halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 31-05-25

0
Saturday May 31, 2025 - 09:01:05 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 31-05-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Waa kuma guddoomiye Muungaab?

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) u magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Guddoomiye Mungaab ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, asagoo soo noqday guddoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka Sida, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale muddo dheer wuxuu ka soo shaqeeyay hay’adaha garsoorka dalka iyo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Dhanka waxbarashada, waa sharciyaqaan shahaada sare ee PHD ka qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, iyadoo sidoo kale dhammaan heerar kala ee jaamacadahana uu ku qaatay isla dalkaasi Suudaan.

Mungaab wuxuu sidoo kale muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada isagoo qayb ku lahaa dib u soo noolaynta waxbarashada dalka burburkii ka dib.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa lagu xasuustaa inuu shaqooyin badan oo wax ku ool ah uu ka soo qabtay maxkamada ciidanka qalabka sida iyo gobalka Banaadir.

Wasiirka Hawlaha guud XFS oo uu weheliyo Safiirka Soomaliya u fadhiyo Nairobi oo ka qayb galay shir caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 2-aad ee UN-Habitat oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Shirkan, oo ah mid heer caalami ah, ayaa la qabtaa afartii sanno ba mar, waxaana sanadkan inta uu socdo diiradda lagu saaraa qorshe-hawleedka saddexda sano ee soo socda ee UN-Habitat. Sidoo kale, shirkan waxaa lagu dooran doonaa hoggaanka sare iyo Golaha Fulinta ee hay’adda UN-Habitat.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd Golaha Fulinta iyo hoggaanka sare ee UN-Habitat, si dalka uga faa’iideysto fursadaha horumarineed ee ay bixiso hay’addan caalamiga ah.

UN-Habitat (United Nations Human Settlements Programme) waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka magaalooyinka, qorsheynta dhulka, iyo horumarinta degmooyinka si waafaqsan nolol waarta, koboc bulsho iyo horumar dhaqaale.

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Maraykanka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hawlgallada ciidan ee wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo adkeynta wadashaqeynta labada dhinac ee dhanka difaaca iyo amniga ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay doorka muuqda ee Dowladda Mareykanka ay ka qaadato taageerada dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada Al-shabaab Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo xusay in iskaashigaas uu muhiim u yahay xasilloonida iyo amniga dalka iyo kan gobolka.

Wasiirka howlaha guud oo kulan la yeeshay madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo bangiga adduunka, iyadoo si gaar ah loo lafaguray horumarinta mashaariicda bangiga uu ka taageero Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada Nagaad iyo Shiib.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo hannaanka fulinta mashaariicda hadda socda, si waafaqsan qorshayaasha iyo jadwal sanadeedka ee horey loo dejiyey, iyadoo la dardargelinayo habraacyada hirgelinta si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda muddada dhow iyo tan fogba.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la kordhiyo taageerada la xariirta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida waddooyinka, biyo-mareennada iyo mashaariicda horumarineed ee saldhigga u ah kobaca dhaqaale, horumarka bulshada iyo kor u qaadista isku xirnaanta gudaha dalka.

Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo yididiilo weyn oo ku aaddan sare u qaadidda iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Wasaaradda hawlaha guud iyo bangiga adduunka, taas oo horseedi karta horumar la taaban karo oo dalka ka hirgala.

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka difaaca Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo wafdi uu hogaaminayay oo uu ka mid yahay, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, kor u qaadidda tayada iyo tababarada. Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), iyo adkeynta taageerada joogtada ah ee Dowladda Talyaanigu ay ka qaadato dagaalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Shir looga hadlayo qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta holaha qabanqabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hay’adaha Kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa shalay gargaar loogu tala-galay shacabka saameenta ka soo gaartay dagaalada al-shabaab lagula jiro ee ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay u dirtay 10-gaari oo sida shixnad raashin ah.

Gargaarkaan ayaa si gaar ah ugu wajahan deegaanka lamabar-50 iyo tuulooyinka ku xeeran, waxaana Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Lix kun (6,000) oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyaha deegaanka Lambar Konton iyo Iskuduwaha gargaarka gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha SoDMA oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka tabaalaysan ee cadowga deeganadoodii iyo beerahoodii ka soo barakiciyay, waxaana uu u mahadnaqay dowladda Shiinaha oo dhawaan gargaarkaan dalkeenna keentay.

Ganacsato Soomaali ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Dalka Jabuuti iyo ganacsato Soomaali ah ayaa caasimadda dalkaasi ku soo gabagabeeyay shir looga hadlaayey sidii qurba-joogta Soomaalida ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Dalka Jabuuti.

Kulankaasi oo ay soo abaabuleen Wasiirka Ganacsiga Jabuuti iyo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga, waxaa ka qeybgalay 30 xubnood oo ka socday ganacsatada Soomaalida eek u dhaqan Dalka Mareykanka.

Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye iyo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Yuusuf Muuse Dawaali oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhoweeyay ganacsatada Soomaalida ah, iyagoo sharaxaad ka siiyay fursadaha shaqo ee ka bannaan dalkaasi jabuuti.

Qaar kamid ah ganacsatadasi oo iyaguna hadlay ayaa ka dalbadan dadka Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti, halkii ay dhaqaalahooda galin lahaayeen dalal kale.

Mas’uuliyiinta Ciidanka Boliiska oo Muqdisho ku yeeshay kulan la xiriiray amniga dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir looga hadlay amniga la qaatay Hogaanada, Taliyaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliska.

Kulankaasi oo lagu dhageystay warbixinno ka hadlaya amniga dalka, waxaa la is-tusay in dardar horleh la galiyo dadaalada lau xoojinaayo soo celinta nabadda iyo xasilinta dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa saraakiisha amniga faray dhaqan gelinta qorshaha horumarinta Amniga, isagoo ku baaqay in laga hortago falalka guracan ee kooxaha Khawaariijta ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Militariga Talyaaniga oo Muqdisho soo gaaray

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ahna ku simaha Taliyaha CXDS, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa shalay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaminaayo Taliyaha Ciidanka Milatariga Dowladda Talyaaniga Generaal Luciano Portolano.

Soo dhoweyn kadib labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga labada Ciidan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Shirweynaha madasha garsoorka 6-aad oo shalay la soo gaba gabeeyey

Waxa si guul ah shalay u soo gaba gaboobay madasha 6-aad ee shirweynaha garsooreyaasha oo mudo laba maalmood ah ka socday Muqdisho.

Intii ay socotay Madasha, waxaq diiradda lagu saaray arrimo mudnaan u leh adeeg bixinta iyo tayeynta hay’adaha garsoorka dalka, iyadoona lagu soo bandhigay soo-jeedinno qiimo badan iyo doodo furan oo lagu gorfeeyay caqabadaha heysta shaqada garsoorka iyo fursadaha dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda.

Ugu dambeyn madasha waxaa soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed isago bogadiyay gudigii soo qabanqabiyay iyo guud ahaan Garsoorayaashii iyo martidii ka soo qeybgashay Madasha.Ujeedka Madasha ayaa ah in la xoojiyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Garsoorka ee madaxbannaanida, hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Odaw Yusuf Rage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General Luciano Portolano, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada labada dal. Taliyaha CXDS ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan dhanka tababarka iyo tayeynta ciidanka.

Kulanku wuxuu muujinayay muhiimadda iskaashi dhow oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga si loo xoojiyo amniga iyo nabadda dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabbilay hoggaamiyaha Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hogaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi iyo sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulka khaatumo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

In ka badan 20 dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyootay Badda u dhaxaysa Spain iyo Algeria

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 20 qof oo tahriibayaal Soomaali ah oo u badan dhallinyaro da'yar ah ayaa ku geeriyootay badda Mediterranean-ka, kuwaas rajo ka qabay iney gaareen Jaziiradda Palma ee dalka Spain.

Dhalinyaradaan tahriibka ahaa ayaa ka ambabaxay dalka Algeria, waxaana lasoo wariyay iney u geeriyoodeen gaajo iyo haraad, kadib markii doontii yareyd oo ay la socdeen ay ku degtay badda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba qof oo kaliya ka badbaaday doonta degtay, kuwaas oo da’doodu ka yar tahay 18 sano, waxaana badbaadiyay markab ganacsi oo halkaas marayey kadib markii ay dhawr maalmood dul socdeen badda cunto iyo biyo la’aan.

Kooxaha qaabilsan adeegyada degdega ah ee Jasiiradda Palma ayaa xaqiijiyay in labada caruurta ee la badbaadiyay oo aan qaan gaarin ay hadda helayaan daryeel caafimaad iyo taageero maskaxeed oo deg deg ah.

Masuuliyiinta dalka Spain ayaa billaabay baaritaan ay ku ogaanayaan dadka dhintay, islamarkaana ay ku ogaanayaan tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan baxitaanka doonta iyo xaaladihii keenay musiibada dhacday.

"Tani waa xusuus kale oo qalbi jabin leh oo ku saabsan khatarta muhaajiriinta ay la kulmaan marka ay ka soo cararaan faqriga, colaadaha, iyo xasilloonida cimilada," ayuu yiri afhayeen u hadlay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Waddada Bartamaha Mediterranean-ka ayaa weli ah mid ka mid ah waddooyinka socdaalka ugu dhimashada badan adduunka, waxaana sanad kasta ku dhinta kumanaan muhaajiriin ah oo badankoodu ka taga dalalka geeska Afrika.

Golaha wasiirrada oo shalay ka hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo al-shabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha al-shabaab ah oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo badan.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta siyasada jangoynta darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.

Toban al-shabaab ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan

ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa kacdoonka shacabka ee macawiisleyda gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa shalay lagu beegsaday fariisin ay al-shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-dheere oo qiyaastii 8-km u jirta magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah dedaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab, waxaanu muujinayaa kartida iyo feejignaanta ciidanka xoogga dalka iyo shacabka deegaanka ee garabkooda ah.

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay kulan ku saabsanaa qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada bariga Afrika (2026–2031)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan wadatashi oo laba cisho socday, kaas oo lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahayd diyaarinta Qorshaha 7-aad ee Horumarinta Bulshada Bariga Afrika (EAC Development Plan 2026–2031).

Kulankan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan hay’adaha dowladda ee khuseeya arrimaha horumarinta, waxaana si wadajir ah loogu gogol xaaray aragtida iyo mudnaanta ay Soomaaliya dooneyso in lagu daro qorshaha cusub ee Bariga Afrika.

Intii uu socday kulanka, hay’adaha dowladda waxay soo bandhigeen halbeegyo iyo hortabinno qaran oo la jaanqaadaya himilooyinka horumarineed ee Soomaaliya shanta sano ee soo socota.

Mas’uuliyiintii shirka ka qeybgalay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashi qaran iyo mid goboleed si Soomaaliya uga mid noqoto geeddi-socodka horumarineed ee Bariga Afrika.

SoDMA iyo QM oo yeeshay kulan looga hadlayay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalkeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee heysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda.

Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada bani’aadannimo guud ahaan dalka.

SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta caalamiga ah si loo dhiso nidaam bani’aadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.

Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Sami Abu Zuhri ayaa sheegay in kooxda hubeysan ee Falastiin ay diidi doonaan soo jeedintii Mareykanka ee xabbad joojinta cusub ee Gaza iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha.

Mas’uulkan ka tirsan Xamaas ayaa xaqiijiyay in aysan ku qanacsaneyn soo jeedintaasi, isla markaana ay ka maqan yihiin shuruudihii muhoiimka ahaa sida joojinta dagaalka iyo qodobbo kale..

Hoggaanka dhaqdhaqaaqa ururka Xamaas ayaa daraaseynaya jawaabta ku habboon soo jeedinta mareykanka ee ay taageereen Israel,waxaana la filayaa in shalay ama berri ay soo baxaan jawaabo dhameystiran oo khuseeya go’aanka ururkaasi ee dhinaca xabad-joojinta cusub.

Illaa hadda si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta hindisahan cusub,waxaana arrimaha ay doonayaan xamaas kamid ah in Israel ay joojiso dagaalka ay ku hayso Qaza, in ay ciidamada Israa’iil ka saarto dhulka go’doonsan iyo in gargaarku si xor ah u galo dhulka ay dagaalladu aafeeyeen.

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Kenya

Madaxwenaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Moses Masika Wetang’ula. Kulankaasi oo ay kaga wada hadleen iskaashiga dhanka dimuqraadiyadda iyo nabadda.

Madaxweyne Cirro oo weli ku sugan dalka Kenya, halkaas oo uu ku joogo safar shaqo oo rasmi ah, ayaa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kulan midho-dhal ah la yeeshay Guddoomiye Wetang’ula, waxaana kulanka goob joog ka ahaa masuuliyiin labada dhinac ah.

"Qodobbada ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa: Iskaashiga baarlamaanada, in la helo dariiqooyin lagu xoojin karo xidhiidhka sharci-dejinta ee Somaliland iyo Kenya, iyadoo loo marayo wadahadallo, booqashooyin rasmi ah, is-weydaarsi aqooneed, iyo iskaashi hay’adeed,” ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen kor u qaadista hannaanka dimuqraadiyadda, iyaga oo isla gartay muhiimadda ay leedahay wadaagista khibradaha ku saabsan dhaqan-galka dimuqraadiyadda, horumarinta nidaamka doorashooyinka, iyo korjoogteynta shaqada baarlamaanada.

Waxyaabaha muhiimka ah ee ay isla faaqideen waxa kale oo ka mid ahaa xasilloonida iyo horumarka gobolka, gaar ahaan sidii loo adkayn lahaa doorka ay goleyaasha sharci-dejintu ku leeyihiin nabadda, amniga, iyo horumarka waara ee guud ahaan Geeska Afrika.

"Waxay ka wada hadleen taageerada geedi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuxuu muujiyay farxaddiisa ku aaddan sida Kenya u fahansan tahay uguna garawsatay horumarka siyaasadeed iyo kan dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Somaliland,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Guddoomiye Wetang’ula uu caddeeyay in Golaha uu hoggaamiyo diyaar u yahay inuu hirgeliyo dhammaan tallaabooyinka iyo heshiisyada ay labada xukuumadood (Somaliland iyo Kenya) ku heshiiyaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa wali ku sugan safarkiisii shaqo ee Kenya, halkaas oo uu ka furay xafiiska Somaliland oo heerkiisa la horumariyay, isla markaana loo dhisay dhisme cusub. Sidoo kale, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Madaxda Somaliland iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta ganacsiga, nabadda, iyo la dagaallanka argagixisada

Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Sida uu baahiyey xafiiska madaxtooyada Somaliland, labada hoggaamiye waxay diiradda saareen iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, hormarinta dhaqaalaha, iyo isu-socodka diyaaradaha.

"Xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortaga xagjirnimada, io tagerida dadallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika,” ayay madaxtoyadu sheegtay in labada madaxweyne si qoto dheer uga wada hadleen.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen iskaashiga waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awod-dhisidda hay’adaha dowliga ah, iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

"Kulankaasi wuxuu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku dhisan taariikh fac weyn, is-ixtiram, dano wadaag, iyo aragti mideysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada,” ayay madaxtooyadu sii raacisay.

Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray xafiis diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ka furatay dalka Kenya. Xafiiskaas ayaa si rasmi ah loo furay daraad, inkasta oo dowladda Kenya tiraba laba jeer walaac ka muujisay kor u qaadista meeqaamka xafiiskaasi.

Marka laga yimaado walaaca dowladda Kenya ka qabto arintan, hadana munas-abada furitanka xafiiska Somaliland waxa ka qaybgalay xildhibaanno, badhasabo, iyo madax kale oo ka socotay dowlada Kenya.

Maraykanka oo sheegay inuu danihiisa ku ilaalsado gargaarka uu dibadda u diro

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Senator Marco Rubio, oo ku caan baxay aragtidiisa adag ee siyaasadda arrimaha dibedda, ayaa sheegay in gargaarka dibadda ee Mareykanka uusan ahayn sadaqo ama wax la iska bixiyo, balse uu yahay qalab istaraatiiji ah oo lagu ilaalinayo danaha Mareykanka.

Hadalkan oo si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada ayaa ka tarjumaya aragtida siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, kuwaas oo aaminsan in gargaarka la siiyo dalalka kale aanu ku salaysnayn oo kaliya bani’aadanimo ama xiriir diblomasiyadeed, balse uu si toos ah ugu xiranyahay danaha istaraatiijiga ah ee dalka sida amniga ganacsiga iyo saamenta siyaasadeed ee caalamka.

Rubio wuxuu ku baaqay in dib loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka iyo kharashaadka gargaarka dibedda, si loo hubiyo in lacagaha la geliyo ay dhab ahaantii soo celiyaan faa’iidooyin muuqda oo istaraatiiji ah oo dalka Mareykanka dan u ah.

Dalal badan oo Somalia ka mid ah ayaa ka faa’iideysta gargaarka Mareykanka, hase yeeshee hadalkan ayaa muujinaya in aysan jiri doonin gargaarka aan lagu xisaabtamin, balse looga baahan yahay in uu la jaanqado qorshayasha siyasaded iyo danaha Marekanka e gobolka io caalamka.

Sanadkan, Mareykanka ayaa si lama filaan ah u hakiyay barnaamijyo badan oo gargaar bini’aadantinimo oo caalami ah, isagoo joojiyay in ka badan 90% barnaamijyada USAID ee dibadda. Tani waxay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid kaalinta Mareykanka ee gargaarka bini’aadantinimo ee dunida.

Mareykanku wuxuu ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadantinimo ee caalamiga ah, isagoo bixiya ilaa 40% gargaarka la diiwaangeliyay ee Qaramada Midoobay sanadkii 2024.

Ciidamo maleyshiyaad ah oo weerar ku qaaday Xabsiga Dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland

Ciidamo maleyshiyaad ah ayaa lagusoo waramayaa inay weerareen xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, halkaas oo ay ku xiran yihiin dad u xukuman dambiyo waawayn.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleyshiyaadka hubeysan ay damacsanaayeen inay si xoog ah uga soo furtaan maxaabiis ku xiran xabsiga, taasoo sababtay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in rasaastu hadda istaagtay, hase yeeshee wali lama xaqiijin in maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday ay ku guuleysteen inay la baxaan maxaabiista ay doonayeen. Sidoo kale, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay israsaasayntan.

Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo ayaa horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro la mid ah midkan. Waxaana la rumeysan yahay in halkaasi lagu xiro dambiilayaal ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho. Inta badan maxaabiista xabsigan ku xiran ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira muqadaraad iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil.

Afar bilood ka hor ayay ahayd markii weerar la mid ah midkan lagu qaaday xabsiga Gaalkacyo, iyadoo maleyshiyaad doonayay inay si xoog ah u sii daayaan maxaabiis uu sababay weerarkaasi dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.

Safiirkii hore ee Mareykanka oo ka digay kala qeybsanaanta Qabiilka inay khatar ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya

Larry Andre, danjirihii hore ee Mareykanka u joogay Soomaaliya intii u dhaxeysay Febraayo 2022 ilaa May 2023, ayaa ka digay in xifaaltanka qabiilka iyo iskahorimaadyada siyaasadeed ee gudaha ay yihiin caqabado waaweyn oo hortaagan in Soomaaliya nabad iyo xasillooni waarta lagu gaaro

Wareysi uu siiyay wargeyska The Washington Post, Andre waxa uu tusaale cad u soo qaatay rabshadihii la xiriira doorashada ee dhacay Sanadkii 2022, waxaana ku tilmaamay inay ahayd khatar weyn oo dhinaca xasiloonida ah.

"In kasta oo la isku dayay in la handado midnimada Soomaaliya, saameynta sii jirta ee kala qeybsanaanta qabiilka ayaa weli halis gelinaysa horumarka nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya." ayuu yiri Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya.

Danjirihii hore ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiradda saarayo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha ayna midaa ka weecisay wax ka qabashada khataraha argagixisada iyo dhismaha dowladnimo wada jir ah.

Hadalka Andre ayaa ku soo aadaya iyadoo Soomaaliya ay ku soo wajahan tahay marxalad xasaasi ah oo ay ku jiraan doorashooyinka soo socda iyo caqabadaha amni ee joogtada ah oo ay geysanayaan Al-Shabaab.

Mareykanka oo ah saaxiibka muhiimka ah ayaa walaac ka muujiyay siyaasadda jilicsan ee Soomaaliya, gaar ahaan markii ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan hanaanka doorashada.

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya

Madaxweynaha Somaliland, abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweyne Cirro oo hadal ka jeediyay munaasabad xadhigga lagaga jarayay xafiis wakiileed cusub oo ay Somaliland ka furatay magaalada Nairobi, ayaa sheegay inay isla fahmeen arrimihii ay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweyne Ruto.

"Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, oo shalay si walaaltinimo iyo kalgacal leh noogu soo dhaweeyay madaxtooyada. Waxaanu ka wadahadalnay danaha labada dal, si wanaagsanna waan iskula afgaranay," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xidhiidh qadiimi ah oo muddo 200 sano ah soo jiray uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Kenya, isagoo xusay in dad badan oo reer Somaliland ah ay ku nool yihiin Kenya, halka qurbajoog Kenyan ah oo lagu qiyaaso 10,000 qof ay deggan yihiin Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii la doortay sheegay in xukuumaddiisu xoogga saari doonto xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka gobolka, oo ay Kenya ku jirto. Sidoo kale, Kenya waxay sannado ka hor wakiil usoo magacawday Somaliland, inkasta oo xafiiskiiskeeda Hargeysa aanu si rasmi ah u hawlgelin weli.

Kadib markii Madaxweyne Cirro u safray Nairobi, dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraallo ay ku muujinayso taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, taasoo lagu fasiray inay kaga fogaaneeyso in uu khilaaf soo kala dhex galo dowladda Soomaaliya.

Marka laga yimaado xidhiidhka Soomaaliya, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa qoraallada kasoo baxay dowladda Kenya ku tilmaamay kuwo lagu raalli-gelinayo dowladda Shiinaha, oo maalgelin ballaadhan ka samaysay Soomaaliya, isla markaana ka soo horjeeda xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Taiwan.

Midowga Yurub oo si adag uga horyimid, waxa Israel ka waddo Gaza

Midowga Yurub ayaa Israel ku eedeeyay in ay awood xad dhaaf ah u adeegsaneyso hawlgalkeeda militari ee Gaza, oo ay ku dhimanayaan dad fara-badan oo shacab ah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in weerarada xagga cirka ah Israel ee Gaza ay dhaafsiisan yihiin, waxa lagama maarmaanka u ah in lala dagaalamo Ururka Xamaas.

Waxay sheegtay in Israel ay ka gudubtay heerka lagu sifeyn karo in ay ciidamadeeda dagaal kula jiraan ururka hubeysan ee reer Falastiin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, Ciidamada Israel ayaa dilay 54,084 qof, halka 123,308 kalena ay dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaa sheegtay in afar kun oo qof oo keliya la dilay, wixii ka dambeeyay 18-kii bishii March, markaas oo Israel ay jebisay xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.

Dhanka kale Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uusan taageersaneyn qaabka cusub ee Israel dooneyso in gargaar qaybinta looga sameeyo gudaha Gaza.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa sameysay NGO ay u xulatay keenista gargaarka iyo inay ka qaybiyaan gudaha Gaza, iyadoona ay horey uga horyimaadeen Qaramada Midoobey iyo dalal uu Shiinaha ka mid yahay.

Hay’addan oo lagu magacaabo Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ayaa ka duwan Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada, marka aad eegto kalsoonida lagu qabi karo madaxbannaanideeda & dhexdhexaadinmadeeda iyo inaysan ku shaqeynaynin mabaadi’da aasaasiga u ah hay’adaha bani’aadantinimada.

Kaja Kallas ayaa Israel ku dhaliishay in ay hortaagan tahay in kaalmada bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee u baahan ee ku nool Marinka Gaza.

Haweeneydan ayaa carabka ku adkeysay in Midowga Yurub uusan taageeri doonin qaabka cusub ay Israel riixeyso in gargaarka looga qaybiyo Gaza.

"Ma taageerayno in si gaar ah loo wareejiyo qaybinta gargaarka bani’aadantinimo. Gargaarka bani’aadantinimo hub ahaan looma adeegsan karo.” Ayay tiri Kaja Kallas.

Midowga Yurub ayaa wuxuu ka mid yahay deeqbixiyeyaasha gargaarka ugu badan siiya dadka reer Gaza, haddana haweeneydan ayaa sheegtay inaysan awoodin in gargaarkooda uu gaaro dadka gaajada ugu dhimanaya dhulka go’doonsan.

"Gargaarka ugu badan ee Gaza waxaa bixiya Midowga Yurub, haddana lama gaarsiin karo, maadaama ay Israel xanibtay.” Ayay tiri Kaja Kallas.

Kaja Kallas ayaa walaac ka muujisay in iyadoo gargaarka la heli karo, asbaabta ay Israel ku diidan tahay in uu gaaro shacabka gaajeysan.

"Dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah waa mid aan la sii wadi karin.” Ayay Kaja Kallas ku xoojisay hadalkeeda.

Hadalkeeda ayaa yimid, maalin uun ka dib, markii Raysal Wasaaraha cusub ee Jarmalka, Friedrich Merz uu sheegay inaanu fahmi karin ujeedooyinka ay Israel u go’doomineyso Gaza.

Mr. Merz ayaa sheegay in qaabka ay Israel ula dhaqmeyso dadka rayidka ah aan qiil loogu heli karin inuu yahay dagaal ka dhan ah buu yiri argagixisada Xamaas.

Jarmalka waa dalka ugu weyn Midowga Yurub ee taageera Israel, waxaana hadalka hoggaamiyahooda cusub uu muujinaya inaanay intaan ka dib reer galbeedku ka sii aamusnaan karin dembiyada dagaal ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip