halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 12-02-25

0
Wednesday February 12, 2025 - 09:12:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 12-02-25

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Azerbaijan

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ku yimid magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkan Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku yimaado Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkan.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay muujinaysaa ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sagootiyey ciidan gaar ah oo ku biiraya hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay sagotiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada muuqda/ hubaysan ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu ciribtiraayo kooxaha Al-shabaab ah, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha iyo Malleeshiyaadka Argagixisada, maadama la siiyey tababarro adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Al-shabaab ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si looga mira dhaliyo danaha labada shacab

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo ka qeybgalaya shirka Golaha fulinta Midowga Afrika ayaa shalay oo Talaado ah kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ahmed Attaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dano wadaagga.

Kulanka oo la iskula soo qaaday dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ku jiraan sal-ballaarinta xiriirka labo dhinaclaha, soo banbixinta habab cusub oo wax wadaag ah iyo isuduwidda wadajirka, dib u eegidda waxyaabihii hore labada dal ay isku fahmeen, iyo adkaynta muhiimadda ay leedahay talo-weydaarsiga inta lagu jiro kulamada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si sare loogu qaado codka Afrika fagaarayaasha caalamiga, iyadoo labada dal ay ka qeyb yihiin kooxda (A3+) ee Golaha ammaanka oo ay ka yihiin xubno aan joogto ahayn.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda IOM

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay wafdi uu hogaaminayo madaxa hey’adda IOM u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dradargelinta sidii xal waara looga heli lahaa maareynta barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xafiiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir (DSU) ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray muhiimada ay lee dahay xal u helida Barakacyaasha iyo sidii la isaga kaashan lahaa qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan dib u dajin loo sameeyo barakacayaasha Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in siyaasad cad uu ka leeyahay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xariira maareynta nolasha dadka barakacyaasha ah, maadaama Muqdisho ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.

Ku simaha madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Kusimaha Madaxwenaha Jamhuuriyada ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Somaliyed, waxaana ganacsatada Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuriyada ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashoyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo wafdi ka socda Turkiga kula kulmay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Villa Soomaaliya ku qaabilay kuxigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Prof. Burhanettin Duran, waxaana ay kawada hadleen dardargelinta heshiiskii Ankara ay kuwada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay wasiirka doorka ay Dowladda Turkiga ka ciyaareeyso xasilinta arrimaha mandiqada iyo xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.

Prof. Burhanettin Duran wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhowaanahaan waxa uu socdaalkaan kii ka horeeyay ku tagay magaalada Addis Ababa waxaana madaxda uu kala hadlay arrimaha gudiyada farsamo si loo hirgeliyo heshiiskii Ankara iyo sidii Dowladda Itoobiya ay marin biyood uga heli lahayd biyaha Soomaaliya.

Waqti hore oo isniinta ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdigaan ka socday Dalka Turkiga oo uu hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Prof. Burhanettin Duran, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh.

Wasiir kuxigeen Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11 December, 2024.

Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgeshiga, Kaluumaysiga iyo kheyraadka dabiiciga, iyadoo la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo ka qaybgalay saxiixa shirkadaha ku guulaystay dhismaha waddooyinka Muqdisho

Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayey heshiiska shirkaddaha loo qaatay dhismaha waddooyinka caasimada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’antahay hirgalinta iyo dhismaha waddooyinka isku xira caasimadda, si kor loogu qaado nabadda iyo is-dhexgalka bulshada ku nool gobolka Benaadir.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in Caasimadda Muqdisho ay la jaan qaado caasimaddaha dhigeeda ee horumaray.

Wasiirka Shaqada XFS oo sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Wasiirka oo ka qeybgalay shirweynaha 5-aad ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), ayaa sidoo kale xusay in guulaha wasaaraddu gaadhay ay ka mid tahay meelmarinta xeerka shaqaalaha Soomaaliyeed oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, wakiillo ka socday 12-ka urur ee xubnaha ka ah FESTU iyo in ka badan 300 ergo, iyadoo sidoo kale ay joogeen daneeyayaal caalami ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Xafiiska hantidhowrka guud oo si rasmi ah ugu biiray shabakadda Carabta ee hufnaanta iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Ku biirista ACINET ayaa fursad u siinaysa Xafiiska Hantidhowrka inuu ka faa’iidaysto khibradaha iyo barnaamijyada iskaashi ee dalalka gobolka, si loo horumariyo dedaallada lagula dagallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.

ACINET waxay hormuud ka tahay kor-u-qaadista daahfurnaanta iyo hufnaanta, waxaana xubin ka ah hay’ado dhowr ah oo ka kala socda dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan xoojinta isla-xisaabtanka, isagoo ka faa’iidaysanaya madallada caalamiga ah ee gacan ka geysan kara horumarinta awooddiisa iyo saameyntiisa.

Madaxweyne Laftagareen oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda FAO

Madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay kaaliyaha agaasimaha guud hay’adda FAO ee Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel oo uu wehliyo wakiilka FAO Soomaaliya, Etienne Peterschmitt.

kulanka oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada koonfur galbeed ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka waddo guud ahaan koonfur galbeed iyo sidii loo hirgelin lahaa mashaariic hor leh oo loogu adeegayo bulshada ku nool guud ahaan koonfur galbeed.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray goobaha doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Xubnao ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shalay kormeeray qeybo ka mid ah Seejooyinka loo asteeyey doorashooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka Guddiga ayaa daarranaa u kuur-galka diyaarinta goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir.

Xubnaha ka socday Guddiga intii ay ku guda jireen kormeerka waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ku nool degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa, iyo Gubadlay.

Mas’uuliyiinta degmooyinka la kormeeray ayaa caddeeyey in ay diyaar u yihiin doorashooyinka Golaha Deegaanka in ay dadweynuhu soo doortaan.

Ugu dambeyn Xubnaha Guddiga ayaa u sharaxay dadweynaha muhimmada ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan madaxdooda, ayna haystaan shalay fursad ay ku xaqiijin karaan himiladooda ah in dalka ay ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, oo laga gudbo nidaamkii doorashooyinka dadban

Masar oo qabaneysa kulan looga hadlaayo arrimaha Falastiin

Masar ayaa ku dhawaaqday in 27-ka Febraayo ay martigelin doonto shir degdeg ah oo Carbeed, kaas oo looga wada hadi doono arrimaha Falastiin, gaar ahaan qatarta ku aadan soo jeedinta madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ee khuseysa in Falastiiniyiinta laga saaro Marinka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu martigelin doonto shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya Qaahira, ka dib wadahadallo heer sare ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday dalalka Carabta oo ay ku jiraan dowladda Falastiin oo codsatay in la qabto shir madaxeedka si looga wadahadlo qadiyadda Falastiin.

Madaxweynayaasha Masar Abdel Fattah el-Sissi iyo Boqorka Urdun Abdullah II ayaa ku gacan seyray baaqii Trump ee ahaa in falastiiniyiin la dajito goobo kale iyo in Mareykanka uu la wareego Gaza.

Soo jeedinta Trump ayaa ka careysiisay dunida Carabta oo ay ku jiraan Masar, Jordan iyo Sacuudi Carabiya oo xulufo la ah maamulka Washington.

Madaxweyne Cirro "Waxa aan rajeynayaa Maraykanka inuu noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland”

Madaxwenaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in uu heshiis la gali doono Itoobiya ka hor inta aanu sanadkani dhamaan.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay tahay dimuqraadi, isla markaana ay rajaynayso in nidaamkeeda maamul darteed ay caalamka abaal-marin kaga hesho. Wuxuu si gaar ah u carrabka ku dhuftay in uu aqoonsi ka filayo dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

"Maaddaama oo aanu nahay dowlad dimuqraadi ah, waxaan beesha caalamka ka rajaynaynaa abaal-marin. Dhamaan waddamada caalamka, sida Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu rajaynaynaa inay na aqoonsadaan, balse hadda waxaan si gaar ah u rajaynaynaa in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay xidhiidhada Somaliland la leedahay dalalka jaarka ah iyo horumarka Dekedda Berbera. Wuxuu sheegay in dekedda la casriyeeyay, isla markaana suuqa ugu weyn ee ay leedahay uu yahay Itoobiya. Sidaas darteed, inta aanu sannadkani dhammaanin, ayuu sheegay inuu saxeexi doono heshiis weyn oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya.

Maamulaha shirkadda DP World, oo 450 milyan oo dollar ku kharash-garaysay dhismaha dekedda, madaarka iyo waddada Berbera, ayaa isna sheegay in dekeddu noqon doonto mid ku xidhan suuqa Itoobiya, isla markaana Berbera ay tahay mid ka mid ah goobaha ugu istiraatiijisan ganacsiga Itoobiya.

Somaliland ayaa sannadkii hore Itoobiya la gaadhay is afgarad ay Itoobiya kaga kiraynayso saldhig badeed, halka la sheegay in Itoobiyana ay aqoonsandoonto Somaliland, lakiin is afgaradkaas sannad kadib looma badalin heshiis rasmi ah, dhinaca kale waxa jira wadahadalo u socda Itoobiya iyo Soomaaliya, oo la filayo in Itoobiya ay marin badeed kaga hesho Soomaaliya.

In ka badan 60-ka tirsan argagixisada Daacish oo lagu dilay Puntland

Hawlgal xooggan oo dhowr jiho ay saacadihi la soo dhaafay ciidanka Puntland ay ku qaadeen maleeshiyaadka Daacish oo haraadigoodu ku dhuumaalaysanayo buuraleyda Calmiskaad ayaa shalay laga laayey tiro badan.

Afhayeenka ciidamada Puntland Jen. Maxamuud Faadhigo ayaa sheegay in 65-ka tirsan argagixisada Daacish la dilay inta la arkay, isagoo xusay inay jiri karaan tiro kale oo ciidamadu aysan arkin.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida jab weyn loo gaarsiiyey maleeshiyaadka Daacish, islamarkaana ciidamadu ay sii wadaan baacsiga haraadigooda.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish

Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal culus oo shalay illaa galinkii dambe ee shalay ku dhexmarayay deegaanka Hararyo ee togga Jaceel, ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa u xaqiijinaya HOL in dagaalkan uu sababay khasaare aad u ballaaran. Sida la xaqiijiyay, ciidamada Puntland waxaa dagaalkan kaga geeriyooday ku dhawaad 40 askari oo ay ku jiraan saraakiil dhowra, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 askari.

Dhinaca kooxda Daacish, xogaha aan ka helnay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyo afhayeenka howlgalka Hillaac, ayaa sheegaya, in dagaalka lagu dilay in ka badan 100 dagaalyame oo ka tirsan maleyshiyada kooxda Daacish.

Dagaalkii habeen hore ka dhacay aagga Hararyo ayaa sababay dhimashada 27 askari oo Puntland ah, sida uu xaqiijiyay Gen. Maxamuud Faadhigo, afhayeenka howlgalka. Dhimashada askartan ayaa timid markii ciidamada Puntland ay la kulmeen weerar ay Daacish kusoo qaadday iyagoo adeegsanayay koox ismiidaamiyaal ah oo watay mootooyinka Faykoonta iyo maleeshiyaad kale.

Sidoo kale, ciidanka Puntland waxay ka hortageen gaari saarif ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lagu xirey biro adag oo xabbadu aanay karin. Intii aysan isqarxin, ayay ciidamadu toogteen 2 nin oo la socday gaariga.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Puntland ayaa guulo ka gaaray dagaalka shalay, iyagoo la wareegay goobo istiraatiiji ah oo horey ay kooxda Daacish uga talin jirtay.

Afhayeenka howlgalka Hillaac ayaa shir jaraa'id ku sheegay in la wado tiro-koobka khasaaraha kooxda Daacish, isagoo xusay in shalay la arkay 60 maydad ah, halka kuwo kalena lagu laayay godadkii ay ku dhuumaalaysanayeen.

Xamaas oo mowjado ka kicisay gudaha Israel

Shacabka Israel ayaa dib u soo celiyay cadaadiskii ay xukuumadda ku saarayeen in ay heshiis wax ku ool ah la gasho Xamaas, si maxaabiista loogu soo sii daayo.

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudbeyso heshiiska xabad joojinta ayaa waxaa habeen hore gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo ay shacabka ku dhalleeceynayaan dowladooda.

Shacabka ayaa shalay dibadbaxyadooda ka sii wada Magaalada Jerusalem (Qudus), iyagoo xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbanaya inaanay wax xadgudub ah ku samayn heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Dibadbaxayaal aan badneyn ayaa xiray waddada isku xirto Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, si dowladda ay u taageerto heshiiska xabad joojinta, iyadoo aanu jirin wax carqaladeyn ah.

Dibadbaxayaasha ayaa si kulul Dowladda Netanyahu ugu eedeeyay inaysan dhab ka ahayn xaqiijinta iyo hirgelinta heshiiska.

Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ee galbeedka Jerusalem, iyagoo dalbanaya in maxbuus kasta hoygiisa lagu soo celiyo.

Dibadbaxayaasha ayaa garaacaya durbaano, waxayna wataan sawirrada maxaabiista qaarkood iyo boorar ay ku qoran yihiin ‘hala soo celiyo’. Qaarkood ayaa gacmahooda soo marsaday rinji cas, si ay ugu muujiyaan maxaabiista dhimatay iyadoo la soo badbaadin karay iyo in kuwa weli nool ay noloshooda ku xiran tahay dowladda hadda jirta.

Shacabka ayaa isugu soo baxay bannaanka Xafiiska Raysal Wasaaraha, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Golaha Wasiirada ee Amniga Israel.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in goluhu uu ka arrinsanayo jawaabta ay tahay in laga bixiyo dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista.

Ka hor kulanka, Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay’adaha ammaanka kala hadlay qiimentoda ku saabsan arintan.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeeyay inay isku dayayaan in gebi ahaanba heshiiska la wiiqo, si meesha looga saaro xabad joojinta iyo isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Qoysaska ayaa xabad joojinta u arka rajada keliya ee ay ka qabaan inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan, waxa ayna riixayaan in Xamaas lala galo heshiis horseedaya in maxaabiis badan la soo sii daayo.

Netanyahu ayaa dhammaadkii isbuuca diray farriin uu ku sheegayo xaqiiqadii inaanan loo baahneyn in laga gudbo marxaladda koowaad ee heshiiska.

Xamaas ayaa horey ugu eedeysay Netanyahu in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.

Ciidamada Israel oo heegan la geliyay, xilli ay xiisad soo korortay

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ciidamada ku amray inay heegan galaan, ka dib markii Xamaas ay shaacisay inay hakad gelineyso sii deynta maxaabiistii ay ka haysteen Israel.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ku dhawaaqista Xamaas ay gebi ahaanba jebineyso heshiiskii xabad joojinta labada dhinac iyo is dhaafsigii maxaabiista.

Wasiirka ayaa sheegay in warka ka soo yeeray Xamaas uu yahay xadgudub toos ah oo ka dhan ah xabad joojinta.

Wasiirka ayaa faray Taliska Militariga inay ciidamada geliyaan heerkii ugu sarreyay ee diyaargarow oo ku saabsan xaalad kasta oo suurtagal ah oo Gaza ah iyo in la ilaaliyo badqabka shacabka Israel.

"Waxaan faray Ciidanka Difaaca Israel inay galaan heerka ugu sarreya ee feejignaanta xaalad kasta oo suurtagal ah oo Gaza ah iyo in la ilaaliyo bulshooyinka ku nool xuduudaha.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa yiri "Kuma soo laaban doono xaqiiqada October 7-deedii.”

Xamaas ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegtay inay dib u dhigeyso sii deynta qaybta lixaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad heshiiska ee la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo.

Xamaas ayaa sheegtay in heshiiskii lagu heshiiyay uu ka hirgeli la’yahay dhanka Israel, ka dib markii ay sheegtay in ciidamadeeda ay beegsanayaan dadka rayidka ah, oo ay u diidayaan in si nabdoon ay guryahooda ugu laabtaan iyo inay is hortaag ku hayaan nooc kasta oo gargaar ah in Gaza uu soo galo, sidii lagu heshiiyay.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay inay hakinayaan sii deynta maxaabiista, illaa iyo inta Israel ay u hoggaansameyso qodobada heshiiska.

Abu Ubaida ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ay dib u bilaabi doonaan, haddii Israel ay muujiso inay niyad u hayso heshiiska.

Muddada uu socdo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta, Xamaas ayaa shan jeer sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah. Afar jeer oo ay sii deysay min saddex qof iyo mar ay sii deysay afar qof, taas oo tirada ay illaa iyo hadda sii deysay ka dhigeys 16 qof.

Israel ayaa dhankeeda shantaasi jeer waxay wadar ahaan xabsiyadeeda ka sii deysay 566 qof oo Falastiiniyiin ah.

Heshiiska ayaa dhigaya in wejiga koowaad lagu sii daayo 33 Israeliyiin ah iyo 1,900 Falastiiniyiin ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Xamaas ugu yeeray in ay Sabtida sii deyso dhammaanba maxaabiista Israeliyiinta, haddii kalena ay Israel ka bixi doonto heshiiska xabad joojinta.

Trump ayaa Xamaas ugu hanjabay in ay cadaab dhici doonto, haddii kama dambeys aan maxaabiista la sii deynin duhurnimada Sabtida.

Trump ayaan wax shuruud ah ku xirin dhanka Israel, si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee xabsiyadeeda ku xiran.

Warka Xamaas ee ku saabsan in la hakiyay sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu ka shaqeynayay in la fashiliyo xabad joojinta jilicsan ee Gaza, si aanu u miro-dhalin wejiga labaad ee heshiiska.

Raysal Wasaare Netanyahu ayuu cadaadis ka haystaa isbahaysiga midigta fog ee wax ka soo dhisay xukuumaddiisa, oo ku adkeynaya in marka uu dhammaado lixda toddobaad ee wejiga koowaad ee heshiiska ay ciidamadu dib u bilaabaan dagaalka Gaza.

Wasiirka Maaliyadda ahna Hoggaamiyaha Xisbiga National Union–Tkuma, Bezalel Smotrich ayaa wacad ku maray in xisbigiisu uu ka bixi doono dowladda wadaagga ah, haddii aan dagaalka dib loo bilaabin bisha March, waana sababta uu Netanyahu u carqaladeynayo in xabad joojintu ay sii socoto.

Ka bixitaanka Xisbiga National Union–Tkuma, Bezalel ee dowladda ayaa soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Smotrich ayaa diidan in la soo afjaro dagaalka Gaza, iyadoo aan militari ahaan la burburin Xamaas, oo muddo dheer ka arrimineysay Marinka Gaza.

Warbaahinta Israel ee u janjeerta bidixda ayaa muddooyinkan warineysay in Netanyahu aanu ogolaan doonin in xukuumaddiisu ay burburto.

Fashil kasta oo ku yimaada dhameystirka heshiiska xabad joojinta Gaza, maxaabiistana la isku dhaafsanayo ayaa keeni doonta in dagaalka Gaza uu dib u bilowdo, waxayna soo celineysaa xiisaddii in dhawaalaba ka jirtay Bariga Dhexe ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza.

Heshiiskan xabad joojinta ayaa looga gol lahaa in si buuxda loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Xoghaye Guterres oo Xamaas ku booriyay in la sii daayo maxaabiista, sida la qorsheeyay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Ururka Xamaas ee Falastiin ku booriyay inay sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta ee la qorsheeyay in la sii daayo Sabtida soo socota.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo dib u soo celin kara colaadda Gaza, haddii kalena ay keeni doonto sida uu yiri masiibo aad u u weyn.

Xoghayaha ayaa Xamaas ka codsaday inay sii deyso qaybta lixaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad heshiiska ee la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo.

Xamaas ayaa sheegtay inay hakineyso sii deynta maxaabiista, ka dib markii ay Israel ku eedeysay in ay marar badan ku xadgudubtay heshiiska.

Xoghaye Guterres ayaa labada dhinac ugu baaqay inay ixtiraamaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan, isla-markaana ay bilaabaan wada-xaajoodyo dhab ah oo loogu gudbayo wejiga labaad ee heshiiska.

"Labada dhinacba waa in ay si buuxda u dhowraan balamaha xabad joojinta ay ku heshiiyaan, ayna dib u bilaabaan wada-xaajoodyo dhab ah.” Ayuu yiri Guterres.

Intii lagu guda jiray saddexdii toddobaad ee ugu horreysay ee heshiiska, labada dhinac ayaa sameeyay shan jeer oo maxaabiis is dhaafsi ah.

Xamaas ayaa dib xorriyaddooda u siisay 16 Israeliyiin ah, halka Israel ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.

Wejiga koowaad ee heshiiska oo socon doono lix toddobaad ayaa la qorsheeyay in lagu sii daayay 33 Israeliyiin ah iyo 1,900 Falastiiniyiin ah.

Heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ah mid nugul, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu dib uga bilowdo Gaza.

Trump oo Xamaas ugu hanjabay cadaab, haddii aysan sii deynin dhammaan maxaabiista

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Ururka Xamaas ka dalbaday inay maalmo yar gudahood ku sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii aan dhammaan maxaabiista la sii deynin maalinta Sabtida ah ay Israel ka bixi doonto heshiiskii xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac, dagaalkana uu dib u bilaaban doono.

"Waxaan oran lahaa dadkaasi waa inay soo laabtaan 12:00 duhurnimo ee Sabtida. Looma baahna is daba wareeg, loomana baahna in laba qof oo ka mid ah ama hal qof amaba saddex qof la sii daayo, balse waa in dhammaantood ay soo laabtaan, marka ay saacaddu tahay 12:00 duhurnimo.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay hakinta ay Xamaas ku sameysay sii deynta maxaabiista ayaa sheegay in ay cadaab dhici doonto, haddii aan la fasixin dhammaan maxaabiista.

"Haddii ay dhici weydo xaalku sidaan waa uu ka duwanaan doonnaa. Haddii aan la sii deyn la haysteyaasha, dhammaan cadaabta ayaa soo bixi doonta.” Ayuu yiri Trump.

Warka Trump ayaa yimid wax yar uun ka dib, markii Xamaas ay Israel ku eedeysay in ay marar badan ku xadgudubtay qodobada heshiiska, isla-markaana ay hakineyso sii deynta maxaabiista.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in Israel ay dib u dhigeyso in qoysaska barakacayaasha ay si caadi ah ugu soo laabtaan guryahooda, iyadoo la beegsaneysa duqaymo iyo rasaas ka dhaceysa meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza, mana ogola buu yiri in sahayda gargaarka ee nooc kasta leh ay soo gasho, sidii lagu heshiiyay.

Xamaas ayaan weli ka jawaabin hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, ee ah in dhammaan maxaabiista la sii daayo duhurnimada maalinta Sabtida ah.

Madaxweyne Trump ayaan wax shuruud ah ku xirin dhanka Israel, si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu waday in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska.

Cid walba waxay fahamsan tahay in Xamaas aysan sii deyn doonin dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, maadaama ay yihiin waxa ugu weyn ay ku gorgortameyso, si dagaalka looga joojiyo Gaza, loona sii daayo kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku xiran jeelasha Israel.

Xamaas ayaa lagu waday in Sabtida ay sii deyso tiro maxaabiis ah, oo sida lagu heshiiyay qayb ka ah maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska, iyadoo ku bedelaneysa tiro badan oo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay in Xamaas ay wejiga koowaad ee heshiiska ku sii deyso 33 Israeliyiin ah, halka Israel-na ay sii deyn doonto 1,900 Falastiiniyiin ah.

Xamaas ayaa illaa iyo hadda sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyinta ayaa Gaza ku haysta in ka badan 80 qof oo Israeliyiin ah.

Haddii heshiisku uu sidaasi ku burburo ayaan la gaarin doonin dhameystirka wejigiisa koowaad iyo in marxaladda labaad lagu sii daayo maxaabiis fara-badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip