halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 26-5-25

0
Monday May 26, 2025 - 08:55:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 26-5-25

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu howlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha ee (SARIS), taas oo ay dhawaan ansixiyeen sharciga lagu dhisayey goleyaasha sharci dajinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa bogaadiyey howlgelinta Hey’adda (SARIS) ee ka shaqenaysa beeraleyda Soomaaliyeed in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin ee dhanka beeraha, lana oo la hubiyey tayadooda. Isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda iyo howlwadeennada, howlgelinta hey’addan ilaalinaysa waxtarka abuurka dalagga dalka la keenayo iyo midka la dhoofinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia ahna Madaxa Howlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo booqasho ugu yimid.

Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee dhowaan loo magacaabay, isagoo muujiyay taageerrada iyo kalsoonida Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada-shaqeynta labada dhinac. Intaa kaddib, wuxuu Wasiirka la wadaagay qorshayaasha xilliga Kala-guurka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta dowlad wanaagga, doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerrada iyo wadashaqeynta joogtada ah ee Qaramada Midoobay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Hay’adda Miino baarista

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga Caalamiga, Mudane Abdisalan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya, Mudane Fran O’Grady, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Fran, isaga oo sheegay in Wasaaraddiisu ay u diyaar tahay xoojinta iskaashiga.

Dhankiisa, Mudane Fran O’Grady ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka loo magacaabay, isaga ka warbixiyay wadashaqaynta hay’adda Mine Action ay la leedahay Wasaaradaha heer qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed, caddeeyayna in barnaamijyada wadashaqaynta ay kordhin doonaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xil Caynaashe Yusuf Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, iyo fanaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac).

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Golaha Dhallinyarada Qaranka, iyadoo si gaar ah loo eegay arrimaha la xiriira shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta xirfadaha, iyo diyaarinta fursadaha mashruucyada soo socda ee lagu horumarinayo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safiir ku-xigeenka JFS ee Shiinaha oo ka qeyb galay shir caalami ah

Lataliyaha koowaad ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, ayaa ka qeybgalay shirka caalamiga ah ee "BRI Green Brand Global Overseas Promotion Conference – China-Arab Green Industrial Cooperation Forum” oo lagu qabtay magaalada Beijing.

Shirkan oo ay martigelisay Ururka-Midnimada Deegaanka ee Shiinaha (All-China Environment Federation – ACEF), ayaa diiradda saaray horumarinta iskaashiga deegaanka iyo horumar waara oo ay wada yeeshaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, iyada oo loo marayo hindisaha Belt and Road Initiative BRI,ee lagu hormariyo Dhaqaalaha Caalamiga ah.

Cabdisalaam Koda ayaa khudbad ka jeediyey madasha, tilmamaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si firfircoon uga qaybqaadato dadaallada caalamiga ah ee deegaanka, iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada oo muhiim u ah xaalada Soomaaliya madaama ay ka jirto xaalado ay keenan is-badelka cimilada.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya, inkasta oo ay la tacaaleyso caqabado dhanka isbadalka cimilada ah sida abaaraha soo noqnoqda iyo nabaad-guurka, balse ay leedahay fursado badan oo dabiici ah oo ay ka mid yihiin qorraxda diiran , iyo xeebaha dheer ee hodan ka ku ah khayraadka Badda.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda.

Wasiir Ashkir oo ka hadlay Munasabada ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda Iskashiga, isago yiri” Waxaan adkaynayaa muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo ka dhaxeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, si wadajir loogu wajaho baabi’inta kala qeybsanaanta bulshada”.

Ugu Damben, Wasiir kuxigenka Arimaha Gudaha Cabdixakiin Ashkir, ayaa u mahadceliyay Ka qaybgalayasha Kulanka oo ka kala socda DF, Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasada ee diiwangashan iyo Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee Dowlada oo ay ugu horeeyan Wasiirka Wasaarada Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha Qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo Qaran.

Wasiir Cali Balcad "Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa shalay sheegay in Madaxdii hore ee dalka Soomaaliya soo xukuntay ay qeyb ka yihiin gogoshada uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka looga gaarayo siyaasadda dalka.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed ay siweyn ay isku weydiinayeen cidda ka qeyb galaysa Gogosha uu ku dhawaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu tilmaamay inay u arkeen inay qabtaan gogosha weyn mid ka horeeysa oo gogol hor dhac u ah gogoshada weyn oo la doonayo in madaxda Qaranka horey usoo martay ay ka qeyb galaan.

"Markii naloo xilsaaray in arintaan wax ka qabano, dabcan waxaan fiirinay inay adagtahay in meel laiskugu keeno dad aad u badan laga fashina inay wax kasoo baxaan, waxaan dareenay in loo baahan yahay gogol horudhac ah oo kuwaasi ka horeya in la qabto, dadka ka qeyb galayana inay leeyihiin Taariikh hore ama siyaasada wax kaso qabtay" ayu yiri Wasiir Ali Balcad

Waxa uu sidoo kale xusay maamulada maqan sida Puntland iyo Jubbaland oo uu tilmaamay in loo baahan yahay taladooda arrintaan gogosha ku saabsan, si lamid ah taladooda loo baahan yahay Madaxdii hore ee dalkaan wax ka soo maamulay sida Madaxweynenayaal iyo Ra'iisalwasarayaal hore, marka kooxahaasi kala duwan la isku dubarido wixii kayimaada ayaa tagi doona gogoshada weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu iclaamiyay.

Hadalkaan waxa uu Wasiir Cali Balcad ka sheegay in Shir ballaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Soomaaliya uga furmay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay'adaha kala duwan ee Dowladda.

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay safar shaqo ku joogaan wadanka Tanzania caasimadiisa Dar es Salaam ayaa booqday xarunta safarada Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ee Magaaladda Dar es Salaam, taas oo hada dhismaheedu meel gabogabo ah marayo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu xarunta safaaradda ku soo dhoweeyay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Tanzania Danjire Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania ay ka mid noqon doonto xarumaha ugu quruxda badan ee safaaradaha dalkeennu ku leeyahay caalamka.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa Tanzania uga qeyb galay Shirweynihii 19-aad Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada wadamada xubnaha ka ah Urur Goboledka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo socday labo maalmood.

Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qayb Galay Shirkii 21-aad Ee Golaha Maamulka AFROSAI-E Ee Seychelles




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip