halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-06-25

0
Sunday June 01, 2025 - 08:50:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-06-25

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleefanka kula galay Madaxweyne Erdogan

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga miro-dhalka dadaallada nabadda iyo wada-hadalka ee ku aaddan PKK, isagoo bogaadiyey doorka firfircoon ee dowladda Turkiga ay ka qaadato taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale adkeeyey in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta siinaysa mashaariicda hormarineed iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhiban Hon Mohamoud Adan Geesood, ayaa ka qeyb-galay Shirka meertada 46-aad ee Golaha qeybaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga (SCTIFI), kaasoo socday intii u dhaxeysay 26-kii illaa 30-kii May 2025 xarunta EAC ee Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo la raacayo qorshaha jadwal sanadedka ee Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka ayaa lagu qabtay saddex kalfadhi oo heerar kala duwan oo ay ka soo bilowdeen Madax sare oo heer farsamo ah, waxaana ku xigay Xoghayayaasha Joogtada ah iyo Agaasimeyaasha Guud, waxaana lagu soo gabagabeeyay heerka Wasiirada EAC, sido kale Goluhu wuxuu diiradda saaray kobcinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada ganacsiga, warshadaha, maaliyadda, iyo maalgashiga Bariga Afrika.

Intii uu kulanka socday ayaa Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay xog-wareysi heer qaran ah, iyadoo lagu faah faahiyay horumarka laga gaaray hirgelinta Roadmap-ka EAC, waxaana lagu soo bandhigay guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray qorshaha dib u habeynta ganacsiga, Ka-qaybgalkaani waxa uu calaamadeeyay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta, iskaashiga ee dalalka xubnaha ka ah EAC.

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha io Waraabka JFS, Mudane Asad Abdirisaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee uga qeyb-galaya shirka ( IFAD Innovation Day 2025) oo ay soo agaasintay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD. Kulankaan oo sanadle ah ayaa lagu soo bandhigaa hal-abuurada guulaystay sanadkaas gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh wax soosaarka cuntada dunida.

Qeyb ka mid ah kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurka ay dowladuhu hormuud ka ka yihiin, gaar ahaan dalalka nugul, waxaana Wasiir-dawluhu furay doodda "Government-Led Innovation in Fragile Contexts” isaga oo carrabka ku adkeeyay in hogaaminta xukuumaddu, marka ay ka amba-qaaddo baahida bulshada isla markaana ay la shaqeyso, la-hawlgalayaasha iyo khubarada caalamiga ah, ay horseedi karto isbadel muuqda oo xoojiya adkeysiga nidaamyada cuntada iyo kobaca dhaqaalaha dalalkaas.

Wasaaradda Beeraha & Waraabka waxay sidoo kale kasoo muuqatay dhammaan wejiyada shirweynaha sida dood-furan la xiriirtay doorka dowladuhu ku leeyihiin kobcinta hal-abuurka xilliyada nuglaanta iyo Bandhiga Marketplace-ka IFAD oo ay Xarunta Hal-abuurka Wasaaradda ee CIAD kusoo bandhigtay hal-abuuradi iyo fikradihi guulaystay ee ay taageereen barnaamijyada iyo mashaariicda Wasaarada sida mashruuca RLRP.

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furtay Imtixaanka qoraalka ee Xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Guddiga oo ay markii hore soo codsadeen shaqadiisa 302 muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa waxaa shuruudaha buuxiyey oo kala xulidda Guddiga madaxa bannaan ee xulista kasoo gudbay 58 qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Gudomiyaha Guddiga Madaxa bannaanaa ee soo xulayey musharaxiinta guddiga Mudane Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Guddiga soo xulista musharaxiinta ayaa la weydiiyey su’aal ku aadaneyd sharuudaha iyo habraacyada guddigooda xulista ay musharaxiinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka kusoo xusheen ayaa sheegay in ka sokow aqoonta shahaadada heerka sare uu qofka xil dowladeed haya ee xubinnimada guddigan isku soo sharaxaya uu ugu horeyn iska soo casilayo xilka ama shaqada uu ka hayo hay’ad dowladeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo iyana furidda imtixaanka kadib saxaafadda kula hadashay xarunta Jaamacadda ee Imtixaanka lagu qaadayey ayaa sheegtay in tallaabadan taariikhiga ah ee guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka si daah furan imtixaanka loogu galayo, waxaana ay nasiib wacan u rajeysay ka qeybgalayaasha Imtixaanka.

Imtixaankan qoraalka ah ayaa ah tallaabada labaad ee musharaxiinta guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayadoo tallaabadii koobaadna ay aheyd is diiwaan gelinta taasi oo ay isku soo diiwaan geliyeen 302 ruux, iyadoo tallaabada ugu dambeysa ay tahay imtixaanka afka ah.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo loo doortay Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa loo doortay Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025 ee ay bixiso African Leadership Magazine kadib codeyn dhanka online ka ah.

Cod-Bixintan oo ay ku tartamayeen Wasiirada Maaliyadda dalalka kala ah Somalia, Senegal, South Sudan, Egypt iyo Zimbabwe ayaa ugu dambeyn waxaa ku guulaysaty Soomaalia, taas oo muujinaysa awoodda ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin baraha bulshada, sidoo kale Abaalmarintan waxay tilmaamaysaa hoggaankiisa hufan ee dib-u-habaynta maaliyada, deyn cafinta iyo daahfurnaanta dhaqaalaha Soomaaliya ee uu muujiyay Wasiirka Maaliyadda XFS.

Wasiirku waxaa si rasmi ah loogu sharfayaa munaasabadda ABLA ee ka dhici doonta Africa Summit London 2025 bisha July.

Dhinaca kale masuulyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ugu horreeyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo dhamaan shaqalaha Wasarada ayaa hambalyo u diray Wasiirka Wasarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige

Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya oo booqasho sharafeed ku tegtay Safaaradda Soomaaliyau ee Kenya

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku qaabilay Danjire Ms. Namgya Khampa, oo ah Safiirka Safarada India u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya ee xilka ka degaysa, taasi oo booqasho sharafeed ugu tegtay Safiirka.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal, muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo India.

"Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya, waxaan u rajaynayaa Danjire Ms. Namgya Khampa mustaqbal wanagsan, waxaana uga mahad-celinayaa dedaalka ay muujisay muddadii ay shaqada ku jirtay.” Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay dadaal badan ku bixisay sare u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo India.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Yemen Amb. Mustafa Al-nucmaan.

Danjiraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta uu u sameeyay isagoo u ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.

Xildhibaan Buraale "Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo hawlgalka lagu cirib tirayo al-shabaab, xildhibaan Buraale ayaa isagoo furimaha hore ee dagaalka ku sugan bogaadiyey doorka ay dagaalka ka qaaten Ciidamada kala duwan ee dowlada iyo ciidanka deegaanka macawisleyda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Buraale ayaa sheegay in al-shabaab daciifeen iyagoo hadda maraya in ay afduubtaan hablaha taas oo muujinaysa awood darida ay wajahayaan” Al-shabaab waxa nacday bulshada Soomaaliyeed si gaar ah bulshada gobolka Hiiraan” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Dhinaca kale Xildhibaan Buraale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in la fashiliyey qorshe al-shabaab soo degtay” Al-shabaab waxay soo dageen qorshe ay culays dagaal ku saarayaan Hiiraan siiba degmada Moqokori, damacaas waxa fashiliyey geesiyaasheena oo difaacay sharafta deegaankooda”.

Ugu dambayn Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka uga mahadceliyey doorka garab istaaga ee uu la garab istaagay Ciidanka deegaanka macawisleyda oo door muhiim ah ka geystay dabar goynta Al-shabaab.

Kuraastii Xildhibaannimo ay ka Geeriyoodeen Khadiija Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey oo la buuxiyay

Guddiga Doorashada ayaa shalay waxa ay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku qabteen doorashada laba kuraas oo ka banaaneyd Golaha shacabka ayna ka geeriyoodeen Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhiban Seesey oo labudaba Geeriyoday sanadkii 2023.

Guddiga waxa ay shaaca ka qaadeen in Wiil uu dhalay Xildhibaan hore Seeysey iyo mid la dhashay Khadiija Diiriye ayaa buuxiyey Kuraastii ay ka geeriyoodeen Marxuumad Khadiija Max'ed Diiriye iyo Maxmuud Max’ed (Seesey) kadib markii Guddoonka Golaha shacabka uu codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo buuxiyo

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa shaaca looga qaaday in Shalay oo ay taariikhdu tahay 31’da bisha May 2025 ay xarunta baarlamaanka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib u buuxinta kuraasta ka bannaanaatay baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashada shalay dhacday ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno labada gole ee dowlada ee Hirshabeelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble.

Ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, waxaana Doorashada ay ud hacday hab xasiloon waxaana ku guuleystay musharraxiinta kala ah:

1- Hop097 - Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod.

2- Hop098 - Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 Cod.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Bishii December 2023 ku geeriyootay dalka Jabuuti waxaana ka horeeyay Xildhibaan Seeseey oo isla sanadkaas Bishii March geeriyooday ilaa xilligaasi waxa ay kurastii ay uga fadhiyeen Golaha shacabka uu ahaa kuwa banaan balse Guddoonka Golaha Shacabka uu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in si deg deg looso buuxiyo.

Soomaaliya oo si rasmi ah loogu doortay xubinnimada UN-Habitat

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay xubinimada UN-Habitat waxaana ay Soomaaliya ay afarta sano ee soo socota qayb ka ahaan doonta Golaha Fulinta ee UN-Habitat, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha dejinta iyo magaloyinka.

Doorashadan waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka ciyaarayso goleyaasha caalamiga ah iyo diblomaasiyadda xooggan ee dalka, iyada oo ku xojinaysa ka-qaybgalkeda dadallada caalamiga ah, Arrintan sidoo kale waxa ay ka tarjumaysaa kalsoonida sii kordheysa ee ay beesha caalamka ku qabto doorka diblomasiyaded ee Somalia, iyo guud ahan doorka hay’adaha dowliga ah ee Dalka.

Doorashadaan waxa ay Soomaaliya u ogolaaneysaa in ay si toos ah u kormeeri doonto, dardar gelin doonto, una hubin doonto in dhaman deqaha iyo mashariicda ay dunidu ugu talagashay UN-Habitat loo waafajiyo axdiyada iyo yoolalka hay’adda.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyay Danjire Jabriil oo udub dhexaad u ahaa dadaallada joogtada ah ee sanadkii la soo dhaafay lagu xaqiijinayay himiladan, isagoo xusay in dowladdu ay ka faa'iidaysan doonto fursadaha hormarined ee ay bixiso hay’addan caalamiga ah.

"Guushan ay Soomaaliya gaartay waxaan uga mahadcelinaya Safiir Jabriil oo si aad ah uga soo shaqeeyay, saaxiibadiisa Safiirada kalena ka gaday aragtida Soomaaliya, waxaana naloo doortay inaan ka mid noqono Executive Board ka oo uu noo fadhiisan doono Safiir Jabriil, tani waxa ay ka mid tahay guulaha ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneyso". Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibrahim Cabdulle ayaa shaaciyay inay tahay guul u soo hooyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Soomaaliya ay xubin buuxdo ka noqoto Golaha Fulinta ee hay’adda UN-Habitat, isagoo uga mahadceliyay dowladihii codka siiyay Soomaaliya.

"Soomaaliya inay xubin muhim ah oo ah (Executive Board) Golaha Fulinta ka noqoto Hay’adda UN-Habitat waxa ay qeyb ka tahay talaabooyinka horumarka leh ee ay dowlada Soomaaliya ku talaabsaneyso, waxaana guushan noo fududeeyay shirkii aan horaanta sanadkii tegay ay Soomaaliya guddoomineysay, ee la xiriira Safiirada Afrika ee fadhigoodu yahay dalkan Kenya, halkaasi oo aan fariinteena ku soo gudbinay" ayuu jiri Danjire Jibriil.

Soomaalia waxa ay fursad u heli doontaa inay si toos ah uga qayb qaadato go’aan ka gaarista siyasadaha iyo jihaynta hormarka magaloyinka caalamka.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo kormeeray goobaha cod-bixinta loo diyaariyay

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorasooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shalay kormeeray gonna loo diyaari yay in lagu qabto diiwaangelinta cod-bixiyaasha.

Yuusuf Abduqaadir Mohamed iyo Mohamed Abdirahmaan oo kamid ah Gudiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa ujeedka kormeeekooda ahaa sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda goobaha loo diyaariyay codbixiyaasha deegaannada Koonfur Galbeed iyo Shaqada ka socota.

Madaxa Xafiiska Gudiga Doorashoyinka ee Koonfur Galbeed Cali Muse Maracade, Agaasimaha saadka xafiiska guddiga Doorashooyinka KG iyo Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Baydhabo ayaa Kormeerka ku wehlinayey Xubanaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shaqaale Muruq maal ah oo uu kusoo dumay Gurigii ay dhismaha ka wadeen oo kuyaala Suuqa Bakaaraha

Wararka ka imaanaya Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyooday 12 kalana uu dhaawac kasoo gaaray kadib markii uu kusoo dumay Gurigii ay dhismaha ay ka wadeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in shaqaale muruq maal ah oo gaaraya 20 ilaa 30 Shaqaale ay ka howlgalayeen dhismaha guriga oo dhowr biyaano laga dhisaayay.

Dadka goob joogayaasha ayaa tilmamay in guriga marka uu soo dumaayay ay shaqaalaha ku guda jireen inay shubayeen dhismaha waxaana lasoo go'ay qalabkii ay ku wadeen howsha shubka dhismaha.

Abaare 6:40 subaxnimo ayay tilmaamen in dhacdadaan ay dhacday Suuqa weyn ee Bakaaraha ayna markii shaqada ay bilaabeenba shaqada uu kusoo dumay dabaqii ay ka howlgalaayeen, inta badan dadka dhaawacmay ayaa waxyeelada ugu daran ay kasoo gaartay qeybaha dambe sida Lugaha maadama ay ka boodeen daaqadaha dhismaha ee qeybaha sare ee howsha shubka ay ka socotay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo shaqaale muruq maal ah sidaan dhismo ah uu kula soo dumo dhismooyinka ay ka shaqeeyaan ee magaalada Muqdisho waxaana dhowaanahaan si xoowli ah uga socday caasimadda dhismayasha dhowrka biyaano.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo la wareegay fariisinkii ugu weynaa ee Al-shabaab Daacish

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay Taliskii Miiraale oo ahaa fariisinkii ugu dambeeyay ee ay ku dhuumaalaysanayeen Kooxda argagixisada ee Daacish.

Ciidamada ayaan dhowr jiho oo kala duwan oo dhul iyo cirba leh ka weerarat Miiraale oo ahayd Taliska ugu weyn ee ay Kooxda Dhiig Miiratada ah ee Daacish ku lahed Buraleda Calmiskad e Gobalka Bari.

Qoraal koban o ka soo baxay Wasarada amniga maamulka Puntland ayaa lagu yiru "Allaahu Akbar, Ciidanku wuxuu la wareegay taliskii firxadkii Argagixisada Daacish ee Togga Miirale, Celashii xarunta u ahaa kii u danbeeyayna hadda laqabtay, Hawlgalku waa Cir & Dhul, Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday”.

Qabashada taliska Miiraale ee Ciidmada Daraawiishta Puntland waxay moneys gebagebada iyo afjarka Kooxdii Sanoyinka kala duwan dhibaatada iyo Hagardaamada ku haysay bulshada Soomaaliyeed.

Maxakamada ciidamada qalabka sida oo xukuno ku riday Shabakad ka tirsaneyd Al-shabaab

Waxaa shalay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukuno kala duwan ku riday shabakad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Shabakadan ka tirsaneyd koxda Shabab e la xukumay shalay aya ka koban lix rag ah, kuwaas oo la tilmaamay in Al-shabab u qaabilsanayen dilalka qorshesan iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Maxakamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa min 10 sano o xabsi ciidan ah ku xukun edeysaneyasha kala ah Maxamed Nuur Cali oo loo yaqaano Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed, iyo Deeqoow Aadan Barre.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida xukun 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed oo loo yaqaano Webka, kaasoo Maxkamaddu sheegtay in lagu helay inuu ka tirsanaa qeybta qaraxyada, halka Farxaan Aadan Xasan oo ka tirsanaa kooxaha Shabaab u qorsheeya dilalka lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.

Eedeysanaha lixaad oo lagu magacaabo Xassan Cali Ciire Kuuloow ayaa ahaa shaqo suge kooxda u shaqeynayay, wuxuuna dib u helay xuriyadiisa, kadib markii lagu waayay dambi.

Xukunkaan lagu riday shabakadaan ayaa yimid kadib howlgalo sirdoon oo ay ciidamka NISA ka fuliyeen seddex goobood oo kala duwan bishii August ee sanadkii 2024, waxaana howlgaladaas lagu soo qabtay ragaan iyo hub ay haysten o ay ku jiren bastolado iyo bam gacmedyo.

Dowladda Ingiriiska oo laga yaabo inay aqoonsato Dowladda Falastiin

Dowladda Ingiriiska ayaa waxay ka fiirsaneysaa suurtagalnimada in markii ugu horreysay ay aqoonsan karto Dowladda Falastiin, taas oo macno u leh in la dejiyo xiisadda tobanaanka sano u dhaxeysay Falastiiniyiinta iyo Israel.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa waxaa saaran cadaadis xoog leh, oo lagaga dalbanayo in uu tallaabo qaado, ka dib markii Israel ay 18-kii bishan ku dhawaaqday in ay ballaarisay ololaheeda militari ee Gaza, iyadoo tanina ay sare u qaadday tirada dhimashada maalinlaha ah ee dadka reer Gaza.

Raysal Wasaare Starmer iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, David Lammy ayaa toddobaadkii hore si adag uga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa 20-kii bishan adeegsaday luqadda ugu adag ee Sarkaal British ah uu ku dhalleeceeyo habdhaqanka Israel ee dagaalka. Wasiirka ayaa xilligaasi si adag u weeraray Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich oo si joogta ah ugu hanjaba in Falastiiniyiinta ay ka sifeyn doonaan Gaza oo dhan iyo inaanan la fasixi doonin gargaarka bani’aadantinimo.

Smotrich iyo Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir ayaa ah labada nin ee ugu xagjirsan xukuumadda uu Benjamin Netanyahu hoggaamiyo, waxayna si aan qarsasho lahayn ay Warbaahinta uga sheegaan in Falastiiniyiinta reer Gaza aanay xaq u lahayn inay noolaadaan. Weeraha ay ku taageerayaan xasuuqa dadka rayidka ah ayaa carro baahsan ka dhalisay dunida oo dhan.

London ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay wada hadaladii ganacsiga xorta ahaa ee ay kula jirtay Israel, iyadoo laga jawaabayo falalka foosha xun ay ka gaysaneyso Gaza. London ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay shakhsiyaad iyo ururo ku lug leh deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq ballaaran oo lagu dalbanayo in si toos ah xiriirka loogu jaro Israel, iyadoo markaasi cunaqabateyn lagu soo rogayo, lana aqoonsanayo Dowlada Falastiiniyinta.

Boqolaal qareeno ah ayaa toddobaadkan dowladda dalkaasi ugu baaqay inay adeegsato wax kasta oo lagu joojin karo dagaalka Gaza, oo ay ku jiraan in cunaqabateyn lagu soo rogo Israel iyo in xayiraad dhanka socdaalka ah la saaro Wasiirada xagjirka ah.

Dhaqdhaqaaqa ku wajahan cunaqabateynta Israel ayaa kordhay maalmo uun ka dib, markii Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada ay 19-kii bishan cambaareeyeen ballaarinta Israel ee hawlgaladeeda Gaza, isla-markaana ay dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, in la qaado xayiraadda gargaarka iyo in la soo afjaro deegaameynta sharci darrada ah ee Daanta Galbeed, ka dibna la bilaabo xaqiijinta xalka laba dowladood.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa laga soo xigtay in dowladdu ay si rasmi ah u aqoonsan karto Falastiin, inkastoo aysan sheegin goorta la aqoonsanayo dowlad madaxbannaan oo shacabka Falastiin ay leeyihiin.

Dowladaha Faransiiska iyo Malta ayaa sheegay in bisha June ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga Dowladda Falastiin, waxayna tallaabadaasi ay Ingiriiska ku dhiirigelinaysaa baa la leeyahay in uu ku daba feelo.

Sacuudiga iyo Faransiiska ayaa qaban-qaabinaya shir caalami ah oo bisha June ka dhici doona Magaalada New York, kaas oo la sheegay in lagu soo nooleynaya fekerka ah in la helo xalka laba dal oo Israel iyo Falastiin ay leeyihiin, maadaama loo arko xalka keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Bariga Dhexe.

Tiro ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa suurtagal ah in shirkaasi ay kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiiniyiinta, oo haddii ay sidaasi sameeyaan ay cadaadiska ku kordhin doonto Israel oo muddo dheer diidaneyd in laga dhinac dhiso dal ay deris yihiin.

Bartamihii sanadkii hore, afar dal oo reer Yurub ah ayaa ku dhiiraday inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, kuwaas oo kala ah Ireland, Norway, Spain iyo Slovenia.

Inkastoo inta badan dalalka caalamka ay horey u aqoonsadeen Falastiin, haddana aqoonsigaasi ma noqon mid faa’iido leh, bacdamaa dalalka saamaynta leh ee reer Yurub iyo Mareykanka ay diidanaayeen inay cidleeyaan garabka Israel, waxaase mooddaa in hadda ay bedelayaan mowqifkoodii hore.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa wajahaya cadaadiskii ugu weynaa ee gudaha, si Israel loogu ciqaabo ku tumashadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, sababtoo ah inaanan gacmaheeda la xakameyn karin iyo inaysan xitaa wax xushmad ah u hayn xulafadeeda dhow.

Reer Yurub ayaa markii koowaad si aan la arag isaga dayanaya inay hoos u dhigaan iskaashigii ay la lahaayeen Israel, si Tel Aviv ay u aqbasho in ay joojiso xasuuqa Gaza, inay qaaddo xayiraadda gargaarka ee dhulka ay go’doomisay iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ay ka sameynayso Daanta Galbeed, ka dibna la bilaabo dhabo lagu xaqiijinayo in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Keir Starmer, Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa ah hoggaamiyaha uu culeyska ugu weyn ka haysto shacabkiisa, oo ka doonaya in uu wax qabto, taasna ay keeni karto in dowladdiisu ay aqoonsato Falastiin, shaki la’aana ay dowlado kalena ku dayan doonaan.

Hoggaamiyaha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa marar badan sheegay in muddada uu xafiiska joogo aanu aqbali doonin dhismaha Dowladda Falastiin, ha yeeshee tallaabooyinka ay qaadayaan reer Yurub ayaa Israel u horseedi doona cawaaqib siyaasadeed iyo mid sharci, waxayna taasi ka sii go’doomin doontaa dunida.

Israel ayaan asalkaba cilaaqaad wanaagsan la lahayn dunida, waxayna dowadnimadeeda ay ku tiirsaneyd taageerada dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay deegaanka Basra

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya duqeyn xoogan oo Habeen hore saqdii dhexe si weyn looga maqlay agagaarka deegaanka Basra oo ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Basra oo ku yaala xuduudda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa goobjoogayaal ku sugan waxay Warbaahinta u sheegeen iney maqleen jugta duqeynta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Basra oo ah meel inta badan lagu arko saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo duqeynta ayaa sheegaya in lala eegtay fariisin Al-shabaab ku lahayeen duleedka Basra, hase ahaatee wali si rasmi ah looma oga cida fulisay duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan duqeynta Habeen hore ka dhacay agagaarka deegaanka Basra oo la rumeysan in khasaare xoog leh kasoo gaartay Al-shabaab.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Mareykanka uu sanadkan si weyn u kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah ee la beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

Peace Now oo si adag uga hortimid deegaameynta ballaaran ee laga sameynayo Daanta Galbeed

Ururka u dhaqdhaqaaqa xornimada Israel ee Peace Now ayaa ka horyimid warka ka soo yeeray Maamulka Israel ee lagu sheegay in 22 goobood oo cusub oo deegaameyn ah laga sameynayo Daanta Galbeed ee la haysto.

Ururkan oo fadhigiisu yahay Israel ayaa tani ku tilmaamay tallaabadii ugu weyneyd ee noocaan ah oo la qaado, tan iyo sanadkii 1993-kii.

Ururkan ayaa u ololeya in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, si loo soo afjaro colaadda muddada dheer u dhaxeyso Israel iyo Falastiiniyiinta.

Ururka ayaa ka digay in go’aankan uu saamayn doono muuqaalka Daanta Galbeed, isla-markaana uu sii dheereen doono gumeysiga Israel.

"Dowladdu waxay caddeynaysaa mar kale inay is xakameyn la’dahay, isla-markaana ay door bideyso inay sii haysato dhulka Falastiiniyiinta, intii ay ka shaqayn lahayd raadinta nabadda.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Peace Now.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii sheegtay in la ogolaaday in deegaamayn cusub laga sameeyo 22 goobood oo Daanta Galbeed ah, iyadoo markaasi la dejinayo dadka Yahuudda.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in ballaarinta deegaameynta dadka Yahuudda ee dhulka la hayto ay ka hortageyo in la dhiso dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin, taasoo sida uu sheegay khatar amni ku keeni doonto Israel.

Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda ayaa isna sheegay in la ansixiyay in 22 deegaan oo cusub ay Yuhuuddu ka sameystaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Dhanka kale Peace Now ayaa ka digtay in tallaabadan ay sii xumeynayso xiriirka Israel iyo xulafadeeda dibadda, gaar ahaan reer galbeedka.

Ururada maxaliga ah ee Israel ayaa sheegaya in tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza ay Ciidamada Israel kordhiyeen burburinta guryaha Falastiiniyiinta ee dhulka la haysto, taasna ay qoysas badan oo Falastiiniyiin ah ku khasabtay inay meel bannaan ku soo dhacaan, haddii guryahoodii la xoogay.

Beesha Caalamka ayaa deegaameynta ceynkani oo kale ah u tixgelisa mid sharci darro ah, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee ay dunida ku dhisan tahay, balse Israel ayaa muddo dheer diidmo ka muujineysay arrintaasi, waxayna dib u dejin ballaaran ka sameysay dhulkii ay xoogga uga qabsatay Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Daanta Galbeed ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood socday ee ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, waxaana la sheegaa in illaa shan boqol oo kun (500,000) oo Israeliyiin ah ay dejisay in ka badan boqol goobood oo ku yaala dhulkaasi la haysto oo deegaameyn ay uga sameysay.

Daanta Galbeed ayaa waxaa ku nool saddex milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo cadaadis joogta ah kala kulmaya Militariga Israel ee maamula Daanta Galbeed.

Ballaarintan cusub ayaa waxay sii xadidi doontaa dhaqdhaqaaqii iyo isu socodkii Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, waxaana laga digayaa mustaqbalka mid aan suurtagal ahayn in deegaan illaa deegaan kale ay isugu tallaabaan, iyadoo haddaba ay baaritaano adag ku marayaan kontoroolada faraha badan ay Ciidamada Israel ku dhex leeyihiin Daanta Galbeed.

Dunida ayaa waxaa cad inay si adag u diidi doonto tallaabada ay Israel ku sharciyeynayso deegaameynteeda cusub ee Daanta Galbeed.

Xildhibaan Gavin Williamson oo sheegay in Maraykanku uu ka guurayo siyaasadda "Soomaaliya mid ah"

Xoghayihii hore ee difaaca Ingiriiska, haatana ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose, Gavin Williamson, ayaa sheegay inuu hayo xog dhamaystiran oo muujinaysa in Marekanku uu Somaliland aqoonsanayo.

Williamson oo waraysi siiyay The Guardian, ayaa sheegay in Maraykanku uu isbeddel weyn ku samaynayo siyaasadiisa ku aaddan Soomaaliya, isla markaana uu ka guurayo siyaasaddii ahayd "Soomaaliya mid ah", sida uu ku hayo xog uu ka helay saraakiil Maraykan ah.

"Waxaan la hadlay dhowr qof toddobaadkan, waxyaabaha aan ka ogaadayna waxa ka mid ah in aqoonsigu meel fiican marayo. Sidoo kale, hore ayay uga tageen siyaasaddii midnimada Soomaaliya," ayuu yidhi Williamson.

Williamson waxa uu aaminsan yahay in Maraykanku noqon doono waddanka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Trump uu aqoonsigaas dhamaystiri doono inta aanu dhammaan muddo-xileedkiisu.

Danjire Baashe Cumar, wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay Imaaraadka iyo Kenya, oo isna u warramay The Guardian, ayaa sheegay in saraakiil Maraykan ah oo uu dhawaan kula kulmay Abu Dhabi ay muujiyeen niyad-jab ku aaddan siyaasadda "Soomaaliya mid ah".

"Wararka aynu ka helayno daaha dabadiisa waa kuwo dhiirrigelin leh. Maraykanku waxa uu u socdaa jihada saxda ah," ayuu yidhi Danjire Cumar.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo 29-kii May ka hadlay munaasibadda furitaanka Xafiiska Somaliland ee Kenya, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanku uu meel fiican marayo, isla markaana war farxad leh laga fili karo.

"Washington ayay shaqadu sidoo kale ka socotaa. Wasiirkii arrimaha dibadda iyo la-taliyayaashiisuba shaqo aad u adag ayay hayaan. Dhawaan, rag aan ogahay in ay qixin doonaan ayaa soo socda," ayuu yidhi Wasiirku.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wada dadaallo ay ku horjoogsanayso xidhiidhada diblomaa-siyadeed ee Somaliland la yeelanayso caalamka, iyada oo kaashanaysa hay’ado sharci oo ka dhisan Maraykanka.Sidoo kale, Soomaaliya waxay aqoonsiga Somaliland ku tilshalayy mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan joojisay isticmaalka baasaboorka Taiwan, iyada oo sabab uga dhigtay xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland, arrintaas oo ay ka cadhoodeen diblomaasiyiin Maraykan ah.

Madaxweyne Trump oo sheegay iney dhawdahay xabad joojinta Qasa

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa daraad sheegay in xabbad-joojin laga gaaro Qasa ay aad u dhowdahay.

"Aad ayay ugu dhow yihiin inay xabbad-joojin gaaraan,” ayuu yiri Trump mar uu qabanayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Oval Office, isagoo intaa raaciyay, "Waanu idinla socodsiin doonnaa wixii kasoo kordha berri (Sabtida). Waxaan fursad u heysannaa gaaridda heshiis.” Ayuu yiri.

Mareykanka ayaa soo jeedinta heshiiska u gudbiyay Xamaas.

Soo jeedinta ayaa markii hore waxaa aqbalay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Xamaas ayaase dhankeeda sheegtay inay la tashi dhexdooda ah sameyneyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip