
Maleeshiyaad Hubeysan oo weerar ku qaaday xabsiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaaday saldhiga xabsiga magaaladaasi.
Maleeshiyaadka ayaa beegsaday xabsiga oo ay ku xiran yihiin maxaabiis xukuman iyo kuwa kale oo xukun sugayaal ah, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ujeedka kooxda weerarka qaaday uu ahaa inay xoog kusoo furtaan nin ku xiran xabsigaasi oo la xukumay, hayeeshee waxay dagaal kala kulmeen ciidamadii ilaalinayay xabsiga, iyada oo sidaas uu ku bilowday dagaalka.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.
Ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammanka Puntland iyo mas'uuliyiinta waqooyiga Gaalkacyo ee ku aadan weerarka lagu qaaday xabsiga dhexe.
Maleeshiyaad Hubeysan oo weerar ku qaaday xabsiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaaday saldhiga xabsiga magaaladaasi. Maleeshiyaadka ayaa beegsaday xabsiga oo ay ku xiran yihiin maxaabiis xukuman iyo