
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 25-5-25
oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay
Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir heer gobol ah oo looga hadlayay xal u helidda barakacayaasha iyo doorka magaalooyinka IGAD ee arrimaha barakaca.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay IGAD, waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxda magaalooyinka dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo hay’ado caalami ah sida IOM, UN-Habitat, UNHCR, World Bank, iyo Sida.
Magaalada Muqdisho waxa si rasmi ah ugu metelay shirka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Ismaaciil Cali Sheekh Nuur, oo ka jeediyay madasha warbixin ku saabsan xaalada barakacayaasha, caqabadaha ka jira gudaha caasimadda, iyo istiraatiij-iyadda ay magaalada leedahay si xal waara loogu helo dadka barakacay.
Shirka waxa lagu soo bandhigay khibrado kala duwan oo ka yimid magaalooyinka IGAD, iyadoo lagu ballamay in la sii joogteeyo shirarka noocan oo kale ah, si ay magaalooyinku ugu wada shaqeeyaan sidii barakacayaasha gobolka loogu heli lahaa xalal waara, si loogaaro isku filnaasho bulsho.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo howlo shaqo u joogay dalka Aljeeriya ayaa shalay booqday xarunta cusub ee Safaaradda JFS ee dalka Aljeeriya oo dhawaan si rasmi ah xariga looga jari doono.
Waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Xarunta Safaaradda, Safiirka JFS ee Dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego). Tan iyo 1991, xarun rasmi ah oo safaaradeed kama jirin dalka Aljeeriya.
Wasiir Biixi ayaa dalka Aljeeriya u joogay ka qeyb galka kulanka fadhiga loo dhan yahay ee Bangiga Horumarinta Islaamka Soomaaliya (IsDB) oo ka furmay dalka Aljeeriya, wasiirka ayaa sidoo kale kulab la qaatay dhigiisa Aljeeriya iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaale ee labadda dal.
Danjire Jeego ayaa ka mahadceliyay dhankiisa Booqasha wasiirka waxaana uu in Safaaradu Tahay halka marka uu arko ruuxa Ajnabiga ah uu ka eegi karo inta uusan imaan Dalkaga ay tahay sidaas darteedna loo Baahan yahay in ay noqoto goob qurxoon oo lagu Shaqeyn karo.
Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu horeyn Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka ayaa mudanayaasha Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo uu guddiga kusoo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrintii labaad.
Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaatay 136-Xildhibaan, 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.
Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha madaniga ah, waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday 5-xildhibaanna waa ay ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay arin ay xildhibaano Golaha ka tirsan soo jeediyeen taas oo aheyd in Golaha uu dhaqaale ku taageero Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira Khawaariijta, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in arrintaas uu guddoonka Golaha guddi gaar ah u xilsaari doono.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 25-5-25
........