
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-03-25
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadedna looga baahan-yahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201.
Maareeyaha SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray jalalaqsi
Gudomiyaha Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, daqaatiir ka tirsan Hay’adda SoDMA iyo Isbitaal Madiina ayaa shalay gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Safarka Guddoomiyaha ayaa daarran xoojinta dadaallada bani’aa-dannimo ee dalka iyo u kuur-galidda xaaladda nololeed ee degmada iyo degaannada ku xeeran, isagoo gargaar loogu tala-galay dadka nugul oo daawo iyo cunno isugu jira ku wareejin doona maamulka degmada iyo hogaanka Wasaarada Gargarka io Mareynta Musiiboyinka Hirshabelle.
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Xildhibanda Golaha Shacabka Gudoomiyaha degmada Md. Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) Agaasimaha Guud ee Wasaaradd Gargarka & Maarenta Musiiboyinka Hirshabelle Md. Abdifitax Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale ayaa waftiga Guddoomiyaha ku soo dhaweyay garoonka diyaradaha Jalalaqsi.
Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo jab xooggan gaarsiiyey al-shabaab
Ciidamada Qaranka iyo Geesiyasha dadka deegaanka ayaa saaka mar kale cashar lama illaaban ah u dhigay Al-shabab nafla caariga ah, kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Qaranka.
Degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose iyo aaga deegaanka Buursha Sheekh ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa Al-shabaab saaka si wayn loogu jabiyay, iyadoo la gaarsiiyay khasare badan.
Dhanka kale, Ciidamada Qaranka ayaa habeen hore howlgal qorshaysan ku burburiyay goob Al-shabaab ay isku aruursanayeen oo ku taalla deegaanka Laba-Garas e gobalka Shabelaha Dhexe waxana halkaasi lagu laayay dhamaan maleshiyadkii cadowga ahaa ee joogay.
Goor dhow la soco faah-faahino dheerad ah oo ku saabsan howlgaladan.
Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb
Xubno ka socda Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo daraad gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobolledka Galmudug ayaa habeen hore halkaas loogu sameeyay afur si heer sare ah loo soo agaasimay, kaas oo lagu qabtay guriga Boqor Bashiir Ciise.
Munaasabadda afurka soo dhaweynta xubnaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug, Gudomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey, agaasimayaal iyo Ururrada bulshada, kuwaas oo dhamaan Golaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee dalka u hayaan oo ay ugu horeyso garaad dhiska bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.
Wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Boqor Bashir Ciise ayaa dhankooda tilmaamay muhiimadda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed u leeyahay dalka guud ahaan, kaas oo dhisaya garaadka aqooneed ee bahda Saxaafadda, islamarkaana horseedeya isku-xirka dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada.
Madaxa Tababarada Golaha Warbahinta Somaliyed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullahi ayaa dhankoda ka mahadceliyay so dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay iyagoo ku sheegay in ujeedka u yimaadeen Dhusamareb tahay Tababar la xiriira horumarinta aqooneed ee bahda Saxaafadda Galmudug, taas oo qeyb ka ah qorshaha Golaha garaad dhiska suxufiyiinta soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta ka socda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa shalay lagu wadaa inay magalada Dhusamareb ka furaan tababar la xiriira xoojinta xirfadaha suxufiyiinta, kaas oo socon doona muddo 3 maalin ah. Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga bulshada Soomaaliyeed.
Xanuun aan la ogeyn waxa uu yahay oo 4 Qof ugu geeriyoodeen Gobolka Karkaar ee Puntland
Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg ahna u faafaya, waxaana u dhintay ilaa 4 qof oo laba kamida dumar yihiin, halka ay u jiifaan inta badan dadkii degmadaasi.
Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib markii uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan.
Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen.
Gudoomiyaha waxa uu yiri "Xanuunkani waa mid aan la aqoonsan oo safmara, oo dadka inta badan ku dhacay, waa qandho daran oo qofkii sanka iyo afka dhiig ka keenayo lafaha xitaa laga qabanayo, waxaana uu waayayaa urkii iyo dhadhankii.
"Xanuunkani sida la caddeeyay ilaa 4 qof ayaa u geeriyooday oo laba kamida dumar yihiin" ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid.
Guddoomiyaha degmada Raxo Raaxo ayaa sidoo kale sheegay in ay wacyi-gelin ku saabsan xanuunkaasi ka sameeyeen degaanka, sidoo kalena xarumaha caafimadka albaabada loo furay, si loola tacaalo xaaladda dadka uu soo ridanayo xanuunkaasi la garan waayay.
Macalim ka cusub ee Xulka Qaran oo rajo ka muujiyay kulamada uga harsan Group ka ee is reebreebka ciyaaraha Aduunka 2026
Macallinka cusub ee loo magacaabay Xulka Qaranka Soomaaliya, Yuusuf Cali Nuur, ayaa sheegay in rajadooda ay ka qabaan inay natiijo fiican ka keenaan kulamo ciyaareedka soo socda ay aad u sareeyso xiddigaha Ocean-ka inay u soo baxaan ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee FIFA 2026 oo ay la ciyaarayaan Guinea iyo Botswana oo ku wada jira Group G.
Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ka hor inta aysan xulka Soomaaliya u bixin Ivory Coast daraad oo Jimco ahayd, ayuu Yuu Cali wuxuu sheegay inuu garanayo waxa laga filayo labada kulan ee ciyaartooydiisa ciyaari doonaan.
"Labada wadan waxay ka mid yihiin kooxihii aan horay ula ciyaarnay, Hadda waxaan qabnaa rajo weyn, Labada xul qaranba waa kuwo aad utartama, waana la wada soconaa, Rajo ahaan waxaan dooneynaa inaan wax ka gaarno labada kulan oo natiijo wax u ool ah.” ayuu yiri Macalim Yuu Cali.
Soomaaliya ayaa ugu hooseysa Group G iyadoo aan wax dhibco ah heysan, waxaana laga yaabaa in qaab ciyaareedkii aan wanaagsan ee dhibcihii ku lumiyeen ay ku qasbi karto tababaraha cusub inuu dib u eego qaab ciyaareedka Ciyaartoyda Soomaalida.
"Waan ku guuldareysanay kulamadii hore laakiin waxaan rajeyneynaa inaan sameyno waxa ugu fiican, Diyaargarow fiican ayaanu samaynay. Insha allaah natiijo ayaanu heli doonaa”. Ayuu hadalkiisa raaciyay.
10 Ciyaartooyd oo naadiyada heerka ugu sareeya kaga jira Tartanka Naadiyada Soomaaliya iyo kuwa kale oo dibadda laga keenay ayuu horkici doonaa Yuu Cali kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay ka filayaan natiijo wax ku ool.
Puntland oo sheegtay in la bartilmaameedsan karin xaasaska iyo carruuraha kooxda Daacish
Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ku sheegay, in aan la bartilma-ameedsan karin xaasaska iyo carruurta kooxda Daacish, taasoo uu sheegay inay waafaqsan tahay mabaadi'da diinta Islaamka.
Wasiirku wuxuu xusay in Puntland ay hore u caddeysay in carruurta iyo haweenka Daacish ee aan wax dambi ah gelin ay isa soo dhiibi karaan, isla markaana aysan la kulmi doonin dil ama xadgudub.
Wuxuu sheegay in ay waajib tahay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo carruurta maatada ah.
"Intii dagaalku socday, ma jirin wax gaf ama xadgudub ah oo lagu sameeyey dumar, carruur ama maxaabiis Daacish ah. Sidaas darteed, arrintani maaha mid u baahan in laga hadlo shalay," ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaalida ugu baaqay in aan dagaalka lagula jiro argagixisada laga dhex raadin dano siyaasadeed ama mid kooxeed.
"Daacish waa al-shabaab shisheeye, oo ku soo duushey dalkeena, waxey xalaaleysteen dhiiga, sharafta iyo dhaqaalaha dadkeena, waxey kharaabiyeen guryihii ilaahey iyo goobihii cibaadada. Diinteenu waxey ina faraysaa in aan iska dhicino oo aan ku layno goobaha dagaalka, iyo meel walba oo ay galaan, haddii koodii dhaawac ah iyo kii isa soo dhiiba uu isqarixinayo oo dhib u gaysanayo Ciidankeena, waa la dilayaa mana jirto sabab loo bad baadiyo, sidoo kale waxaa bannaan in maxkamad la horkeeno oo lagu fuliyo dil, daldalaad ama ciqaab kale ee u dhiganta hadba danbjgey galeen,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sheegay in ay jiraan dad waaweyn oo aan waligood ka hadlin dhibaatada Daacish, balse hadda soo muuqday iyagoo leh sida uu sheegay ajandayaal siyaasadeed oo ay ku dhex raadinayaan dagaalka lagula jiro kooxdaasi.
Hadalka wasiirka caddaaladda Puntland ayaa yimid, kaddib hadal hayn badan oo ka dhalatay mid kamid ah culimada Puntland oo sheegay inaan la dili karin dadka u dagaalamaya kooxda Daacish oo dagaalka lagu qabto.
Ciidamada Xoogga Dalka oo Jab Xooggan gaarsiiyay Al-shabaab Al-shabaab
Ciidamada Xoogga Dalka iyo saw u dirirka Deanna ayaa jab culus Al-shabaab ku garsiiyay deegaano dhaca Gobalka Shabellaha Dhexe
Geesiyada is garabsanaya ayaa weerar ku qaaday goobo Argagix-isada ay gabaad ka dhiganayeen aagga Deegaanka laba Garas ee Gobalka Shabellaha
Ciidamada ayaa Dagaalka ku dilay maleeshoyaad iyo hormonal audio kale, geesiyada Xoogga Dalka iyo saw u dirirka Deegaanka ayaa burburiyay guud ahaan goobihii gabaadka ey ka dhiganayeen Al-shabaab ee Deegaanka laba Garas.
Dhan kale Geesiyada CXDS iyo saw dirirka Deeganka ayaa Deegaanka Sumadaale Kaga hortagay Xubno ka tirsan Al-shabaab oo Damacsanaa dhibaateynta Shacabka
Geesiyada ayaa burburiyay Gaari Walxalaha Qarxa ey Argagixisada ka so buuxiyeen kaa oo ey doonayen iney Shacabka ku dhibaateeyaan
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa tilmaamay in Al-shabaab jab culus la gaarsiiyay ciidamada ay ka hortageen dhammaan damacyadii gurracnaa Argagixisada ee ku aaddanaa dhibaateynta Shacabka
Deegaanka Sumadaale ilaa aaga Bur Shiikh ayay Ciidamada xiligaan sii baacsanayaan circadian. Al-shabaab.
Somaliland: Wiil reer Berbera ah oo jacayl dartii dab isku qabadsiiyay
Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii daraad.
Maxamed Jaamac Gaaxnuug, oo ah wiil da' yar, ayaa sida la sheegay shidaal isku rusheeyay kadibna dab is qabadsiiyay, markii gabadhii uu jeclaa ay telefoonka ka qaban weyday.
Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Shacabka ee magaalada Berbera, ayaa dhaawac culus gaadhsiisay oogada sare ee Gaaxnuug, iyadoo gurmad degdeg ah lagu bakhtiiyay dabkii. Waxaa markii dambe dhaawac ahaan loogu qaaday magaalada Hargeysa.
Magaalada Berbera ayaa hore ugu caan baxday qisadii jacaylka ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari), oo ka mid noqday aabbayaasha maansada jacaylka Soomaalida, kadib markii uu jacayl daran u qaaday gabadh la odhan jiray Hodan Cabdulle Walanwal, oo kasoo jeeday qoys isaga dhaqaale ahaan ka jeeb buurnaa badhtamihii 1930-meeyadii.
Cilmi Boodhari, oo ay Soomaalidu ku naanaysto "Aabbaha Jacaylka Soomaaliyeed", ayaa ugu dambeyn sida la wariyo u dhintay jacayl daran oo uu gabadha u qaaday sannadkii 1941-kii, kadib markii ay u suurtogeliwayday inuu hanto qalbigeeda.
"Harka galay hurdadu way xuntahe hoohay maxa iseexshay, bal in aan habaar qabo maxa Hodan i waydaarshay," ayuu ku calaacalay Cilmi Boodhari, ka hor intii aanu la godgalin jacaylka.
Sheekada Gaaxnuug ayaa dadka dib u xasuusisay jacaylkii galaaftay noloshii Boodhari, oo hadda xabaashiisu ku taallo Berbera. Dad badan ayaa leh, "Goobtu waa halkii uu Boodhari ku nafwaayay; wiilkuna waa dhallinyar sidii Boodhari" ee Berbera iyo jacaylka maxaa ka dhexeeya?.
Puntland: Waxaan ka cabsi ka qabnaa in wixii ka dhacay Afgaanistan ay ka dhacaan Muqdisho
Maamulka Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada amniga ee Muqdisho, iyago la barbardhigay xaaladda Muqdisho bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan.
"Inta badan diblomaasiyiinta Mareykanka waa laga saaray. Waxaan ka cabsi qabnaa in wixii Afgaanistaan ka dhacay ay Muqdisho ka dhacaan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland, Dirir.
Wasiirku wuxuu xusay in Al-Shabab ay kordhiyeen weraradoda, halka dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay u xajisan lahayd deegaannada ka baxsan caasimadda. Wuxuu sidoo kale sheegay in walaaca laga qabo xasilloonida Muqdisho uu sii xoogeysanayo, iyadoo taageerada caalamiga ah ay hoos u sii dhacayso.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa imaanaya xilli dowlada Somalia ay ku adkaysatay in aysan marnaba suurtagal ahayn in Al-Shabaabku la wareegaan Muqdisho ama deegaannada kale ee ay gacanta ku hayso.
Si kastaba ha ahaate, Bishaan Ramadaan, Al-Shabaab ayaa xoojiyay dagaallada ka dhanka ah ciidamada dowladda, iyagoo isku dayaya inay la waregan degmoyinka ku dhow Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa horey ula wareegay deegano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaas oo sanadkii hore ay baneeyeen ciidamada ATMIS.
Dowladda Maraykanka oo shaqaale dhimis ku samaysay idaacadda VOA iyo hay'ado kale
Madaxweynaha dowladda Maraykanka, Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in shaqaale dhimis lagu sameeyo idaacadda Voice of America (VOA), iyada oo dhammaan shaqaalihii idaacadda loo sheegay inay guryahooda joogaan si ku meel gaadh ah.
Sida ay warisay AP, amarkan ayaa soo baxay kadib markii Koongrasku uu meelmariyay sharci ku saabsan arrimaha kharashaadka. Trump ayaa maamulkiisa u sheegay in la dhimo kharashka hay'addo dhowr ah sida US Agency for Global Media, oo ay hoostagto idaacadda VOA, Radio Free Europe and Asia iyo Radio Marti.
Subaxnimadii Sabtida, Kari Lake, oo lataliye sare u ah hay’adda, ayaa qoraal ku daabacday X (Twitter) kaas oo shaqaalaha ku wargelisay inay hubiyaan iimaylkooda oo loogu diray amar si ku meel gaadh ah shaqada lagaga joojinayo. Shaqaalaha ayaa ku maqnaandona fasax iyada oo mushaarku u socdo.
Ururada u dooda xuquuqda saxaafada ayaa kasoo horjedsaday go’aanka Trump, iyaga oo ku tilmaamay go’aan lagu waxyeela-ynayo xoriyada saxaafadda, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah shaqada loogu soo celiyo shaqaalaha VOA.
Maamulka Trump, oo talo ka helaya maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk, ayaa xidhay hay'addo badan oo dowladda Maraykanku ay maalgelin jirtay. Musk, oo madax ka ah xafiis ka shaqeeya ilaalinta hantida dowladda, ayaa soo rogay amaro badan oo dad badan shaqo la'aan dhigay.
Maraykanka ayaa hore albaabada isugu laabay hay'addii mucaawinada dibadda Maraykanka ee USAID, sidoo kale waxa uu deeqihii ka goostay hay'adihii kale ee gargaarka, taasoo sababtay in dad badan oo qoxooti ah oo ay hay'aduhu caawin jireen cidlo kusoo dhacaan.
Wadamo ay ku jirto Soomaaliya oo muwaadiniintoodi laga mamnuucayo gelitaanka dalka Mareykanka
Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay jariidada New York Times.
Jariidada waxa ay shaaca ka qaaday in Sharciga cusub ee soo gelitaanka Mareykanka ay saameyn doonta 43 dal, waxaana la sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay soo jeedisay in dalalkan loo kala saaro saddex qeybood.
Muwaadiniinta dalalka ay ku jiraan kooxda koowaad waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka gudbaan xadka Mareykanka, sida Yemen, Libya, Syria, Somalia, iyo Sudan, marka lagu daro Afghanistan, Bhutan, Venezuela, Iran, North Korea, iyo Cuba sida kuxusan qorshaha Wasaaradda oo nuqul kamid ah ay heshay jariidadaan.
Qaybta labaad waxay ku soo rogtay xayiraad weyn oo dhanka booqashooyinka Mareykanka waxaana ku jira 10 wadan kuwaasi oo kala ah Russia, Belarus, Haiti, Laos, Myanmar, Pakistan, Sierra Leone, Turkmenistan, Eritrea, iyo South Sudan.
Kooxda saddexaad waxaa ku jira waddama ay muwaadiniintoodu saaran tahay mamnuucid ama gebi ahaanba in ay galaan Maraykanka, waxayna kala yihiin: Angola, Antigua iyo Barbuda, Benin, Burkina Faso, Vanuatu, Gambia, Dominican Republic, Jamhuriyada Dimuqradiga ah ee Kongo, Zimbabwe, Cape Verde, Cambodia, Cameroon, Congo, Liberia, Mauritania, Malawi, Mali, Sao Tome iyo Principe, Guinea, Saint-Centre, iyo Chat.
Dhanka kale, wargeysku wuxuu sharraxay in saddexda liis ay wasaaradda arrimaha dibadda soo saartay dhowr toddobaad ka hor, lagana yaabo in wax laga beddelo.
Maxaa sababay dagaalka cabsida laga qabo in uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?
Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal ka dhex qarxo wakhti kasta.
Kadib heshiiskii labada dal ay ka gaadheen colaaddii muddada badan dhex taalay sanadkii 2018, ciidamada Ereteriya waxay dowladda Abiy Axmed ka taageereen dagaalkii uu kula jiray ciidamada gobolka Tigray ee TPLF sannadihii 2020 ilaa 2022, iyada oo kumannaan kamid ah ciidamada Ereteriya ay gudaha u galeen gobolka.
Haddaba, Ereteriya ayaa ka cadhootay kadib markii laga qaybgalin waayay heshiiskii ay Pretoria ku gaadheen dowladda Itoobiya iyo TPLF, 2-dii November, 2022. Ereteriya waxay isku aragtay in la gaadhay heshiis aan laga talo gelin, maadaama ay dagaalka qayb ka ahayd, waxayna khatar u aragtay kooxda TPLF oo markale loo dhiibay hoggaanka gobolka Tigray.
Waxa soo laba kaclayay muran dhanka dhulka ah oo labada dal ka dhexeeyay muddo dheer. Kadib markii ay Ereteriya ka go'day Itoobiya sannadkii 1993, dagaallo dhiig badan ku daatay oo salka ku hayay muranka dhulka ayay la gashay Itoobiya sannadihii 1998 ilaa 2000. Haddaba, maadaama aanay qayb ka ahayn heshiiskii nabadda ee Pretoria, si rasmi ah looma xallin murankii dhulka. Sidoo kale ciidamada Ereteriya, ayaa Tigray looga saaray si amar ah oo anay Asmara ku qancin.
Kadib heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya iyo Somaliland ay galeen horaantii 2024, waxa soo ifbaxday diidmada Asmara ee damaca Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed. Ereteriya oo ka xun in Itoobiya ay timaaddo Badda Cas, ayaa markiiba xulufo la noqotay Masar iyo Soomaaliya oo heshiiskaas kasoo horjeeday, taasina waxay markale soo celisay cadaawaddii labada dal.
Sidoo kale, waxa khatarta dagaalka sii xoojiyay kala jab ku yimid xisbiga TPLF ee loo dhiibay maamulka gobolka Tigray, iyada oo dagaallo cusubi ay dhex mareen dhinacyo is-maandhaafsan. Haddaba, waxa laga cabsi qabaa in dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ay la kala saftaan dhinacyadaasi, taasoo dhalin karta dagaal waqti dheer qaata.
Ugu dambayn, waxa markale istaagay isu socodkii gaadiidka labada dal oo lasoo celiyay 2018, iyada oo Asmara mamnuucday duulimaadyadii Ethiopian Airlines, sidoo kalena dhinacyada ayaa heegan geliyay ciidamadooda, iyaga oo xadka u dhexeeya soo dhoobay ciidan badan. Taasi oo sii xoojisay cabsida laga qabo in uu qarxo dagaal kale.
Putin ayaa sheegay in Ruushka uu u turi doono ciidamada Ukraine ee is dhiiba
Ruushka ayaa caafin doona askarta Ukraine ee jooga galbeedka Kursk haddii Kyiv ku amro inay is dhiibaan.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay ka dib markii madaxwe-ynaha Mareykanka Donald Trump uu ku booriyay inuu ka fogaado "xasuuq xun” oo halkaas ka dhacay.
Ukraine ayaa beenisay in ciidamadeda Kursk ay hareereeyeen, iyadoo ku tilshalayy shegashada inay tahay been abuur Rush ah faafinayo.
Laakiin .madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa Jimcihii ku tilmaamay xaaladda ciidamada Ukraine mid "aad u adag” oo ah Aloow sahal amooraha.
Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray in uu ka codsaday madaxweynaha Ruushka in uu badbaadiyo nolosha kumannaan qof oo reer Ukraine ah oo uu sheegay in ay "gebi ahaanba ku hareeraysan yihiin” oo ay nugul yihiin.
"Waxaan si adag uga codsaday madaxweyne Putin in noloshooda la badbaadiyo. Tani waxay noqon doontaa xasuuq aad u xun, oo aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka,” ayuu yidhi.
Putin, oo la hadlayay Golihiisa Ammaanka, ayaa sheegay inuu akhriyay rafcaanka Trump, uuna fahmay baaqa Trump ee ahaa in tixgalinta bini’adanimo lagu tixgaliyo.
"Arrintan, waxaan jeclaan lahaa inaan carrabka ku adkeeyo in haddii [ciidamada Ukraine] ay hubka dhigaan oo ay isa soo dhiibaan, ay heli doonaan dammaanad nololeed iyo daaweyn hufan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo sharciyada Federaalka Ruushka,” ayuu yiri Putin.
Diyaaradaha Turkiga oo garaacis ku haya maleeshiyada Al Shabaab
Dowladda Turkiga ayaa ka qayb qaadaneysa weerarada xagga cirka ah ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe ee lagu taagerayo hawlgalka dhinaca dhulka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Turkiga ayaa ka jawaabaya codsi dhawaan uga yimid Madaxda Qaranka, oo ahaa in la kordhiyo duqaymaha lagu hayo maleeshiyada Al Shabaab, inta deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ay ka socdaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, gaar ahaan in diyaaradahooda dagaalka ay haatan ka hawlgalaan Gobolka Shabellaha Dhexe oo dib-u-dhac weyn kala kulmay culeyska aan horey loo arag ay Shabaabku soo saareen dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee dalka ka hawlgala ay maalmahaanba hawlgalka hawada ah ka fulinayeen gobolkaasi, iyagoo adeegsanaya diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.
Saraakiisha Turkiga ee degan Saldhigga Turksom ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaya in ay duqaynayaan goobaha uu Militariga Somaliya weydiisto in la garaaco.
Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Turkigu uu tababaro ayaa Taliska Turksom kala shaqeynaya bartilmaameedyada ka dhanka ah Al Shabaab.
8-dii cisho ee ugu dambeysay, duqaymaha laga fuliyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noqoneyso duqayntii ugu weyneyd ee Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, maalmo yar gudahood.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqaymaha ay sheeganayaan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Militariga Somaliya ay gaysanayaan diyaaradaha Turkiga, inkastoo horaantii bishan ay soo shaac-baxday in NISA ay haysato diyaaradaha drones-ka, nooca yaryar ee is qarxiya oo weeraro looga gaystay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Turkiga ayaa Mareykanka kaga duwan waa inaanu aalaaba sheegan bartilmaameedyada ay ka fuliyaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Turkiga ayaa mar kasta Somaliya u muujiya is garabtaag dhab ah, waana xilli xiriirka labada dal uu aad u xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Somaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo soconaya muddo 10 sano ah.
Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ay maanta Somaliya leedahay. Ankara ayaa dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho ka caawisa dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo qalabeyntooda, iyadoona sidoo kale ka taageerto dhinacyada amniga, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Kiinisad ku taalla UK oo munaasabad afur u sameysay, Soomaalida, Muslimiinta kale iyo bulshooyinka magaalada
Munaasabad weyn oo afur ah oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Muslimiinta magaalada Bristol ee Muslims4Bristol iyo ururka isu soo dhaweenta bulshooyinka kala duwan ayaa lagu qabtay kiniisadda ugu weyn Bristol ee Cathedral Church.
Kulanka afurka ayaa wuxuu ahaa mid furan oo lagu casuumay dadyoowga diimaha kala duwan aaminsan iyo qaar aan diinba rumaysanayn.
Waa markii saddexaad ee kiniisad Bristol ku taalla lagu qabto kulan afur ah. Muuqaalladda iyo sawirrada ayaa muujiyey boqollaal qof oo qoysas u badan oo halkaasi kasoo qayb galay, iyadoo la arkayey sida ay ugu faraxsan yahiin iyagoo kiniisadda safaf dhaadheer ugu jira markii danbena halkaasi kuwada cuntaynaya.
Hal-ku-dhigga sannadkan ee munaasabadda afurka ayaa loogu yeedhay Isku Duubni. Kulanka noocan ah ayaa loo arkaa inay wax ka tarayaan inay bulshooyinka isku soo dhaweeyaan, iyadoo ururrada qabanqaabiyey ay dadka ugu baaqayeen inay qoyasakooda iyo asxaabtoodaba ay la wadaagaan munaasabaddan, iyadoo diimaha oo dhan iyo kuwa aan diinta haysanba ay baaqyo iyo martigelin u kala diraan.
Markii afurku dhammaaday ayaa lagu tukaday kiinasadda bannaankeeda. Baadari ku xigeenka kaniisaddaasi ayaa sheegay in qorshahoodu yahay inay kiinasadda cid walba u furaan oo dadka magaaladu isticmalaan.
"Aad baanu ugu faraxsannahay inaanau walaaladeem diimo kale haysta siinno meel ay munaasabadda ku qabsadaan oo aanu noqonno bulsho wadajirta oo isjecel"
"Waanu nasiib badannahay waxaanu dhisme cajiiba ku leennahay bartamaha Bristol, waxaanu u furan yahay dadweynaha Bristol," ayuu yiri Neil Patterson oo la hadlayey saxaafadda Bristo.
Muslimiinta magaalada Bristol ayaa sannad walba abaabula munaasabado iyo kulamo kala duwan oo lagu xusayo oo lagu weynaynayo bisha barakaysan ee Ramadaan.
Shenaz Dar oo kamida guddida Muslimiinta ee afurka ballaaran qabqaabiyey ayaa tiri: "ujeeddadu waxaa weeye in dadku isku xidhmo, oo la wadaago waqtiyadda muhiimka ah, taasi oo ku tusaysa quruxdda diintayada. Waxaanay intaasi raacisay "Waxaan rabnaa inaan meesha ka saarno khaladka nalaga fahmay, waxaanu rabnaa inaan dadka tusno in diimuhu si fiican munaasanad qurux badan isagu iman karaan."
Magalooyinka waaweyn ee Ingiriiska oo imika ay ku nool yihiin jaaliyaddo ballaaran oo Muslimiin ah ayaa laga dareemaa baryahan danbe marka ay Ramaadantu soo gasho iyagoo sameeya munaasabado iyo kulamo lagu xusayo.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-03-25
........