
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-02-25
Madaxweynaha JfS oo gaaray Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Safarka Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisa ayaa salka ku haya ka qaybgalka shirarka kala duwan iyo doorashada madaxda Midowga Africa.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona qaar kamid ah madaxda dalalka Africa oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali, kulamadaas oo looga hadli doono adkaynta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Dawladaha Africa iyo Caalamka.
Madaxweynaha JFS oo booqday xarumaha shidaalka, kumaandooska iyo adeegyada casriga Azerbaijan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azebaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.
Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.
Sido kale, Madaxwenaha ayaa booqday Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kuso dhaweyay Wasiirka Gashandhiga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibradan, si lo hormariyo adegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance).
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan-doceed la qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaaga iyo adkaynta xasilloonida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbananida io midnimada dal kasta.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-02-25
........