
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-5-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukumada Federaalka Somalia.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo duubto horumarinta xarumaha Dowladda, si sare loogu qaado awoodda Hay’adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee khidmadaha laga qaado muwaadiniinta.
"Dhismahan waa tusale mujinaya kartida iyo isku-tashiga shacabka Somaliyed iyo Dowladoda. Waxa uu ka dhashay beekhaaminta dakhliga yar ee la qabto iyo ka go’nasho in wax la saxo oo la hormariyo hufnaanta adeega loo hayo muwaadininta.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale farriin digniin ah u diray argagixisada, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la dagallanka fikirka argagixisada cadeystay gumaadka shacabka Somaliyed iyo burburinta goobaha Diinta.
"Qofkii ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisada waan soo dhaweynaynaa, waxa uuna la xaq iyo xuquuq noqon [doonaa] shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha arxan darrada ah ee argagixisada waxa uu ku soo ururay xaggee dad badan joogaan aan qarxinnee. Ma waxaas baa diin iyo caqli ah,” ayuu tilmaamay Madaxwaynuhu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu danbayn kormeeray qaybo ka mid ah dhismaha cusub ee Wasaaradda, isagoo u mahad celiyay hawlwadeennada kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta dhismahan cusub.
Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
Magaalada Muqdisho ayaa isku diyaarineysa soo dhoweynta wafuud caalami ah oo ka kala socda Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).
Wafdigan ayaa indha-indheyn ku sameyn doona horumarka ciyaaraha ee dalka, si mustaqbalka Soomaaliya ay ugu qalanto martigelinta ciyaaraha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa lagu ciyaaro garoonka kubadda cagta ee Muqdisho, oo loo yaqaanno Tuulada Ciyaaraha – Stadio Muqdisho.
Wafdiga soo booqanaya Soomaaliya waxaa ka mid ah halyeeyada kubadda cagta Afrika: Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha.
Wafdigan ayaa la filayaa in ay Soomaaliya soo gaaraan 27-ka bishan, waxaana lagu soo wareejin doonaa goobaha taariikhiga ah ee dalka, oo ay ka mid yihiin garoomada kubadda cagta iyo xarumaha kale ee isboortiga.
Wasaaradda arrimaha dibadda Rwanda oo aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Rwanda, Kabarebe James, ayaa waraqaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Ilyaas Cali Xasan oo sidoo kale ah safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika.
"Waxaa sharaf ii ah in shalay nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiirenimo aan dalkayga ugu uu iga gudoomay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada Rwanda, Kabarebe James,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.
Wuxuu sii raaciyay: "Waan uga mahadcelinayaa soo dhawaynta diirran waxaana rajeynaa in aan sii xoojiyo xiriirka labada ee Soomaaliya iyo Rwanda”.
Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gunanaday shir wadatashi Qaran o muhiim u ah ganacsiga dalka kaasoo dhexeeyay Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Wasiiradda ganacsiga Dowlad-goboleedyada, Shirkan oo muddo laba maalmood ah kasocday Muqdisho diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga.
Waxaana shirka kasoo qeyb galay Wasiirrada Ganacsiga ee dowlad-goboledyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle, SSC-Khatumo iyo Agasimaha guud ee Wasarada Ganacsiga Jubbaland.
Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dhisi lahaa hannaan sharci oo mideysan, kaas oo meesha ka saaraya jahawareerka ka dhashay kala-duwanaanta sharciyada dowlad-goboledyada iyo dowladda dhexe.
Waxaa sidoo kale laga hadlay dhibaatooyinka ay ganacsatada la kulmaan, sida shuruucda kala duwan ee is-daba-yaaca ah, shatiyada fara badan ee laga qaado, iyo lacagaha aan nidaamka lahayn ee mararka qaar ku khasba ganacsatada inay bixiyaan si ay u helaan rukhsado ganacsi.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la gaaro hal sharci qaran oo dhammaan dalka laga hirgeliyo, taasoo wax ka qaban doonta is-buurashada hay’adaha kala duwan ee bixiya shatiyada.
Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ayaa ah in la hirgeliyo nidaam casri ah oo dijitaal ah (automatic system) oo si toos ah looga heli karo diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga dhammaan gobollada dalka.
Nidaamkan wuxuu meesha ka saaraya baahida uu ganacsaduhu u qabo inuu safar dheer ku yimaado Muqdisho si uu u helo laysanka ganacsiga.
Tani waxay si weyn u fududeyn doontaa howlaha ganacsatada, waxayna yarayn doontaa kharashaadka iyo waqti lumiska.
Waxaa kaloo shirka lagu muujiyay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wadashaqeynta farsamo iyo siyaasadeed, si loo dhiso nidaam ganacsi oo hufan, kalsooni ku dhisan, loogana hortago wax isdaba-marinta, musuqmasuqa iyo caqabadaha kale ee hor taagan horumarka dhaqaalaha dalka.
Shirka wuxuu horseeday faham iyo go’aan mideysan oo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa ansixinta hindisaha xeerka cusub ee diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiga, iyadoo qorshuhu yahay in xeerkaasi la horgeeyo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka si uu u noqdo sharci rasmi ah oo dalka ka dhaqan gala.
Mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee laga gaaray shirkan ayaa ah heshiis rasmi ah oo dhex maray Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka iyo wasiirrada ganacsiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo si buuxda uga heshiiyay in laga fogaado khilaafka siyaasadeed iyo is-maandhaafka maamul ee muddooyinkii dambe caqabad ku ahaa horumarinta ganacsiga dalka. Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa caddeeyay in wadajirka iyo wadashaqeynta ay tahay furaha lagu gaari karo kobac dhaqaale iyo horumar waara. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yiri:
"Wasiirrada Ganacsiga dowlad-goboleedyada waxaan ku heshiinay in laga fogaado khilaafka oo laga wada shaqeeyo wixii dalka waxtar u leh, maadaama loo adeegayo dadka Soomaaliyeed.”
Dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxay muujiyeen in loo baahan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed laga dulqaado culeysyada ay wajahayaan, lana siiyo jawi ganacsi oo hufan, xasilloon, una sahlaya inay horumariyaan ganacsigooda iyagoo aan la kulmin wax carqalado sharci ah ama maamul oo aysan u baahnayn.
Maareeyaha hay’adda aqoonsiga Qaranka oo Addis Ababa uga qaybgalay shirka ID4Africa
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay Shirka ID4Africa 2025, isaga oo halkaas ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hirgelinta nidaamka aqoonsiga qaran.
Maareeyaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa xusay in guulo la taaban karo laga gaaray baahinta xarumaha diiwaangelinta iyo hirgelinta nidaamyada Hubiye, eAqoonsi, iyo CDS, kuwaas oo si weyn uga qeyb qaatay daadajinta adeegga aqoonsiga qaranka ee shacabka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, waxaana Soomaaliya ku metelay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.
Qabanqaabada shirka wadatashiga ee madaxweynuhu ku baaqay oo Muqdisho ka socota
Guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka ah ayaa bilaabay kulamo loogu diyaar garoobayo qabsoomidda gogosha Qaran ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddiga ayaa kulankii ugu horeeyay la yeesheen wakiilo ka socda Ururada Bulshada Rayadka ah.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay dhinacyadu yeesheen aragti wadag balaaran kaas oo ku qotoma sidii looga miro dhalin lahaa Gogosha Qaran.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iclaamiyay in la qabandoono gogol qaran taas oo looga tashanayo sidii loogu midoobi lahaa arrimaha masiiriga ah sida Dagaalka Al-shabaab iyo arrimaha siyaasadda
Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa shalay xarunta saddexaad ee baasaboor bixinta ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadda furitaanka xarunta Saddexaad ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Md Abdullahi Fartaag, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Agaasimayaal iyo saraakiil ka socday HSJ iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Deyniile & Hawl-Wadaag iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb ka tahay dadaalka ay hay’addu ugu jirto ballaarinta adeegyada baasaboorka si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan adeeg u dhow oo deg deg ah isla markaana culeyska looga yareeyo xarumaha kale ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhanka kale sheegay in xaruntan cusub ee Dayniile ay astaan u tahay adeeg daadajinta iyo dowladnimo horumarsan, waxana uu sidoo kale bogaadiyay madaxda & Saraakiisha HSJ sida ay uga go’an tahay baahinta adeegyada muhiimka ah ee socdaalka iyo jinsiyadda.
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan fogaan arag ah la qaatay madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyee ee SoDMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Madax sare oo hay’adda SoDMA ayaa shalay kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) kula yeeshay madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya World Bank Kristina_Svensso.
Kulanka ayaa salka ku haya xoojinta iskaashiga soo jireenka ah iyo dib u milicsiga saameynta baaxadda leh ee mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP).
Waxaa kulanka lagu xusay guulaha muhiimka ah sida aasaaska iyo hawlgelinta Xarunta Hawlaha gurmadka deg-degga ah ee Qaranka (NEOC) iyo nidaamka digniinta hore ee la tijaabiyay , kuwaas oo labaduba si weyn kor ugu qaaday u diyaargarowga musiibada Soomaaliya.
Hay’adda SoDMA waxay dib u xaqiijisay doorkeeda ah in Soomaaliya ay hogaamiso hay’adda dhimista khatarta musiibada waxayna carrabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay in la miisaamo dadaallada soo kabashada gaar ahaan dayactirka kaabayaasha meelaha ay saameysay Fatahaadii El Niño.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada aan kala go’a lahayn, Iskaashiga iyo wadashaqeeynta fog ay Hay’addu Bangiga Adduunka la leedahay hay’adda SoDMA, Guddoomiyaha ayaa xusay la rajeynayo in la sii wado iskaashiga lagu dhisayo Soomaaliya oo adkeysi badan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-5-25
......