HALKAN KA AQRISO W. WARGESYKA MOGTIMES EE MANTA OO AH 29KA MAY 2025

0
Thursday May 29, 2025 - 08:29:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGESYKA MOGTIMES EE MANTA OO AH 29KA MAY 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay xiddigihii Afrika ee kubadda cagta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtoo yada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cag ta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gu doomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceli yay xidigahan booqashada ay ku yim aadeen dalka, taas oo ka marag kacay sa amniga iyo dib u kabashada Soom aaliya, isagoo xusay dadaalka Dowl addu ay ku bixinayso horumarinta ciya araha.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya wa xa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa si dii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn la haa hibada dhalinyarada Soomaa liyeed ee dhanka isboortiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

Kulan looga hadlaya dardar gelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu qabtay Baydhabo

Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xaqiijinta qabsoo midda doorashooyinka dadweynaha.

Odeyaasha dhaqanka ayaa muujiyay taageeradooda geeddi-socodka doora shooyinka in shacabka Soomaaliyeed talada lagu celiyo, iyagoo ballan qaa day inay ka qeyb qaadan doonaan wac yigelinta bulshada.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyey geerida Jeneraal Moorgan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxa riistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabtay ku geeriyooday dalka Kenya.

Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u qornaa sidan.

"Waxaan uga tacsiyeeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaa tay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Marxuumka, oo kamid ahaa saraa kiishii laf-dhabarta u ahayd xilligii dowl addi dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay difaaca dalka. Isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Wasiirka Gaashaan dhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dal ka iyo qeybo kala duwan oo kamid ahaa hoggaankii ciidanka.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuum ka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Jan no, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, ” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Guda ha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muq -disho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, shalay oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

Wasiir Beene-beene oo furay kulan looga warbixinaya oddoroska dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaa laha ee Dowladda Federaalka Sooma aliya, mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa shalay fu ray kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta oddoroska dhaqaalaha Soomaaliya.

Mudane, Beene-beene ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in lasoo saaro hal warbixin oo ka tarjumeysa xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha dalka, taas oo si wadajir ah ay uga shaqeeyeen dhammaan hay’adaha dowladda, isla markaana noqota mid lagu heshiin karo oo si hufan u matasha Soomaa liya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa intaa raaciyay in warbixintan aysan ku jirin buunbuunin, taas oo si cad u muujinaysa meelaha aan ku liida nno iyo meelaha aan ku wanaagsa nahay labadaba.

Hay’adda SoDMA oo muqdisho kusoo gabagabeysay shir looga hadlayay horumarinta maaraynta masiibooyinka

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa muqdisho kusoo gabagabaysay shir wada-tashi ahaa oo laba cisho ka soc day muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgala wa saaradaha u qaabbilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka maamul-go boleedyada dalka iyo maamulka gob -olka Banaadir.

Shirkan oo looga hadlay horumarinta iskaashiga hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadantinimo iyo maaray nta masiibooyinka ayaa waxaa lagu falanqeeyay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota, kuwaas oo lagu hagayo dedaallada ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dalka.

Lataliyaha Sare ee SoDMA, Maxamed Mukhtaar, ayaa soo jeediyay warbixin qoto dheer oo ku saabsan hannaanka qorsheynta iyo hormarinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed.

Maxamed Mukhtaar, ayaa sidoo kale iftiimiyay mudnaanta la siinayo diyaari nta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaa liyeed ee ay saameeyaan masiiboo yinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadam sameega ah.

Mas’uuliyiinta ka kala socday maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa iyaguna soo bandhigay warbix inno la xiriira xaaladda bini’aad antinimo ee gobolladooda, iyaga oo si furan uga hadlay caqabadaha haysta adeegyada gurmadka degdegga ah, isgaarsiinta iyo isku-duwidda howlaha la xiriira maaraynta masiibooyinka.

Shirka ayaa si rasmi ah waxaa u soo xiray madaxa horumarinta mashaariic da ee SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen kulankan muhiimka ah.

Dr. Jimcaale ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa dhammaan hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed si loo xaqiijiyo badbaado iyo horumar waara.

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo ka dhacday Jubbada Hoose

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixi say duqeymo culus oo ka dhacay dee gaan 40 KM dhanka Waqooyiga Gal beed kaga beegan magaalada Kisma ayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaa radda Warfaafinta Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi isku aruursanaayay.

"Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaa llada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Alshabaab ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidama da qalabka sida iyo saaxiibada caal amiga ah" ayaa lagu yiri Warsaxaf adeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dow ladda Soomaaliya laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynaha culus ee saacadahii lasoo dhaafay laga fuliyay deegaanka hoos taga Kismaayo, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Taliska ciid anka Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan khasaaraha duqeynta.

"Dowladda Federaalka waxay u mahad celineysa Taliska AFRICOM, waana sii wadi doona duqeymaha aan la beegs aneyno goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab” ayaa lagu yiri Warsaxa fadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa, iya doo marar badan duqeymo noocaan oo kale ah ay si wadajir ah uga fuliy een deegaano ka tirsan gobolada Jubb ooyinka oo ay ku sugan yihiin Al-shab aab ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda Mareykanka ee AFRICOM oo Soomaaliya ka caawiya dhanka duqeymaha cirka ah.

Wasiirka hawlaha guud oo Nairobi kula kulmay madax ka tirsan QM

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur & wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu kulan la yeeshay Oumar Sylla agaasimaha qaaradda Afrika ee Haayadda UN-Habitat.

Intii uu kulanku socday ayaa labada dhinac waxa ay kala saxiixdeen heshii ska iskaashiga (AOC) oo lagu dhaqan gelinayo siyaasadda guryeynta ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur & wafdigiisa ay aa ka qayb galaya shirwaynaha guud ee UN-Habitat (UN-habitat General Assembly).

Sanadkan Wasiirka wasaaradda Hawl aha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur waxa uu dedaal dheer ugu jiraa in Soomaaliya kamid noqoto golaha sare ee fulinta UN-Habitat.

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNESCO oo ka wada hadlay dib usoo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee muqdisho

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bul shada iyo wacyigelinta maamulka go bolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa aqalka dowla dda hoose kusoo dhoweeyay wafdi ka socda hay’adda UNESCO oo uu hor kacaayay lataliyaha dhaqanka xafiiska UNESCO ee bariga Afrika.

Madaxda gobolka Banaadir iyo hay’ adda UNESCO ayaa ka wada hadlay dib usoo nooleynta goobaha Taarii khiga ah ee Magaalada Muqdisho, iyo in la iska kaashado dib u dhiska, sidii fagarayaasha caalamka loogu soo ban dhigi lahaa.

Guddoomiye Cabdicasiis ayaa uga ma hadceliyay wafdigaan ka socda hay’ adda UNISCO doorka horumarineed ay doonayaan inay ka qataan dib usoo nooleeynti xarumihii taariikhiga ah ee caasimadda.

Wafdiga ayaa waxay booqdeen xaru mo taariikhi ah oo ku yaalla degmoo yinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shingaani.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Cabdisa laan Cabdi Cali, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Shiina ha u fadhiya Soomaaliya, mudane Wang Yu.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, dardar-gelinta iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo kor-u-qaadidda waxyaabaha mudnaanta wadaagga ah leh.

Sidoo kale, waxaa la isla fallanqeeyay ka qeybgalka Soomaaliya ee Kulanka heer wasiir ee madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono 10-12 June magaalada Changsha gobolka Hunan ee dalka Shiinaha iyo Bandhigga afaraad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga Shiinaha iyo Afrika oo ku qabsoomi doona isla magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xidigihii Afrika ee Kubada Cagta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtoo yada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cag ta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gu doomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadce liyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinay saa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaali yeed ee dhanka isboortiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa sheegay in booqashada ci yaartooyda caalamiga ah ay muuji nayso kalsoonida sii kordheysa ee caal amka ay ku qabto Soomaaliya iyo horu marka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriir ka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudo omiyaha Xiriirka Kubadda South Sud -an Augustino Maduot Parek iyo Gud doomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

Ciidanka Danab oo wajahaya xaalado adag kaddib markii Maraykanka uu hoos u dhigay taageeradii uu siin jiray

Ciidanka Danab oo uu Mareykanku tababaray, ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii sanadkan hoos loo dhigay sahaydii raashinka iyo shida alkii ay heli jireen, halka bishii Febr aayo laga jaray mushaharkii dheer aadka ahaa ee gaari jiray $400 bishii askari kasta.

Sida lagu sheegay warbixin uu daa bacay The Washington Post, qaar ka mid ah askarta Danab ayaa ka baxay ciidanka, halka tababarayaashii shishe eye ee la shaqeyn jiray ay dalka isaga baxeen.

Waxaa sidoo kale su’aal la gelinayaa sida maamulka Madaxweyne Trump uu mudnaan u siinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeeynayo dowladda Soomaaliya in aysan weli helin kalsooni ku filan oo ay ku hoggaamiso dagaalka, sababo la xiriira musuqmaasuq baahsan ee dalka ka jira.

"Maamulka Trump uma muuqdo inuu u arko Al-Shabaab khatar toos ah oo ku wajahan danaha Mareykanka,” ayuu yiri Matt Bryden, aasaasaha xarunta cilmi-baarista ee Sahan Research, oo fadhigeedu yahay Nairobi. Si kastaba ha ahaateewuxuu raaciyay, "haddii Al-Shabaab horumar dheeri ah sameyso, waxay si weyn u saameyn doontaa siyaasadda Mareykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.”

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa walaac ka muujinaya sida dowladda Soomaaliya ay wajigeeda uga leexisay la-hawlgalayaashii reer Galbeedka, iyadoo xiriir dhaw la yeeshay Turkiga si ay gacan uga hesho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xiriirka sii xoogeysanaya ee Ankara iyo Muqdisho ayaa sababay heshiisyo cusub oo la xiriira baarista shidaalka, keenista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo imaatinka boqolaal askari oo Turki ah bishii lasoo dhaafay.

Dowladda Turkiga ayaa hadda si qoto dheer ugu lug leh Soomaaliya, iyadoo tababartay laba guuto oo gaaraya ilaa 6,000 oo askari Soomaaliyeed, halka diyaaradohooda aan duuliyaha lahayn na ay duqeeyeen bartilmaam eedyo muhiim ah oo Al-Shabaab ah.

Hoos u dhaca joogitaanka Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu halis gelin karo dadaallada lagu xakameynayo mid ka mid ah khataraha ugu halista badan ee ka imaanaya Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari horay u dilay saaxiibkiis

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay dil too gasho ah ku xukuntay Ex-dable xoog ga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf, markii uu horay u dilay marxuum Ex dable xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Mac awiisleey.

Eedeysane Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf iyo marxuum Ismaaciil Xasan ayaa ka wada tirsanaa ururka 222 aad, guut ada 22-aad ee Boliis milataara.

Dilkaan, ayaa ka dhashay muran ka bil lowday xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, 17-kii Feebaraayo ee Sana dkan.

Garsoorka maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyadda da cwadda ayaa ugu dambeyn shalay ku xukuntay dable Xoogga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf dil toogasho, ahna qisa asta marxuum Ex dable xoogga Isma aciil Xasan Ibrahim Macawiisleey, sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiy aha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye Muuse Salaad "Anagu ilaa Shabaab naga adkaado ama aan ka adkaano ma joogsan doono dagaalka"

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin meel ay dadka reer Hiiraan uga laabtaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay in dadka reer Hii raan ay ka go’an tahay sii wadista da gaalka ay ku doonayaan iney kaga xur eeyaan maleeshiyaadka Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin gob olka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.

"Anagu ilaa Shabaab naga adkaado ama aan ka adkaano ma joogsan doo no dagaalka oo waxan rajeynaynayna inaan ka adkaano mana istaagi doonto xabadeena, hal ku dhigeenuna waa guul ama geeri. Soomaali inteeda kal ena waxaan rajeynaya inay nagu soo ku dayato” ayuu yiri gudoomiyaha go bolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay gudoom iyaha gobolka Hiiraan in Al-shabaab ay culeysyo xoogan soo saareen deegaanada gobolka Hiiraan oo uu xusay iney yihiin meesha kaliya ee xabadu uga socoto kooxda.

"Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa waxaa ka mid ah in meesha xabadda kaaga socoto inaad cududaada isugu gayso, si halkaasi aad guusha uga hesho. Marka taas uun bay hada isticma alayaan Khawarijta waana ka guuley san doona” Ayuu yiri gudoomiye Muu se Salaad.

Hadalka gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadeya, iyadoo todobaad yadii lasoo dhaafay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ay dagaalo qar aar ku dhexmarayeen ciidanka Maca wiisleeyda oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka iyo kuwa kooxda Al-sha baab.

Madaxweyne Cagjar: Hal qof oo shacab ah kuma dhiman dagaalkii deegaanka Dacawalay

Madaxweynaha Deegaanka Soomaal ida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa beeniyay in dad shacab ahi ku dhinteen isku dhicii dabayaaqadii sann adkii hore ka dhacay deegaanka Daca walay, oo u dhexeeyay dadka deegaa nka iyo ciidamada Liyuu Booliiska.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay in xoogag falaa go ah ay ka dagaalameen Dacawalay, wuxuuna ku andacooday in dadka la dagaallamay ciidamada deegaanka aanay ahayn dad shacab ah.

"Hal qof oo shacab ah kuma dhiman. Halkaas waxaa ku dhintay dablay hubaysan oo da’doodu ahayd da’da dagaalka. Geeljiraha deegaanka jooga haddii uu qoryo urursado oo uu ciidamada la dagaallamo, shacab ma aha," ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.

Waxa uu sheegay in dadka ciidanka la dagaallamay ay ahaayeen dad kasoo gudbay xuduudda Somaliland, jabhado deegaanka ku sugnaa, iyo dad shacabka ka mid ah oo markii dambe hub qaatay. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo qori qaata aanu shacab ahayn.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in inkastoo xaaladda deegaan ka Dacawalay haatan degan tahay, ay haddana jiraan xoogag kasoo kala jeeda Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland, oo uu sheegay in qabiil madax-maray kuwaasi oo doonaya inay dib u huriyaan colaadda.

Wuxuu ku eedeeyay kooxahan inay doonayaan inay mijo xaabiyaan xukuumadda cusub ee Somaliland iyo tiisa, isla markaana ay colaadda uga faa’iideysanayaan inay gaadhaan yoolal siyaasadeed oo ay leeyihiin.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay guulo ka gaadheen xal u helista colaadda, isla markaana ay socdaan wadahadallo dib layskugu soo dhawaynayo dhinacyada, wuxuuna rajaynayaa inay sidaas ku dhamaato.

Wuxuu xusay inay si dhow ugala shaqeynayaan Somaliland xal u helista arrintan, maadaama dadka deegaanka Dacawalay sidoo kale ay dagaan Somaliland, wuxuuna sheegay in xukuumadda Somaliland ay isla garteen in nabad la helo.

Sida ay baahisay warbaahinta Itoobiya iyo tan Soomaalida, ku dhawaad 40 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay colaaddan. Somaliland ayaa ku tilshalayy in ciidamada Liyuu Booliisku ay gaysteen xasuuq iyo tacaddiyo baahsan. Luyuu Booliiska ayaa caan ku ahaa dhibaataynta shacabka xilligii dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar.

Colaaddan ayaa qaraxday kadib markii dowladda deegaanka ay isku dayday in ay xoog ku meelmariso go’aan kasoo baxay khilaaf dhuleed oo u dhexeeyay laba beelood oo deegaanka wada dega. Go’aankaas oo mid ka mid ah beelahaasi ay diiday.

Maalqabeenka Elon Musk oo ka tegaya shaqadii uu Trump u magacaabay

Bilyaneerka Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay in uu ka tagayo shaqadii uu u magacaabay Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimista ee madaxweynaha.

Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursada uu siiyay.

Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

Tehistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin un ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

Waxaa uu kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday Mareykanka.

Kumuu ahaa Janaraal Moorgan oo Nairobi ku geeriyooday?


Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa goor- dhaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii dambe, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wuxuu janaraalku taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, sida uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Janaraal Moorgan ayaa mar uu labo sano kahor wareysi siiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1949, waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe ayuu kusoo qaatay iskuulkii Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wuxuu wareysiga ku sheegay in kadib aabbihiis uu u diray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay waxbarashada isagoo dhigtay dugsigii la oran jiray "Allaahida".

Janaraalka ayaa kadib ku biiray ciidamada milatariga. Sanadkii 1967 wuxuu ka mid noqday saraakiil ay Soomaaliya tababar ciidannimo ugu dirtay dalka Ruushka, wuxuuna dalka ku laabtay sanadkii 1970-kii.

Shaqadii ugu horreysay ayuu ka bilaabay madaxtooyadii xilligaas, isagoo ka mid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha, wuxuuna ciidankaas ka tirsanaa muddo toddoba sano ah.

Sidoo kale wuxuu tababarro kusoo qaatay dalka Mareykanka. Kadib wuxuu xilal sare kasoo qabtay dowladdii xilligaas ee Maxamed Siyaad Barre, sida isagoo noqday wasiirka gaashaandhigga iyo kan howlaha guud.

Janaraal Moorgan, wuxuu ahaa wasiirkii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga, kahor inta aan dowladdii xilligaas xukunka laga tuurin sanadkii 1991.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan taariikhda uruuriya ayaa BBC-da u sheegay in Janaraal Moorgan uu xilal muhiim ah kasoo qabtay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in janaraalka uu horaantii 1970-meeyadii uu guursaday gabar uu dhalay madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre, "halkaas ayayna dallacaaddiisa degdegga ah kasoo bilaabatay," ayuu yiri.

Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa intaa ku daray in janaraalku uu u badnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Cummaan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

"Waxaa janaraalka lagu xusuusan doonaa wixii ka dhacay gobollada Waqooyi." Ayuu yiri.

Moorgan ayaa soo ahaa taliyihii qeybta 26-aad ee halka markaas loo yaqaannay gobollada Waqooyi, haatanna ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

Wuxuu ka mid ahaa janaraalku saraakiishii militeriga Soomaaliya ee ay dad badani ku eedeeyaan inay berigaas halkaas ka geysteen xad-gudubyo xagga xuquuqda aadanaha ah oo la sheegay inay ka dhaceen.

Sidoo kale janaraalka ayaa qeyb ka ahaa hardan ka socday magaalada Kismaayo, iyadoo sanadkii 2004 uu Guddiga Fududeynta Shirka Soomaalida ee IGAD ee ka dhacayay Kenya, laguna heshiisiinayay Soomaalida ay cunaqabateyn kusoo rogeen isaga, sababo la xiriira ficillo ay sheegeen inuu ku lug lahaa.

Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Garowe, halkaas oo uu la taliye amni uga ahaa maamulka Puntland.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Maxamed Sinwar


Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigoodu ay "ka takhaluseen” hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo, isla markaana ay walaalo yihiin hoggaamiyihii geeriyooday ee kooxdaas Yahya Sinwar.

Mohammed Sinwar ayaa ahaa bartilmaameedka weerar ballaaran oo Israa'iil ay ka geysatay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, kaas oo ay milatariga Israa'iil sheegeen in ay burburiyeen "kaabayaasha dhulka hoostiisa" ee Xamaas ee halkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay xilligaas in 28 qof ay ku dhinteen. Xamaas lafteedu ma ay xaqiijin mana beenin geerida Sinwar.

Yahya Sinwar, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Israa'iil ayaa Qaza ka billowday olole milateri oo ay kaga jawaabayso weerar ay Xamaas ku qaadday xuduudda 600 maalmood ka hor, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

Ugu yaraan 54,084 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip