
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 19-03-25
MW Xasan Sheekh oo abaabul dagaal ka wada Moqokori
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagi xisada ayaa caawa kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Hirsha -beelle iyo saraakiisha ciidamada horm uudka u ah howlgallada xoreynta dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynuhu ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qa -ranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guula ha, baahiyaha iyo geesinimada Ciida nka Soomaaliyeed.
Abaabulka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili la filayo in dhawaan uu bilowdo dagaalka ka dhanka ah malee shiyaadka Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyna ysa in ay qaado dagaalka wejigiisa la baad ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzaniya oo shirar muhiim ah uga qeyb galay Harare
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC Amb, Ilyas Cali Xasan ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qayb gashay shirka wada jirka ah ee ay caasimadda Zimbabwe ee Harare ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dib -ada iyo Gaashaandhiga dalalka xubna ha ka ah Ururada EAC iyo SADC, kaas oo diiradda lagu saaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Congo DRC.
Danjire Ilyaas ayaa shirar gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeybgashay kulanka oo ay kamid tahay Marwo Thérèse Kayikwamba, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo DRC.
Safiirka ayaa Marwo Thérèse u xaqiij iyay sida Soomaaliya uga go’an tahay nabadda iyo xasilooni waarta oo ka dhacda gobolka.
Dhanka kale, waxa uu kala hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Congo DRC iyo sidii wax looga qaban lahaay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowl -ad gobolleedka Galmudug Dr. Maxa med Nuur Gacal ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.
Xubnahan gudomiyaha Baarlamaan ka Galmudug uu martiqaadka u samee yay ayaa kala ah Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi, kuwaas oo howlo shaqo maalmahan u joogay magaalada Dhuusamareeb.
Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Go laha Warbaahinta Soomaaliyeed ku bo gaadiyey shaqada wanagsan ee uu Golahu u hayo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in warbahinta wad anka gaar ahaan tan Galmudug in xirf adooda sara loo qaado si ay u oga daan xuquqdooda iskana ilaaliyaan inay ka baxaan xeyndaabka suxufinim mo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowl ad gobolleedka Galmudug Dr Maxa med Nuur Gacal ayaa xusay muhiim adda ay leedahay in Golaha Warbaa hinta Soomaaliyeed uu xafiisyo ka fur to Galmudug si door muuqda uga qaa to garaad dhiska suxufiyiinta Soomaal iyeed, si loo xoojiyo xiriirka Warbaahi nta iyo dowladda.
Agaasimaha Waaxda Tababarrada ee wasaaradda Warfaafinta Galmudug Mudane Xassan Cabdiraxmaan oo is na meesha ka hadlay ayaa golaha mar kale ugu mahadceliyey qaban-qaabin ta Tababarrada Golaha Warbaahinta u qorsheeyey Galmudug ee ugu dambeeyay kii shalay lagu soo xiray Dhuusomareeb, kaas oo ay ka faa’iideysteen suxufiyiin ka socday qeybaha warbaahinta Galmudug.
Madaxa Tababarrada Golaha Warb aahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliye sare Cabdiqani Cabdul laahi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga mahadceliyay martiqaadkiisa ayaa uga warbixiyay doorka muhiimka ee Golahu ka qaadanaya sare u qaadidda xirfadaha iyo horumarinta warbahinta Soomaliyeed, iyagoo tilmaamay inay si dhow ula shaqeyn doonaan qeybaha kala duwan ee warbahinta Galmudug ka howlgasha si loo xoojiyo xiriirka suxufiyiinta iyo dowlad gobolleedka Galmudug.
Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga sux ufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo shalay Tababar socday 3 maalin ku soo xiray magaalada Dhuusamareeb.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-ban -naan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u daahfuray qalabka diiwaan gelinta codbixiyaha oo ah qalab casri ah oo lagu qabanaayo doorashada dadway naha, Gudoomiyaha Guddiga Dooras hooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in shalay ay tahay maalin wayn uu Dalka u jihaystay door asho dadwayne, Gudoomiye Cabdik -ariim ayaa sidokle sheegay in 30-ka June Dalka ay ka dhici doonta doorashada goloha deegaanka.
Muddo konton sano ah kadib Shacab ka Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelan doona in ay soo doortaan hoggaan kooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay xaq u leeyihiin shacab-waynaha Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo u digtay shacabka degmada Jilib iyo goobaha lagu beegsanayo Al-shabaab
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameyneysa khasaa raha ballaaran ee Al-shabaab lagu gaarsiiyay degmada Jilib, markii Ciid amada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ay beegsadeen goobo ay halkaasi argagixisadu ku lahayd, lagana soo maleegayay shirqoollada iyo dhibaateynta shacabka.
Cadowga Al-shabaab ayaa sida la rumeysan yahay jab xooggan kala kul may weerarkaasi, iyagoo si dadban u qiraya jabkaasina ay xubno ka tirsan argagixisada ka soo muuqdeen baraha bulshada.
Sida la xaqiijiyay ma jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkii ka dhacay degmada Jilib.
Weerarka ka dhacay Jilib ayaa qeyb ka ah hawlgallo ay dowladdu ku beeg saneyso haraadiga kooxaha argagi xisada ah ee ku dhuumaaleysanaya meelo kooban oo dalka ka mid ah.
Shacabka ku nool degmada Jilib iyo goobaha kale ee argagixisadu gabba adka ka dhiganayaan ayaa waxaa mar kale loogu baaqayaa in ay ka fogaa daan goobaha cadowga lagu beegsa nayo si loo baajiyo khasaare dadka rayi dka soo gaara.
Ciidamada Qalabka Sida ayaa guulo badan ka soo hoyay dhowaan dagaalla da lagu ciribtirayo Al-shabaab, iyadoo degmada Jilib oo argagixisadu ka soo maleegaan shirqoollada nabadda lagu carqaladeynayo ay bartilmaameed koo waad u tahay ciidamada dowladda.
Xogta qaraxa ka dhacay degmada Xamar Jabjab ee Muqdisho.
Qarax ayaa ka dhacay barqanimadii shalay ka dhacay Waaxda Heegan ee degmada Xamar JaJab, gaar ahaan meel u dhow isgoyska Ceelgaabta oo ay marto wadadda xiriirisa Madaxto oyada Soomaaliya iyo Dekadda Muqdi sho, taasoo Madaxda dowladda ku safarto.
Qaraxa oo warar kala duwan kasoo ba xeen ayaa la sheegay inuu ahaa waxy aabo qarxa oo jidka dhinaciisa la dhig ay, waxaana la qarxiyay xilli ay goobta marayeen kolonyada Ilaalada Madaxw eynaha Soomaaliya.
Burbur xoog leh ayuu geystay qaraxa, waxaana waxyeello kasoo gaartay dhismooyinka u dhow goobta qaraxu ka dhacay. Sidoo kale Qaraxa ayaa haleelay Gaari ka mida kuwa aanay xabbadu karin ee ilaalada Madaxtoo yada oo goor danbe laga qaaday hal kaasi.
Waxaa soo baxaya qasaaraha uu gey stay qaraxa, iyadoo la xaqiijiyay inuu ku dhintay qof goob Ganacsi ku lahaa halka qaraxu ka dhacay; waxaase la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amniga dowladda oo ku saabsan qaraxa, iyadoo Warbaahinta loo diiday inay gaarto goobta qaraxa.
Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ilaalada Mada xtooyada ayaa weli ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona baari taano xooggan ay ka sameeyay, wax aana la xiray guud ahaan wadooyinka soo gala isgoyska Umbultooriya Ceel -gaabta ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusii jeeda degaanada Hirshabeelle si uu u Dardar geliyo dagaalka Alsha baab, wuxuuna safarkiisa ka bilaaba -yaa degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Weriyeyaasha Risaala oo dib u helay xorrìyadooda
Howladeenadii iyo Shaqaalaha Warb -aahinta Risaala Media ayaa xoriyadoo da dib u helay, kadib markii si sharci darro ah ciidamo ka tirsan Booliska ay xoog ku galeen oo albabaada isugu dhufteen xarunta Risaala.
Taliyaha Booliska G/Banadir Macallin Mahdi ayaa raaligelin siiyay howlwa deenada Risaala Media, isagoo ka cu durdaartay falkii lagu xiray Warbaa hinta iyo xariga loo geystay Howlwa -deenada.
Weriyeyaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ah:-
Maxamed Saciid Nuur
Xamdi Xasan Axmed
Liibaan Cabdullaahi Xuseen
Cali Ibraaahim Cabdullaahi Suxeyfa
Cabdullaahi Shariif
Ciidamada falkan sharci darrada ku kacay ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha checkpoint-yada ninka lagu magacaabo Cabdi Cali.
Maamulka Risaala Media wuxuu ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya iyo qeybaha ciidamada inay dhowraan xori yadda saxaafadda, ayna ka waantoo baan inay sii socdaan falalka soo noq noqday ee lagu beegsanayo warbaa hinta madaxa bannaan iyo saxafiyiinta, intii lala xisaabtami lahaa kuwa shaqad oodi dayacay.
Weriye Dabaashi oo ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxa.
Allaah u naxariistee waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe oo ka mid ahaa wariyeyaasha muddo dheer ka howlga layay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu ka soo shaqee yay Idaacadda Risaala, muddo badan uu ka howlgalayay.
ararka ayaa sheegaya in Wariyaha me ydkiisa laga helay dabaqa uu haleelay qarax ee ka dhacay Isgoyska Xamar ja -jab ee Muqdisho.
Dhismaha ayaa ku bur buray qaraxa ka dhacay Isgoyska, iyadoona qaraxa uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Weli meydad hor leh ayaa laga soo saarayaa dhismaha uu qaraxa ka dhacay, iyadoona weli ay socdaan dadaalo lagu raadinayo dadka ku hoos jira dhismaha.
Israa’iil oo dib u bilowday in ay xasuuqdo shacabka Falastiin.
Saacado ka hor diyaaradaha iyo taa ngiyada Israa’iil ayaa duqeymo ka bila abay marinka Qasa , dhimashada ay aa gaartay 100 qof , halka dhaawaca uu ka badan yahay 200, tiradan oo daqiiqad walba kordhaysa , sabab la xiriirta duqeymaha culus ee ka socda marinka Qasa.
Ururka Xamaas, wuxuu soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegeen inuu Netanyahu burburiyay heshiiska xabb ad-joojinta Qasa, xilligaana ay wajaha yaan maxaabiista Israa’iil ee ay gaca nta ku hayaan xaalad hubaanti la’aan ah, iyagoo dhexdhexaadiyayaasha ugu baaqay inay si dhaqso ah xaaladan usoo farageliyaan.
Warbaahinta Axios iyo telefishinka Israa’iil ee Channel 12, waxay xaqiiji yeen inay Israa’iil wargelisay Mareyka nka ka hor duullaanka ay ku qaaday Qasa, tan oo ka dhigan inuu Trump sii yay Israa’iil oggolaanshaha inay dib u billaabaan duullaanka Qasa, halka diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo xiriir ah ka wadaan saacadihii u damb eeyay dalka Yemen! Diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka ayaa iyagu dhankooda goobo kale duwan oo hawada Iran ah ku jira, sida laga soo xigtay warbaahinta Iran.
Puntland oo faahfaahin ka bixisay sababa ka dambeeyay geerida Cabdiraxmaan Laahoor
Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay geerida Cabdiraxmaan Shirwac Saciid Laahoor, oo kamid ahaa xubnihii kooxda Daacish ee isisoo dhiibay, kaasoo shalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Ismaaciil Shaahdoon, oo qabtay shir jaraa’id, ayaa isagoo xiganaya baaritaan caafimaad oo kasoo baxay isbitaal kuyaala Boosaaso sheegay, in geerida Laahoor ay sabab u ahayd beerkiisa, wadnihiisa, sambabkiisa, kelyihiisa oo howlgab noqday iyo dhiig-kar ku kacay oo la xakamayn waayay.
Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in xabsiga lagu dilay Cabdiraxmaan Laahoor, isagoo xusay inuu ahaa nin horey loogu xukumay dil toogasho, loona haystay dilal ka badan boqol qof oo lagu khaarijiyay magaalada Boosaaso.
"Laahoor mujrim buu ahaa. Iskuma soo dhiibin si uu naftiisa u difaaco ama caddaaladda horyimaado. Wuxuu waayay meel uu ku gambado. Dadka uu laayay ayaa u baahan caddaalad,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari.
Dhanka kale, qoyska Cabdiraxmaan Laahoor ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in Aabahood si xun loo dilay, isla markaana uusan helin caddaalad. Waxay dalbadeen in aan laga aasin maydkiisa, laguna wareejiyo ehelkiisa.
Ciidanka Qaranka oo jab xooggan gaarsiiyay Al-shabaab
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayay aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellada dhexe.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa warbaahinta Qranka u xaqiijiyey in weerarkan oo billowday waaberigii hore ee shalayy ay ku laayeen malleeshiyaadkii Al-shabaab ee bartilmaameedka ahaa.
Saraakiisha ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in weli ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijtii ay ku weerareen goobta ay isku aruursanayeen.
Dhinaca kale, waxaa Al-shabaab lagu jabiyay weerar naflacaari ah oo shalayy ay isku dayeen in ay ku soo qaadaan fariisin ciidamada geesiyaasha ah ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo oo ka tirsan Shabeellada dhexe, waxaana mar kale halkaas cadowga loogu dhigay cashar lama illaawaan ah.
Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay.
Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto diyaaradaha Bayraktar Akıncı asbuucaan guddihiisa ka dib codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay baahiyeen Sida Turkish Century iyo the Wall of Atrica Journal.
Diyaaradaha Akinci, oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa ka awood badan kuwa TB-2 ee horey u jiray, iyagoo leh awood dagaal oo dheeri ah, hase yeeshee wali kuma guuleysan dowladda ayaan lahayn Ciidan kuwa cirka ah oo shaqeeya, ama khubaro militeri oo aqoon u leh isticmaalka drones-ka.
Diyaaradaha Akinci ayaa la layaa inay gacan ka geystaan in la xakameeyo horumarka degdega ah ee kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay taageeraan hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.
Diyaaradan oo aad uga horumarsan ugana awood badan nooca TB-2 ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah.
Saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyay jiritaanka warkaan ayaa diiday in ay cadeeyaan tiradaha diyaaradahaan balse ilo wareedyo kale ayaa laga soo xigtay in ay yihiin laba diyaaradood.
Tallaabadani waxay muujineysaa doorka sii kordhaya ee Turkigu ka qaadanayo sugidda ammaanka Soomaaliya.
Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen.
Koox hubeysan oo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen, sida ay sheegeen Midowga Yurub.
Bayaan ka soo baxay Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shaaciyay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada EYL ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen.
Warsaxaafadeedka Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in doontaasi ay qafaasheen dabley hubaysan oo ka kooban 7 nin kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay yihiin burcad-badeed Soomaaliyeed balse weli dhacdada baaritaan ku socdo.
Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa intaasi raaciyay in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8 shaqaale ah oo dhammaantood Soomaali ah.
Dad weli laga baadi goobayo dhismihii shalay ku burburay qaraxii ka dhacay Muqdisho
Qoysas ehelkooda ka maqan ayaa shalay soo buux dhaafiyay goobta uu shalay qaraxa ka dhacay ee degmada Xamar Jab Jab ee gobolka Banaadir.
Dadka ayaa nolol iyo geeri ku baadi goobaya ehelkooda, maadaama dhismaha uu qaraxa qabsaday uu soo dumay shalay, islamarkaana uu burburay.
Hodan Maxamed Sheekh Nuur oo 14 sano jir ah ayaa ka mid ah dadka la baadi goobayo, sida ay Risaala Media u sheegeen ehelkeeda.
Gabadhan ayaa aheyd ardayad xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay Inay ku sugneed goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamada ammaanka ayaa weli ku sugan goobta, iyagoona dadka u diidaya in ay gudaha u galaan halka uu ka dhacay qaraxii shalay.
Sidoo kale dhismaha ayaa weli laga raadinaya inay dad ku hoos jiraan iyo in kale.
Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed aksoo saartay qarixii lala beegsaday Kolonyada Madaxweynaha
"Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo marayey degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho xilli Madaxweynaha uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle. Weerarkaasi waa la fashiliyay, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.”
Faahfaahin kasoo baxaysa askar Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaal ku dhex maray Turkiga
Askar tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay ayaa dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24 askari sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.
Xafiiska duqa magaalada Isparta ee galbeedka Turkiga oo arrintu ka dhacday ayaa sheegay shalay in dagaalka ciidamada dhexdooda ah uu ka dhacay xerada Gen. Ihsan Alper halkaas oo ah meel askarta ay ku qaataan tababar.
Sida wararku sheegayaan dhammaan 24-kii askari ee dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka magaalada marka laga reebo hal askari. Xaaladdooda ayaa la sheegay in ay caadi tahay, sida ay qorayaan warbaahinta dalkaas.
Xafiiska duqa magaalada wuxuu kaloo sheegay in walaac dhanka ammaanka ah uu ka jiray xerada iyadoo hadda ay wadaan maamulka ku shaqada leh baarisyo maamulka iyo sharciga ah.
Markii ciidamada ay dhexdooda dagaallameen ayaa si degdeg ah loo kala dhexgalay. Qaar ka mid ah ciidamada Turkiga ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud soo gaareen oo u baahan daaweyn.
Duqa magaalada Cabdullaahi Erin wuxuu kaloo sheegay in ciidamo degdeg loo geeyay goobta isagoo sidoo kale sheegay in labo ka mid ah askarta Soomaaliyeed uu xaalkoodu daran yahay.
"Ciidankeenna ayaa degdeg u kala dhexagalay dagaalka xaaladana caadi ku soo celiyay," ayuu yiri duqa magaalada oo intaas ku daray "ciidamada Soomaalida iyo kuweena waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud".
Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya
xasan sheekhXigashada Sawirka,vs
Ankara ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn uga shaqeeya dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ku taageeraan qalabka ciidamada oo dhammaystiran.
Turkiga wuxuu sidoo kale Soomaaliya la leeyahay xiriir dhinaca ganacsiga ah. Markabka shidaalka baara oo Turkiga laga leeyahay ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ku soo xirtay dekedda Muqdisho, si uu u fuliyo hawlgal lagu sahminayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii ku booqday xerada militeriga Isparta ee ciidamada Soomaaliyeed lagu tababaro.
Magaalada Isparta waxay ka mid tahay meelaha lagu tababaro ciidamada Soomaaliya. Waa meesha la geeyo ciidamada loogu talogalay la dagaallanka kooxaha argagixsada. Bishii Maarso ee sanadkii 2021-kii waxaa xeradaas ka qalinjebiyay ciidamo kumaandoos ah.
Marka ay tababarkooda soo dhammaystaan ciidamada waxay ku biiraan garabka kumaandooska ee ciidanka caanka ah ee loo yaqaanno Gorgor oo Turkiga uu ku tababaro gudaha Soomaaliya iyo waliba waddanka Turkiga.
Bishii August ee sanadkii 2020-kii ayuu safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmet Yılmaz, sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay inuu tababaro saddex meelood hal meel oo ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya.
Ciidamada kale ee sida aadka ah loo yaqaanno ee kasoo baxa dugsiyada tababarka ee Turkiga waxaa ka mid ah guutada sida gaarka ah ee Haramcad.
Turkiga oo ah dal xubin ah NATO ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxa uuna saldhigga ugu weyn ee tabobarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.
Ciidanka Turkiga waxay ku jiraan kaalinta sagaalaad qiimeyn lagu sameeyay awoodaha milateri dalalka gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar.
Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga.
Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee shalayy, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta.
Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana ay ku guuleysteen inay laayaan xubno badan oo ka tirsan AS. Inkasta oo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan la shaacin, haddana ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in AS khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalka.
Dagaalka kadib, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay hawlgallo ballaaran oo ay ku baacsanayaan xubnaha firxadka ah ee ka badbaaday weerarka. Sida ay saraakiishu sheegeen, firxadka AS ayaa lagu raad-joogaa, waxaana ciidanku wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo in maleeshiyaadka baxsaday aanay mar kale dib isugu abaabulin deegaankaasi.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo AS, kuwaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga socday gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.
Dhinaca kale, wararka ka imanaya duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in AS ay isku dayeen weerar ay ku qaadaan fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi. Balse, ciidamada geesiyaasha ah ee halkaas ku sugnaa ayaa si adag u difaacay fariisimahooda, iyagoo AS u dhigay cashar lama ilaawaan ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.
Weerarka AS ayaa lagu jabiyay, waxaana ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen isku daygii maleeshiyaadka, taasoo muujineysa in ciidamada amnigu ay ka feejigan yihiin dhaqdhaqaaqyada AS.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu wali socdo, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.
Maxay Muqdisho u noqotay meel ay kusoo hirtaan dhaqaatiirta Suudaan?
Kadib muddo 30 sano ah oo dagaal sokeeye uu ka socday Soomaaliya, hannaanka daryeelka cafimaadka dalka ayaa ahaa mid isku qasan dad badan ayaana ku qasbanaa inay u safraan dalalka deriska ah si ay daaweyn uga raadsadaan - haddiiba ay awoodaan.
Sidaa darteed sanadkii 2014, koox ga -nacsato Soomaali ah ayaa caasimad da Soomaaliya ee Muqdisho ka aasa asay Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali-Sudanese, si baahidaas looga jawaabo.
Waxaa jiray aday badan oo Suudaan xilliyadaas u aadayay tababar caafi maad – markii ay waxbarashadooda soo dhammeysteenna, isbitaalka ayaa u noqday meel ay khibraddooda uga shaqeeyaan, sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdulqaadir Yuusuf Cabdullaahi, oo ah maamulaha Xarun ta Cilmibaarista iyo Horumarinta isbi taalka.
Balse sanadkii 2022 ayuu dagaal so keeye ka qarxay Suudaan – isbitaalka ayaana hoy u noqday dhaqaatiirta Suudaan ee dagaalka kasoo qaxay, waxaana taas loo aaneynayaa xiriirka wanaagsan ee muddada dheer ka dhaxeeyay shacabka labada dal.
Dhaqaatiirta Suudaan ayaa sidoo kale daryeel caafimaad oo gaar ah kusoo kordhiyay isbitaalka, kuwaas oo aan hore dalka uga jirin.
Colaadda Suudaan: Ma jirto Dhulka meel kale oo ay carruur sidan u badan uga qaxaan dagaalka
Suudaan, ayuu dagaal sokeeye ka qarxay bishii April, sanadkii 2023. Dag aalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamada Jeneraal Cabdulfataax al-Burhan, iyo hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaanno Hemedti.
Labadan nin ayaa isku dayay afgembi bishii October 2021, balse kaddib waxaa dhex martay xurguf dhanka awoodda ah oo horseedday inay hub isu qaataan iyo billowga dagaal aan u muuqan mid dhammaanaya.
Prof Xilmi Daa'uud, wuxuu ahaa ahaa dhaqtarkii ugu horreeyay ee isaga oo qoyskiisa la socdaan usoo qaxa Soomaaliya saddex bilood kadib dagaalka.
Wuxuu Muqdisho tegay bishii July isla sanadkaas, isaga oo ay la socdeen qoyskiisa oo dhan, balse ma fududeyn inuu go'aankaas qaato.
"Inaad dalkaaga kasoo baxdo oo shacabkaaga kasoo fogaato ma aha wax fudud waa dareen aad u adag" ayuu yiri.
Dr Xilmi ayaa ka shaqeynayay mid ka mid ah isbitaallada magaalada Khartuum markii uu dagaalku qarxay.
"Waxaan waday gaari waxaana ag marayay madaxtooyada markii aan maqlay rasaas. Waxaan u socday goobteyda shaqada aniga oo qalliimo sameyn lahaa. Si dhib leh ayaan ku gaaray isbitaalka" ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in markii uu shaqadiisa soo dhammeystay ambalaas looga soo qaaday isbitaalka sidaasna uu gurigiisa ku tegay maalintaas.
"Maalmihii xigay waxaa isbitaalka la keeni jiray dhaawac u badan rayid oo aan qalliimo u sameyn jirnay, balse markii dambe way adkeyd xitaa inaad guriga ka baxdo, shaqadiina sidaas ayay ku istaagtay" ayuu intaa raaciyay.
Dr Xilmi ayaa u guuray xaafad kale oo isla Khartuum ah, balse markii dambe wuxuu ku qasbanaaday inuu aado magaalada Port Sudan.
"Waxaa jira dareen iyo rajo ah in xaalku hagaagayo oo maalmo iy toddobaadyo uun ay qaadaneyso. Sidaas darteed, ma aan dooneyn inaan dalka ka fogaado, waxaan jecel nahay daaweynta shacabkeenna,"
Wuxuu sheegay in mid ka mid ah asxaabtiisii ay isbitaallada Suudaan iskala shaqeynayeen uu ka howlgeli jiray isbitaalka Somali-Sudanese, sidaasna ay ugu suurto-gashay inuu Muqdisho usoo wareego.
"Waan lasoo xiriiray sidaas ayaana ku yimid Muqdisho oo isbitaalkana uga shaqo bilaabay." Ayuu yiri Dr Xilmi.
"Magaca isbitaalka wuxuu ka tarjumayaa oo keliya xiriirka wanaa gsan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Suudaan. Waa dad leh xiriir taariikhi ah oo dhaqanka, hiddaha iyo suuga anta iyo waxbarashada ah," ayuu yiri Dr Cabdullaahi.
Dr Cabdullaahi ayaa sheegay in isbitaal ka uu soo jiitay dhaqaatiir Suudaanees ah kahorba inta uusan dagaalka ka qarxin dalkooda.
"Maaddaama caafimaadku ku xiran yahay dhaqan iyo kalsooni, dhaqaati irta Suudaaneeska waa kuwo u ek dhaqan ahaanna fahmaya shacabka Soomaaliyeed," ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu sheegay in markii dagaal uu ka qarxay Suudaan ay sahlaneyd in dhaqaatiirta dalkaas ay yimaadaan Muqdisho, maaddaama isbitaalka uu watay magaca dalkooda.
"Kan waa abaalgud. Inta karaankeenna waxaan isku dayeynaa inaan abaalgud u muujinno oo sidoo kale garab-istaagno walaalaheen iyo dalka Suudaan."
Ilaa 30 dhaqtar Suudaanees ah ayaa haatan ka howlgala isbitaalka, kuwaas oo bixiya adeegyo aad loogu baahnaa oo ay soo kordhiyeen.
"Qalliimada sinta iyo jilbaha iyo kuwa waaweyn ee wadnaha, qalliimada dhaawacyada ciyaaraha oo hadda isbitaalka uu bixiyo waxaa soo kordhiyay dhaqaatiirta suudaan." Ayu yiri Dr Cabdullaahi.
Inkastoo Muqdisho amnigeeda uusan weli hagaagsaneyn, haddana dhaqaatiirtan ayaa dhex deggan shacabka iyagoo raaca gaadiidka dadweynaha.
Berbera: Wiil iyo gabadh isku dayay in ay nafta is dhaafiyaan, kadib wiilkii dhawaan jacaylka isku gubay
Wiil iyo gabadh reer Berbera ah ayaa Talaadadii shalay isku dayay inay nafta is dhaafiyaan. Wiilka ayaa sun cabay, halka gabadhuna ay is dalda shay.
Wiilka oo lagu magacaabo Cali Maxam -ed Cabdalle, ayaa sun cabay kadib markii ay is afdhaafeen haweenay u dhaxday. Isaga oo xaaladiisu xuntahay ayaa loola cararay Isbitaalka Wayn ee Berbera, halkaas oo hadda lagu dabiibayo.
Sidoo kale, gabadha oo magaceeda lagu sheegay Saado, kuna noolayd guriga Kawsar (gabadhii uu darteed isku gubay wiilkii dhawaan jacaylka isku gubay), ayaa is daldashay, kadibna si dirqi ah ayaa lagu badba adiyay sida uu Suxufi Libaan Janaale u sheegay Horyaal TV.
"Goob-joogayaal aan ka mid ahaa ayaa inanta xadhiga ka furay, halkaas ayaana lagu badbaadiyay. Inanta da'a deedu waa 20 ilaa 22 jir, lama yaqa ano sababta ay isku daldashay, lakiin hooyadeed ayaa noo sheegtay in ilaa hadda ayna hadlayn," ayuu yidhi Jan -aale.
Labadan dhacdo ayaa imanaya kadib markii 15-kii bishan Maxamed Jaamac Gaaxnuux oo ahaa wiil dhallinyaro ah uu dab is qabadsiiyay, isla markaana u geeriyooday kadib markii ay waalidkiisu u diideen gabadh ay shaqo wadaag ahaayeen oo uu jacayl u qaaday.
Dhacdooyinkani Waxay noqdeen qaar naxdin badan oo dadku ay faaladooda isku waydaarsanayaan baraha bulsh ada iyo goobaha lagu kulmo. Berbera ayaa hore ugu suntanayd jacaylkii ha leelay Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari), oo hilaadii 1941 jacayl uu gabadh u qaaday u geeriyooday.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 19-03-25
.......