halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-5-25

0
Saturday May 24, 2025 - 09:19:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-5-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray wasaaradda gaashaandhiga

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gashandhiga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay danjiraha Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ay mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha gargaarka, amniga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ay door weyn ka qaadan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, iyo in kooxaha Al-shabaab ah laga sifeeyo dalka, si dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah.

Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qeybgalay Shirweynaha 78-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada JFS Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay Shirweyne looga hadlaayey daaweynta cudurrada ku dhaca wadnaha, Kilyaha iyo Dheef-shiidka, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Caafimaadka Adduunka (WHA78).

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay shirweynaha 78-aad, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ka hortagga cudurrada faafa (NCDs), kuwaas oo ku sii kordhaya gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba.

Wasaaradda caafimaadka & daryeelka bulshada JFS waxaa ka go’an xoojinta nidaamka daryeelka caafimaadka si loo helo daaweyn waqtiyeysan iyo caafimaad waara.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qatay dhiggiisa Dalka Algeria

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Dalka Algeria Mr. Abdelkrim Bouzred oo ah shir-guddooonka kulanka shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo dardargalinta iskaashi ee dhanka dhaqalaalaha, maadaama Dowladda Algeria ay ka mid aheyd xubnihii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiiirka Maaliyadda XFS ayaa dhigiisa Algeria warbixin buuxda ka siiyay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee la doonayo in lagu maalgaliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi "Mardhow gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa dhammaantiis laga xoreyn doonaa Al-shabaab”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay warbahinta qaranka ayaa shaaca la qaaday in dhamaan ciidamada qaranka oo ay ku jiraan kuwa deegaanka ee loo yaqaano macawisleyda ay u diyargaroban dagaal lagu soo afjarayo kooxaha al-shabaab ee diidan nabadda Soomaaliya.

"Suurtagal maaha in dad ka yimi meelo fog-fog iyo kuwo ajaanib ah ay kugu addoonsadaan deegaankaaga” ayuuyiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxdaan oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in kooxda nabad-diidka ay marayaan xaalad gabagabo ah, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxdaasi, isagoo si gaar ah uga codsaday dhallinyarada in ay xoogooda ku muquuniyaan Al-Shabaab maadaama ay diidan yihiin in dhallinyaradu in ay helaan nabad,shaqo iyo amni.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Wakiilka Haya’adda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM u fadhiya Soomaaliya Manuel M. Pereira.

Wasiirka iyo Wakiilka IOM ayaa kulankooda kaga wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa barnaamijyada wacyigelinta ee ka Hortagga tahriibka, wacyigelinta dhinacyada dib u heshiisiinta iyo fariimaha muhiimka ah ee bulshadu u baahan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Hay’adda IOM taagerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leedahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wakiilka IOM ayaa dhankiisa xusay inay doonayaan inay sii labanlaabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in Somalia ay sameneyso hormar dhinacyo badan oo aburaya rajo cusub.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Hay’adda IOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip