halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02-06-25

0
Monday June 02, 2025 - 09:47:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02-06-25

    ...........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...........

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa toddobadyadii la soo dhaafay ku howlana wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururada siyaasada, iyo bulshada rayidka.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

Iyadoo oo la tixgelinayo, muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah oo ku dhisan xeelinta danta guud, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaaryo shirkaan isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dawladda dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixi-sada, Dimuqraadiyanta iyo Dorashoyinka, Dhameytstirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.

Haddaba waxaa laga codsan-ayaa siyaasinta iyo hogami-yeyasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalín mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuummadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.

Arrimaha farsamada ee gogoshaa iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamud oo ay Xukuum-adda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkas oo uu ku tagayo casumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxwaynaha Dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dalka Jabuuti, ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid yihiin;

Amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dalka iyo dadkaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip