halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-02-25

0
Thursday February 13, 2025 - 09:22:37 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-02-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwenaha Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev, ayaa shalay ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday horumarinta xiriirka Labada dal, iyada oo diiradda la saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamul.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta Hay’adaha Amniga, waxaana la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taasoo fududeyn doonta fulinta heshiisyada la saxiixay.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev in uu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah

Wasiirka Wasaarada Gashandhiga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimada Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Mudane Ilham Aliyev ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskaan dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga labada dowladood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip