halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 19-5-25

0
Monday May 19, 2025 - 09:21:46 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 19-5-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere ilaa Shibis.

"Waddo markii la dhiso waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo goobo biyo mareen ah haddii kale siima jireyso waddadaas, guddoomiyaasha degmoyinka waxaan farayaa in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku dheelaya nadaafada wadoyinka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Jibriil ayaa maamulka gobolka ku boogaadiyay in xoogga uu saaro dhismaha waddooyinka hal bowlaha ah ee Magaalada Muqdisho, oo ahmiyad weyn u leh shacabka caasimadda, waxa uuna shacabka kula dar-daarmay in ay ka qeyb qaataan nadaafadda iyo bilicda waddooyinka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ciraaq

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo Ciraaqi ah ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarka iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidamada.

Wasiir Thaabit Al-Cabaasi ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga si heer sare ah, halka Wasiir Fiqi uu uga mahadceliyay martiqaadka, isagoo xusay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhiso iskaashi waara oo walaaltinimo iyo istaraatiiji ah.

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax shalay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

Shalay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah,, Ciidanka waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka

Hay’adaha Amniga waxa ay ka howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya.

Madax ka socota xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka qeyb galay shir caalami ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip