halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 18-5-25

0
Sunday May 18, 2025 - 08:31:19 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 18-5-25

    ..........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..........

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MEERTADA 34-AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isago ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hogaamiyeyasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in hormar laga sameeyo dhismaha doladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabod-fallada ka socda Marinka Qasa.

"Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taagerada Somalia ee midnimada madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudan iyo xasilonida dalkaas.

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tirakobka Xaladaha Madaniga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulank Sanadedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay shaqada u qabsontay guddiga, wuxuna yiri” Muddada uu Guddigaani shaqenayay, waxaa horumar fiican laga gaaray dejinta siyasadaha, sharciyada, istaraatijada iyo qorshooyinka lagu maamulayo adeegga dad-dhigista kuwaa oo badankooda uu ansixiyay Guddigan. Sido kale, Gudigani wuxuu ku gulaystay inuu hirgeliyo adeeg dhijitaal ah oo si midaysan loogu bixinayo adeegyada dhalashada iyo dhimashada kaasi oo wejigiisa kowaad laga hirgeliyay 19 degmo oo ku kala yaalla dawlad goboleedyada dalka”.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka hadlay dedaalka uu guddiga ku bixiyay karaanka iyo tayada howlwadeennada Hay’adaha, wuxuuna yiri " Dhinaca kale, waxaa in la xuso mudan Guddigu dadaal farabadan ku bixiyay dhisidda karraanka hay’adaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee u xilsaaran adeegga dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Waxaa tababbaro dibedda iyo gudaha ah la siiyay hawlwadeennada ka kala socday Dawladda Federaalka, dawlad goboledyada iyo dowladaha hoose. Bixinta tababbaradaasi waxaa garab-socday qalabaynta dawladaha hoose kuwaa oo la gacangeliyay agabyo xafiis si xilkooda ugu gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed”.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Hagidda Dad-dhagista oo ka hadashay Kulan Sandeedka 3-aad ee Guddiga Dad-dhigista Iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ayaa ka hadashay arrimaha guurka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Xildhibaan Khadiija ayaa si gaar ah u isu dultaagtay arrimaha guurka iyo xal u helidda cabaqadaha ka yimaada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip