
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 20-5-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday ciidamada Macawisleyda ee Muqdisho lagu daweynayo
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqday Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee geesiyaasha Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Kahwaarijta.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada halyeeyadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin.
"Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Intaa kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.
Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.
Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Yeman ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuriyada Yemen u fadhiya Soomaaliya danjire Fadli Cli Axmed oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.
Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka, bulshada iyo ganacsiga kaas oo saldhig adag u ah kor u qaadidda iskaashi ku dhisan danaha wadaagga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.
Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay xuska maalinta dhalinyarada Turkiga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shalay ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan, si dalkaas horumar u gaaro.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray dowladda iyo Shacabka Turkiga, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriirka saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo taageero.
"Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay leeyihiin walaaltinimo qoto dheer, oo ku saleysan kalsooni iyo is-garab istaag, maalmaheennii ugu adkaa, Türkiye wuu nagu garab istaagay, waxaa uu Soomaaliya la maray dariiq walba, isagoo dhisay isbitaallo, waddooyin, iskuullo iyo rajo. Wuxuu tababaray ciidamada. Wuxuu xoojiyey hay’adaha, Wuxuu garab istaagay shacabka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhihay ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusayey qiimaha maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19 Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 Maajo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa "Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay nidaamka doorasho dadban oo muddo badan ka jiray Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo hufan, caddaalad ah, una adeegta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu yiri
"Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Ra’iisul wasaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka sheegay kulan habeen hore uu la qaatay Hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed,kaa oo daranaa xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 20-5-25
.....