Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0
Monday March 10, 2025 - 14:00:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) ee Soomaaliya, Mudane George Conway Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii barnaamijyada iyo mashaariicda hoos yimaada Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta dowladda ee ku cad QIQ. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday sidii looga shaqeyn lahaa kulanka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaasoo dib loogu milicsan doono waxqabadyadii Qaramada Midoobay ee 2024 iyo qorshe-hawleedka sanadka 2025. Waxaa sidoo kale kulankalooga hadlay halka uu marayo barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo badali doona kii hore. Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid Gargaarka Horumarinta Rasmiga ah (ODA) ayaa lagu soo qaaday, gaar ahaan dhimista taageerada ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, sida USAID. Wasiirku wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ODA uu saameyn ku yeelan karo barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya, isagoo muujiyay in loo baahan yahay in la helo habab kale oo maalgelin ah si loo ilaaliyo barnaamijyada muhiimka ah ee dalka.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip