halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-02-25

0
Sunday February 16, 2025 - 08:37:56 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-02-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka qeyb galay furitaanka meertada 38-aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxd Dowladaha io Hogamiyeyasha dalalka Midowga Afrika, oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxda ayaa ku howllan doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo dowladda Federaalka ay ka qaadanayso doorkeeda ku aaddan isbeddelka hoggaanka Midowga iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee Hay’adaha Midwoga Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay Shirka Nabadda iyo Amniga Afrika oo lagu qiimeynayey caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada nabad-ilaalinta ee ka socda qaaradda Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda caqabadaha kajira Qaaradda si looga wadashaqeeyo horumarka iyo xasilloonida.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta midnimada iyo wadajirka Afrika, waxayna uga mahadcelinaysaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hawlgallada xasilinta.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf oo ku guuleystya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

33-cod ee looga baahnaa ayuu xaqiijiyay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaatay Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad, sidoo kale, tartanka doorashada waxaa qeyb ka ahaa Richard Randriamandrato oo ka soo jeeda dalka Madagascar.

Raila Odinka oo helay 22-cod, ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yusuf.

Guddoomiyaha golaha shacabka BFJS oo la kulmay Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qabilay Kusimaha Safiirka Safaarada Itobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan baarlamaanada labada dal, waxaana Ku-simaha Safiirka Itoobiya ee Somalia sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka baarlamaanada labada wadan.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kuwait, Dr. Cabdullaahi M. Sheekh Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas ee Kuwait, Md. Khaled Mohammed Al-Mughmas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA uu warbixin ka siiyay Madaxa Ururka Bisha Cas xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u xusay walaaca laga qabo abaar ka dhalata roob-yaraantii xilliga Deyrta 2024 iyo odoroska muujinaya in roobabka Gu’ga ee 2025 ay ka yaraadaan inta la filayo. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la helo gurmad degdeg ah si looga hortago saameynta ay keeni karaan duruufahaas.

Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kala hadlay Ururka Bisha Cas ee Kuwait sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu hirgelinayo mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo qorshayaal lagu xoojinayo ka soo kabashada masiibooyinka. Waxaa la isla falanqeeyay muhiimadda ay leedahay qodista ceelal, dhismaha waro biyaha lagu keydiyo, iyo xal u helidda barakacayaasha ku baahsan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn; Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Ururka Bisha Cas ee Kuwait doorkooda firfircoon ee ay ka qaataan taageerada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajo ka muujiyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adda SoDMA iyo Ururka Bisha Cas ee Kuwait.

Guddoomiyaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo shir muhiim ah Muqdisho ka furay

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi, oo uu wehliyo ku xigenkiisa Mudane Maxamed abdullahi Salaad ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlaayay sidii aqoonsi heer qaran ah loo siin lahaa Qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aqoonsigaas ayaa dadka qaxootiga ah ka caawi doona sidii dalkeen ay soo miciin badeen uga heli lahaayeen xuquuq aas-aasi ah, sida u fududeynta dhexgalka bulshada iyo ganacsiga.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo saraakiin ka tirsan laamaha ammaanka, kuwaas oo shirka ku biiriyay aragtiyo muhiiim ah.

Hantidhowrka guud ee dowladda Soomaaliya oo looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hantidhowrka Guud ee dowladda, oo lagu eedeeyay inuu faragelin toos ah ku sameeyay galalka maxkamadda iyo isku day uu ku doonayay inuu saameyn ugu yeesho go’aannada garsoorayaasha.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa lagu faray in Axmed Ciise Guutaale oo ku eedaysan qodobka 254, 257 iyo 267 XCS, uu horyimaado maxkamadda maalinta Axada, 16-ka Febraayo 2025, saacadda 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo ugana jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

"Axmed Ciise Guutaale ayaa ku kacay faldambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la'aan iyo Is-hortaag go'aan Maxkamadeed iyo in uu ishortaag ku sameeyay bixinta kharashaadka socodsiinta howlaha Maxkamaddaha iyo diiwaangalinta heshiisyada ay Maxkamaduhu galeen, taasna ay ka dhalatay in ay istaagto Shaqada maalinlaha ah ee Maxkamaddaha,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamaddu ay soo saartay.

Maxkamaddu waxay sheegtay haddii uusan kasoo xaadirin, maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.

Kenya oo laba jibaartay qiimaha Khaadka ay u iib keento Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay qiimo kordhin ay ku sameysay Khaadka Miiraa oo ay u soo dhoofiso Soomaaliya, xili dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay aanan loo iib keenin gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa qiimo kordhin laba jibaar ah ka dhigtay Khaadka ay u iib keento Soomaaliya, iyadoo kiiladii ka dhigtay lacag dhan 1,300 oo shillinka dalka Kanya ah oo u dhiganta $10 doolar, halka markii hore Kiilada ay aheyd 700 oo shillinka dalkaas ah una dhiganta $5.43 doolar.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha dalka Kenya Mutahi Kagwe oo kulan la qaatay Ganacsatada Khaadka iyo Guddiga qaabaynta qiimaha Khaadka Miiraa ayaa isla meel dhiga in qiimahaan cusub lagu jaangooyo Khaadka Kenya ay u iib geyso Soomaaliya.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Beeraha dalka Kenya ayaa lagu sheegay in go'aankaan lagu jaangooyay qiimaha cusub ee lagu kordhiyay Khaadka inuu yahay mid dhaqan galaya isla shalay.

"Qiimayaashan waxay dhaqan-galayaan isla markiiba, taas oo ka dhigan in qiimaha cusub uu dhaqan galayo laga bilaabo shalay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Talabaadaan Kenya ay qiimo kordhinta ugu sameysay Khaadka ay u iib geyso Soomaaliya ayaysan wali wax war ah kasoo saarin ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ka keenta Khaadka Miiraa oo ay culeys ku noqon doonto go'aankaan ay ku dhawaaqday Kenya.

Ugu dambeyntii dowladda Kenya ayaa faa'ido aad u badan ku qabta Khaadkaan Miiraaga ah ee ka baxa beeraha dalkeeda oo ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana dhaqaalaha kasoo gala Soomaaliya uu qeyb ka noqday inuu sare u kaco miisaaniyada Xukuumadda Nairobi.

Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu soo bandhigay gobolka Gedo

Ciidanka hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo shalay kusoo bandhigay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Horjoogajaan la soo bandhigay ayaa isku soo dhiibay ciidanka NISA, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abuukar Aadan Buulle oo mudo dhowr sano ka mid ahaa saraakiisha kooxda Al-shabaab.

Abuukar Aadan ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2015-kii, islamarkaana uu tababar kusoo qaatay tuulada Wargaduudo uuna ka qayb qaatay dagaalo ka dhacay meelo ka mid ah gobolka dalka.

"Tababarka waxaa kusoo qaaday meel la yiraahdo Wargaduudo, kadib Ceel Cadde ayaa ka shaqeynayay muddo 3 sanno ah, sidoo kale waxaa muddo soo noqday taliyaha amniga ee Ceel Cadde, hada aniga ayaa go'aan saday inaan isaga soo baxo Al-shabaab oo aan isa soo dhiibo” ayuu yiri Horjooge Abuukar Aadan Buulle.

Horjooge Abuukar Aadan Buulle ayaa ugu baaqay saaxiibadiisii uu uga soo tagay kooxda Al-shabaab iney isaga soo baxaan Ururka oo ay isku soo dhiibaan gacanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii isa soo dhiibista sarkaalkaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii ay si weyn u soo kordhayeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shabakaddii Daacish ee Telegram-ka ku faafin jirtay wararka kooxda oo hawada laga saaray

Shirkadda Telegram ayaa hawada ka saartay bartii lagu magacaabi jiray Iclaam, oo kooxda Daacish ku lahayd barteeda. Boggan ayaa loo adeegsan jiray faafinta dacaayadaha kooxda Daacish, oo ay ku jiraan warbixinno la xiriira dagaallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Go'aankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo adeegsiga baraha bulshada ee kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo marar badan adeegsan jiray Telegram si ay ugu faafiyaan fariimahooda iyo warbixinahooda dagaallada.

Lama oga in sababta hawada looga saaray inay ku lug leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey hawada uga saartay boqolaal kamid ah shabakadaha internetka ee kooxda Alshabaab.

Dhinaca kale, kooxda Daacish ayaa haatan hawada soo galisa warbaahin lagu magacaabo "Taageere Radio Hijratayn” oo Facebook lasoo dhex marsiiyo.

Warbaahintaan ayaa si joogto ah u faafisa dacaayadaha dagaallada ay Puntland kula jiraan kooxda Daacish. Maamulka Puntland ayaa horey ugu goodiyay in tallaabo laga qaadi doono cid kaste oo taageero u muujisa kooxda Daacish.

Waxay Puntland xukunno sanado ah horey ugu ridday labo dhallinyaro oo qurbe joog ah oo lagu eedeeyay inay taageero u muujiyaan Daacish.

Hay'adda USAID oo lagu eedeeyay inay dhaqaale siiso kooxda Daacish

Scott Perry oo ah xildhibaan katirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa ku eedeeyay hay’adda USAID ee Maraykanka in ay dhaqaale siiso kooxaha argagixisada oo ay ku jiraanDaacish, Alqaacida iyo Boko Haram.

Perry, oo ka soo jeeda gobolka Pennsylvania, ayaa eedeyntan jeediyay intii lagu guda jiray shirkii ugu horreeyay ee guddi-hoosaadka u gudbinta arrimaha waxtarka ee dowladda.

Perry ayaa sheegay in USAID ay ka warbixisay lacag dhan 136 milyan oo doolar oo loogu talagalay in Pakistan laga dhiso 120 dugsi, isaga oo ku andacooday in aanay jirin wax caddaymo ah oo sheegaya in dugsiyaadi ay dhismeen.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horay ugu ololeeyay in la baabi’iyo hay’adda USAID, isagoo ku eedeeyay hay’adda musuqmaasuqa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth.

Elon Musk, oo uu Trump u magacaabay in uu madax u noqdo waaxda hufnaanta dowladda, ayaa sidoo kale dhaleeceeyay USAID, isaga oo ku eedeeyay in ay qabato hawlo been abuur ah.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda USAID ayaa lagu qasbay inay albaabada u laabto xafiisyo badan oo ay ka shaqeynaysay, iyadoo joojisay mashaariic ku kacayay boqolaal milyan oo ay ka fulin lahayd meelo ay kamid tahay Soomaaliya.

Warshadii Qaraxyada iyo biraha Gaagiidka ee kooxda Daacish oo duqeyn lagu burburiyay

Taliska hawlgalka ciribbtirka kooxda Daacish ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Habeen hore duqeymo culus oo dhanka cirka ah lagu burburiyay Warshadii oo kooxda Daacish u sameyn jirtay qaraxyada iyo biraha gaadiidka.

War kooban oo kasoo baxay Taliska hawlgalka ciribbtirka kooxda Daacish ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymaha si gaar ah uga dhaceen deegaanka Sheebaab Calmiskaad ee dhulka buuralayda gobolka Bari, islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.

"Waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska hawlgalka ciribbtirka kooxda Daacish ee Puntland.

Qoraalka kasoo baxay Taliska laguma shaacin tirada xubnaha Daacish looga dilay duqeymaha culus ee Habeen hore lala eegtay, marka laga soo tago in duqeymaha lagu burburiyay Warshadii qaraxyada ee kooxda Daacish.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ay dagaalo xoogan kula jiraan Daacishta ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal ajaaniib ah.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo taageertay xukunadii dil toogashada ee ka dhacay Baydhabo

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u taageertay xukunadii todobaadkii lasoo dhaafay ee dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey gacan ku dhiiglayaal geestay Dilal Baree ahaa oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri "Waxa ay Wasaaraddu si dhow ula socatay Xukunka Lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaasha geystay Falalka arxan darrada ah ee kafog Dhaqanka Islaamka, xeerarka iyo Dhaqanka Soomaalida u degsan, waxaan si buuxda ugarab istaageynaa Xukunkii Cadaaladda ahaa ee ragaasi lagu fuliyay".

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in loga baahan yahay Dhamaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay si buuxda u garab istaagaan dadaalada ay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wado kuwaas ay ku xaqiijineyso Amniga iyo Cadaaladda.

Laba maalmood oo isku xiga oo todobaadkii lasoo dhaafay ayay Koonfur Galbeed fulisay dilal toogasho ah rag ku eedeysnaa inay haweeyneey kufsi iyo dil ay iskugu dareen iyo mid kale oo sanadkii lasoo dhaafay nin ku tooreeyay magaalada Baydhabo.

Bulshada ku dhaqan deganaada Koonfur Galbeed ayaa dhankoodi booriyay tallaabada maamulkaan ee uu u qaaday in cidii wax disha tiirka toogashada la geeyo, qaar kamid ah dadkii dhibanaha u ahaa kuwa la toogtay ayaa u mahadceliyay Maamulka Koonfur Galbeed sida ay cadaalada u marsiiyen dambiilayaasha.

Howlgallo dhanka cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad

Howlgallo culus oo dhanka cirka ah ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka Sheebaab-Calmiskaad ee buuralayda gobolka Bari, halkaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay al-shabaab Daacish.

"Waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Boqaal ka tirsan Al-shabaab Daacish ayaa lagu dilay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal Ajaaniib ah.

Israel iyo Hamas oo isweydaarsaday maxaabiis

Maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la sii daayay ka dib markii Xamaas ay wareejisay saddex nin oo Israa’iili ah oo ku xirnaa Gaza.

Tiro badan oo maxaabiis Falastiin ah ayaa la soo daayey,waxaana lagu wadaa in shalay galinka dambe la dhameystiro sii deynta 369 ruux.

hey’adda Laanqeyrta Cas ayaa deegaanka Khan Younis ku kala wareejisay maxaabiistaasi labada dhinac ah,waxaana xaaladda 3 da maxaabiis oo kala ah Alexander Trufanov, Sagui Dekel-Chen iyo Yair Horn la sheegay in ay wanagsan tahay.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajood aan toos ahayn ay la galayaan Israel toddobaadka soo socda ,kaas oo noqon doona wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Gaza.

Ciidamada Jubbaland oo soo xiray kuxigeenka Maxkamadda Al shabaab ee degaan hoostaga Degmada Dhoobleey ee Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya degaanada Jubalanad ayaa sheegaya in Hawlgal qorshaysan oo ay Ciidanka Jubaland ka fuliyeen Deegaanka Lafo-gari oo hoos taga Degmada Dhoobley lagu Soo qabtay nin magaciisa ay ku sheegeen Macalin Maxamed oo ahaa kuxigeenka Maxkamad ay tuuladaasi ku lahaayeen Kooxda Al shabaab.

Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegtay in Hawlgalkaan oo loo qorsheeyay si xirfadaysan ay Ciidamada Jubbaland ku qaarajiyeen afar xubnood oo kamid ahaa dagaalamayaashii Al shabaab ee isla degaankaan ku sugneyd.

Taliyaha amniga ee Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose Korneyl Maxamed Heybe ayaa sheegay in goobta ay weerareen ay ugu tageen 20 dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo cowshado goobta ka sameeystay kuna dhuumaalaysanayay, dagaal kooban oo goobta ka dhacayna ay ku dileen 4 dagaalame labana ay uga dhaawaceen.

Dadka la dilay waxaa kamid madaxii Al shabaab ee degaanka Lafo-gari u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda balse ay ciidamada Jubbaland ay u suurta gashay inay gacanta kusoo dhigaan Kuxigeenka Maxkamad ay Al shabaab u adeegsan jireen inay shacabka degaanadaasi ugu yeeraan.

Ciidamada Jubbaland ayaa dhowaanahaanba waday howlgallo ay ku sheegeen inay ku baacsanayaan Dagaalamayaasha ka tirsan Al shabaab ee ka dhaq dhaqaaqayada degaanada Dowlad Goboleedka Jubaland ay maamusho.

Xamaas oo sii deysay maxaabiis haysata laba dhalasho

Xoogaga Xamaas ayaa shalay sii daayay saddex ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

Xoogagan ayaa munaasabad ballaaran oo duhurnimadii shalay ka dhacday deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza ku sii daayay saddex nin oo Israeliyiin ah, kuwaa oo sidoo kale haysta dhalashooyinka Mareykanka, Ruushka iyo Argentina.

Saddexda nin ee la sii daayay ayaa kala ah Sagui Dekel-Chen oo 36 jir ah haysta dhalashada Mareykanka, Alexander Trupanov oo ah 29 jir haysta dhashada Ruushka iyo Yair Horn oo isna ah 46 jir haysta dhalashada dalka Argentina.

Xamaas ayaa raggan ku wareejisay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, oo iyaguna u qaaday xuduudda Gaza iyo Israel, isla-markaana ay kula wareegeen Militariga Israel.

Israel ayaa waxay dhankeeda Sabtidan ay xabsiga ka sii deysay 369 Falastiiniyiin ah, iyadoona lagu bedeshay saddexda nin ee Israeliyiinta ah, sidoo kalena haysta labada dhalasho.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii daayay waxaa ku jira 36 qof oo ku xukunaa xabsi daa’in, ka dib markii la sheegay in qaarkood ay maxkamad ku heshay in ay dileen muwaadiniin reer Israel ah.

Waa markii lixaad oo Xamaas iyo Israel ay is dhaafsadaan maxaabiis, lagu sii daayay wareegga hore ee heshiiska xabad joojinta Gaza oo lix toddobaad soconaya.

Zelensky: Ma jiro go’aanno ku saabsan Ukraine iyada oo aan laga soo gelin Kyiv iyo Yuru

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine aysan marnaba aqbali doonin heshiisyo nabaded oo la sameeyo iyaga oo aysan ku lug laheyn ama ka danbeyn – fariin cad oo ku socota madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo doonaya inuu soo afjaro khilaafka kala dhaxeeya Ruushka.

Mr. Zelensky oo khudbad ka jeediyay shirka ammaanka ee Munich ayaa ku booriyay Yurub inay sameystaan ​​ciidamo u gaar ah, isagoo ku dhiirigeliyay madaxda qaaradda inay ka tashadaan aayahooda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidamada Ukraine oo kaliya aysan ku filneyn ammaankooda.

"Ukrayn waligeed ma aqbali doonto heshiisyada gadaasheenna lagu sameeyo iyaga oo aan ku lug lahayn. Isla xeerna waa in lagu dabaqaa dhammaan Yurub,” ayuu yidhi.

Hadalka Mr. Zelensky ayaa daba socday kulan talefoon ah oo dhex maray Mr. Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin horaantii todobaadkan, kaas oo ahaa wadahadalkii ugu horeeyay ee dhex mara hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Ruushka tan iyo markii uu Ruushku si buuxda u weeraray Ukraine bishii February 2022. Waxay muujiyeen rajada ay ka qabaan kulan mustaqbalka ah, oo ay u badan tahay in lagu qabto Sucuudiga.

Maamulka Trump ayaa qaar ka mid ah xulafada Yurub ku reebay in ay u tanaasulaan Mr.Putin oo ay qarashka ku bixinayaan Ukraine ka hor inta aysan bilaabmin wada xaajoodka,inkastoo hadalada qaar ka mid ah madaxda sare ee Mareykanka ay abuureen jahawareer.

Mr. Zelensky waxa uu saadaaliyay in Kremlin-ka ay isku dayi doonto in ay ku qanciso Mr. Trump ka qayb galka xuska 9-ka May ee Ruushka ka dhacaya Moscow, taas oo u dabaaldagaya guushii Soofiyeedka ee dagaalkii labaad ee aduunka oo sanad walba dhoolatus ciidan ku soo bandhigo fagaaraha cas.

Wuxuu uga digay ka qaybgalayaasha shirka inay "khatar tahay” haddii Mr. Trump uu la kulmo Mr. Putin ka hor kulankooda.

Hogaamiyayaasha Yurub, waxa uu hordhigay su’aalo culus, isaga oo waydiinaya in ciidamadooda qalabka sida ay diyaar u yihiin haddii Moscow ay bilowdo hawlgal toos ah ama "calan been abuur ah”.

Erayga dambe waxa uu tilmaamayaa hawlgallada loo dejiyay in ay u muuqdaan in ay fuliyaan koox aan ahayn kan ka masuulka ah.

"Haddii dagaalkan (Ukraine-Ruushka) uu ku dhammaado si aan wanaagsanayn, isaga (Putin) wuxuu heli doonaa xad-dhaaf ah askarta dagaalka adag ee u tababaran dilka iyo bililiqada,” ayuu yidhi, isaga oo tixraacaya warbixinnada sirta ah ee tilmaamaya in Ruushku qorsheynayo inuu ciidamadooda u diro Belarus xagaagan.

"Sida aan ku jirno dagaalkan oo aan aasaaska u dhigno nabadda iyo amniga, waa inaan dhisnaa ciidamada qalabka sida ee Yurub.”

Volodymyr Zelensky wuxuu muujiyay, "Waxaan rabnaa nabad aad u badan,” ka dib markii uu la kulmay JD Vance.

Qorshaha Masar ee Qasa oo Maraykanka iyo iyaga isku diri kara

Bartamaha mashquulka badan ee Qaahira, maqaayadaha qaxwaha waxaa cammiray dad reer Qasa ah oo ka soo cararay dagaalka ba'an ee Israa'iil iyo Xamaas. Inkastoo ay badbaadeen, haddana welwel badan ayey ka qabaan ehelkooda ku haray halkaas xaaladdooda.

Maalmihii u dambeeyay, saraakiisha sirdoonka Masar ayaa la kulmayay hoggaamiyeyaasha Xamaas si ay u xoojiyaan xabbad-joojinta liiqliiqanaysa. Malaayiin Masaari ah oo si joogto ah ula socda wararka dagaalka Qasa ayaa horeyba u dareemayay in dalkoodu si toos ah ugu lug yeeshay xiisadda.

Hadda, qorshaha lama filaanka ah ee Madaxweyne Trump ee xilliga dagaal-ka-dib – kaas oo soo jeedinaya in laba milyan oo Falastiini ah lagu barakiciyo "dhul yar" oo Masar iyo Urdun ah, si Mareykanka u la wareego dhulka Qasa – ayaa cabsi geliyay shacabka Masar.

Masaari badan oo u soo baxay salaadda Jimcaha ayaa sheegay in fikradda Trump u baahan tahay in si hoos loo eego oo qorshe laga yeesho.

"Waxaan dagaalka ka soo wareejiaynaa dhulkooda una soo wareejinaynaa dhulkeenna!" ayuu yidhi Abdo, oo ah injineer madani ah.

"Ciidanka Israa'iil iyo muqaawamada Falastiiniyiinta waa colaad waarta, mana jiro nabad ka dhaxeysa. Haddii la fuliyo qorshahan, waxay Israa'iil helaysaa marmarsiiyo ay dhulkeenna uga soo weerarto Falastiiniyiinta iyagoo ku andacoonaya is-difaacid."

Qaar kale waxay xuseen in barakicinta joogtada ah ee reer Qasa ay la macno noqon doonto in la burburiyo dadaallada ay Falastiiniyiintu ugu jiraan dowladnimo. Waxay sidoo kale sheegeen in tani ay dhalin doonto xagjirnimo iyo xasillooni-darro ka dhacda gudaha Masar.

Si uu fariin tan la mid ah u gaadhsiiyo caalamka, Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa waday dadaallo diblomasiyadeed oo hoose. Wuxuu wajahayaa mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee xukunkiisa, taas oo laga yaabo inay dib u hagajiso xidhiidhka uu la leyahay saxiibkiisa muhiimka ah ee reer Galbedka.

Masar waxay Israa'iil ku handaday in ay ka laaban karto heshiiskii nabadeed ee 1979-kii, kaas oo muddo dheer loo arkayay tiirka xasilloonida iyo saameynta Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Tan iyo markii Washington ay gadhwaden ka noqotay heshiiskaas, waxay Masar u aragtay Mareykanka saaxiib dhow. Masar waxa ay si joogto ah u ahayd mid ka mid ah dalalka ugu badan ee hela gargaarka militari ee Mareykanka, kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskaas.

Sanadkii la soo dhaafay, waxa ay heshay $1.3 bilyan oo gargaar militari ah.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijyada caanka ah ee fadhi ku dirirrada habeennimo ee Masar, falanqeeyayaashu waxay si xoogan u dhaliilayaan qorshahan "Gargaarka milateri ee Mareykanka wax qiimo ah uma laha Masar," ayuu yidhi Ahmed Mousa, oo ah martigeliye caan ah oo ka howlgala telefishin gaar loo leeyahay. Wuxuu ku adkaystay in Masaaridu ay diiddan yihiin "cadaadis" ama "handadaad" in lagu sameeyo.

Hoggaamiyaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, wuxuu doortay waddo ka duwan tii Boqorka Urdun, Cabdalla II, oo dhawaan la kulmay Trump Aqalka Cad. Halkaas, Cabdalla wuxuu adeegsaday hadal jilicsan, isagoo ballan qaaday inuu u oggolaan doono carruurta reer Gaza ee buka inay Urdun yimaadaan, balse si adag u diiday fikradda dib-u-dejinta qaxootiga reer Qasa

Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in Sisi uu ka meermeerayo inuu booqdo Washington inta la hadal hayo arrimaha barakicinta, inkasta oo Mareykanku uu sheegayo in safar rasmi ah aan la qorsheyn ay suuragal tahay.

Dhaqaalaha Masar laftiisu wuxuu si weyn u waxyeeloobay dagaalka Qasa ; dowladdu waxay sheegtay in ay lumisay $8 bilyan oo doollar oo ka timid dakhliga Kanaalka Suweys, sababo la xiriira weerarada Xuutiyiinta Yemen ee maraakiibta ku socda Badda Cas, kuwaas oo ka dhashay weerarka Israa'iil ee Qasa .

Hadda, rajo weyn ayaa laga qabaa in Masar ay hormuud ka noqoto qorshe weyn oo dib loogu dhisayo Qasa, taas oo u oggolaanaysa inay ka fogaato barakicinta ballaadhan ee Falastiiniyiinta iyo inay kor u qaadaan dhaqaalaha dalkooda.

Ganacsadaha weyn ee dhismaha, Hisham Talaat Moustafa, oo si dhow ula xidhidha Madaxweyne Sisi, ayaa telefishinka ka shaaciyay qorshe $20 bilyan ah (16 bilyan gini; 19 bilyan euro), si loogu dhiso 200,000 oo guri oo Qasa ah muddo saddex sano gudahood, iyada oo aan Falastiiniyiinta laga rarayn.

Qorshahaan waa mid suurtagal ah, sida uu sheegay Professor Mustafa Kamel al-Sayyid oo ka tirsan Jaamacadda Qaahira: "Ma filayo inay Masaaridu waayi doonaan dhul ammaan ah oo ay Falastiiniyiinta si kumeel gaar ah ugu noolaadaan inta Qasa dib loo dhisayo."

Wuxuu intaas ku daray in fikrado badan oo "hal-abuur leh" la soo bandhigay, ay ka mid tahay adeegsiga burburka dhismay-aashii hore si dib loogu dhiso Qasa.

Kahor safarkiisa Bariga Dhexe, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio wuxuu qiray in dalalka Carabtu "aanay jeclayn" qorshaha Trump ee Qasa . "Haddii qof hay qorshe ka wanaagsan – waan la shaqayn karnaa," ayuu yidhi. "Hadda waa waqtigii la soo bandhigi lahaa."

Hoggaamiyayaal Carbeed ayaa lagu wadaa inay dhawaan ku kulmaan Sacuudiga, iyada oo Masarna ay ku baaqday shirweyne Carbeed oo lagu qaban doono Qaahira 27-ka Febraayo si looga wada hadlo aragti beddesha tan Trump oo dhamestiran oo ku aaddan Qasa

Waxaa la rumeysan yahay in soo-jeedimaha ay ka mid yihiin sanduuq dhaqaale oo ay horkacayaan wadamada Gacanka Carabta si loo bixiyo kharashaadka ballaadhan ee dib-u-dhiska, iyo heshiis lagu wiiqayo Hamas. Israaiil iyo Mareykanka ayaa caddeeyay in kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta, oo Qasa maamuleysay tan iyo 2007, aysan wax mustaqbal ah yeelan karin.

Fikradda Masar waxay ku saabsan tahay in la tababaro ciidamo amni oo cusub, isla markaana la helo khuburo Falastiiniyiin ah oo aan xidhiidh la lahayn xisbi siyaasadeed, kuwaasoo maamuli doona mashaariicda soo-kabashada hore.

Si kastaba ha ahaatee, in la helo heshiis ay aqbasho dowladda midigta ee Israaiil waa arrin adag.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, wuxuu soo jeediyay in quwadaha caalamka iyo Qaramada Midoobay ay si ku-meel-gaar ah u maamulaan Gaza, ilaa Maamulka Falastiiniyiinta (PA) – oo maamula qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto – uu la wareegayo dhammaan. Laakiin Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu ka hor yimid doorka PA, maadaama uu ka soo horjeedo dowlad Falastiiniyiin ah.

Masar, iyo dalal kale oo Carbeed, waxay weli ku adkeysanayaan xalka caalamiga ah ee muddada dheer jiray: xalka laba dowladood, taasoo micnaheedu yahay in la helo dowlad Falastiiniyiin ah oo deris la ah Israa'iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in ay rabto in ay la shaqeyso Madaxweyne Trump si loo gaaro heshiis cadaalad ah oo xalliya arrinta Falastiiniyiinta.

Dibadda masaajidka ku yaalla Qaahira, dadka salaadda ka soo baxay ayaa si hoose u tilmaamaya sida Masar ay tahay inay uga fogaato ku celcelinta khaladaadkii taariikhiga ahaa.

Masar ayaa hore u sheegtay in ay martigelisay in ka badan 100,000 oo reer Qasa ah. Waxaana jira welwel ah in haddii ay dad kale qaabilaan, ay taasi keeni karto in Hamas – oo ah farac ka mid ah Ikhwaanul Muslimiin oo Masar laga mamnuucay – uu ku xoogaysto gudaha dalka, taasoo abuuri karta qalalaase siyaasadeed iyo amni.

Ugu dambeyn, waxaa jira taageero weyn oo loo hayo mowqifka adag ee Masar iyo in ay ka hortimaado cadaadiska Mareykanka.

"Noloshu marba marka ka dambeysa way nagu adkaaneysaa, maadaama qaxootiga hadda aan hayno ay badan yihiin. Ka waran haddii kuwa kale aan martigelinno!" ayuu yidhi mulkiile dukaameed, kaasoo diiday in magaciisa la xuso.

"Falastiiniyiintu waa inay dhulkooda ku noolaadaan, annagana dhulkeenna hana loo daayo. Mareykanka waxba noogama baahna. Sisi iyo dowladda waan la jirnaa, diyaar baan u nahay in aan la kulanno cawaqib kasta o ka dhalan karta go'ankan!"

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip