halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-5-25

0
Thursday May 22, 2025 - 07:13:15 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-5-25

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee XFS oo furay shirka saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa si rasmi ah u furay shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka.

Madasha waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Xasan Macallin, Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, iyo marti sharaf kale.

Shirweynaha Saameynta Dhaqaale ee Qaab-dhismeedka Dastuurka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa diiradda lagu saarayaa sida qaab-dhismeedka Dastuurka Federaalka uu u saameyn karo koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Wasiir Fiqi "120 Al-shabaab ah ayaa la dilay 72-dii saac ee la soo dhaafay”

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Al-shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose lagu dilay ilaa 120-ka tirsan Al-shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in dagaallo culus oo wali ka socda xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe jab weyn lagu gaarsiiyey argagixisada, sidoo kalena Jubada hoose oo lagu dilay ilaa 30-ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab qaarkood oo gacanta lagu dhigay, lana hubinayo inay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Hawlgal kale oo habeen hore ka shacay deegaanada Sabiid iyo caanoole oo ay fuliyeen ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa lagu dilay horjooge iyo koox ilaalo u ahayd, kaas oo si gaar ah ugu lug kahaa Hoobiyaal dhowr mar lagu soo tuuray xaafadaha Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey dhabar adeyg iyo geesinimo, islamarkaana ku guulaystay inay dhul badan ka saaraan Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka – halkii ay noqon lahaayeen codka cadowga

Wasiirka hawlaha guud oo ka qaybgalay shir ku saabsan fulinta qorshaha isbedelka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qayb galay shir lagu dar-dargalinayo fulinta qorshaha isbedelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa qayb ka ah laba tiir oo waawayn, muhiimna u ah dalka.

a) Tiirka dhaqaalaha.

b) Tiirka Arimaha Bulshada.

Waxa ay masuuliyiintii ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay ku soobandhigeen madasha shirka qorsha kaga aaddan dhismaha Waddooyinka, Horumarinta Magaalooyinka iyo Guryo qiimo jaban oo loo dhisayo shaqaalaha dowladda.

Dhammaan hawlahan ayaa la rajaynayaa in la fuliyo shanta sano ee uu socdo Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ee labada dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashi wadaagga.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray waxyaabaha mudnaanta wadaagga ah leh oo ay ku jirto iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo iskuduwidda dhinacyada badan, iyadoo labada dhinac ay caddeeyeen mar kale ka go’naanshaha wada hadal mug weyn iyo sii ambaqaadidda dedaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis iskaashi amni

Shirka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa daraad lagu ansixiyay heshiis iskaashi amni oo ka dhaxeeya labada Sirdoon ee dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo uu shir guddoomiyay Boqorka dalkaas Boqor Salman Bin Abdulaziz, laguna qabtay magaalada Jeddah.

Heshiiskan uu Golaha Wasiirrada Sacuudiga ansixiyay ayaa muhiim u ah in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA iyo dhiggeeda Sacudiga ay iska kaa shadaan la dagaalanka argagixisada iyo maalgalintooda.

Dhanka kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kulankoodii toddaabadlaha ku ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Heshiisyadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacudiga, iyadoo dowladda Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso iskaashiga saaxiibadeeda gobolka si kooxaha Al-shabaab ah ee halista ku ah gobolka looga ciribtiro guud ahaan dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip