshiyadaan ka tirsaneyd Al shabaab ayaa markii hore waxaa lagu arkay goobta ay ku sugnaayeen diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah, kadibna ay ciidamada dabagaleen oo ay howlgalo ka sameeyeen goobtii ay joogeen.
Rasaas xooggan ayaa la isweydaarsaday, taasoo keentay in afarta Al shabaab goobta lagu dilo.
Waxaa goobta laga soo furtay labo qori oo AK-47 ah, qori PKM ah, rasaas badan, iyo idaacadaha isgaarsiinta.
Booliisku waxay sheegeen in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku doonaayeen inay ku curyaamiyaan dhaq dhaqaaqa Al shabaab ee iyagu weerarada ku dhufow ka dhaqaaqa ka sameeya degaanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Howlgalka AUSSOM oo ka hadlay sababtii ciidamada Burundi uga baxeen degaanka Xawaadley
Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga Xawaadley looga daad gureeyay kaddib markii daadad xooggan ku dhuftay deegaankaas.
Ka bixitaankooda kaddib, Alshabaab ayaa dib ula wareegtay Xawaadley, halkaas oo ay muddo dhowr sano ah gacanta ku haysay Dowladda Federaalka, ayna ka dhaceen dagaallo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan.
Howlgalka AUSSOM ayaa sheegay, intii lagu guda jiray daadgureynta ciidanka inay cillad farsamo ku timid mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca, inkastoo ay sheegeen in duuliyeyaasha ay si xirfad leh diyaarada ugu dejiyay si nabad ah, iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin.
Howlgalka AUSSOM marna masoo hadal qaadin in degaanka Xawaadley ay la wareegeen ururka Alshabab, taas beddelkeedna waxay sheegeen in dhammaan ciidamadooda iyo shaqaalahooda si nabad ah loogu daadgureeyay saldhig militari oo u dhow.
Ciidamada Burundi oo horey uga baxay howlgalka AUSSOM ayaa la filayaa inay dhawaan dalka ka baxaan, iyagoo sugaya ciidamo kale oo kala wareegi doona masuuliyadda amni ee gobolka Gobolka Shabeellada Dhexe.
Dhinaca kale, maamulka deegaanka Xawaadley ayaa sheegay in aysan Alshabaab xoog ku qabsan deegaanka, isagoo sheegay in daadad kusoo rogmaday deegaanka ay sababtay in xeryihii ciidamada ay biyo soo galaan kaddibna ay go'aansadeen in deegaanka lagasoo daad gureeyo ciidamada AUSSOM.
Howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysanaa oo shalay ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gaashaan ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.
Howgalkaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Qoraalka kasoo baxay dowlada Federaalka oo ahaa mid kooban laguma shaacin magaca horjoogahan ka tirsan Al-shabaab ee lagu dilay howlgalka ay sida gaarka ah u fuliyeen ciidanka Gaashaan ee NISA.
Howlgalkaan lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan howlgal ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa gorsheynta weeraradii hoobiyeyaasha ahaa ee Muqdisho ka dhacayay ilaa sanadkii 2023-kii.
Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA mudooyinkii dambe si weyn u kordhiyen howlgalada ay sida gaarka ah ugu beegsanayaan horjoogayaasha kooxda Al-shabaab.
Puntland oo sheegtay inay 10 xubnood oo Daacish ah ku dishay dagaal ka dhacay aagga Togga Miiraale
Duqeymo cirka ah oo cusub ayaa laga fuliyey 4 goobood oo ku yaalla inta u dhaxeysa dooxooyinka Baalade iyo Miiraale, waxaana qaaday sida ay Puntland sheegtay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo si joogto ah u beegsata Daacish.
War-saaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa lagu sheegay, in Duqeymahan si gaar ah ugu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda ISIS oo baxsad ahaa, kuna dhuumanayey godad ku yaalla buuraleydaas.
Howlgalka waxaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo isku qarinaayey deegaanka Shaakaalooyin, oo u dhaxeeya dooxooyinka Miiraale iyo Baalade.
Labo maalin ka hor ayay ahayd markii ciidanka La-dagaalanka Argagixisada ee Puntland ay gacanta ku dhigeen xarunta dhexe ee hoggaanka kooxda Daacish ee ku taalay dooxada Miiraale, iyagoo sidoo kale la wareegay ceelal biyoodyo muhiim ah iyo goobihii difaaca ee kooxda.
Weli qeyb kamid ah dagaalamayaasha Daacish ayaa isku urursaday togga Baalade oo ku dhow magaalada Boosaaso, halkaas oo sidoo kale ah meel istaraatiiji ah oo ay gabbaad kaga heli karaan duqeymaha uu Maraykanku la beegsanayo.
Howgalka ka dhanka ah Daacish ayaa ku dhow gabagabo, iyadoo Puntland ay ku guulaysatay inay dhammaan xorayso degaanadii ay Daacish ka talin jirtay 15 kii sano ee ugu dambeeyay.
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in safarkiisii Kenya uu guul kusoo dhammaaday
Madaxweynaha Somalilan, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dhammaan kulamadii uu la yeeshay madaxda dalka Kenya ay ahaayeen kuwo guul kusoo dhammaaday.
Waxa uu sheegay in kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana ay isku afgarteen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulankii uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka uu ka mid ahaa kulamadii ugu guulaha badnaa intii uu joogay Nairobi, isaga oo xusay in beesha caalamku ay Somaliland ku bogaadisay nabadaynta ay ka samaysay gobolladii ay colaaduhu ka dhaceen.
"Somaliland waxyaabaha loogu soo joogsado ee lagu tixgeliyo waxa ka mid ah doorashadii dhowaan dalka ka dhacday, xasilinta amniga, iyo qaranaynta ciidanka oo ay dunidu wax weyn u aragto. Ceel-afweyn, duniduba way la socotaa in aynu nabad ka dhignay," ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu intaas ku daray in dunidu ay Somaliland u soo jeedsanayso haddii ay nabadda ilaaliso, isla markaana ay shacabkeedu muujiyaan midnimo iyo isku duubni. "Somaliland labadaas ayay ku iibsamaysaa," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay xooga saarayso xoojinta xidhiidhka ay la leedahay waddamada gobolka ee muhiimka u ah Somaliland, isaga oo xusay in kadib safaradii uu ku tegay Jabuuti iyo Kenya, uu safarkiisa saddexaad dhowaan ku tagi doono Itoobiya.
Ugu dambayn, waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay shacabka doortay, isagoo sheegay in marka uu dhammaado muddo-xileedkiisu aan saacad dheeraad ah loogu dari doonin, isla markaana uu doorashada ku qaban doono waqtigeeda.
Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo duleedka Aboorey
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay gelinkii dambe ee Isniintii wa-xoogaa horumar ah ka sameeyeen hawlgalkooda ku wajahan deegaanka Aboorey ee bariga gobolkaasi, balse dib loo soo riixay.
Ciidamada ayaa dhowrkii cisho ee u dambeysay maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamayay duleedka deegaankaasi, iyadoo aanay weli u suurtagelin in ay gudaha u galaan deegaankaasi.
Ciidamada ayaa Khamiistii soo cusbooneysiiyay weerarkii ay ku hayeen Shabaabka ku sugan deegaankaasi oo 30km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Buuloburde.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ay tan iyo Sabtidii dhowr jeer hore ugu siqeen deegaankaasi, isla-markaana ay ku dhawaadeen afaafka hore ee Aboorey, laakiin lagu khasbay in ay dib u soo gurtaan, mar kasta oo la soo riixana ay Shabaabku soo buuxinayeen difaacooda hore.
Ciidamada ayaa ka gudbi la’ dhufeysyada ay mintidiintu ku leeyihiin duleedka deegaankaasi, taas oo ka hortaagan baa la leeyahay in ay gaaraan gudaha Aboorey.
Ciidamada ayaa waxaa muuqato in ay dhibaato badan ka marayaan, sidii ay foodda u gelin lahaayeen deegaankaasi, iskaba dhaaf in ay ka saaraan kooxaha argagixisada.
Tani ayaa ah natiijada ka dhalatay ciidamada oo 16-kii bishii April si lama filaan ahayd uga soo baxay deegaankaasi, iyagoo xaalad ciriiri ah geliyay Shabaabka oo 6-dii bishaasi la wareegay Aboorey.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ayaa April 8-deedii weerar culus ku qaaday deegaankaasi, waana laba cisho uun ka dib, markii ay Shabaabku qabsadeen deegaankaasi. Ka dib maalmo xiriir ah oo ciidamadu ay maleeshiyadaasi kula dagaalamayeen gudaha Aboorey, isla-markaana ay ku go’doomiyeen mid ka mid ah xaafadaha Aboorey ayay ugu dambayn si kedis ahayd uga soo baxeen deegaankaasi, iyaga oo aan xaqiijin hadafkii ay markii horeba u weerareen, oo ahayd in ay ka saaraan colkaasi.
Dad badani ayay la yaab ku noqotay sababta ay ciidamadu dib uga soo gurteen deegaankaasi, iyadoo welibana aysan jirin wax khatar ah oo iyaga ka dhan ah, aan ka ahayn inay iyagu culeys ku hayeen Shabaabkii soo hujuumay deegaankaasi.
Ma jirto cid sheegi karta goorta ay ciidamadu deegaankaasi ku soo celin doonaan gacanta qaranka.
Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad al-shabaab ah
Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu al-shabaab u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku fuliyaan iyo kuwa ka cilladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayay aragixisada.
Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Zoobbe 2 oo dhacay 29-kii oktoobar 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay.
Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayay horjooge lagu magacaabo Khaalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa al-shabaabnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Argagaxisada.
Waxa uu la shaqeeyay xukunsanayaal ku jira xabsi dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.
Horjoogahaan, ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay 19-kii septembar ee 2024, iyadoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado qaraxyo.
Maaddeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya barrow Shabeelada hoose, si uu al-shabaab ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maaddeey Cabdi Xuseen.
Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo al-shabaab ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.
Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Al-shabaab iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn shalay ku kala xukuntay.
– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey. maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in.
– Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi argagixiso ah.
– Ciisa Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay hal sano oo Xabsi Argagixiso ah.
– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
Ruushka iyo Ukraine oo ku fashilmay in la gaaro heshiis xabad joojin ah
Dowladda Turkiga ayaa gelinkii dambe ee Isniintii martigelisay kulankii labaad ee tooska ahaa ee lagu wada hadashiinayo Ruushka iyo Ukraine, isla-markaana ay labada dhinac yeeshaan, markii ugu horreysay muddo saddex sano ah.
Wada hadalkan ayaa daba socday mid kale oo labada dhinac ay 16-kii bishii May ku yeesheen dalkaasi Turkiga, si xal loogu helo dagaalka Ukraine.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa dhexdhexaadinayay wada hadalkii Isniintii oo ka dhacay Magaalada Istanbul, iyadoo wafdiga Ukraine uu hoggaaminayay Wasiirka Difaaca, Rustem Umerov, halka dhinaca Ruushkana uu horkacayay Vladimir Medinsky, oo ah La taliyaha Madaxweyne Vladimir Putin.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa in labada dhinac ay ka heshiiyaan dagaalka Ukraine oo bilowday, markii Ciidamada Ruushka ay ku duuleen dalkaasi 24-kii bishii February ee sanadkii 2022, ha yeeshee ay shuruudaha labada dowladood wiiqeen in la gaaro heshiiskii aadka loogu baahnaa.
Wafdiga Ruushka ayaa sheegay in keliya ay heshiiska nabadda aqbali doonaan, haddii Kyiv ay ka tanaasusho qayb ka mid ah dhulkeeda oo Moscow ay horaan ku dhawaaqday in la qarameeyay.
Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Moscow ay shuruud ku xirtay in la joojiyo dagaalka, oo ah in Ukraine ay ka tanaasusho Jasiiradda Crimea oo Ruushku uu la wareegay sanadkii 2014 iyo afar kale oo ka mid ah gobolada dalkaasi.
Baarlamaanka Ruushka ayaa bishii October ee sanadkii 2022 cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ay si rasmi ah uga mid noqdaan dhulweynaha Ruushka, taasoo ay Kyiv ka hortimid.
Ergada Ukraine ayaa ku celiyay inaysan aqbali karin shuruudda Ruushka, maadaama ay la mid tahay, sida iyaga oo is dhiibay oo kale.
Ciidamada Ruushka ayaa dagaalka ku qabsaday boqolkiiba labaatan (20%) oo dhulka Ukraine ah, iyadoo Kyiv ay diidan tahay in ay ka tanaasusho dhulkaasi laga qabsaday.
Wada hadalka ayaa socday hal saac oo keliya, waxayna wufuuddu ku guuldareysteen in laga faa’iideysto in la gaaro heshiis xabad joojin ah, maadaama aanay jirin cid sheegi karta goorta la isugu iman doono wada hadalka xiga.
Inkastoo aan la gaarin heshiis xabad joojin ah, haddana labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la is dhaafsado maxaabiista dagaalka, gaar ahaan kuwa ay da’doodu ka yar tahay 25-ka sano iyo meydadka 12,000 oo askari, oo ah askarta ku dhimatay dagaalka.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa kulankan ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, waxaana uu sheegay inuu rajeynayo in uu kulan isugu keeno Madaxweyneyaasha Ruushka, Vladimir Putin, Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Mareykanka Donald Trump.
Madaxweyne Trump ayaa muddooyinkanba dhiggiisa Ruushka ku cadaadinayay in Moscow ay ogolaato in xabad joojin laga sameeyo dalka Ukraine.
Madaxweyne Zelensky ayaa dalbanayay in ugu yaraan la xaqiijiyo xabad joojin muddo bil ah, oo ay taageereen Trump iyo hoggaamiyeyaasha reer Yurub, laakiin aanu Putin soo dhaweyn.
Bill Gates oo $200 bilyan ku maalgelinaya Qaarada Afrika
Aasaasaha Microsoft. Bill Gates ayaa sheegay in hantidiisa oo dhan $200bn (£150bn) ay ku bixin doonto horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada Afrika 20-ka sano ee soo socda.
69-jirkan oo ka hadlayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa ugu baaqay hal-abuurka da’da yar ee Afrika inay ka fikiraan sidii loo dhisi lahaa Caqli Macmal ah (AI) si loo horumariyo daryeelka caafimaadka ee qaaradda.
Gates ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu bixin doono 99% hantidiisa faraha badan marka la gaaro 2045, marka oo uu qorsheynayo inuu soo afjaro howlihiisa.
Gates wuxuu sheegay in aasaaskiisa, oo taariikh dheer ku leh Afrika, uu diiradda saari doono horumarinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.
Marwadii koowaad ee hore ee Mozambique Graça Machel ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqistiisa, iyadoo sheegtay in ay ku soo beegantay waqti adag.
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay kaalmadii ay siin jirtay Afrika, oo ay ku jiraan barnaamijyo lagu daweynayo bukaannada qaba HIV/Aids, taasoo qeyb ka ah siyaasadda "America First” ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, taasoo sare u qaadeysa walaaca laga qabo mustaqbalka daryeelka caafimaadka ee qaaradda.
Farriin uu u diray hal-abuurayaasha da’da yar, maalqabeenka teknolojiyadda ayaa xusay in taleefannada gacanta ay isbeddel ku sameeyeen bangiyada Afrika, wuxuuna ku dooday in AI ama caqliga macmalka ah hadda loo isticmaalo faa’iidada qaaradda.
Mu’asasada Gates ayaa sheegtay in ay leedahay saddex arrimood oo kala ah: soo afjaridda dhimashada laga hortegi karo ee hooyada iyo dhallaanka, in la hubiyo jiilka soo socda in ay koraan iyaga oo aan la ildaran cudurrada faafa ee dilaaga ah, iyo in malaayiin qof laga saaro faqriga.
Haddii uu bixiyo boqolkiiba sagaashan iyo sagaal waxa uu Gates noqonayaa qofka shanaad ee ugu taajirsan adduunka sida laga soo xigtay Bloomberg.
Gates wuxuu aasaasay Microsoft 1975, shirkaddu waxay si dhakhso ah u noqotay xoogga ugu sarreeya ee software iyo warshadaha kale ee teknolojiyadda.
Gates ayaa si tartiib tartiib ah uga baxay shirkadda tobannaankii sano ee la soo dhaafay, isagoo iska casilay madaxii fulinta ee shirkadda sanadkii 2000 iyo weliba xilka guddoomiyenimada sanadkii 2014.
Israel oo 24 qof Falastiiniyiin ah ku dishay xero gargaar lagu iibiyo oo Qaza ki taalo
Agaasimaha Guud ee cisbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa sheegay in 24 qof ay dhinteen 37 kalena ay ku dhaawacmeen "kaddib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo gargaar ku sugayay Rafah.
Waxa uu sheegay in dhamaantood la geeyay cisbitaalka, ayna u badan yihiin dhaawacyo rasaas ah.
Ciidammada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in ay rasaas rideen kadib markii uu "tuhun” ka abuurmay meel u dhow goob gargaar lagu qaybinayay, ayna ka warheleen khasaaraha ka dhashay.
Qaar ka mid ah markhaatiyaasha ayaa sheegay in dadku ay isugu jireen haween, carruur iyo waayeel, kuwaas oo sugayay in ay helaan raashin iyo biyo, kuwaas oo aad ugu baahnaa. Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee goobta ku sugnaa ayaa sheegay in rasaastu ay si lama filaan ah u bilaabatay, iyadoo aan wax digniin ah la bixin.
Hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadan, iyaga oo sheegay in ay ka walaacsan yihiin badqabka dadka rayidka ah ee ku sugan Rafah iyo guud ahaan Marinka Qaza. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, isla markaana aysan beegsatin goobaha gargaarka iyo dadka rayidka ah.
Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirada dhaawacyadu ay kordhi karto, maadaama qaar ka mid ah dadka la toogtay xaaladoodu ay aad u liidato. Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka in ay si degdeg ah gargaar caafimaad u fidiyaan dadka waxyeelladu soo gaartay.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xaaladda bini’aadanimo ee Qaza ay sii xumaanayso, waxaana dadku la daalaa dhacayaan cunto yari, biyo la’aan iyo adeegyo caafimaad oo xaddidan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-06-25
.......