Wafdi ka socda ciidanka Özel Harekat ee Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

0
Wednesday May 28, 2025 - 12:45:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda ciidanka Özel Harekat ee Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

    Wafdi Saraakiil ah oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Xerada Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole. Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi Saraakiil ah oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Xerada Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole. Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran. Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyey wafdiga Özel Harekat booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip