
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 31-3-25
Madaxweynaha JFS oo farxadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid ah Agoonta waalidkood ay ku shahiideen dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid ah Agoonta waalidkood uu ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee dalka looga xoreynayo Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladu ay joogten doonto xuquuqda u gaar ka ah caruurta agoonta Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo hoosta ka xarriiqay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaal-iyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, waxa uuna Alle u weydiiyay dhamaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta Islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa
Madaxweyne Xasan Sheikh oo gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka ka aragtida duwan
Madaxwenaha Dowlada Federalka Soomaalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshbaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.
"Waxaan gogol u fidinayaa siyasiyiinta io hogamiyasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkoda uu qeyb ugu noqdo dagaalka Al-shabaab iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa uga mahad celiyay hoggaamiyaasha siyaasadeed garashadooda ku aadan midnimada dalka. Madaxwenuhu waxa uu xusay in aysan Alshabaab isku haynin afkaar siyaasadeed, balse la isku hayo jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah.
"Waxaan soo dhaweynaynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynuhu.
Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu madaxweynaha Somalia jeediyay oo qeyb ka ahayd hambal-yada bilashada bisha Shawaal ee Ciidda. Wuxuuna hadalkiisa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Somalia lagu dhaliilayay guul darrooyinka dagaalka Alshabaab.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA KULA OOGAY KUMANNAAN SHACAB AH MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Masajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuliyiinta hay’adaha iyo howlwa-deennada dowladda.
Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Somaliyed Munasabada barakesan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaaga dadka muslimiinta ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.
Madaxweynaha ayaa munasabada Ciidda awged, waxa uu si gaar ah ugu hambalyey Taliyeyasha, sarakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qaranimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.
R/ Wasaare Xamsa oo salaaddii ciidda la oogay ciidan iyo shacab ku sugan Sh/Hoose
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay Salada Ciida la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliy-ed ee ku sugan Magalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.
Tukashada salaadda ciiful fitriga oo ay sido kale ka qeybgaleen shacabka ku dhaqan deegankasi, waxaa ra’iisul Wasaraha o ka hadlay halkasi uu u mahad celiyey bulshada nambat konton oo u istaagay in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda.
R/wasare Xamsa waxa u ugu baaqay dadweynaha Gobolka Sh/Hoose inay garab istaagaan halganka al-shabaab looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shalay kula ciiday ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka gobolka Shabeelaha hoose
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay kula ciiday gobolka Shabelada hose, Ciidamada Qaranka iyo xogaga xaq-udirirka deegaanka ee halganka ciribtirka Al-shabab ka wada halkaas.
Ra’iisul Wasaraha ayaa bogadiyey dagaalka xaqa ah ee gesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga, waxana uu u ballan-qaaday in dowlada Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Al-shabaab diinlawe yasha ah ee dalkeena ku so duushay.
"Xoogga dalka Somaliyed taariikh dagal ayu leyahay, baalka tariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaxyada Afrika, dagaalka Al-shabab aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.
Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu shalay ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga geesiyaasha difaacaya jiritaanka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda DanQaran oo farxadda munaasabadda Ciidul fitriga la qaatay shacabka Muqdisho
Qaar kamid ah Wasiirada Xukumada DanQaran ayaa Farxadda Ciidul Fitriga la wadaagay Shacabka Degmada Daarusalam ee Mogadishu.
Wasiirka Wasarada Waxbarashada iyo hidaha tacliinta Mudane Farax Abdulqadir, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Mudane Maxamed Ali Xaga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Mohamed Hassan Mohamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasis Cismaan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, ayaan farxadda munaasabadda Ciidul Fitriga la qaatay shacabka ku nool degmada Daarusalaam.
Wasiirada ayaa Shacabka ay kula Ciideen Degmada Daaru-salaam ee gobolka Banaadir waxay la
wadaageen hambalyo iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in wadaajir iyo amni ay kula Ciidaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo sheegay in askarigii furimaha dagaalka kasoo baxa la toogan doono
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeya Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadam ayaa sheegay in la xisaabtan dhab ah uu mari doono askarigii kasoo baxaya furimaha dagaalka lagula jiro Kooxaha Argage-xisada, waxaana uu uga digay in ay cadowga dhabarka soo jeediyaan.
Taliye Mahad ayaa shaaca ka qaaday in ay xarig ama dil toogasho ah ay tahay askarigii furimaha dagaalka kasoo baxa sida uu qabo sharciga ciidanka waxaana uu sidoo kale tilmaamay in xitaa waalidiintiisa lala xiri doono.
" Askarigii kasoo baxa furimaha dagaalka waa dil toogasho ama xabsiga, looguma simaayo isaga kaligiis xitaa waxaa lasoo xirayaa aabihiisa iyo hooyadiisa, waxaan ka rabnaa waalidka qoriga askariga waxaana laga jarayaa dhaqaalaha Dowladda ay siiso" ayuu yiri Taliye Mahad.
Waxa uu taliyaha dhanka kale shaaca ka qaaday in ay abaalmarin doonaan askariga udhabar adeega dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada bilad ama dhaqaalana la siin doono.
Waxa uu ugu dambeeyn uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed inuu ciidanka qeybihiisa kala duwan ay dardargeliyaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al shabaab si dalka nabad loogu soo dabaalo.
In ka badan 100 maxbuus oo cafis madaxweyne looga sii daayay Xabsiyo ku yaala Muqdisho
Ilaa 114 Maxaabiis ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne, waxaana la tilmaamay in maxaabiistaan ay ahayeen kuwa galay dambiyo fudud.
Maxaabiistaan ayaa laga sii daayay Xabsiga dhexe iyo Xabsiga MBC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye, kadib markii cafis uu u fidiyay madaxwene Xasan Sheekh Maxamud munaasabada Ciida Soonfureed awgeed.
Si kastaba ha haatee maxaabiista Cafiska loo fidiyay ee laga sii daayay Xabsiyada ku yaala Muqdisho ayaa wajiyadooda laga dheehan jaray farxad weyn oo ka muuqatay.
Maxaabiista la sii daayay ee xuriyadooda dib u helay ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo cafiskaan lagu sii daayay u fidiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sanad walba marka la gaaro xiligaan oo kale munaaaabada Ciida Soon fureed awgeed, wuxuu cafis u sameeya maxaabiista galay dambiyada fudfud ee ku xiran Xabsiyada magaalada Muqdisho.
Somaliland oo si la mid ah Dunida Islaamka si Weyn Looga Xusay Munaasibadda Ciiddul Fitriga
Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dabaaldagay munaasabadda Ciiddul Fitriga, iyaga oo isugu soo baxay masaajidadda iyo garoomada si ay ugu tukadaan salaadda isla markaana u xusaan munaasibadda ciidda.
Dadka ayaa salaadda kadib iskugu soo baxay goobaha lagu nasto, iyaga oo kooxo-kooxo u socda, sidoo kale qoysaska ayaa caruurta isugu soo saaray goobaha lagu ciyaaro, sida leexooyinka iyo huteelada leh agabka ay caruurtu ku ciyaaraan.
Madaxweynaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dadweynaha kula tukaday magaalada Hargeysa, isaga oo hambalyo u diray dhammaan dadweynaha Somaliland iyo Islaamka.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa isaguna dadweynaha kula tukaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Madaxwene ku xigeenka iyo wafti uu hogaaminayo ayaa magaalada u joogay hawlaha nabadaynta gobollada bari.
Dabaaldagga Ciiddul Fitriga waa munaasabad meeqaam sare ka taagan bulshada Islaamka dhexdeda, waxaana loo dabaaldega dhamaadka bisha Ramadaan. Waa farxad uu Alle ugu talo galay in ay ku qalbi-qabowsadaan adoomihiisu kadib 30 cisho oo ay dartii u soomanaayeen.
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Soomaaliya ayna heshiis ku geli karin Dekedda Berbera
Madaxweynaha Somaliland, Abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Soomaaliya ayna ka talin Berbera, isla markaana ayna cidna heshiis kula geli karin.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay warqad la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Maraykanka kaga codsaday in uu isticmaalo dekedaha iyo madaarada Berbera iyo Boosaaso, ayaa sheegay in dowladda federaalku ayna xataa Muqdisho si buuxda u wada xukumin.
"Waa la yaab wararka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaalia, isaga oo maamuli kari la’ Muqdisho, haddana waxa uu ku baayactamayaa Dekedda Berbera, warqadna wuxuu u qoray Madaxweynaha dalka Maraykanka," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo maamula hawadeeda, dhulkeeda iyo baddeeda. Wuxuu intaas ku daray in codsiga dowladda Soomaaliya uu marin-habaabinayo beesha caalamka isla markaana khatar ku yahay nabadda gobolka.
"Somaliland waxaa ka taliya dowlad shacabku soo doortay, waxaana u sheegayaa beesha caalamka, Somaliland Xasan Sheekh kama taliyo, wuxuu ka taliya Muqdisho, Muqdishana kuma filna," ayuu yidhi Cirro.
Madaxda iyo bulshada Somaliland ayaa si weyn uga falcelisay warqadda la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya u diray Trump, taas oo daraad lagu baahiyay jariidadaha Semafor iyo Reuters. Dowladda Soomaaliya dhankeeda wali si rasmi ah ugama jawaabin.
Jariidadaha warkan baahiyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay codsigan uga gol leedahay inay hor istaagto aqoonsi la naawilayo in Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana ay ku qanciso Washington inay Muqdisho oo keliya la macaamisho.
Somaliland oo sheegtay in Puntland ay ku lug leedahay budhcad-badeedda iyo kooxaha xagjirka ah
Xukuumadda Somaliland, oo iska difaacday eeddo ay Puntland ku sheegtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha xagjirka ah, ayaa sheegtay in argagixisadu aanay Somaliland wax shaqo ah ku lahayn.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in eedaha kasoo yeedhay maamulka Puntland aanay waxba ka jirin, isla markaana kooxaha xagjirka ahi aanay gabaad ka heli karin dhulka Somaliland.
"Maalmahan, maamulka Puntland wuxuu aad ugu celcelinayay in Somaliland ay argagixiso ka timaado. Al-Shabaab meel ay Somaliland ka gasho ma leh, Daacish meel ay Somaliland ka gasho ma leh, budhcad-badeedu meel ay Somaliland ka gasho ma leh," ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
Wasiirku waxa uu sheegay in Puntland ay xidhiidh la leedahay argagixisada iyo budhcad-badeedda, Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxtooyada Puntland ay lacagaha madax-furashada la qaybsato budhcad-badeedda.
"Cilada kugu taal, haddaad u malayso in dadka kale ay garanayaan, anagu ma naqaano... Waanu ognahay waxa ka dhexeeya Madaxtooyada Puntland iyo budhcad-badeedda. Hal kiis oo budhcad-badeed ahi kama dhicin biyaha Somaliland," ayuu hadalkiisa Wasiir Ayaanle.
Wasiir Ayaanle waxa uu xusay in Puntland ay la yaaban tahay sababta ururrada xagjirka ahi aanay u weerarin Somaliland, hase yeeshee nabadda Somaliland ay suurtagalisay isku-duubnida shacabka, isla markaana argagixisanimadu ay tahay mashruuc ka socda Soomaaliya, oo aanay Somaliland qayb ka ahayn.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa dhawaan Somaliland ku eedeeyay in ay xidhiidh la leedahay argagixisada. Sidoo kale, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland ayaa sheegay in weerarro argagixiso ay ka dhici lahaayeen Somaliland, haddii aanu xidhiidh kala dhaxayn Al-Shabaab.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, oo hore uga tirsanaa madaxda sare ee Al-Shabaab, ayaa sheegay in kooxdu ay ku guuldarraysatay inay qaraxyo ka fuliso Somaliland, sababtuna ay tahay shacabka Somaliland oo foojigan, isla markaana la shaqeeya hay’adaha amniga.
Si kastaba ha ahaatee, weerarro argagixiso oo gaystay dhimashada 30 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 30 kale, ayaa 29-kii Oktoobar 2008 lala beegsaday Hargeysa. Sidoo kale, weerarro hore oo argagixiso ayaa lala beegsaday dad ajnabi ah iyo dad caan ah gudaha Somaliland.
Hooyo iyo wiil ay dhashay oo ku dhintay qarax ka dhacay Beledxaawo
Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, ku dhawaad toban kalena ay ku dhaawacantay, ka dib qarax habeen hore ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in nin la tuhunsan yahay inuu ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab uu bambada nooca gacanta laga tuuro ku weeraray goob ganacsi oo mashquul badan uu ka jiray.
Hooyo lagu magacaabi jiray Bishaaro Cabdullaahi Shaywaal iyo wiil ay dhashay ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen qaraxaasi.
Wararka ayaa sheegaya in hooyadan ay wiilkeeda u soo kaxeysay in ay timaha uga soo jarto tima jare ku yaala bartamaha Beledxaawo, balse ay masiibadan la kulmeen.
Dadkii kale ee qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaala degmadaasi.
Ciidamada amniga oo ku baxay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaan jirin cid ay qaraxaasi u soo qabteen.
'Dadku waxay ku qaylinayaan i caawiya': Dadkii ka badbaaday dhulgariirkii Myanmar waxay ku tilmaameen argagax
Samatabbixiye ku sugan magaalada Mandalay ee dalka Burma ayaa BBC-da u sheegay in uu gacmaha oo qaawan u uku qodayey burburka, isaga oo isku dayaya inuu dadka caawimaad codsanaya ka soo saaro, kadib markii dhul-gariir 7.7 darajo ah uu ku dhuftay bartamaha Myanmar Jimcihii.
"Dadku waxay ku qaylinayaan i caawiya, i caawiya, waxaan dareemayaa rajo la'aan," ayuu yiri ninkan, oo qayb ka ah koox samatabbixin ah oo ka kooban muwaadiniin.
Qof kale oo badbaaday ayaa sheegtay sida ay u maqlaysay cododka dadka ku xayirmay gudaha hoteelka kaas oo dumay.
"Waxaan maqli karaa hooyooyinka ooyaya, saaxiibo, sababtoo ah caruurtoodu waxay weli ku jiraan dhismaha. Waa quus in la daawado," ayey tiri haweeynayday macallimada ah.
"Dhulgariirkan gabi ahaanba waa masiibo," ayay intaa raacisay. "Waxaan u baahanahay gargaar."
Sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah, ugu yaraan 144 qof ayaa naftooda ku waayey Myanmar, iyadoo in ka badan 700 ay ku dhaawacmeen. Laakiin, dhisidda sawir cad oo ku saabsan waxa dhab ahaan ka dhacaya dalka Koonfur-bari Aasiya ma aha mid sahlan.
Gelitaanka ayaa xaddidan tan iyo 2021-kii, markaasoo millatari ay xukunka kula wareegeen afgambi. Saxafiyiinta ajnabiga ah ayaa dhif iyo naadir loo ogolyahay inay si rasmi ah u soo galaan dalka sababo la xiriira xaddidaadda xorriyadda saxaafadda.
Dad badan oo la hadlay BBC, iyo warbaahinta kale, magacyadooda lama sheegin sababo amni awgood.
Markii dhulgariirku dhacay mid ka mida shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dad -qaar dhaawacyo qaba ay ku ordeen waddooyinka, iyagoo qaylinaya oo ooyaya, iyadoo Isbitaalka Guud ee Mandalay uu noqday mid ku dhow inuu la buuxsamo bukaanno.
Mandalay ayaa noqotay "goob musiibo ah," mid ka mid ah dadkii badbaaday ayaa u sheegay BBC.
"Waxay la mid tahay magaalo burbursan, qaar baa weli ku hoos xayiran burburka," ayay tiri. "Waxay ahayd mid aad u daran. Aad bay u daran tahay oo weligay ma arag wax sidaas oo kale u gariiraya."
Gariirku wuxuu ahaa mid aad u xoogan, waxaana si wanaagsan looga dareemay meel ka baxsan xudduudaha Myanmar - ee Shiinaha iyo Thailand
Magaalada Mandalay oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Myanmar, sawirrada warbaahinta bulshada ayaa muujinayay dhismayaal burburay, oo ay ku jiraan qeybo ka mid ah qasriga boqortooyada ee taariikhiga ah.
Buundo 90 jir ah ayaa duntay, halka qeybo ka mid ah wadada weyn ee xiriirisa Yangon, oo ah magaalada ugu weyn Myanmar, iyo Mandalay ay kala go'day.
Mid ka mid ah dadka deggan Yangon ayaa u sheegay barnaamijka Newsday ee BBC-da in gariirku uu ahaa "mid aad u xooggan" oo socday ku dhawaad afar daqiiqo.
Ninkan oo magaciisa qariyey sababo ammaan dartood, ayaa ka sheekeeyay in hurdo indha gadudusi uu kaga soo toosay dhismaha oo si xoog leh u gariiraya.
"Waxay socotay qiyaastii saddex ilaa afar daqiiqo," ayuu yidhi. "Waxaan helayay fariimaha asxaabta waxaanan ogaaday inaysan ahayn Yangon oo kaliya, laakiin sidoo kale meelo badan oo dalka ah."
Aagga caasimadda Myanmar ee Nay Pyi Taw, samatabbixiye ayaa BBC-da u sheegay in ay tageen guri uu qof ku go'doonsan yahay, balse "ma aysan u suuragelin in dibadda loo soo saaro".
Qofka shaqaalaha ah ayaa markii dambe meydka iyo hal qof oo xaalad halis ah ka soo qaaday dukaanka dahablaha. Dadkii dukaanka gacanta ku hayay ayaa u sheegay in 17 qof ay weli ku xayiran yihiin.
"Waxaan kaliya ku heli karnaa dadka meeshii an ka maqalno iyaga," ayuu yiri samatabixiyahan.
Mas'uuliyiinta Myanmar ayaa ku dhawaaqay "goobta dhaawacyada ballaaran," ee Isbitaalka Guud ee Nay Pyi Taw, , halkaas oo bukaannadu ay jiifaan sariiro meelaha bannaanka ah iyagoo faleebooyin ku xiran yihiin.
Taliska militariga ayaa sidoo kale sameeyay codsi naadir ah oo ku aaddan kaalmada caalamiga ah, iyagoo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ka jirta lix gobol.
"Waxaan dooneynaa in bulshada caalamka ay soo dirto caawimaad bini'aadantinimo sida ugu dhaqsaha badan," ayuu yiri madaxda milatariga Min Aung Hlaing.
Hay'adda caalamiga ah ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa u sheegtay BBC inay ku dhibtooneyso inay gaarto aagagga ay saameeyeen dhul-gariirku.
Kooxdeeda la diray Jimcihii dib ayaa dib u soo laabtay sababtoo ah waddooyinka muhiimka ah ayaa burburay, oo ay ku jiraan waddo weyn oo ka timaada Yangon ilaa Naypyidaw iyo Mandala,, sida uu sheegay madaxda hawlaha MSF ee Myanmar Federica Franco.
Dad ka baxsan Mandalay iyo Myanmar ayaa sidoo kale ku dhibtooday inay la xiriiraan eheladooda.
Shin Thant Sanar, oo ah ardayad ka timi Myanmar oo dhigata jaamacadda Sheffield, ayaa u sheegtay BBC inay ku soo toosay wicitaan deg-deg ah oo ka yimid hooyadeed. Codka walaaca ayaa ka muuqday hooyadeed iyadoo sheegtay in dhismayaal ay ku burbureen agteeda.
"Daqiiqado ka dib, eedaday ayaa soo gashay, iyadoo ooynaysa; wax walba way wayday. Waxay ahayd daqiiqad qalbi jab ah, oo ay ka sii dartay markii khadadka telefoonada la gooyay," ayey tiri ardayadu
Qoyskeeda ma dhaawacmin, "laakiin burburka waa mid aan la qiyaasi karin," ayay tiri.
"Maadaama waqtiga salaadda Jimcaha uu ahaa, waxaan ogaaday in dad badan ay ku jireen masaajidda oo sidoo kale burburtay, dad badanna ay ku dhaawacmeen, dhimasho iyo dhaawacna ay geysteen.
"Waddooyinka iyo dhismayaasha aan ku koray waa kuwo aan la aqoonsan karin."
Saxafiga BBC ee ku sugan Bangkok ayaa dareemay dhul-gariirka oo isku dayay inuu la xiriirto saaxiibbadis iyo qoyska ku sugan Myanmar, laakiin ma aysan heli karin xiriir muddo dheer.
Markii ugu dambeysay, muwaadin ka tirsan Mandalay ayaa u sheegay inay jiraan dhismayaal dhowr ah oo burburtay iyo tiirarka layrarka oo la jartay.
"Magaaladu waa mid qasan oo gebi ahaanba burburay," ayuu yiri muwaadinka.
Guilaume D'Agaro, oo ah macallin luuuqda Ingriiska oo ku sugan Yangon, ayaa sheegay in dhul-gariirku uu ahaa "mid carruurta cabsi badan galiyey", kuwaas oo da'doodu u dhexeyso seddex ilaa 12 sano.
Wuxuu sheegay inuu la kulmay koronto la'aan iyo hakad internet ah, taasoo siyaadinaysa dhibaatooyin in aad la xiriiri karto saaxiibbada iyo qoyskaga Mandalay.
Xigasho BBC
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo dad shacab ah kula ciiday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda DanQaran, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday gobolka Banaadir ayaa la ciiday Shacabka Degmada Dayniile.
Wasiirada, Xildhibanada iyo masuuliyiinta tagay degmada Dayniile ayaa shacabka la qeybsaday farxadda maalintan barakeysan iyaga oo ku dhiirrigeliyay xoojinta midnimada, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Masuuliyiintan ayaa kormeer ku sameeyay daafaha iyo xaafadaha degmada, iyaga oo warbixino ka dhagaystay saraakiisha amniga u xilsaaran iyo Shacabka degan meelaha ay kormeereen.
Xamaas oo ogolaatay soo jeedinta cusub ee xabad-joojinta Qasa
Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay taageersan yihiin dib u soo celinta xabad joojinta gudaha Marinka Qasa iyada oo loo marayo soo jeedin ay soo bandhigeen dhexdhexaa-diyeyaasha, taasoo keeneysa in shan maxaabiis dheeraad ah loo sii daayo Israa'iil iyadoo lagu beddelanayo 50-maalmood oo xabad-joojin ah.
Khalil al-Hayyam, oo ka mid hogaamiyaasha ugu sarreeya ee Xamaas s meel ka baxsan Qasa, ayaa sheegay in kooxdu ay ansixisay heshiis qabyo ah oo ay soo direen dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar.
Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sidoo kale ay heleen qorshahan, waxayna u gudbiyeen "soo jeedin liddi ku ah dhexdhexaadiyeyaasha iyagoo si buuxda ula shaqeynaya Mareykanka".
Haddii lagu heshiiyo, heshiiska xabbad-joojinta xaddidan ee cusub wuxuu ku soo beegmayaa ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga oo bilaabanaya shalay oo Axadda.
Sabtidii, xafiiska Netanyahu ayaa sheegay inuu qabtay wadatashi ku saabsan soo-jeedinta xabad-joojinta ka socota dhexdhexaadiyeyaasha.
Waxay sidoo kale sheegeen in soo jeedinta Israa'iil ay la heshiisay Mareykanka, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.Mareykanku si cad ugamuu hadlin arrintan.
Tani waxay imanaysaa iyadoo ciidamada Israa'iil ay hawlgallo dhulka ka fuliyeen Rafax, isla markaana ay sii wadaam duqeymaha hawada ee Qasa, kadib markii xabad-joojintii socotay tan iyo 19-kii Janaayo ay dhammaatay horaantii bishan. Labada dhinac ayaa awooddi waayay inay isku raacaan marxalad labaad oo heshiiska ah ka dib markii kii hore uu dhammaaday.
Intii lagu jiray marxaladdii hore, Xamaas waxay sii daysay 33 la haysteyaal ah. Kooxda ay Iran taageerto ayaa loo malaynayaa inay weli gacanta ku hayaan 59 la haystayaal ah, inkastoo aan la rumaysan karin in dhammaantood ay nool yihiin.
Xamaas ayaa hore ugu adkaysatay in ay ku dheggan tahay heshiiskii asalka ahaa – iyada oo wada xaajood lagu bilaabayo waji labaad kaas oo qorshaynaya in la sii daayo dhamaan la haystayaasha haray si ay gabi ahaanba uga baxaan ciidamada Israa'iil ee ku sugan Qasaa lana soo afjaro dagaalka. Laakiin wada xaajoodyadaas weligood ma bilaaban.
Israa'iil iyo Maraykanku waxay taa beddelkeeda soo jeediyey in wejiga koowaad ee xabbad joojinta - oo dhacay bil ka hor - in la kordhiyo, iyada oo aan dammaanad cad laga helin in dagaalku dhammaanayo.
Israa'iil ayaa Xamaas ku eedaysay inay diiday muddo kordhinta, waxayna 18-kii Bisha Maarso dib u billowday weerarradeeda milateri ee ay ku hayso Qasa.
In ka badan 900 oo qof ayaa ku dhintay duqeymaha cirka ee Israa'iil tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Dhanka kale, ehellada la haystayaasha haray ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu halis galiyay nolosha la haystayaasha isaga oo jabiyay xabad joojintii.
Mid ka mid ah dadka la qafaashay oo lagu magacaabo Elkana Bohbot, ayaa lagu soo bandhigay muuqaal cusub oo ay Xamaas soo bandhigtay kaas oo uu ku codsanayo in la sii daayo.
Dagaalku wuxuu bilaabmay markii Xamaas weerartay koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, iyagoo dilay ku dhawaad 1,200 qof iyo 251 oo ay dib ugu kaxaysteen Qasa iyagoo maxaabiis ah.
Israa'iil ayaa ku jawaabtay weerar millatari oo ballaaran, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 31-3-25
........